WARARKII
UGU DAMBEEYEY EE CUDURKA SARS . Cudurkaan cusub wuxuu ku dhacaa sambaha. Waa cudur aad lays qaadsiiyo waxaana laysugu gubiyaa marka qof qaba cudurka uu kugu Qufaco ama Hindhiso. Lama yaqaan waxa keena iyo sida loo baaro ama ogaado. Laakiin waxaa la aaminsan yahay in uu ka yimaado laba fiirus (Virus) oo la yiraahdo "Coronvaris" kuwasoo keena hargab (cold) iyo Paramyxovirus oo ah ka keena Jadeecada (measles) iyo (qaamo qanshiir (mumps). Dunida inteeda kale, dadkii ugu badana ee ku dhaca cudurkaan SARS ayaa laga helay Gobalka Ontario marka laga reeba Asiya oo meesha uu ka soo bilawday. Kanada waxaa loo malaynayaa in ay qabaan in lagu qiyaasay cudurka 226 qofood. Toronto waxaa lagu qiyaasay ila 188 qofood. Cudurka SARS wuxuu saameeyay in ka badan 2600 qof oo ku kala nool 20 wadan aduunyada. Waxaana u dhintay cudurka 100 qof. Afartan ka mid ah dadaas dhintay waxay ku dhinteen China. Toban kalena waxay ku dhinteen Kanada gaar ahaan Toronto iyo nawaaxigeeda. America (USA) waxaa cudurka lagu arkay 148 qofood. Hong Kong sido kale waxaa lagu arkay 883 qofood. Waxaa muhiim ah in qofkii iska arka calaamdaha soo socdo waa in uu dhakhso ula xirriira dhakhtarka ama waaxda Caafimaadka Bulshada ee Toronto (Toronto Public Health) (416) 338-7600 ama Telehealth Ontario, 1-800 454-8302. Calaamadaha ayaa waxaa ka mid ah: Qandho (fever) 38 c, Qufac (cough), Neef tuur (short breathing) Neefsashada oo dhibta (difficult breathing) iyo madax xunuun, dareen sidii qof jiran oo kale iyo qofka oo booqasho ku tagay Aasiya (Asia) ama qofka ku dhawaa qof lagu sheegay SARS. Waa in aan xiriir la yeelan cusbitaalada soo socda: Scarborough Grace. Scarborough General. St. Micheal Mt. Sinai Sunnybrook Women’s College York Central Waa in xiriir lala yeelan dadka dhawaanahaan wadamda soo socdo: China Hong Kong Viyetnam Taiwan Ugu dambayntii waxaa muhiim ah in qofkasta uu ku dadaalo sidii uu daryeeli lahaa caafimaadkiisa iyo inta la nool. Cudurkaan waa cudur khatar ah oo aanla garanayn waxa keena isla markaana aan daawo lahayn.
Waxaa soo Diyaariyay Dr. Abuukar Moallim abukaar@yahoo.ca Qaranimo.com Toronto, Canada |
||
This whole homepage was created by Alfaproduction If you have any comments, send them to Alfalima@hotmail.com
Copyright © 2003 Somaliroots.com