| Somaliroots |
ABWAAN MAX’ED IBRAAHIM WARSAME (HADRAAWI)
OO
KA WARBIXIYEY QAABKA UU U SOCDO AQOON ISWEYDAARSIGAN KU SAABSAN BADBAADINTA
AF-SOOMAALIGA IYO DHAQANKA… (Wareysi) Kaddib markii uu shalay magaalada Jabuuti ka furmay aqoon isweydaarsi looga hadlayo badbaadinta Af-Soomaaliga iyo dhaqanka, ayna ka qeyb galayaan Qorayaasha iyo hal abuurayaasha Soomaaliyeed ayaa waxaa inoo suuragashay in aan wareysi ku saabsan aqoon isweydaarsigan la yeelano Abwaan Max’ed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka mid ah Hay’adda Somali Speaking Pen ee soo qabanqaabisay aqoon isweydaarsigan, wareysigiina wuxuu u dhacay sida tan:- Su’aal:- Qaabkeed u soo abaabusheen aqoon isweydaarsigan, maxaadse ugu talagasheen in ay ka soo baxaan? Jawaab:- Dabcan waad mahadsan tahay Abuukar Al-Badri, su’aashaas kediska ah ayaan si kedis ah uga jawaabayaa, awalna wixii igu soo dhaca uun baan uga jawaabayaa, raggii barnaamijka abaabulka lahaa qaar baa iiga xog-ogaalsan, anigu waxaan la socday aasaaskii Hay’adda Somali Pen markii la joogay cariga Ingiriiska, raggii soo abaabulayna waan ka mid ahaa, barnaamijka la keenayey Jabuuti anigu waxaan joogay Burco, raggii Ingiriiska ka yimid iyo dadkii ay halkan ugu yimaadeen baa waxay waceen dadkiyoo idil, anigana dadka loo yeeray baan ka mid ahaa, waana kulankii labaad ee uu Ururkan yeesho, kii kale dibadda buu ka dhacay, waana kii lagu aasaasay kan dibadda ka dhacay, nasiib wanaagse kan waxaa lagu qabtay Jabuuti oo waa kaan maanta aanu wada joogno, waqtiyada soo socdana mid kastoo la qabanayo meel meeshi hore ka duwan ayaa lagu qabanayaa, iminkana waxaa la hayaa meelo codsi soo sameeyey oo doonaya in shirka lagu qabto oo ay ka mid yihiin dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ee waddamada ay joogaan doonaya in lagu qabto, gaar ahaan kuwa Yurub deggan ayaa codsaday in uu meeshoda ka dhaco, tii koobneyd bal jawaab kale aan ku darsadee, dee waa markii ugu horeysay ee urur noocaas ah la sameeyo, waxaan rajeynayaa in uu waxtar u noqdo ummadda Soomaaliyeed kuwa dibadda jooga iyo kuwa dalka jooga intaba, waxaan kaloo rajeynayaa inuusan noqon magac warqadda uun ku qoran, balse uu waxtar yeesho, in uu dalka iyo dibadda labadaba ku fido oo la mahdiyo ayaan rajeynayaa. Su’aal:- Cinwaanka shirka waxaa ku dhigan in ay ka wada qeyb galayaan Qorayaasha iyo Hal-abuurayaasha, Hal-abuurayaashii way hadleen oo waynu dhageysanay, Qorayaashu qaabkee uga qeyb qaadanayaan barnaamijkaan? Jawaab:- Mar walbo waxaynu naqaanay Hal-abuurka, ama Abwaan ha la yiraahdo ama Gabyaa ha la yiraahdee, iyagaa caan ku ahaa, awal iyo aakhir taariikhdii hore iyo middii dambe, Gabayaagu wuxuu ku jiray nolosheeni hore ee asalka aheyd, Abwaankuna middaa horuu ku jiray, xilligii dambe ee gobonimadana kaalinta ugu xoogga weyn Suugaanta iyo Fanka ayaa qaatay, kaalintii ugu balaarneydna waxaa qaatay Gabyaaga, Hal-abuurka iyo Fanaanka, sababtaas ayay maanta ugu cad-cad yihiin, mar hadduu qoraalku inagu cusub yahay, uuna yimid muddadan dambe ee dhowr iyo tobanka sanadood ah ama labaatanka sanadood ah iima muuqato waqti ay si fiican u dhisanto oo ay barbar timaado tan Hal-abuurka iyo eray dhihidda, waa mid aan anaga hidde iyo dhaqan u laheyn oo mar walba soo jirtay, Qoraalkuse waa mid ka dambeysoo dhowaan aasaasantay, waxaana arkayey buugaag fara badan oo muddooyinkan dambe la qoray, taasi waxay aheyd Abwaanku markii horena wuxuu ku jiray noloshii hore, haatan taas ayuu ku helay kuwa dambena in uu jiito oo ku darsado, isla markaana la