Somaliroots

 

ERAYO IYO ODHAAHO SHAAGLE LAGA BAQAY !


Waxaa jira erayo iyo odhaaho ku caanbaxay taariikh ama dhacdo la xidhiidha oo ay ku soo ifbaxeen. Kadibna noqday halhays dadku mar kasta soo qaato, oo loo isticmaalo hadal maalmeedka caadiga. Eryadaas ama weedhahaas caanka noqday, inta badan xiqmad iyo hawraar loo qushuucay ayay ku fadhiyaan.

Haddaba qaar ka mid ah erayadaasi, xigmadu ka hadhay, ayaynu halkan ku soo qaadanaynaa:


SHAAGLE LAGA BAQAY

Halhaysani, wuxuu ku soo baxay nin ku noolaa magaalada Burco oo ahaa xamaal, lana odhan jiray Shaagle.

Shaagle, wuxuu u dhashay nin xoog iyo laxaad leh, wuxuuna isku qaadi jiray dhowr joonyadood oo mid kasta ay 100 kg tahay, mar keli ah. Sidaas awgeed, ayaa muruqyadiisu u dhismeen.

Haddii ay cid islaayaan Shaagle, aad bay u hawl yarayd inuu qofkaasi ay dagaalamayaan intuu kor u qaado dhulka ku dhufto. Dhowr goor ayuuna sidaas ku sameeyay dad ay is farasaareen.

Warkii ayaa la is wada gaadhsiiyay. Sidaasi ayayna ku caanbaxday halhayskan ah: Shaagle Laga baqay

WAA AF-SALAX-KU-DHAGAYAGII:
Erayadan kor ku qorani, waxay ka soo ifbaxeen sheeko dhacday oo xaqiiqo ah, waxayna noqdeen erayo reebay xusuus iyo halqabsi. Erayadan, waxay ku yimaadeen, oo yidhi nin la odhan jiray Ina Xaggaa Dheere.

Ina Xaggaa Dheere wuxuu ahaa nin allakood ah. Allakood waxay soomaalidu tidhaahdaa, ninka ka kaftama ama ka sheega Illaahay, wax aan ku habboonayn oo kaftan ah. Dhulalka ay soomaalidu degto, dad badan oo sheekooyin allakoodnimo ah laga soo weriyay ayaa jira.

Ninka Ina Xaggaa Dheere wuxuu ahaa nin noocaasi aan kor ku
soo sheegnay ah.

Ina Xaggaa Dheere, wuxuu deganaa galbeedka Hargeysa,
wuxuuna lahaa beero iyo waxoogaa adhi ah.

Ina Xaggaa Dheere neefaf adhigiisi ka mid ah ayaa dhintay, markaasi ayuu go´aan ku gaadhay inaan adhigan(arigan), isaga iyo Illaahay u wada talin doonin.

Ina Xaggaa Dheere, wuxuu sameeyay, adhigii ayuu laba qeybood u kala soocay. Wuxuuna yidhi:

- Illaahayoow! adigaa qeybtaas u talin doona, aniguna waa
igu qeybta kale.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa adhigii uu Ina Xaggaa Dheere u soocay, inuu isagu u taliyo, neef ka sakaraaday, oo aad u jibaaday, sakaraadka awgiis.

Arrintaas, aad iyo aad ayay ugu cadhaysiisay Ina Xaggaa Dheere, wuxuuna la soo cararay waran, wuxuuna ku rideeyay adhigii uu u soocay Illaahay. Wuxuu warankii ka mudhbaxay neef ka mid ah adhigii, oo halista gooyay. Markaasi ayay aad u qalaaday xannuun awgiis.

- Cabaadka day!
Ayuu yidhi Ina xaggaa Dheere, wuxuuna intaas ku daray weliba, isagoo hadalkiisii sii wata:

- Bal adba day, kowaygii sida aad u gashay !

Maalin kalena, isagoo jooga meel ceel ah oo biyo uu doonayo inuu ka cabbo, ayaa Ina Xaggaa Dheere afkiisi uu ku dhegay dhagxantii ceelka oo uu hal cabaar ah ka soo fujin kari waayay.

Ninkii Ina Xaggaa Dheere oo yaaban, ayaa haddana markii dambe ay kala foqeen dhagaxii iyo dibnihiisi.

Waxaa la yidhi, muddo dhan ayuu Ina Xaggaa Dheere, Illaahay ka biqi jiray, oo joojiyay hawlihii allakoodnimada ahaa. Hase yeeshe, maalin maalmaha ka mid ah, ayaa adhigiisi ku soo badatay dhimashadii, oo uu tarabtarab u dhintay.

Markaas, ayuu intuu iscabadhintii iyo iscelcelintii u adkaysan kari waayay, oodda ka qaaday hawlihiisi, oo uu hadlay, wuxuuna yidhi:

HADDII AANU AAMUSNO, WAA NOO AAMUS
BAAS, OO ADHIGAAS SIDAAS LAGA DEYN
MAAYO, HADDII AANU HADALNANA, WAA AF-
SALAX-KU-DHEGAYAGII!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!


MAXAY KA NUUGTAA AMA KU NUUGTAA

Erayadan kor ku qorani, iguna, waxay ka soo ifbaxeen sheeko dheer oo taariikh lagu la baxay. Waxayna u dhacday sidan:

Waxaa la yidhi, beri ayaa waraabe ka soo dacwooday in sumacdiisi la xumeeyay, xan iyo war aan jirina laga faafiyay. Wuxuuna ku cowday, in lagu sheego dembiyo aanu qabin, islamarkaasna wixii xun oo dhanna lagu eedeeyo isaga.

Wuxuu sheegtay, kuna dacwooday in aan aqoon fiican loo lahayn ee uu ka duwan yahay sida loo haysto iyo waxyaabaha lagu tilmaamayo.

Waxyaabaha uu afka ku dhuftay, ee uu sheegay in lagu xanto, uuna doonayo in laga daayo, waxaa ka mid ahaa: Inaanu ahayn mid wax booba, oo xaraan cun ah ama amaanada aanu xijin karin.

Markii waraabe la dhegaystay, ayaa waxa la go´aansaday in waraabe laga daayo eedeynta, islmarkaasna loo lala dhaqmo sida ummadda inteeda kale loo lala dhaqmo. Waxaase la damcay in waraabe la tijaabiyo.

Waxaa lagu yidhi Waraabe:

- Waraaboow! hadalkaaku waa gar iyo daw. Xaqna waad u leedahay in lagu aamino, balse waaba la hubsan dooneeye, ka bilow hawsha aad sumcaddaada ku hagaajinaysid ilaalinta hashan iyo nirigteeda yar ee ay
dhashay. Ma laguugu yimid iyagoo bedqaba, mise, sida la sheegayo waxyeelo u geysatay hashaas iyo nirigteeda?

