| Somaliroots |
Wasiirka
Arimaha Dibada Sweden oo Mindi caloosha la daray.
Haweeneyda u ah dalkan Sweden wasiirka Arimaha dibada Anna Lindh, ayaa
iyado galabta abaarihii afarta iyo barka saacada Sweden, ka adeeganeysa
dukaan ku yaala bartamaha magaalada Stockhom ee caasimada dalkan Sweden,
nin mindi caloosha ka geliyey.
Anna Lindh ayaa markii ninka soo wareeray ku qeylisay "Alla Caloosha
ayuu Mindi i daray!" islamarkiina waxaa ay ku dhacday dhulka iyadoo
uu dhiig badan ka baxay, waxaana si deg deg ah loogu qaaday cisbitaalka
Krolinska Sjukhus oo ku yaala magaalada Stockholm halkasoo qaliin deg
deg ah caloosha looga sameenayo.
Xoghayaheeda warfaafinta Dan Svanell ayaa sheegay in xaaladeeda ay aad
culustahay inta ay la egtahayna uusan sheegi karin, balse ay dhaqaatiirtu
sheegi doonaan goor danbe.
Anna Lindh oo ah wasiirka Arimaha dibada Sweden ayaa iminka weli qaliin
ku socdaa, dhaqaatiirtana sooma saarin wax war ah, sida ay iminka xaaladeeda
tahay.
Ra'iisal wasaaraha Sweden Göran person oo iminka shir jaraa'id qabtay
welina ku jira ayaa u sheegay weriyeyaasha in aad ugu xun yahay dhibka
soo gaaray wasiirkiisa arimaha dibada "xaaladu waa culustahay waxaana
lugu hayaa qaliin" ayuu yiri Göran Person oo wejigiisa ka muuqatay
murugo aad u weyn in wasiirkiisa Arimahada Dibada iyadoo dukaan ka adeeganeysa
la soo weeraro.
Waxaa kaloo ra'iisal wasaaraha sheegay in weerarkii Anna Lindh loogu geeysay
goob ay dadku buuxeen iney tahay mid weerar lugu soo qaday bulshada Sweden
aadna ay u taabaneyso arintaasi naxdinta leh.
Nin ku labisnaa dharka askarta madaxana koofi ku watay ayaa soo weeraray
wasiirka, waxaana la sheegay in ninka falkaasi geeystay aan gacanta lugu
soo dhigin oo islamarkiiba uu baxsaday, lamana yaqaano sababta ninkaasi
ninkaasi u soo weeraro wasiirka oo marka shilkaasi dhacayey la socon wax
illaalo ah.
Ra'iisal wasaaraha oo iminka shir jaraa'id ku jira ayaa sheegay in wasiirkiisa
Arimaha Dibadda aaney heysan ragg illaalo ah taasina sababta ay ku dhacday
aanu wax tafaasiil ah ka bixin karin.
Anna Lindh ayaa lugu waday habeenimadan caawa ah iney ka qeyb qaadato
barnaamij channel4-ka Sweden soo diyaariyey kaasoo xisbiga ay ka tirsan
tahay ee talada haya kaga bixin laheyd arigtideeda ku aadan u codeynta
qaashada lacagta bahwadaagta Yurub ee EUro-da.
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
|
Alfaproduction |