dhiirigeliyo wixii waddo la jeexay iyo wixii hore ee dhimanaa, laakiin qolodan cusub cid ka horeysay oo ay ku hirtaan ama hiigsadaan ma jirin, marka iminka ayuun baan maleynayaa in ay bilaabmeyso, iyadana in ay sidaa noqoto, kaalinteeda yeelato oo ay barbar timaado tan kale. Su’aal:- Abwaan inta badan Soomaalidu way ku taqaanaa, waxaad tiraahdaana way aaminayaan, sidaas darted, waxaad inoo sheegtaa sida aad barnaamijkaan ugu soo fikirteen iyo waxa aad ka dooneysaan in ay ka soo baxaan marka uu dhamaado? Jawaab:- Mar haddii dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin fara badan heystaan xaalad ummadda Soomaaliyeed soo marta maantaa ugu adag, nin Abwaan gabyaa wuxuu yiri “Afka wuxuu la cawl yahay, magliga caawda kaa jara” mar haddii gabayga, erayga iyo maansadu yahay kan ugu xeel dheer ee saameynta ugu fog ku yeesha ummadda, malaha in qalinka, warqadda, cajaladda iyo hawraartaba loo adeegsado si ummadda wanaageeda iyo looga shaqeeyo samaheeda, had iyo goor markay dhibaatadu sii badataba dadaalkuna wuu sii kordhaa, si dhibaatadaa wax looga qabto, dadaalkana waxaa laga abaaraa halka dadka ay u nugul yihiin ama u dhego nugul yihiin, waxaa iskaashanaya erayga qoriddiisa, hadalka iyo qalinka ama hawraarta iyo qalinka ama gabayga iyo qalinka, intaba ujeedadey isu kaashanayaan oo abuurmeenoo u yimaadeen in ummadda danaheedii, samaheedii iyo wanaageedii hadduu Alle ka dhigo maanta lagu hago wacyi-siinteeda, waddo u jeexiddeeda iyo walaaleynteeda hadalka, qalinka iyo hawraartuba waa in ay sidaa noqdaan, haddii aanay ujeedadaa u adeeginna waxba kama jiraan. Su’aal:- Waxaa shirka laga dhawaajiyey in qorshahan loo sameeyey si loo badbaadiyo dhaqankii iyo Afkii Soomaaliga, Soomaalidu way kala dhaqan duwan tahay, gobollo badan badan bay ku kala nooshahay, af-guriyo badanna way ku kala hadashaa, ma isugu wacdeen dadkii ku sugnaa gobolladaas iyo meelaha looga hadlo af-guriyada, si ay uga qeyb qaataan howsha socota, qorshuhuna u noqdo mid meel mara? Jawaab:- Maanta rubucna kama joogo, kowna kama joogo dadkii ama aqoonta lahaa ama taariikhda qorayey ee ama dhaqanka heysay ama dhaqaalaha taqaanay, ee.. kedis buu ku yimid shirkan, maalmo ama bil kama badna abaabulkiisa, lamana garan karo qof waliba halkuu joogo, lamana garan karo ragga aan laba aqoon ee inta maanta joogta ka wada aqoon badan, laakiin iminka ayuun baa waxaa la doonayaa in la baadi doono oo qof waliba ee aqoon yahan ah, suugaanyahan ah, dhaqanyahan ah, dhaqaaleyahan in godkiisa loogu galo, si loo keeno qofka aqoontiina haya aan goleyaashana iman, in aqoonta Soomaalidu ay leedahayna meel lagu soo aruuriyo, dabadeed la faafiyo oo ummadda la wada gaarsiiyo, caalamkana inta la tarjumo la gaarsiiyo weeyaan hadduu Alle ka dhigo ujeedka aan leenahay ee waajibka nagu ah iminka. Su’aal:- Ugu dambeyntii, yaa idinka bixiyey dhaqaalaha aad ku filiseen hawshaan? Jawaab:- Waxaa kow ka ah dowladda Jabuuti mahadi ha ka gaadhee Madaxweynaheeda, labo shirkadaha Dahabshiil iyo Daallo Airlines ayaa iyagana ku jira oo mahadda wax ka leh, hay’adda caalamiga ah ee PEN ee 140 waddan ay ka mid yihiin iyaduna waa aasaaska, waana 140 dowladood qorayaashooda hay’ad ay ku jiraan, ururkanna isagaa aqoosaday, dhaqaalihiina gacan buu naga siiyey, hadduu Alle yihraahdo wixii maanta ka dambeeya ummadda Soomaaliyeed ayaan filayaa in ay barnaamijkaan gacanta ku qabsan doonto oo ay iyadu dhisato tiirarka uu ururkani ku taagan yahay. By.Abuukar Sh. Axmed (Al-badri), Jabuti.
www.markacadeey.com
|
Alfaproduction |