Somaliroots

Gen. Aadan Gabyow oo ku geeriyooday Nairobi

Wednesday, June 04, 2003 at 09:50
waxaa saaka ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya ALLE ha u naxariistee Gen. Aadan C/laahi Nuur (Gabyow) oo ahaa guddoomiyaha ururka SPM.

Marxuunka ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala Nairobi, kaas oo uu u jiifay in dhawaalaba cudurka uu u dhintay. Gabyow, wuxuu dawladdii hore ee Somaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad ka soo noqday; Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Dalxiiska, taliyaha dugsiga tabobarka ciidanka ee Xalane iyo xilal kale oo badan, wuxuu gaarey darajada Sareeye Gaas, basle waxaa dawladdii Maxamed Siyaad dhacday maalmo yar ka dib markii xabsiga lagasoo daayay Gen. Gabyoow oo mudo ugu xirnaa xabsiga markii lagu eedeeyay inuu samaynayay inqilaab.

ALLE ha u naxariistee, Gen Gabyow, wuxuu haatan ahaa Guddoomiyaha Ururka SPM, isla markaasna wuxuu kamid ahaa hogaamiyeyaalka siyaasadda Soomaaliya ee ka qayb galaya shirka Kenya ee Soomaaliya.

AllPuntland, Nairobi

Inaalilaahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun

Alfaproduction