Waraabe oo ka jawaabaya su´aashaas la waydiiyay, ayaa hadalkii dhexda ka kala jarayaya, ayaa yidhi:

- Midba

Iyadoo hadalkii la sii wado, waraabana loo sii ballaadhinayo ayaa loo kala qaaday labada arrimood ee is dhinac yaalay, waxaana lagu yidhi:

- Haddii laguugu yimaado, iyagoo bedqaba, waxaa lagaa bedelayaa sumcadda xun daayoo, magaca, waxaana laguu bixinayaa "AAMIN". Laakiin haddii loo yimaado, adigoo hashii iyo nirigteedi yarayd waxyeelo u geystay, waxaas lagaa sheegayaa, waraaboow! waa rune, waxba ha ka damqan, waa
wax aad adigu geysataye.

Waraabe, oo isku kalsooni ka muuqato, ayaa u xaqiijiyay inuu yahay mid aamin ah, oo wixii lagu aamino loogu imanaayo, iyagoo sidoodi ah, Amaano qaadkiisuna uu badan yahay. Wuxuu kale oo ku dardaarmay inaan shaki iyo
werwer laga qabin, ee uu hashan iyo nirigteedaba, si fiican u sii maamuli doono.

Markii laga tegay, ayuu waraabe wuxuu is adkeeyaba, is hayn kari waayay, wuxuuna goostay, in aanu ku fogaani hasha iyo nirigteeda, ee uu raadiyo hab waxna uu ku yara cuno, islamarkaasina aanay cid dareemi karin.

Wuxuu fakiraba, wuxuu ku tashaday, inuu hasha ka goosto afarta naas oo keli ah. Waayo ayuu is yidhi: "cidi arki mayso naasaha."

Waxooga kale, haddii uu joogay, ayuu haddana u hamuumay inuu wax cuno. Markana isagoo ku shaqaynaya fikradiisii hore, ee ahayd inuu raadsado meel qarsoodi ah, oo aanay ishu ku dhacaynin, ayuu nirigtii yarayd farruuryaha ka
goostay.

Wakhti kadib ayaa waraabe loo yimid, waxaana lagu farxay in hashii iyo nirigteedii uu hayo, waxaana loo soo jeediyay ammaan fara badan iyo boggaadin. Waxaa waraabe lagu habbalyeeyay hawsha fiican ee uu qabtay. Iyadoo weli lagu jiro farxaddii iyo raynrayntii, ayaa la damcay in hashii la godlo.

Markii uu waraabe arkay meesha xaal marayo, ogaadayna inaanu fakanaynin, ee sirtiisi ay soo baxayso, ayuu boobay hadalkii, wuxuuna yidhi, odhaahdan caanka noqday ee reebtay taariikhda iyo halhayska

:" MAXAY KA NUUGTAA AMA KU NUUGTAA?"


Xigmadda meesha ku jirtaa waxay tahay: Marka geela la soo gudlaayo, waxaa la yara jaqsiiyaa nirgaha, si ay caanuhu ugu soo dhacaan candhada. Markaas haddii aan meeshii jirinba naaso, oo candhadii naasihii laga goostay, godol ma dhici karo. Sidoo kale haddii ayna nirigtu lahayn farruuryo, iyaduna waxba ma jaqi karto, godolna ma dhici karo. Sidaas ayuu u jeeday waraabuhu. Waana la fahmay inuu sameeyay, wixii lagu sheegi jiray, wayna ku cadaatay, sidaas ayaa gartii ku dhammaatay in waraabe aan laga gar darayn ee uu isagu kasbaday sumcad xumida uu leeyahay.

 

REER AAN OGAHAY MA GUURO

Halkayskan, isna wuxuu ku baxay sheeko dheer, oo xikmad reebtay.

Waxayna u dhacday sidan:

Beri ayaa reer meel yaala ay dacawo soo gashay gurigoodi, waxayna ka cuntay yeeshii. Yeeshu waa xadhiga ugu muhiimsan xadhka la isticmaalo, marka aqalka miyaga lagu rarayo awrka. Yeesha la´aanteedna wax la rari karaa ma jiraan.

Dacawadii reerkii kamay ag fogaanine, waxay u fadhiisatay duleedka. Markii reerkii isku soo wada laabtay habeenkii, ee ay xoolahoodina soo wada nabad xeraysteen, ayay ku tashadeen inay meeshan ka guuraan.

Dacawadii oo maqlaysay doodda reerka iyo taladooda, ayaa intay qososhay, tidhi WALLEE REER AAN OGAHAY MA GUURO.

BICIIDKA AAN DILI DOONO...
Halhayskan, wuxuu isna ku baxay sheeko dheer, oo laga la hadhay xikmad.

Beri ayaa waxaa meel ku noolaa nin ugaadhsade ah, wuxuuna qabay afo uur weyn u leh, oo ay aad iyo aad isu jeclaayeen.

Ninka ugaadhsadaha ahi, wuxuu qaataa leeb iyo qaanso, wuxuuna soo dilaa
ugaadha, ay ka mid yihiin biciid, deero, daba-taag, garanuug, goodir, geri
gorayo, cawl, sakaaro, wiyil iyo wixii kale ee u gala dabinada uu dhigto.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa intaanu gurigiisi ka ambabixin, afadiisi uu damcay inuu ka sii farxiyo, una soo bandhigo waxyaabo run ahaantii, qalbigiisa uu ku hayay, lana jeclaa inuu u sameeyo afadiisa.

Sheeko dheer oo uu ku hindisoon jiray, dhex miiran jirtayna laabtiisa ayuu dibedda u soo wadhay afadiisi, wuxuuna ku yidhi:

- Biciidka aan dili doono, yeesha aan ka jir doono, lacagta laga siiso doono, sabeenta aan ka iibin doono, sumalka ay dhali doonto, subaga badhideeda laga shiili doono, adiga ayaa dhalayee dhan.

Markii uu intaas ku yidhi, ayay afadiisi, oo aad saygeeda u qaderisaa, ay ka xishootay inay subagga, iyadu horta cabto, waxayna door biday inuu isagu cabbo, waayo isaga ayaa ka hawl iyo dhibaato badan iyada, oo maalin oo dhan ku soo rafaada, inuu soo ugaadhiyo. Sidaas awgeed, ayay la noqotay inuu isagu u xaq leeyahay inuu ka hor
cabbo. Waxayna ku tidhi:

- Waar adiga ayaa gannayee dhan.

(Gannaya waxaa weeye soo tooganaya ama soo dilaya ugaadha.)

Sida sheekada lagu soo weriyay, dhowr goor ayaa midba midka kale, isagoo ku ixtiraamaya yidhi:

- Adigaa dhalayee dhan!

- adigaa gannayee dhan!

Markii la ismari waayay, ayaa ninkii ugaadhsadaha ahaa, aad uga cadhooday, kana xumaaday inay afadiisa uurka lehayd, ku diiday subaggii uu la jecelaa inay isku nafaqayso ee uu u hibeeyay. Afadiina sidoo kale, waxay aad uga cadhootay, saygeeda, oo dhibaato iyo hawlo badani ay ka soo marto ugaadhsiga, inuu diido maamulka nafaqeynta ee ay u soo jeedinayso marwadiisu.

