'Dareenka
ayaa igu hoggaamiya
in
aan sidaas wax u sawiro'
Fanka, qofba si ayuu bulshada
ugu soo bandhigaa fikarkiisa, isagoo adeegsanaya aqoon, waayo-aragnimo
iyo farsamo u gaar ah. Qayb ka mid ah fanka waa farshaxanka ‘Kartuunka’
oo Soomaalida dhowaan-gal ku ah, kaas oo qayb ka ah moorada ballaaran
ee fanka, iyadoo nolosha casriga ah ee dunida maanta uu noqday aalad
sarreysa oo loo adeegsado dhinaca warbaahinta ‘Media’.
Soomaali ahaan, marka la soo hadal qaado Kartuun waxaa isla markiiba
maskaxda ku soo dhaca ninka lagu magacaabo Amiin Caamir. Wixii ka dambeeyey
1970 ayaa soo bandhigga Kartuunku ka hirgashay dalka, wuxuuna noqday
qaab loo adeegsado wax u sheegidda iyo baraarujinta dadweynaha, gaar
ahaan xilligii Kacaanka. Amiin Caamir wuxuu ka mid yahay dadka kooban
oo Soomaalida, Kartuunka looga dambeeyo, waana badan yihiin dadka markay
maqlaan ‘Kartuun’ soo xusuusta magaca Amiin Caamir. Goobaha
lagu soo bandhigo farshaxanka, Tiyaatarada, Wargeysyada, Matxafka, Buugta,
waraaqaha derbiyada iyo xayeysiinta iwm, intaba waxay ahaayeen fagaarayaal
uu caan ka dhex yahay Amiin Caamir, intii la joogay dalkii Soomaaliya.
Markii dagaalka sokeeye qarxay, Amiin Caamir, wuxuu sii waday hal-abuurkiisa
muujinaya dhibaatada Soomaaliya gaartay, welina ku socota! Dalalka Yeman,
Jabuuti iyo Kanada oo uu ugu dambeystii qaxii ku tegay, dhammaantood
wuxuu ku qabtay bandhigyo muujinaya Hidaha iyo dhaqanka, nolosha iyo
dhibaatada, gaar ahaan mushkiladda colaadda sokeeye oo waxyaabaha la
dumiyey fanku qayb weyn ka yahay.
Amiin Caamir waa qoraa sawirada Kartuunka. Wuxuu awood weyn u leeyahay
in uu hal sawir oo kooban ku muujiyo wax qoraal kale ku qaadan lahaa
bogag aan yarayn.‘Kartuunka waa ka sareeyaa oraahda, maxaa yeelay
sawirku wuxuu gudbi karaa degaanno kala fog, kuna kala duwan hidde,
dhaqan iyo afba’ waxaa yiri Amiin Caamir. Wuxuu ku nool yahay
dalka Kanada, magaalada Toronto. Wuxuu halkaas ku leeyahay Stuudiyo,
wuxuuna ku howlan yahay bandhigyo farshaxan, u badan dhinaca hiddaha
iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo uu ka dhigo dalka Kanada. Waxaa la shaqeysa
gabadhiisa oo iyaduna hibo u leh dhinaca Sawirada (Photograpy) iyo adeegsiga
Kombiyuutarka. Hal-abuuradiisadhinaca Kartuunka waxay joogto ugu soo
baxaan wargeyska Kasmo. Khaalid Macow oo dhowaan socdaal howleed ku
tegay dalka Kanada ayaa weydiiyey Amiin Caamir su’aalahaan:
S: Wax ma nooga sheegi kartaa noloshaada iyo sida aad ku bilowday farshaxanka?
J: Anigu waxaan la fil ahay xoriyadda, waxaana dhashay sannadkii 1960kii.
Waxaan ku dhashay magaalada Muqdisho. Ma sheegi karo waqti xaddidan
oo aan fanka bilaabay, waxaanse ogahay anigoo aad u yar oo dhigta dugsi
qur’aan, in aan bilaabay jacaylka sawirka. Waxaan xusuustaa in
la iiga maara-waayey in looxa aan ku dhigan jiray ‘Alif wax ma
leh’ aan u adeegsan jiray sawiro, halkaasna mararka qaarkood ku
mutaysan jiray ciqaab. Waxaa kaloo jiray in derbiyada xaafadda aan deganahay
aan ku sawiri jiray sawiro dad iyo xayawaanba anigoo adeegsanaayo dhuxusha.
S: Sawiradaas ma jecleysan jiray oo dadku ma ku dhiiri-gelin jireen?
J: Waa kala duwanayd. Dadku qaar baa aabbahay u dacwoon jiray oo mararka
qaarkood waxaan mutaysan jiray canaan. Laakin waxaa jiray qaar aad u
jeclaa oo ii keeni jiray warqado ama alwaax in aan ugu sameeyo. Sawiradayda
dadka jecel waxay u badnaayeen dhallinyaradda xaafadda iyo ardayda dugsiyada
dhigta.
S: Waalidku ma kugu dhiiri-gelin jiray?
