Somaliroots

Magaalada laascaanood oo hawlihii canshuur uruurinta si wacan uga socda

War inaga soo gaaray Magaalada Laascaanood wuxuu sheegay Agaasimaha guud idaacadda Laascaanood, in Magaalada laascaanood ay si wacan uga socdaan hawlihii canshuur uruurinta, taasoo dakhliga ka soo gala cashuur ururinta ay ku xaroodaan bangiga dhexe, oo isagu hawlihiisu ay ilaa hada marayaan meel aad u fiican.

Dhanka nabadgelyada wuxuu si aad ah uga waramay doorka weyn ee ay ka qaateen maamul goboleedka puntlant, oo isagu hawlahaasi isku dubaridistiisa lahaa, magaaladan oo ahaan jirtey mid qoryaha lala dhex maro, hada si toos ah ayaa looga mamnuucay, ciddi lagu arko iyadoo sidatana waa xadhig amaba waa ganaax.

Docda waxbarashada mar uu ka hadlayey wuxuu noo sheegay, dugsigii ahaan jirnay Hoyga oo ay waayadaasi deganaayeen dad deeganka u dhashay, ee ka soo barakacay xamar iyo meela kale, ayaa saaka waxaa dugsigaasi ka baxay reerkii ugu dambeeyey. waxaanay hawshani socotay muddo dheer waxaana ka qayb qaatay
URURKA SSHDA ee ka dhisan dibadda.

 

Idaacada Laascaanood

Alfaproduction