| Somaliroots |
MUSHARAXIINTA
MADAXTINIMADA SOMALIYA EE SHIRKA MBAGHATI Shirka dib u heshiisiinta ee ka soconaya college-ka Mbaghati ee duleedka magaalada Nairobi ayaa la filayaa in uu guda galo wejigiisii 3-aad ee loogu tartamayay doorashada madaxtinimada & qeybsiga hilbaha hasha Maandeeq waxaana isa soo sharaxay siyaasiyiin, aqoonyahano & duubab doonaya in uu mid kastaahi ku guuleysto in uu madax u noqdo Soomaaliyada cusub, waxaana musharixiintaasi ka mid ah: C/llaahi Yuusuf Axmed oo ah madaxweynaha maamul goboleedka Puntland sidoo kale na ka mid ahaa saraakiishii u horeeyay ee qoriga u qaadatay ridista xukuumadii Max’ed Siyaad Barre, C/llaahi Axmed Caddow & C/raxmaan Jaamac Barre oo labaduba xilal wasiir arrimo dibadeed & maaliyadeed ka soo qabtay xukuumadii milateriga kuwaas oo ictiqaadsaan in haddii-ba madaxdii jabhaduhu wax qaban waayeen in dalka & dadkuba u baahan yahay. Xuseen Max’ed Ceydiid & Jen. Aadan C/llaahi Nuur (Gabyow) oo ka mid ahaa gudoonka golaha wareega SRRC. Faarax Weheliye Caddow (Sendiko) oo ahaa ninkii ugu sareeyay isboortiga Soomaaliya. Zekeriye Max’uud Xaaji Cabdi oo wasiirka hidaha & tacliinta sare ka ah dowlada KMG ah. Najiib C/kariin oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed in mudo ahna dibadaha ku noolaa. Muuse Sheekh Max’uud (Muuse Yaxaas) oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed haatana ku sugan magaalada Muqdisho. Xubnahan & xubno cusub oo la filayo in ay ku soo biiraan ayaa la dhexdhegi doonaa sanduuqii cadaa ee doorashada si la mid ah sidii ka dhacday Carta oo kale oo ay 25-kii Ogosto 2000 ugu loolameen 15 musharax doorashada madaxtinimada oo uu aaqiritaankii ku guuleystay C/qaasim oo isna sheegay in uu wax ka wadi waayay beeshiisa Hawiye. Marka aad dhageysato doodaha dadka ee ku aadan shaqsiga lagu aamini karo maanta masiirka umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ay dadka qaar fikiradahooda ku cabirayaan in loo baahan yahay in hogaanka dalku uu qabto shaqsi milateri ah sida C/llaahi Yuusuf oo waaya aragnimadiisa & biseylkiisa siyaasadeed ku samata bixin kara dalka haddii bay leeyihiin uusan ku dhaqmeyn waxa Soomaalidu caadeysatay ee ah nin tooxsiga & qabiilka, waxaana fikirkaasi barbar socda fikir kale oo qeexaya in aan looba baahneyn dadkii umadda baday ibtiladii & kadeedkii 13-kii sano ee meehanowga lagu jiray lana siiyo fursad kuwa gacmahoodu nadiifka yihiin dadkuna aysan ku kaadsoomin in mar kale loo hoosaasiyo kuwii baday Soomaalida halka ay maanta joogto. Doorashada oo laga daawan doono kanaal si toos ah u soo tebin doona qaabka uu ku soconayo shirkaasi ayaa ay dadki si weydiinayaa shaqsiga mudan maanta in Soomaaliya uu ka samata bixiyo xaaladaha cakiran ee ay dulsabeyneyso. Madaxweynaha dowladiisu sii libdheyso C/qaasim Salaad ayaa la is weydiinayaa ma ku biiri doonaa musharixiinta madaxtinimada shirka mise wuxuu ka door bidi doonoo in uu noqdo oday Soomaaliyeed.
Cabdishakuur Cilmi Xasan cabdishakuur48@hotmail.com Qaranimo.com Muqdisho, Somalia
Fadlan wixii warar aad heyso ku soo dir Emailkan hoos ku xusan:
|
Alfaproduction |