Somaliroots

ISMA-OGA

Isma oga Ismiir iyo ninkii ayro foofsadaye
Isma oga arbaha weerka iyo ariga goosmaaye


Isma oga waraabaha am! liyo awr la laayacaye
Isma oga atoor qadow bartiyo uubta loo qodaye


Isma oga nin urugaysan iyo iilka kii dhigaye
Isma oga dhillida uunsatiyo awga taa'ibiye


Isma oga aqoon xume dhergiyo meleg Arsaa'iile
Isma oga agoon iyo ninkii aabaheed dilaye


Isma oga askari qooqan iyo nimaan afbuux siine
Isma oga abeer qalabliyo inanka doonaaye


Isma oga ugaadh iyo libaax adamiyaystaaye
Waxba gabaygu yuu ila ordine waxaan ku soo ooday


La illow nin aakhiro tegoo iilka hoos maraye


Ismail Mire

Fadlan wixii warar aad heyso ku soo dir

Emailkan hoos ku xusan:

Alfaproduction@yahoo.com

 

 

Alfaproduction