GACAL CLASSIC TEA
(Five cups of tea keep the doctor away) Waxaa aad u soo badanaayay cilmi barisyada lagu samaynaayay saaha taas oo badankood isku raaceen in shaah cabida ay faaiido badan leedahay. Waxaase nasiib daro ah in dad badan oo shaah cabi jiray ay maanta aad u cabaan Kafeega (caffee) taas oo dhibaatada kafeega uu leeyahay ayna sahlanayn. Mida kale Kafeega ila hadda wax faaiido uu u leeyahay caafimaadka dadka haba yaraatee ma jirto. Shaaha ka sokow macaankiisa and udugiisa waxaa la sheegay in ay ka buuxdo wax la yiraahdo faloovanoydh (Flavanoid). Cilmibaariyaasha waxay xaqiijiyeen in Faloofanoydhka ah waxyaabo laga helo caleenta shaaha ay tahay Antiogsidant (Antioxident) taaso hagaajisaa caafimaadka. Aqoonyahano Maraykan ayaa waxay heleen in shaahu uu kor u qaado difaaca jirka iyo in uu baabi’yo unugya kansarka ee soo baxaya. Habka la racaayana wuxuu yahay iyadoo la cabo koob shaah ah shan jeer maalintii. Aqoonyahan ku heeldheer ee ka hortagga cudurrada (immunologist) Brigham iyo Cusbitaalka haweenka ayaa wuxuu waydiista mutadawiciin (volunteers) in cabaan shan koop of shaah madow ama cadays ah ama shan koob oo Kafee ah. Shaaha waxyaalaha laga helo waxaa dheeraad ah oo kale oo ku jira waxyaalo la dhagaalamo qaar ka mid ah infekshanka (infection), Bakteeriyada (bacteria), unugyada kansarka (tomour cells) iyo Fungi (fungi). Aqoonyahaka wuxuu baray kow iyo toban (11) matadawiciin ah si loo diyaaro shaah muddo shan (5) daqiiqo. Waxaa loo ogalaaday in ay shaaha ku darsadaan liin, sokor ama caano hadba si uu noqdo dhandhanka. Toban (10) kale oo mutadawiciin ahna waxaa la sheegay in cabaan "Nascafe" waana cabitaan kulul uu ku jiro " Caffeine". Ka dib hadana wuxuu qaaday dhiiq koox kasta. La usbuuc ka dib, kuwii shaaha cabay waxaa muuqatay in uu kor u kacay dhifaacooda wuxuuna lagu arkay awood soo saarid kiimiko la dagaalanta cudurada. Sidoo kale laguma arkin kuwii cabay Kaffee (Coffee). Shirkii caalamiga ee la qabtay 1998 oo looga hadlaayay shaaha iyo caafimaadka baniiaadamka ayaa aqoonyahanada sayniska waxay ku warbixiyeen in cabida shaaha laga yaabo in ay yarayso khatarta cudurka wadaha iyo Istarooga iyo in hoos u dhigayso khatarta kansarada qaar kuwaas ay ka mid yihiin kansarka caloosha, mindhicirada, maqaarka, iyo afka. Waxaa kale oo la sheegay cabida shaaha in ay yaraynayso cudurada gaboobay (chronic diseases). In kasto shaaha gaar ahaan shaha cagaaran la sheegay in uu ka hortaga Kansarka laakiin cajiib ay noqotay baristaan shaaha ay sidaan noqoto. Sidoo kale waxaa hore lagu arkay waxyaabaha kordhiya hab dhiska dhifaaca miraha (fruits) iyo khudaarta (vdgetables) iyo shaaha (tea). Baaristaan ma aha micnaheeda in kuwa caba shaaha ay ka caafimaad badan yihiin kuwa caba kafeega. Cilmi baaraha wuxuu leeyahay haddii qof uu jiran yahay in shaah caba ma ahaa micnaheeda in qofka uu bogsanaayo laakiin wuxuu leeyahay in ayna dhib keenayn in cabo shaah. Tan kale waxaa laga yaabaa in darasadahaan aan ku sheegay meeshan ay maalgeliyeen shirkada soo saara shaaha.
Wixii faahfaahin la xiriir Dr. Abubakar Moallim (416) 653-5400 ext:250 Qaranimo.com Toronto, Canada GACAL CLASSIC TEA Waxaad ka heli kartaa Magalooyinkan iyo wadamada hoos ku xusan Minneapolis iyo agagaarkeeda Xarunta GACAL CLASSICQUE TEA waa Kenya: Wixii faah-faahin ah kalaxariir: In USA In kenya
|
||
This whole homepage was created by Alfaproduction If you have any comments, send them to Alfalima@hotmail.com
Copyright © 2003 Somaliroots.com