| Somaliroots |
Wasiirka
Arimaha Dibada Sweden oo Geeriyootay
Wasiirka Arimaha dibada dalkan Sweden haweeneydii ugu aheyd Anna Lindh
ayaa saakay aroornimadii waxaa ay ku geeriyootay cisbitaalka Karolinsk
Hospital ee magaalada Stockholm ee xarunta dalkan Sweden kadib markii
ay u dhimatay dhaawaaciii kasoo gaaray mindidii shalay galab abaarihii
afartii iyo barka xilliga Sweden nin caloosha ka geliyey iyadoo ka adeeganeysa
dukaan kamid ah dukaamanka ugu caansan ee ku yaala magaalada.
"Aad ayaan ugu xumahay inaan maqlo warkan naxdinta leh in ay Anna
Lindh u dhimato dhaawicii soo gaaray shalay" ayuu yiri Göran
Person oo ah ra'iisal wasaaraha dalkan Sweden oo ay wejigiisa kamuuqatay
naxdin iyo muraal dilaac isagoo saakay shir jaraa'id oo deg deg ah qabtay.
"Anna waxey ka tagtay aabe iyo hooyo, shacab iyo xisibgii Social-demokrat-ka
oo u aheyd xidig caalami ah, caalamkana waxaa ka baxay haweeney magac
ku leh saaxada siyaasadeed" ayuu misna sii daba dhigay hadalkiisa
isagoo aad u tiiraanyeysan kana wel welsan mustaqbalka madow ee soo wajahay
taariikhda siyaasadeed ee dalkan.
Waxaana hadaladii sii mar walba kamid ahaa inta uu shirka jaraa'id ku
jiray "Anna kama aysan tegin Social demokrat-ka ee waxaa ay ka tagtay
dadka reer Sweden oo ay u aheyd furihii xiriirka caalamiga ah ee dalkeena"
Si kastaaba arintu ha ahaatee Anna Lindh oo aheyd wasiirkii arimaha Dibada
Sweden waxaa ay kamid aheyd haweenka ugu magac dheer ee taariikhda siyaasada
dalkan Sweden,waxaana ay wasiirka arimaha dibada aheyd tan iyo sanadkii
1998-dii markaasoo xisbiga talada dalka hayaaku guuleystay dooroshooyinka
dalka dhacay.
Waxaana ay caan ku aheyd cod kornimo iyo iyadoon runta ka gaban caaladana
aad ugu olaleyso, gaar ahaan Anna Lindh waxaa ay aad uga soo horjeeday
siyaasada arimaha dibada dalka Mareykanka ee ku wajahan guud ahaan bariga
dhexe iyo arimaha dalka Ciraaq iyadoo marar badan meel fagaari ah ka sheegtay
in Mareykan xagal daacinayo arimaha bariga dhexe.
Isku soowada duuboo Anna Lindh waxaa ay u dhimatay dhaawac halis ah oo
ka soogaaray mindidii caloosha shalay galab nin kaga dhiftay taasoo u
sii dhaaftay beerka oo waxyeelo xoogan u geysatay dhaqaatiirtana ay wax
ka qaban waayeen. Anna Lindh saakay oo khamiis ah markey saacadu aheyd
0:6:29 aroornimo ayey nafta kabaxday waxaana ay noqotay shaqsigii labaad
ee kamid ah siyaasiinta dalkan oo goob dadku badan yahay lugu dilo, kal
hore ayaa ra'iisal wasaarihii hore dalkan Sweden Olof Palme lugu dilay
goob aan ka dheereyn goobka lugu dilay Anna Lindh sanadki 1986-dii, markaasoo
nin uu ku dhiftay dhowr xabadood.
Ollalihii doorasha codbixinta ee qaadashada lacagta bahwadaagta midowga
Yurub ee lugu waday iney dhacaan maalinta ah ayaan la ogeyn in dib loo
dhigay iyo inkale maadama dalka guud ahaan murugo iyo siyaasad madow ku
jiro.
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
|
Alfaproduction |