Meeshaasi, ismaandhaaf jacayl ku salaysan oo laxaad leh, ayaa ka yimid, oo maalintaas reerkii waxaa dhexmaray isafgaran-waa iyo kala cadhoodh ay aad u kala xanaaqeen.

Laakiin xigmadda meesha ku jirtaa, waxay tahay, biciidkii weli lama soo dilin, wax subag ah oo labadooda dhex yaalay ma jirin!

Weli biciidkii kanta ayuu dhex daaqayaa, gacantooda weli ma soo gelin. Weli saantiisi yeel lagama jarin. Weli wax lacagah oo yeel laga helay ma jirto, weli sabeen adhi ah lama soo iibin, weli sumal dhashay ma jiro. Weli badhi sumal lama shiilin. weli subag lama hayo.

Bal arrintaas adigu! ka waran?

SOOMAALIYEEY MUUSE WAA KAAS

Halhaysadii xigmadda iyo taariikhda reebay ayaynu weli ku guda jirnaa, halhaysanina waa mid ka mid ah kuwa aad u caanbaxay, kuna yimid sheeko xaqiiqo ah oo dhacday, waxayna ku timid sidan:

Soomaalidu waxay leedahay, weligeedna lahaan jirtay xukun dhaqameed. Xukun dhaqameed, waxaa weeye nidaam ay soomaalidu dejisatay, oo ay isku xukunto iyadu, iyadoo raacaysa dhaqankeed. Soomaalida dhaqankeeda waxaa sal u aha reer miyinimo ama reer guuraanimo. Sidaas awgeed, intaanu inoo iman gumaystuhu, iyo intii aynaan hanan dawladnimadii ka dambaysay 1960:kii, waxaa taabogal weyn lahaa nidaamkan xukun dhaqameedka ah. Inkasta, oo markii dawladnimada la hantay, iyo xilligii aynu gumaysiga ku hoos jirnayba, uu xukun dhaqameedku dawr weyn la siiyay oo maamulka la shaqeyn jiray, welina maantadan aanu joognana uu shaqeeyo. Haddana, wakhtiga uu ugu xoogga weynaa, ugna tamarta badanaa waa waayadii hore ee ayna jirin maamullo kale oo la tartamaa ama barbar socdaa.

Beel kasta oo soomaaliyeed oo meel degani, waxay samaysataa nidaam ay isku xukunto. Waad maqashay ayaan filayaa, suldaanno, caaqillo, boqorro, ugaasyo, garaaddo, malaaqyo iwm... Kuwaasi ayaa la yidhaahdaa xukun dhaqameed iyo nidaamka ay wax ku xukumaan. Iyaka ayaa dadku haddii ay is qabtaan kala saari jiray, iyaka ayaa sharciga iyo xeerarka ilaalin jiray, islamarkaasina dejin jiray kuwo cusub. Iyaka ayaa la siin jiray waxa la yidhaahdo "sado", oo u dhignta cashuur. Iyakuna dadka ay maamulaan waxay ballan qaadi jireen inay ilaaliyaan amaanka naftooda, sharaftooda, maalkoodaba iyo deegaankoodaba (ceel iyo dhulka daaqsinta ee ay beeshu leedahay.)

Dadka xukun dhaqameedka madaxda ka noqonaya, had iyo jeer waxaa lagu soo dooran jiray xigmad, aqoon iyo hibooyin dheeraad ah oo ay dadka dheer yihiin.

Sheekadani sida ay ku baxday:

Nin ka mid ah madaxda xukun dhaqameedkaas, ayaa geeriyooday, waxaana sharci ah, intaan la aasin maydkiisa, in kii bedeli lahaa, horta la caleemo saaro.

Inta badan, xukun dhaqameedka waa la kala dhaxlaa, oo madaxa dhintay, wiilashiisa ayaa jagadiisa ku fadhiista, iyagoo raacaya, sida ay u kala waaweyn yihiin.

Habkaasi, ayay ku socotaa, sida caadiga ah, haddii aan la waayay wax wiilal ah oo uu ka tegay ninka dhintay, reerkii uu madaxu ka dhintay, uun bay u ekaataa Madaxnimadu.

Sida la ogyahay, dadka meel wada yaallaa waa isyaqaanin. Dadka la mamulayaana, aad iyo aad ayay ula socdaa, madaxa dhaqameedka iyo carruurtiisa.Waayo mustaqbalkooda ayay khusayn doonaan.

Waxaa la yidhi: Beri ayaa nin madaxa ka ahaa xukun dhaqameed beel soomaaliyeed uu dhintay. Geedkii ayaa la isugu tegay, si loo diyaariyo boqorkii cusbaa ee bedeli lahaa kan dhintay, kadibna loo caleemo saari lahaa.

Niman ka mid ah beesha oo ninkan cusub ee la doonayo in la caleema saaro xoog u yiqiinay, doonayna inaan isaga la caleema saarin, inkasta oo uu ahaa, midka xaqa u leh, in la caleemo saaro, ayaa waxay dabareen khidad, ay doonayaan, inay si dadban dadka wax caleema saaraya, ugu muujiyaan, inaan ninkani u qalmi jagada xukunka.

Waxay sii diyaariyeen wiil yar, oo ay u soo dhiibeen daasad ay ku jirto wasakhi. Waxayna u sheegeen wiilka yar inuu ku daadiyo wasakhdaasi boqorka cusub, intaan la caleema saarin.

Wiilkii yaraa, sidii lagu yidhi ayuu yeelay, boqorkii cusbaa, markii uu geedkii yimid, isagoo la gelbinaayo, ayuu wiilkii yaraa, oo ku dhex jiray dadkii soo dhawaynayay boqor-sugaha cusub kaga saydhiyay wasakhdii uu daasadda ku siday, marihii quruxda badnaa ee uu gashanaa, kana dhigay maryihii oo dhan wada wasakh.

Boqor-sugihii isagoo aad u cadhaysan, kana xanaaqsan wiilka yari waxaa uu ku sameeyay, ayuu dhenged dheer oo uu siday dabada u qabtay wiilkii yaraa, oo la dhacay.

Nimankii sii khidadeeyay arrinta, oo sugayay bal sida wax u dhacaan , ayaa shirkii intay isdhextaageen yidhi:

"SOOMAALIYEEY MUUSE WAA KAAS !!"

Sidaas ayaa dadkii geedka joogay ay u la fahmeen wixii ay sheegayeen, isla goobtiina lagu boqray nin kale oo ka dulqaad badan, halhaykanna lagu bixiyay, ninkii odayga ahaana, lagu waa siiyay jagadii uu aabbihii uga dhintay ee uu dhaxalka u lahaa.

Boqorkii oo dheged la dhacaya wiil yar
Soomaaliyeey Muuse waa kaas!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

SAADAMBAAD GARAN!
Halhayskan waxaa bixiyay nin magaciisa la yidhaahdo Dhalin Ileeye, oo ku noolaan jiray degmooyinka koonfur ka xiga magaalada Hargeysa. Dhalin Ileeye, wuxuu ahaa nin aad uga qosliya dadka, hadalladiisu ay xigmadi ka hadho.

