|
GUDNIINKA HABLAHA
SOOMAALIYEED
Guditanka hablaha Somaliyeed
Gabaygan ka hadlaya Gudniinka, waxaa tiriyey gabayaa somaaliyeed oo la
yiraahdo Cumar Maclin Hufane. Waa gabay aad uga hadlaya xaaladaha iyo
dhibaatooyinka ay habluhu soo mareen ilaa iminkana ay ku jiraan, isla
markaana hadaad u fiirsato ku galinaya xamaasad ka hor-tagida iyo dadaal
dabar gooyn ah,Somaali oo dhana xil ayaa ka saran in laga dabar gooyo
Gudniinka hablaha. Hadaba sidee ugu fudud oo ah u joogin karnaa? Waa in
Aabaha iyo hooyaduba ay ka bilaabaan qoskooda sida inantooda,walaashii.
Abwaanku isagoo ka xun caruurtaa xaqdarada loo qalayo:
Gabay (Garbo Duub):
Caado guracan oo reer fircoon inaga soo gaartay
Dhaqan gaar ah oo hablaha ugub lagu gedaadeeyey
Gamuun la ila beegsaday shirqool la ilagadaayey
Jidhkeygii galaalnaa wixii gun iyo baar suumay
Gurdaanka iyo goohiyo wixii gujo la ii geystay
Gelindhexe miyaan xalay hurdada geydh la ladi waayey
Hurgumo igu gaameyd miyaa gama’a ii diidey
Galgalasho miyuu dhinaca baas geesna qaban waayey
Sidii goryaaladii Eles miyaa goradda laadlaadshey
Waabaayada igu gaaxatee oo igu gamaahiirtay
Gubtaanyaddan nafteydiyo waxaa gocashada keenay
Gafkan kuwaan arkyeen marnab iga garaabaynin
Garadarada badheedh ah xumaha aniga la ii geystay
Sida lay gasaaraan malha damqin garaadkiinee
Gamta layga dhigo kaan aqoon bal aan garwaaqsiiyo
Anigoo gaban yaroo curdin ah oo toban gaarin
Oo guudka uun lay daboo golmis daashooda
Bay gacaladii aan jeclaa ii garbo duubtaye
Kolba habar gasaasatoo jirkuba wada gariiraayo
Naxdin miday ka guurtoo guureen indhaha geyrkoodu
Baa guri madow la ii geshee goor iyo ayaanee
Gabiyada kaleetee ee magligagobol ku heertaaye
Golxad wada najiiraysay bay igu gedaadaaye
Gudin bayqaar igu dayeen sidaan geed ahaye
Marka ay gumuuntee hilbaha guudka kala jeento
Malmal wada gaharliyo qodxaa la igu giijaayee
God yar bay banaysaa mar kale mudac ku goobaayee
Xarig gudaha yaal baa lugaha lagu garaaxayaayee
Gelin buu la yaabaa dadkuba gaatin socodkayga
Sidii ruux gaboobaan gargaar ula ka goobaayee
Gadaafadu intaa kuma eke markaan gashaantoobo
Hadba caadadaa igu go’doo godollo naafeyne
Inta geeriyootaa ka badan carro gabiibeedee
Gelbiskiyo arooskayga oofarxad dhan loo guusey
Golayga iyo lookiyo markii ginnida loo leexdoo
Gundhiggii abuurkiyo kolkii talada loo guullo
Gogasha iyo raaxada jirkani waa ka garanuugee
Naxariistu waa u guud qalqiga gaal iyo islaanee
Waxa goobta wiil joogay kaan gooni uga doortay
Mee jacaylku kuu ii gubay een gacalkay mooday
Sidaan xoolo uu soo gattiyo gamaantiisa
Ama guunyadiisii aan dhacay galab intaan duulay
Guhaad iyo dagaal aan filayn igu garmaamayey
Damqashiyo xanuun kuma godlado goodiga daymeede
Waa wadar dareen ii gala gole jibaaxeenee
Hadduu midi galoo yahay kal kali waagan kaa dhimanee
Markaan gaadho bay tahay dhalmadu gedhishiyo ciile
Hilbihii guullamaan hurgumo golongol ooyaayee
Intaasoo dhibaatiyo gef ahi aniga way gaare
