|
IDAACADA LAASCAANOOD
Radio LA
FM 93Mhz
Wareysi
ay La yeelatay Somaliroots
Mudane Ismaciil Aftaag oo ka waramay Aasaaskii
Idaacada Laascaanood

Somaliroots:
Goormee ayey Aheyd Markii ugu Horeysay ee La asaasay Idacada Laascaanood
Mudane Ismacil Aftag: Idaacadda
laascaanood waxaa si toos ah hawada looga dhegaystey Sanadkii Labada Kun
Taariikhdu markey aheyd 10/10/2000, maalintaasi waxay dadkii deegaanka
u noqonatay maalin aad iyo aad ugu weyn, maxaa yeelay deegaanka Sool,
Sanaag iyo Hawd waxay ahayd markii ugu horeysey ee ay dadkaasi u dhashay
samaystaan idaacad madax bannaan.
Waxana waqtigaasi qalabka Idaacada Lagu aasaasay ka mid ahaa, sida Baytariga
Baabuurta oo ay isaga u isticmaalayeen koronto ahaan, hal maykarafoon,
hal rikoodh oo ahaa noocii ugu horeyey ee Panasonic hal sameecadna lahaa
iyo Fooneeye ay isticmaali jireen ciidamadii qalabka sida.

Farsama yaqaan "SHIINO"
Idaacadda Laaascaanood
(Bidix
Farsama yaqaan "SHIINO")
Somaliroots: IDAACADDU MAXAY
QABATAA?
Mudane Ismacil Aftag: Tan
iyo intii ay jirtey waxay door weyn ka qaadatay waxyaabo fara badan oo
ay ka mid yihiin dhinaca adeegga bulshada, waxaana laga sii daayaa barnaamijyo
baraarujin ah sida mid la odhan jirey Hubka dhigista.
Waxaa kaloo hada laga sii daaya barnamijyada ay ka mid yihiin SAHAN, CAAFIMAADKA,
DEEGAANKA, WAXBARASHADA IYO CAWEYSKA SABTIDA IYO BANDHIGGA RAADYAHA.

FAA'ISA CABDI DHALAC IYO
SAYNAB CABDI WARSAME
( Wariyeyaasha Idaacada
Laascaanood )
Somaliroots: WAQTIYADEE
AYEY SOO GASHAA?
Mudane Ismacil Aftag: Sida
qaalibka ah waxay soo gashaa maalin kasta saacadu markay tahay kowda duhurnimo
waxayna hawada ka baxdaa laba duhurnimo, isla galabtiina waxay soo gashaa
lixda makhribnimo waxayna si toos ah hawada uga baxdaa sagaalka fiidnimo.
Somaliroots:
Mowjadee Ayey dadweynaha ka dhageysankaraan marka laga reebo shabagada
internetka.
Mudane Ismacil
Aftag: Dadweynaha Soomaalieyeed Waxay si
toos ah ugu dhageysankaraan Mowjada FM 93Mhz
1:00 PM-2:PM
and 6:00 PM-9:00 PM
Somaliroots: TIRADA SHAQAALUHU
WAA INTEE?
Mudane Ismacil Aftag: Maadaama
ay maalin kastaba ay sii kobcayso, hada waxaa si toos ah uga hawl gala
shaqaale gaadhaya ilaa 12 qof, oo kala ah sadex gabdhood iyo sagaal wiil
intoodubana waa naftood hurayaal mana jiraan maamul ay tirsan yihiin,
amaba ay u xagliyaan, hase ahaate waxaa jira dad deegaanka u dhashay oo
dibadaha ka soo caawiya. Waxay Idaacada Rajeyneysaa in ay Degto Xurun
weyn oo ka howl geli karta shaqaale ka tiro badan inta hadda ka shaqeysa.
Waxaana Idaacada AGAASIME u ah FAYSAL JAAMAC AADAN iyo Agaasime ku xigeenkiisa
FAARAX MAXAMUUD SUGULLE DAKHARE oo labaduba ah aad ugu dadaala horumarka
idaacada.
Somaliroots: HALKEE AYEY
KU TAALA IDAACADU
Mudane Ismacil Aftag: Idaacaddu
xarunteeda waxayna ku taala badhtamaha magaalada madaxda gobolka SOOL
ee LAASCAANOOD.
|