Waxa jirtay in had iyo goor ay soomaalida beelaheeda ay dhex mari jirtay dagaallo iyo collaadi. Waxaa la yidhi: Dhalin beeshiisi ay go' aansatay in weerar ku qaado beeshii Dhalin Ileeye hooyadiis ka dhalatay ee reer abtiga u ahayd. Arrintaas Dhalin Ileeye ma jeclaysan, wuxuuna ku dhaqaaqay inuu wax ka qabto, intaan duulaan kedis ah lagu qaadin reer abtigii.

Dhalin Ileeye wuxuu u tegay reer abtigiis, wuxuuna watay faras. Waxay reer abtigiis ka yaabeen waxa uu dhalin maanta u socdo ee uu doonayo. Iyagoo ka hor ka wareegaya,doonayana inay ka soo ridaan Dhalin Ileeye waxa uu muraadkiisu yahay ee uu u socday, ayay ku tuureen hadal kaftan ah, waxayna ku yidhaahdeen:

- Dhalinoow! abti faras xumidee?

Dhalin Ileeye, isagoo arrintaasi, isaguna kaftan kale kaga jawaabaya, ayuu ku yidhi:

- Saadambaad garan!!!

Sidaas ayuu reer abtigiis ku fahamsiiyay in saadame uu jiro dagaal ban oo lagu damacsan yahay in lagu soo qaado, kuna siiyay digniin, inay dagaalka ka sii diyaar garoobaan.

Xigmadda meesha ku jirtaa, waxay tahay inuu Dhalin Ileeya, marna jeclayn in beesha reer abtigiisa ah ay beeshiisu gaadhsiiyo khasaare, waayo labada beelood ee ay aabbihiis iyo hooyadiis ka soo jeedaanba, wuxuu u arkayay inay isugu mid yihiin.

Arrimaha kale ee Dhalin Ileeye laga hayo, waxaa ka mid ah:

Wallaahi haddii aynaan karintaas ka guurin in gorayo heeraysan lagu arki!

Hadalkaas, waxaa ku yidhi beeshii uu dhex noolaa Dhalin Ileeye. Laakiin dhab umay qaadan, wuxuu uga jeedayna may fahmin. Waxaa la yidhi: muddo kadib ayay goryo is tidhi, aqal soomaali dhexdiisa biyo yaalla ka cab, markii ay luquntii dheerayd aqalkii dhex gelisay ayuu aqal soomaaligu ku dumay. Markaasu korka ka saarmay. Gorayadiina waxay damacday inay iska tuurto, waase ka dhici waayay. Gorayadii oo ordaysa ayaa meeshii dadku joogay soo martay. Inta aad loo qoslay ayaa la yidhi:

- Waa wixii uu Dhalin Ileeye sheegayay. Waa taas goryo heeraysani inagu soo martay ee meesha inaga rara.

Immika wixii lala yaababa waxaa la yidhaahdaa: Wallaahi haddii aynaan meeshan iskaga tegin inaynu wax kasta ku arki.

Waa sida halhayska ay reer Xamarku ka yidhaahdaan:

Cimrigaa dheeraadaa geel dhalaaya waa ku tusaa!

War odayaal ha gurina ee wax garad gura!

Odhaahdani waxay ku baxday sidan:

Sida aad la socotid, waxaa dhaqanka soomaalida ka mid ah in arrimaha iyo maamulka beelaha soomaaliyeed lagu gooyin jiray geedka shirka. Kaasi oo ay isugu imaan jireen wax alla wixii rag ah ee ay beeshu leedahay ee ka weyn 16 jir.

Waxaa la ydhi maalin maalmaha ka mid ah ayay odayaashii is soo baxeen, waxayna gurfaynayeen arrin aad u adkaatay oo loo maaro waayay, markii ay soo gabagabaynayeen ayay waxay goosteen in arrinta guddi gooni ah loo saaro, ee aan lagu sii wadin shir weynaha dhexdiisa.

Waxaa lagu tiraabay in odayaal la guro. Wiil yar oo geedka lagu shiraayo korkiisa fuushanaa, hase yeeshe, aan ka qeybqaadan doodda shirka, laakiise dhegaystay dhammaanteed, ayaa hadlay oo yidhi:

" Waar odayaal ha gurine, waxgarad gura".

Dadkii shirka joogay oo dhan, ayaa hadalkii inanka yar u bogay, runtiina la yaabay aqoonta iyo xigmad ka soo yeedhay wiilka yar. Waxaa ku dhacay dhammaan ka soo qeybgalayaashii shir amakaag, waxaana lagu amray wiilkii yaraa bal inuu soo dego, wixii uu yidhina ku celiyo mar kale. Sidii uu markii horeba yidhi ayuu mar labaad ku yidhi:

" Waar odayaal ha gurine, waxgarad gura".

Wiilkaasi yari markuu weynaaday wuxuu noqday madax sare, oo ka mid ah madaxdii ugu caansanaatay madax dhaqameedka soomaaliyeed. Wuxuu noqday Suldaan ka mid ah suldaanada beelaha soomaaliyeed. Magaciisa waxaa la odhan jiray Suldaan Diiriye.

Suldaan Diiriye wuxuu madax u noqday beel degta Burco iyo nawaaxigeeda. Wuxuu caan ku noqday geesino, aqoon iyo xeerdejin ku saleysan caddaalad dadka oo dhami u semanyahay.

Waxaa la yidhi dhammaan xeerarka beeshaasi ku dhaqanto hadda, aasaaskooda waxaa dejiyay Suldaan Diiriye.

Wax kasta oo dhici kara ama dhacay wuxuu u sameeyay xeer.

Waxaa la yidhi : Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa niman geelashii meel fog u kaxeeyeen, oo aad uga durugsan meeshii beeshu ay deganayd. Waxaa la yidhi, waxaa dhimatay hal ka mid ah geeli. Hasha mulkilaheedi waa uu maqnaa. Nimankii geela hayay, ayaa isku qabtay in hasha hilibkeeda la raro oo reerihii iyo mulkilhii loo geeyo iyo in aan waxba loo geynine ay iska cunaan iyaku. Way ku dhici waayay in hasha hilibkeedii cunaan, iyagoo aan fasax iyo idin ka haysan mulkilihii hasha lahaa, waxay ka baqdeen in deyn loo raaco. Sidaas awgeed, waxay cid u dirteen Suldaankii, si loo waydiiyo talo iyo iftiimin arrintaas ku saabsan, si uu uga soo siiyo. Waayo dhibaatooyin badan ayaa ka yimaada geel iyo arrinkiisa. Sidaas darteed ayay u su´aaleen suldaanka: Haddii ay hal dhimato, ninkii lahaana aanu joogin, hilibkeedu ma deyn buu ku noqon doonayaa geeljiraha, mise kuma noqonayo?

Suldaan Diiriye wuxuu arrintaas kaga jawaabay:

Raqba waa ku raggeeda.

Cidii goobjoog ah, ayuun baa cunaysa wixii si bes ah ama lama filaan u dhinta, hilib loo soo rarayaa qof maqan ma jiro, wax dayn ah, oo uu xaq ugu yeelan karaana ma jirto, ayuu ku dejiyay xeer.

