Wamal
Xayaatul Dunyaa

In Soomaali maseerto,
midnimo loo hanqaltaago,
meesha waa ku jirtaa,
wamal xayaatul dunyaa illa mataacul quruur.
Mar haddeey madaxdeenna madasha toos u furaan,
Murunka soo afjaraan,
muujiyaan is walaashi & mowduuc nabadeed,
maslaxo caam ah dhisaan, masaakiinta caruurta,
maatida heer tabareedka in mudnaanta la siiyo midnimo
loogu adeego,
moxogoodana u xirtaan wax macaan badan waaye,
oon ku miirsan kareyno maskaxdeen ku dageysoo,
muraalkeen ku dhismaayo.
Muuse shaah iga dhiib, macoow haashka isii
Maaxi koostar isaar, maanaboolyo igeey,
Muxudiin alif keen, Maaddeey qaam iska baar,
Mursal ii macbileey Xaajiyayaasha middood ood macruufo
tihiin,
Madiinaan u socdaa ama meel un ku sheeg Maska diirta
cambuulo
iyo madaalka galeey inaan manta niraahno mehered noo
noqon meyso,
mustaqbalaa la rabaa, rajo muuqan kareysoo miraheed
la cunaayo.
Masaariifta caruurta, mugdi beey ku jirtaa,
Marasho iyo madaxsaar minin ijaar ma awoodno,
Mushahar meel laga dhiibo oo maciishadda suuqda
iyo maamulka qoyska lagu moodi karaayo mar horaa u dambeysay,
inaan meesha yuurarnoo, maalin daa’in marqaanno waa
marduuf ama qeyb,
majin iyo qoriyaal maskaxdeen ku duqeynno, meherad noo
noqon meyso,
mustaqbalaa la rabaa rajo muuqan kareeysoo miraheed
la cunaayo
Mufumeento la’aanta & mashaalkilka taagan,
macbuudoow naga mooti, maslaxo caam ah nasii,
inaan maanta niraahno meesha waa ku jirtaa.
Mindi daab an laheyn,
madax dooro ma gooyso
Xattaa malaay sar saroow ma awoodi kareyso,
midigta & bidixdeeda ismagan sashadooda waa muhiimadda
guusha,
mowqifkeenna israaca midnimo & xasilooni maslaxo
& nabad waarta,
wax kaloo na maraaya ineey meesha oolin wa iska muuqan
kartaa,
wamal xayaatul dunyaa illaa mataacul quruuri.
Back
to SomaliRoots