Hees si layaableh loo bedelay ..

Hees uu qaado Xasan Aadan Samater oo si La yaab leh loo baddaly!

July,17.02-Muqdisho-(BOL) -Fanaanka caanka ah ee soomaaliyeed oo lagu magacaabo xasan aadan samatar ayaa hees uu ku luqeeyo si la yaab leh loo badalay marka aad dhuuxdo guud ahaan miraha heestaasi oo lagu saleeyay marxaladaha qalafsan ee dalkeena soomaaliya ee mudooyonika 12 sano ee burburka, barakaca iyo baaba'a dadka soomaliyeed uu ku dhacay.

Heestu waa hees ay dadka soomaaliyeed si aad ah u yaqaanaan waxaana lagu magacaabaa "Duceysane" miraha waxaa u sameeyay "Abwaan Tukaale" codka, laxanka iyo musiga waxaa iska leh "xasan aadan samatar" oo xiliga heestan ay soo baxaysay ku aadan abaarihii 1983, waxaana heestaas loogu tala galay ardaydii dugsiyada sare ka qalin jabisay ee dalka soomaaliya kana qeyb qaadanayay ololihii gurmadka, mashaariicda, horumarinta qaranka soomaaliyeed oo marka la soo gaabiyo ahayd (G.M.H.Q.).

Mira ahaan heesta duceysane waxay ka tarjumeysay wiil dhalanyaro ah oo uu markuu dhameeyay waxbarashadiisa dugsiga sare go'aansaday inuusan dalka ka dhoofin ee dalka iyo dadka daryeelo aabihiina sidaa uug duceeyay.

Laakiin 12 sano ee dalka soomaaliya waxaa la oran karaa lama arkin duceysane ee waxaa la arkey duleysane taa waxaa daliil u ah dalka yaa burburiyay xabaalaha badan yaa keenay yaa ka dhoofshay warshadihii iyo waxyaabihii kale ee dalku lahaa marka heestan iyadoo xaaladahaan haatan markii la arkay ayay sidaan noqotay ileen duceysane ma jiree heestiina waa sedan:-

Duleysane

Marxalada xiligaan:

Duleysane wiilkeygiyow

Anoo qori wataan ku dhalay

Dabadeed waxaan gatay dhasiike

Anoo waligay zuu wadan iyo

Jiib baan kugu soo korshow

Dalkeyga intaan duminaayay

Ugaaskeyga daaro jeexday

Dartaana saasaan u riday

Rabigay iguma dilee

Dib baan kaaga sheegayaa

Markaad tarantasate dhameysay

Adoon dibada u hilowbin

Inaad qabiil daafac noqoto

Hadaa dooratoo jeclaatay

Hoobiyaan kuugu duceeyay

--------------------------------

Aduunkaan intaad dul joogto

Tareeso yaryareysi ma lahee

Hadii rabi hub kuugu deeqo

Ha noqon doqon fuley ahaado

Beebeeshey yaan laguu xaman

Dabajeex waligaa lahow

Isbaaradana tixgali

Dagaaladana daacad u ahow

Hadiidinee tolkaaga raac

Qabiilkaaga naftaada u hibay

Waxaan daf iyo hirig ahayn

Duleysanow kuguma ogi

Murtidu duugowbi meysee

Adiga & Inta kula duleysan

Dardaaran idinka dhigayaa

Raali ahow loolama jeedo erayadan waqtigu badalay shaqsi, koox ama qabiil balse su'aashu waxay tahay:

a) dalka ma dad shisheeyaa burburiyay?

b) mise dad duleysan ?

c) mise dad duceysan?

Waxaana erayaadaan loogu talagalay si qof kasta uu burburinta dalka u naco.

Reported by: MAXAMED CUMAR "BAAKAAY"




Back to Somaliroots