Ma waxaan ku mooday, mise waxay noqotay, mise waxaan loo noqon doonin

Odhaahdan waxaa bixiyay ninka sheekooyinka soomaaliyeed caanka ku ah ee la yidhaahdo: Cigaal Shiidaad. Sida uu ku bixiyay halhayskana waxay ahayd sidan:

Sida aad sheekooyinka kaga dheregsan tihiin, Cigaal Shiidaad, wuxuu ahaa nin lagu saliday baqdin iyo fulaynimo, wuxuuna ka didi jiray hadhkiisa. Waxaa looga soo joogay, ama laga weriyay dhacdooyin badan oo Cigaal Shiidaad la soo gudboonaaday, dareenkii uu ka bixiyayna ay reebeen halhaysyo hadhi waayay oo xigmad leh. Dhowr ka mid ah ayaynu halkan ku soo qaadaynaa:

Waxaa la yidhi Cigaal Shiidaad ayaa habeen habeenada ka mid ah damcay inuu socdaallo. Cabbaar markii uu socday, ayaa gudcurkii dumay, waxayna noqotay madoow dam ah.Wuxuu arkay kortin meel ka taagan. Kortin waa geed jabay ama la gooyay qeyb ka mid ah oo dhulka ku hadhay. Kortinkii ayuu u maleeyay bahal. Wax buu ku tuurtuur, laakiin waa dhaqaaqi waayay.

Cigaal Shiidaad wuxuu goostay in aanu meeshiisa ka dhaqaaqin oo uu bahalka kolba wax ku tuuro, kuna qeyliyo, illaa waagu ka beryaayo ama ay cidi u soo gurmanayso ama uu bahalku meesha ka tegaayo. Sidii ayuu yeelay. Markii uu waaggii beryay, ayuu arkay Cigaal Shiidaad in wixii uu xalay oo dhan ka baqanayay uu ahaa kortin.

Cigaal Shiidaad, isagoo ka faa´iidaysanaya dhacdadaasi la kulantay, cashar nololeedna ka qaadanaya, ayuu odhaahdiisan caanka noqotay yidhi:

- Ma waxaan ku moodayay, mise waxaad noqoto, mise waxaan loo noqon doonin.

Isagoo Cigaal Shiidaad ka jawaab bixinaya odhaahdiisi, ayuu yidhi:

- Waxaan ku moodayay bahal, waxaadse noqotay kurtin, waxaase loo noqon doonin guure habeenimo

Xigmadaha Cigaal Shiidaad laga reebay intaas kuma eka, waxa uu Cigaal Shiidaad af soomaaliga ku soo kordhiyay odhaaho badan. Bal haddana aan qaadano mid kale oo ka mid ah, hadallada laga reebay Cigaal Shiidaad.

Waxaa la yidhi habeen habeenada ka mid ah, ayaa Cigaal Shiidaad, oo hurda meel ardaa ah, ayaa subxaanyo, soo dul martay sanka iyo afkiisa dhexdooda, dibintiisa sare korkeeda. Qabowgeedii subxaanyada iyo dareenkii Cigaal ee baqdinta badnaa ayuu ku toosay.
Cigaal wuxuu billaabay qeylo iyo oohin dheer. Taasi oo dadkii kale ee ag hurdayna ku wada tooseen. Markii la isu soo wada kacay, ayaa la arkay in wuxuba ay subxaanyo yihiin.

Cigaal Shiidaad, waxaa loo sheegay, inayna subxaanyadu, waxba cunin, halisna lahayn ee uu iska aamuso, iskana seexdo. Laakiin Cigaal Shiidaad ma aamusin, ee qeyladii iyo oohintii ayuu sii watay. Dadkii kale ayaa fahmi waayay sababta uu Cigaal Shiidaad la ooyayo, maadaama, subxaanyadiina laga dul qaaday, loona sheegay inaanay wax cunin, dhibaatana cid u geysan.

Cigaal Shiidaad oo ka jawaabayay su´aalaha dadka, ayaa halhays caan noqday ku yidhi:

Waxaan ka baqayaa inay meeshaasu noqoto waddo halaq!

Waxay tahay xigmadda meesha ku jirtaa, maadaama ay subxaanayba soo mari kartay, in halaqa laayaanka ahna soo mari karo. Halaquna waa maska ugu qatarta badan masaska, ee la yidhi wuxuu ku hanjabay: Qofka aan qaniino haddii uu yidhaah waa la i qaniinay, anigu ma qaniinin.
Micnihii marka uu wax qaniino halaqu, islamarkaasba naftu qofkaasi way ka baxdaa. Aad ayaa looga baqdaa halaqa. Markaas Cigaal wuxuu ka baqday, haddiiba ay subxaanyo, soo martay maanta, beritana inuu halaq soo maro.

Laba walba isa saaro, laba tagoogo isma saarin!
Odhaahdan waa mid xigmad weyn ku fadhida, waxayna ku baxday sheeko dhacday. Waxayna u dhacday sidan:

Sida aad la socotaan reer guuraagu, inta badan waxay cunaan wixii ka soo go´a xoolahooda, inta badanse, waxay shidhaystaan mar mar iyo dhif. Waayo xoolaha mar kasta haddii la qasho, way dabar go´ayaan.

Waxaa la yidhi maalin maalmaha ka mid ah ayaa reer qashay laba neef subaxnimadii, intii aan xooluhu kala dareerin. Wiilkii adhiga raacayay, ayaa hooyadeed u sii ballan qaaday inay u dhigi doonto cad oo hilib ah oo ka mid ah neefka qoyskoodu qasheen. Sidoo kale ayaa abtigiisa u ballan qaaday inuu isna u dhigi doono cid kale, oo ka mid ah neefka abtiyo qoyskoodu qasheen.

Wiilkii maalintii oo dhan ayuu hadba qiyaasayay bal labada cad ee loo sii dhigiyaayo kuwa ay noqon karayaan. Kolba laba ka mid ah hilibka labada neefka ayuu isa saaraa:

- Ma garab iyo awlal, ma jeeni iyo awlal mise dhabar iyo awlal, ma dhabar iyo misig ma misig iyo jeeni, mise jeeni iyo awlal, mise sakaar iyo awlal, mise badhi iyo awlal, ma luqun iyo dhabar iwm...

Maalintii oo dhan ayuu ku jirtay xisaabin. Markii uu gurigii yimid ayaa waxaa loo soo dhigay laba tagoogood. Tagoog waa lugta meesha ugu hoosaysa, laga billaabo qoobka ilaa laga gaadhayo shanshada. Arrintaasi, waxay ku noqotay filan waayo iyo fajac, in labadii neef dhammaa ee ay labada qoys kala qasheen, iyagoo, tirsanayay iinuu reerkaba ugu hawl badnaa, la siiyo laba tagoogo. Sidaas ayay ku bixisay odhaahdan ah:

- Laba walba isa saaray oo laba tagoogo isma saarin.

Xigmadda meesha ku jirtaa waxay tahay: Wax kasta waan filayay laakiin taas maan filanaynin.