Guulahay abuurkiisii baad guluf ku qaadeenee
Maxaad ii giigeysaan nafluhu kala go’aan roone
Dhanqankii gaboobaba mar baa laga gudbaayee
Gabal baw u dhacoo mar mar buu guduri haagaayee
Gabdhaad qodbaysaan waa caado gunimoode
Nin hinaase galay baad warkii warkii meek u gunudeene
Garow nimaan lahayan iyo jaahil baa laygu dawgalaye
Maxaad ii gudaysaan khalqigu kala garaad roone
Diinba kuway gaarin baan falin geeddiyidee
Oon u qurin googoyn hablaha qurux ma guuraane
Idinkuna gonduhun baad jartaan gibilka suuntaane
Guulahay wuxuu sheeginoo quraanku soo guurin
Rasuulkii udgoonaa gar uu gole ka sii deyn
Uu bukhaari soo gaacin uu kutub ku soo gaabin
Nabruud wixii galaaftay oo fircoon genbiyay beeshiisa
Ayuun baa had jeer gabdhaha ugubka lagu gumaadaayee
Miyaad caro ilaahay inay idin gasho iyo godob aadan ka yaabaynin
Waxba guuxu yuu ila durkin waxaan ku gawsiiyey
Qosol hiilimaad buu gala geeddan dirireede
Guurtida dhaqaatiirta iyo gabay nin geeraara
Indheer garaad guhaan madaxu gaammaystay
Naxariista hooyaday ka gudhin gaarida aan daalin
Garab iyo gargaar baan ka sugi talba waa goor eh.
Hordhac:
Fahmidda guditaanka hablaha:
Taariikhda aduunweynaha guditaanku uu soo maray badankeeda qola waliba
mar ayay ka hadhay, wadankan ingiriisaka waxaa jirtay in hablahooda la
gudi jiray qarniyadii hore ee la soo dhaafay in kastoo si gooni ay u gudi
jireen.Laakiin wadamo badan ayaa weli rumeysan guditaanka, waxaa ugu badana
Africa,sida Sudan,Somalia, Gana, Nageria iyo qaar kale. Waxaa la moodaa
in Umada badankoodu rumeysan yihii in Diinta Islamku fartay in la gudo
hablaha taasna aanay run ahayn ee diintu Islamku ka soo hor jeeddo lakiin
ay tahay caado/dhaqan xummo.
Hadii dib loo raaco taariikhda guditaanka hablah siday ku bilaabantay
iyo halka ay ka bilaabanty lama saxi karo ilaa iminka. Waxaase dadku rumeysan
yihiin ay ka qaarada Africa iyo Diinta Islamka, Siday tahay ma jirto wax
cadeynaya arintaa.
Gudiniiku maaha wax diinta ku saabsan ee wax dhaqan ah qaranba siduu uu
isticmaalloba.ujeedadu waxay tahay in la ilaaliyo inita qodobkeeda taas
oo loo ilaanayo ninka guursan doona mustaqbalka,isla markaas ay door weyn
ka ciyaarto ninka iyo gabdha isu tagooda Markey guursadaaniyadoo laakiin
dhinaca gabadh uun la eegayo iney gudan tahay, waxayna qayb weyn ka qaadataa
gabadha qiimeynteeda qofnimo sidaa la rumeysan yahay ama dhaqanku uu yahay.
Dhaqankani waa mid aad loo qiimeeyo taas oo la rumeyo ay gabdha u tahay
faa’iido
Xagga caafimaadka iyo nolosheeda danbe. Siday tahay muhiimadu waxay tahay
dumarka wadamada sadexaad ay ku raali galiyaan ninmankoodaiyagoo aan awood
laheyn ama dhaqaalle ama guurisla markaa ay labaads wada socdaan,taas
oo ah midda qudha ee ay ku raaligalin karaan ninmankooda,taas oo muuqatay
in ay gabdhu dooran ee uu ninmanku ku kalifayaan gudida, lakiin lama odhan
karo ninkaa ayaa ku sii qasbaya lakiin waxay u noqotay caado xun oo ka
mid noqotay nolashooda.
Halkee ayaan taaganey manta?