Nin hooyadiina u tu'iyoo, walaaloow wuxuu ku dhaamo ma leh!

Odhaahdan, waxaa laga hayaa ninka madax dhaqameedka ahaa oo caanka ahaa, lana odhan jiray Wiil Waal. Wiil Waal wuxuu madax dhaqameed u ahaa beel soomaaliyeed oo degta nawaaxiga Jigjiga. Wiil Waal sheekooyin badan ayaa laga soo tebiyay, wuxuuna ahaa nin geesinimo, garaad dheeri, deeqsinimo iyo af tahanimo ku caan ahaa. Laakiin intii uu madaxda ka ahaa beeshiis, Wiil Waal dad badan oo sokeeye iyo shisheeyaba leh, ay colaatameen, oo waxyaabo badan oo ba' an oo xumaato lehi dhexmartay, sida ka muuqata odhaahdiisan. Wuxuuna lahaa awood badan oo aan xad lahayn.

Waxaa la yidhi maalin maalmaha ka mid ah, oo ay beeshii uu Wiil Waal madaxda u ahaa, ay guurayso, ayuu seexday badhtanka waddadii Kaara mardho, oo ah jid buur laga dhex dhisay, oo cidhiidhi ah. Waxay beeshii oo dhan ku keliftay inay istaagaan, oo sugaan inta uu ka kacayo. Waxaana la iska waayay cid ku dhiirata Wiil Waal, oo tidhaahda:

- Noo bannee waddada, aanu maree.

Nin awooddiisu heerkaas gaadhsiisan tahay ayuu ahaa.

Odhaahdan Wiil Waal, laga hayaa, waxay ina tusaysaa, in awood uu u lahaa, inuu qof ku saman karayay wax ugu xun ee qof lagu sameeyo. Taasoo ah in hooyadii loo tu'iyo ama loo guuriyo. Xad ka hooseeya oo qof binu aadami ah lagu samayn karaa ma jiro.

Xigmadda meesha ku jirtaa, waxay tahay: Dhibaatada qof lagu sameeya, wuxuun bay keenaysaa, dhibaato kale, oo aanad ka sii fakirayn inuu kugu sameeyo isaguna. Markaas wuxuu Wiil Waal yidhi: Walaalnimo inay dadka idin dhexmarto oo lagu la dhaqmo wax ka fiicani ma jirto. Wixii ka duwan walaaltinimo, isqaderin, is-ixtiraam ku wada noolaasho, khasaari uun baa kaga imanaya, inkasta oo aad istidhaahid waad ka guulaysatay, ama waad ka libaysatay, haddana guul lagaga dambeeya guul kuuma aha.Sida odhaahda kale ee soomaaliyeed tidhaahdo :

"Nin, nin ka dambeeyaa kabtiis ma yeelna"

Waa odhaah ku timid waayo-arag.

Halhaysyada Wiil Waal laga reebay intaas kuma dhamma, bal haddana aan mid kale oo xigmad huwan, oo uu Wiil Waal reebay aan soo qaadano:

Waxaa la yidh: Wiil Waal ayaa isugu yeedhay dhammaan raggii beeshii uu madaxa ka ahaa, wuxuuna soo fadhiisiyay geedkii la isugu soo bixi jiray marka ay jirto maaraynta arrimaha beeshu. Wiil Waal wuxuu ku amray raggii beesha inay u keenaan cadka ka mid ah hilibka oo ah midka rag isku raaco, wuxuuna u ballan qaaday abaalgud ciddii ku guulaysata soo helidda cadkaasi.

Raggii ayaa ku soo laabtay guryahoodi, iyagoo ku fakirayay sidii ay cidkaasi uu sheegay Wiil Waal u soo heli lahaayeen. Qaarba malihii meel ayay ku dhufteen ay u malaynayeen. Qaar waxay soo jeediyeen, oo la toosnaatay in garabku yahay hilib had iyo jeer ragga lagu soor, laguna xurmeeyo. Qaar kale waxay tilmaameen awlallada oo ah cad aad u macaan ragguna jecelyihiin.

Nin waliba neef ayuu qalay, wuxuuna afadiisi u sheegay in cadka hebel ay kolay ugu rido, markii ay waydiisay, waxa uu cadka ku falayana, wuxuu uga sheekeeyay arrinta uu Wiil Waal ka dalbaday ragga beesha oo dhan.

Ragga beesha waxaa ku jiray oday, iska ah sabool. Sidiisa isaga af gaaban. Sideedabana Soomaalidu, waxay ku qaderisaa dadka hadba inta hantidiisu leegtahay. Ninkaasi bulshada dhexdeeda, wuxuu ka ahaa nin aan sidaas uga muuqan. Waxaa intaas u sii dheeraa, inuu lahaa carruur badan, oo wada hablo ah. Taasoo ay bulshadu si kale u arki jirtay.

Odaygii markuu shirka iyo geedka ka soo laabto, wuxuu caado u lahaa inuu xubnaha qoyskiisa uga sheekeeyo arrimaha lagu soo qaaday geedka iyo shirka, si laab furanna uga la sheekaysto.

Amarkii Wiil Waal markii ay ka sheekaysteen, ayaa gabadh uu dhalay, ayay u sheegtay inay garanayso, waxa uu Wiil Waal u jeedo. Sidaas awgeed ayay ka codsatay aabbaheed inuu neef qalo.

Odaygii, oo marka horeba iska danyar ahaa, islmarkaasna, aan doonaynin in Wiil Waal iyo ragga kale ee beesha horteeda inaan lagu ceebayn, ayaa inantiisi ka diiday soo jeedinteedi. Laakiin inantii kamay hadhin ee dhinaca hooyo iyo hablahoodi kale ayay ka martay, waxay kuligoo isku raaceen in la tijaabiyo bal waxan ay sheegayso, lana geeyo cadkan ay tilmaantay.

Odaygii, isaga oon rumaysnay, kuna qanacsanay inantiisa rayigeeda, ayuu qalay neefkii, waxayna inantii soo gooysay hunguri. Odaygii markuu arkay cadka ay inantiisu soo goosay, ayaaba baqdintiisi ka sii farabadatay intii hore.

Si kastaba, ha ahaate, wuxuu soo qaaday cadkii ay inantiisu soo meedhay, isagoo caga-jiidaya, wuxuuna dhigay meel loogu talogalay cadadkii la soo ururiyay ee ay keeneen ragga beesho, waxaana la isdaba taxay kolayo fara badan.

Wiil Waal, xilligii uu dadka ballamiyay in lagu keeno cadka rag isku raacay, markii la gaadhay, ee raggii beesha aanay cid maqani jirin, ayuu billaabay inuu eego kolay kasta waxaa ku jira.

Kolba mid ayaa loo keenaa, markaasu waydiiyaa: Kolaygan yaa leh?

Qofkii lahaa ayaa intuu istaago, sheega magaciisa. Mid kasta waxaa loo sheegaa inuu saxay iyo inuu khalday.

Ilaa intii laga soo gaadhayay kolaygii odayga, wax sax helay ma jirin.