Xuquuqda Dumarku wakhtigan aan joogno aad ayaa looga hadlaa ama at u
tahay muhiim. Dhaq-dhaqaas oo hoos yimaada Haayada sama falka xuquuda
dadka AmnestyInternational (Promotional work FGM). Xuquuqda Dumarka aduunweynaha
manta aad ayay hayadani uga hadashaa isla markaana iyadoo caawinimo xoog
ah ka hesha UN convention against Torture taas oo lala tiisan karo qofkii
sameeya ee lagu cadeeyo Criminal Court, waxaa kale ay hayadani arimahan
foosha xun dawladaha oo dhan si ay fasax u siiyaan inay hawshaas ay ugu
fududaato isla markaana u fuliyaan, wadan kastana ay dhigteen wakiil la
socodsiiya xuquuda ama xuquu darada dumarka.
1. Xuquuqaha dumarka ugu muhiimsan ee manta laga hadlana waxaa ka mid
ah Dilitaanka qarsoodiga ah( invisible crime) taas oo noqonkarta dilitaanka
qofka dumarka ah uu ninkeedu dilllo dilitaankaas oo waliba dhowr nooc
ah Kufsasho, (Sexual identity).
Dhibaatooyinka uu keeno aad ayuu faro badan yahay .
Siday caadadu ahaan jirtay ama weliba tahay waxaa la gudi jiray(fadhiisin
jiray) gabdha dad’a u dhaxeysa 6-9 weliba inanta la nool hooyadeed
ama ayaydeed, lakiin gabdha aan markaa la nooleyn waxaa la gaadsiin jiray
ilaa 13 keed sabtoo ah wax ka fakrayay ayayna haysan taas oo gabadhaa
yari ka xumaan jirtay in la gudin oo ay dareemi jiray waalid la’aanteeda.
Wakhti kasta ha la gaadhee gudninnku dhibaatooyin badan ayuu u keeni jiray
hablahaa caafimaad daro iyo nolo xummo badan oo ku soo baxi jirtay markay
weynaadaan lakiin caadi loo arkay oo aan dad intooda badan u muuqan.
1. sida gabdha oo dhiigbaxday qalintaanka ka diba ama caabuqda isla markaana
ku keenta cudr ama iaydoo kaba kicin midnaba oo halkaa u dhimataba oo
nolasheedii halkaa ku weyda iyadoo cudur haynin lasyka qalay.
2.Hday ka kacdo qalitaanka waxaay badanaa gabdha ku keeni jirtay dhibaatooyin
maray caadadu ku dhacdo xanuuno badan wey ku heyn jirtay sababtoo ah halkii
Ilaahay ugu tallo galay in dhiigana ka soo baxa ayaaku yaraata taasna
gabadhu wey xanuunsataa mar kasto oo caado hesho weyna ka sii war wartaa.
3.Mustaqbalka danbe ee gabadhu guursato oo caruur dhali weydo markay dhakhaatiirtu
baadhona la ogaado qalitaankii lagu sameeyey wax yeelay oo xidido la goyay
weliba intii dibada loo soo baxay ayaa aad loo ogaaday in dhalmada la’aanta
dumarka intiisa badan ay sabab u aheyd guditaankii.
Faa’iida ay dadku ama qoyska Somaliyeed rumeysanaayeenisla imnikan
walina dad badani oo weliba ku nool Magaalooyinka dibadooda sida dalka
Miyigiisa waxaa waxaa weeye.
1.Iyagoo dhaqaale dartii hablahaa gudi jiray sababtoo ah marka inanta
laga guursado waxay ka qaadan jireen xoollo badan oo reerkaa initu ka
dhalatay ka heli jireen ninkaa guursaday reerkooda, isla markaa lama guursan
jirin hadii ayna inantu qodbaneyn oo ninkaa guursanay u arki jiray in
inantaas looga horeey.
Taas oo inna tusaysa in Nimanka dartood Hablaahaa yaryar loo dhaawic jiray
si loogu raali galiyo, Inantiina ayna lahayn qiimo ama ixtiraam. Markaa
inita aan qodbaneynin ay guur waayi jirtay sharaf daran ku noolaan jirtay
inta ka hadhay nolasheeda.
Naasohablood.
|