Markii kolaygii odayga la soo qaaday, lana waydiiyay cidda leh, ayaa odaygii oo baqdin iyo naxdin la kurbanayaa sheegay magaciisa. Wuxuuna hiifayay inantiisa, oo uu ku eedaynayay in maanta waxa gaadhaba ayay iyadu ka masuul tahay."Inkaar Qabtadu", waa sida uu afkiisu hoos u lahaaye.

Wiil Waal markii uu eegay cadka ku dhex jira kolayga odayga, ayuu odaygii si aan caadi ahayn u eegay, wuxuuna waydiiyay mar kale: Ma adiga ayaa keenay cadkan?

Odaygii ayaa baqdin awgeed, iska qirtay in ay inantiisu, ku keliftay inuu soo qaado cadkaasi.

Wiil Waal ayaa amar ku bixiyay in inantaasi loo yeedho. Sidii ayaa la yeelay, inantiina waxaa la waydiiyay sababta ay cadkan ugu dooratay inuu yahay cadka rag isku raacay.

Waxayna sheegtay, in rag waxaa walaaleeyaa uu yahay "HUNGURI".

Sidaas ayay ku baxday xigmadda ah :

Cadka rag isku raacay ha la ii keeno!!

Sheekadu, waxay intaas ku sii dartay, in inantii caqliga badnayd, ee raggii beesha oo dhan tartanka tijaabada helitaanka xigmaddaasi ka badisay uu guursaday Wiil Waal, reerkii saboolka ahaa ee odaygna uu siiyay xoolo iyo hanti badan oo aan la koobi karayn. Sidaasna ay ku noqdeen reer Hodan ah oo la tixgeliyo, marka maaraynta arrimaha bulshada laga hadlaayo.

Iska hadloow Ina Higare!

Odhaahdan waxaa laga hayaa qof dumar ah oo soomaaliyeed, in kasta oo aan magaceeda la garanaynin. Waxayna ku soo baxday sidan:

Ina Higare wuxuu ahaa nin ku dhashay gobolka mudug, waxna ku bartay dalka Hindiya, muddadii Ingriisku uu xukumayay Hindiya. Maadaama ay dawladda Ingriisku ay dhulka Soomaalida qeyb ka mid ahna ay xukumaysay, waxay u baahnay dad soomaali ah, oo wax bartay, kana kaalmeeya xagga maamulka dhulka soomaaliyeed ee xukunkeeda ku hoos jiray. Sidaas ayaa dawladda Ingriisku ku soo shaqaalaysay Ina Higare, una keentay magaalada Burco.

Ina Higare wuxuu ka noqday madax sare Maxmiyaddii Soomaaliyeed ee Ingriisku xukumayay, ee loo yaqaanay "British Somaliland", markii dambena loo bixiyay gobollada waqooyi ee Soomaaliya, maanta loo yaqaan "Somaliland" .

Xilligaas Ina Higare, uu lataliyaha u ahaa maamulkii Ingriiska, wuxuu siin jiray talooyin , ku saabsan, waxyaabo badan oo aanu Ingriisku fahmi karayn. Waxyaabaha uu sharciga u dejiyay Ina Higare, waxaa ka mid ah in cashuur la bixiyo, taasoo dadka Soomaalieed ku cusbayd.

Haddaba sida ay odhaahdani ku baxday, waxaa la yidhi: Markii ay qoftan dumarka ahi, ay dhegaysatay talooyinka Ina Higar iyo Ingriisku soo jeedinayeen, ayay aad uga yaabtay, waxayna tidhi odhaahdan caanka noqotay ee ah:

- Iska hadloow Ina Higare!

Xeerba waa xeer, oo waa xabag cadaadeed...

Odhaahdan, oo ah hees gaaban oo afaray nooca loo yaqaan ah, waxaa tiriyay wiil yar oo soomaaliyeed, oo geeljire ah.

Wuxuuna u tiriyay saaxiibkiis, oo ay geela la wada joogeen. Intii geelu u daaqayay, ayay xabag doonteen. Waxaa dhacday haddaba, in wiilkii kale helay xabag weyn ka hor helay, islamarkaasna, uu u diiday inuu wax ka siiyo. Markaasi ayaa saaxiibkii wax loo diiday, isagoo cadhaysan, tiriyay midhaha heestan, oo uu ku sheegayo xigmad weyn oo ah : In xeerka uu hadda dhigto, isna hadhow uu kula dhaqmi doono, wuxuna sideedaba ay cunto tahay, wuxuuna yidhi:

xeerba waa xeer, oo waa xabag cadaadeed, oo waa la xaari doonaa!!!!

Xigmadda meesha ku jirtaa, waxay tahay: in wax aan qiimo weyn sidaas u sii lahayn, aydaan saaxiibkaa ku kala dhimayn ama isku nicin.Waxaa ka weyn xabagta saaxiibnimada iyo weliba, midda kale, in nabsigu isdaba socdo, oo maanta, haddii aad adigu, hor heshay, hadhowna wuu saaxiibkaa hor heli doono xabagta. Markaasna uu ku marin doono xeerkii aad sii dhigayteen. Tan ayay ku salaysan tahay, wax-isa-siinta Soomaalidu. Qof walba xeerka aad u dhigato, ayuun buu hadhow kugu dhaqayaa. Waana ta Soomaalidu tidhaah:

"Xoolahaagu ama xero ha kuugu jiraan, ama xeer ha kaaga maqnaadaan".

MA ANIGAA KEENAY SUDAANTA

Halhaysan kor ku xusani, wuxuu ka mid yahay, halhaysada aadka loo xigto, ee ku dhashay dhacdo xaqiiqo ah, kadibna, noqday halhays ma hadho reebay. Haddaba sidii uu ku baxay halhaysani waa sidan:

Waxaa jirtay 60naad:kii inay Soomaalidu xiiso weyn u haysay fanka iyo heesaha Sudaanta, ee wadanka Sudaaan. Waxa aad loo dhegaysan jiray fanaaniinta waaweyn ee dalka Sudaan, ee ay ka mid yahay: Maxamed Alwerdi, Saalax Al ibnal Khaliif Al-baadiya, Albalaabil oo ahaa laba hablood iyo qaar kale oo badan. Heesihii aad looga xiisayn jiray, waxaa ka mid ahaa, kuwa uu qaadi jiray Maxamed Alwardi ee "Cumaral Suhuur" "Ashraqal Subxu" iyo kuwii uu qaadiri jiray Saalax Al Ibna Khaliif Al-baadiya ee ay ka mid ahaayeen : "Muddo Badan maanan idin arag" oo uu af Soomaali ku qaadi jiray, "Cabuud wa Aadan Cabdalla", oo loo tiriyay labada madaxweyne ee dalalka Sudaan iyo Soomaaliya. Waxaa iyana aad loogu riyaaqi jiray cododka dahabiga ee hablaha "Albalaabil".

Dhinaca kale Sudaaniyiintu, waxay iyana aad uga heli jireen fanaaniinta Soomaaliyeed, waxayna aad u dhegaysan jireen codka dahabiga ee fanaanada weyn ee Soomaaliyeed Xaliimo Khaliif "Magool". Waxay codkiisa isna ku raaxaysan jireen, oo si weyn Sudaan looga dabadhacay Maxamed Suleymaan "Tubeec" iyo fanaaniin kale oo badan oo ay ka mid tahay Khadiija Qalanjo.

Waxay labada wadan iswaydaarsan jireen booqashooyin iyo socdaallo fanneed, oo ay labada dal ku kala tegi jireen kooxo ka tirsan fanaaniintu, kana soo bandhigi jireen masraxiyado.

Haddaba, sida ay ku dhacday dhacdadan, aynu ka hadlaynaa, waxay ahayd ayaa la yidhi: In fannaaniinta reer Sudaan oo oodahoodu iyo dhigahoodi wataa ay booqasho ku yimaadeen dalka Soomaaliya, oo ay soo mareen magaalomadaxda kowaad iyo tan labaad.

Markii ay yimaadeen magaalada Hargeysa, waxay ka tumeen xarunta weyn ee beerta Xoriyada. Halkaasi oo dadweynihii reer Hargeysa isugu soo baxeen, oo meel la kala fadhiisto la waayay. Waxaana fannaaniinta lagu qubay waxyaabo badan oo lagu muujinayay jacaylka loo qabo.

Gabadh ka mid ahayd dadweynaha xiisaha weyn u haya Suudaanta iyo fankooda ayaa, marka ay waxoogaa joogtaba, fannaaniintii reer Sudaanta mid ka mid ah inta ay kacdo, sudhaa dahab ka mid ah dahabkeedii badnaa ee ay isku soo sharaxday habaykaas qiimaha weyn la leh awgeed,

Dhaqanka Soomaalida ee arrintaas ku abbaarani, wuxuu yahay: in fannaanka la siiyo saacad ama dahab, markuu heesta dhammeeysto, inuu si qarsoodi ah, ugu soo celiyo alaabtii la siiyay, dadkii siiyay. Laakiin Sudaantu, wixii lagu guddoonsiiyo meesha macfalka, indhaha kumayaalka qof hortood ee loogu deeqo, waxay u qaataan, wax aan waxba ka soo noqonaynin. Waa dhaqankooda. Waxaana la siiyaa marka ay heesayaad lacag wejiga lagaga dhejiyo ama jeebabka loogu guro. Sidoo kale saacaddo iyo wixii qaali ah ee ka soo gaadha dadka ay u heesayaanna sidaas ayay u qaataan, in la siiyay.

Gabadhii dahabkii badnaa ee ay habeenkaas sudhay fanaantiinta reer Sudaan, haba yaraatee, wax kaga soo noqday ma jirin. Sidii ayay gurigeedii ku qabatay iyadoo ka fara madhan dahabkii badanaa ee ay xidhnayd. Qaar kaatunno ayay faraha u gelisay, qaar kalena waxay qoorta u sudhay Silisyo.

Waxay garan wayday si ay seygeedi ugu sheegto, dhibaatada dhacday, waxayna isaka gaabsatay afkeedi. Mudo ka dib, ayuu waydiiyay seygeedi, waxaa ku dhacay dahabkeedii iyo meesha uu maray, waxayna ugu jawaabtay weedh gaaban, hase yeeshe, huwan xigmad iyo hawraar badan, taasi oo aan cidna ka daba hadlin ee ay arrintii ku xidhantahay. Waxay tidhi:

- Ma anigaa Sudaanta keenay? !!!!

Xigmadda meesha ku jirtaa waxay tahay: Khaladka anigu ma lihi ee waxaa iska leh, ciddii Sudaanta casuuntay. Hadda waxaa loo isticmaalaa weedhan su´aasha ah. Marka aad ka hadlayso wax awooddaada ka baxsan, oo aan lagugu canaanan karin.


INA SANWEYNANA U GEE !

Eraydan dusha sare ku qorani, waxay ka mid yihiin weedho la isticmaalo, oo wax lagu la baxaayo, laakiin waxay ku yimaadeen sheeko dheer oo dhacday, kadibna ay ka dhalatay xigmad iyo odhaahdani. Bal haddaba aynu soo qaadanno sidii ay ku baxeen erayadani:

Ina Sanweyne, wuxuu ahaa nin Soomaaliyeed, oo aad iyo aad u caqli badan, aqoon weyna u leh xeerarka iyo garta Soomaaliyeed.

Waxaa jirtay, inay Soomaalidu lahayd hab dhan oo xeerar ah oo u dejisan bulshada, sidii ay isu xukumi lahayd, laguna kala gar bixi lahaa.

Marka khilaaf yimaado, waxaa la isla tegi jiray geedka iyo shirka ee may jirin wax maxkamado iyo qaadiyaal ihi waayadii hore. Maxkamad waxaa la sameeyay markii ay dawladnimo timid, ha ahaato tii gumeysiga ama kuwii kale ee Soomaaliyeed ee kala dambeeyay. Qaadi isna waa qofka wax ku xukuma diinta islaamka.

Bulasha dhexdeedka waxaa ka soo bixi jiray niman ku noqda garta iyo kala saaridda dadka aqoonyahanno la isula yimaado.

Sida ay sheekadani ku baxaday, waxaa la yidhi: waxaa jirtay gar adkaatay, oo markii la naqaba, racfaan laga qaato, oo meel kale iyo dad kale la isula tago. Waxay noqotay gar cid gooysa oo soo afjarta la waayay.

Waxaa markii dambe loo keenay Ina Sanweyne. Ina Sanweyne si fudud oo loo qaadan waayay, ayuu gartii muddada dheer soo jiitamaysay u dhammeeyay, ugana faraxashay, iyadoo labadii dhinacba aad uga mafsuudeen, sida uu ku dhammeeyay garta.

Arrintaasi warkeedi, dadkii Soomaaliyeed ee meel kasta yaalay ay uu ku dhex faafay, waxaana la isgaadhsiiyay in uu Ina Sanweyne yahay ninka Soomaaliyeed ee ugu gar yaqaansan. Marka ay rubato ama rakata, la isula tago ama la soo egmado. Egmasho waa mar qof laga dhigto afhayeen kuu doodda.

Intii xilligaas ka dambysay, dadka Soomaaliyeed ee loo doorto Xeerbeyti, ee gar qaadaa, marka soo bandhigayaa go´aankooda ee soo gebagebeeyaa, ayaa waxay ku xidhaan hadalkooda: Waa sidaas go'aankayagii aannu soo gaadhnay. Waana gar saxa. Waxayna intaas ku daraan:

- Ina Sanweynana u geeya !!

Xigmadda meesha ku jirtaa waxay tahay: "Wax dambe oo gartaas ka imanayaa ma jiro, cid kasta haddii loo geeyo, xittaa Ina Sanweyne, oo garta ugu haysta Soomaalidu. Sidaas aanu idinku xukunay, ayuun bay nagu raacayaan. Markaas sidaas garta go'aankiida ku aqbala, oo ku qaata.


By:Awale

Contact to: awale@telia.com

 

 

Alfaproduction