J: Aabbahay markuu arkay dacwooyinka badan ee ka imaanaya dadka leh
guryaha derbiyada aan wax ku soo sawiro, isla markaas isagoo ku fekeraya
in la iiga amaan helo derbiyada islaameed, waxay qasab ku noqotay in
uu ii soo gado qalabka farshaxanka, sida waraaqo iyo qalmaan midibo
leh. Wuxuu i dhihi jiray: banaanka ha u bixin oo halkaan ku sawir wixii
aad rabto’.
S: Dugsiga xaggee ku soo dhigatay?
J: Waxaan bilaabay aniga oo aan gaarin xilligii caruurta lagu geyn jiray,
waxaana sabab u ahaa maalin maalmaha ka mid ah ayaan wiil dugsiga Villaagio
Arabo dhigta oo ah xaafaddii aanu deganeeyn ayaan u sameeyey sawir xayawaan
kala duwan. Saaxiibkey markii la weydiiyey qofkii sameeyey, wuxuu sheegay
in wiil yari u sameeyey. Markaas ayaa waxaa wada kulmay Maccalinkii
oo hore ugu arkay derbiyada Sawiradii aan sameeyey, hase ahaatee aan
aqoon magaceyga. Durbadiiba Maccalinkii ayaa weydiiyey dugsiga aan dhigto,
waxaana loo sheegay in aan wiil yar ahay oo aanan weli gaarin xilligii
dugsiga.
Sidaasna waxaa isku bartay aabbahay iyo macallin Masri ah oo markaas
doonayey in uu I arko. Meeshaas ayaan ka bilaabay dugsiga, waxaana noqday
wiil la tartama dhinaca sawirka ardayda fasaladii iga sare. Marka wax
qor la I yiraahdo oo aan garanwaayo qoraalka, waan sawiri jiray, iyadaana
ii fududayd.
S: Laakiin khibrad weyn baad heshay, sidee?
J: Waxaan dhashay xilli dalka uu markaas xornimo qaatay oo dalka wax
badan ku cusub yihiin. Waxaan noqday nin nasiib badan. Maxaa yeelay,
in aan aqaanay gaar ahaan farsamada xardhidda (Graphic Design) iyo gaar
ahaan Kartuunka waxaan ku bartay waayo aragnimo. Ma jirin xilligaas
sanooyin taqasuus gaar ah ee waxbarasho ama awood badan oo aqoon lagu
dhaalacdo kutub ama dugsi gaar ah oo laga barto fanka. Waxaan helay
nasiib in aan la shaqeeyo Farshaxan Ruush ah ah xilligaas loo keenay
dalka in uu Wasaaradda Warfaafinta gacan ka siiyo dhinaca Madbacada
Qaranka. Ninkaas ayaan ka faa’iideystay farsamada Graphic Arts-ka,
ka dibna waxaa is baranay nin kale oo Talyaani ah oo isna goor dambe
la keenay Madbacadda.
S: Hiwaayadda iyo aqoonta Kartuunka, goormaad gaartay?
J: Marka hore waxa muhiim ah hal abuurka fikirka, ka dibna waxaa imaanaya
farsamdii la adeegsan lahaa. Taas oo badanaaba laga dhaxlo waayo-aragnimada
howsha mudada aad ku dhex jirto. Adeegsiga Kartuunka waxaan bilaabay
mar aan tababar ahaan ula joogay Wasaaradda Warfaafinta, sanndihii 1970-1971kii.
Xilligaas oo aan dhihi karo dowladdii Militariga waxay xoogga saartay
dhinaca baraarujinta bulshada, gaar ahaan Brobaangada iyo Kicinta dadweynaha.
Waxaa jiray baahi weyn ee dhinaca farshaxanka, sida warqad derbiyeedyo
(Posters), Boorar waaweyn iyo hal-ku-dhigyo waddooyinka magaalada lagu
dhejiyo. Anigu waxaan dhihi karaa meeshaas ayaan ka helay waayo-aragnimo
weyn. Maxaa yeelay, waxaan fursad u helay in aan sawiro farshaxanno
badan, hadday tahay boorarka aan soo xusay, Sawiro hiddaha iyo dhaqanka
oo lagu soo bandhigay dalka gudihiisa iyo dibeddaba, waxaan helay waayo-aragnimo
aqoonyahaano dibadda laga keenay oo dalka ka shaqeynayey, kuwaas oo
lahaa kuwa wadamada Carabta, Kuuriya, Talyaaniga iyo Midowga Sofeeti.
S: Miyaad Kartuunka u aragtaa aalad casri ah ee dadka wax lagu gaarsiyo?
J: Ujeedadu waxay tahay gaarsiintu in ay noqoto mid wax ku ool ah oo
dhaqso loo fahmo. “Sawirku waa gabay aamusan” waxaa yiri
Hadraawi. Laba arrimood ayaa muhiim ah: tan 1aad waa in aad hesho dareen
ahaan wax kuu muuqda; tan 2aadna waa in aad dareenkaas sawir muuqda
oo dadka kale kula arki karaan u beddesho. Halkan waxaan kaalin muhiim
ah cayaaraya farsamada Kartuunka. Wax badan ayaan farshaxan ahaan dunida
iyo Soomaalidaba ugu muujiyey dhibaatada dagaalka sokeeye, qaab sawir
‘Kartuun’. Dhowr bandhig ayaan ka sameeyey magaaladda Jabuuti.
Kii ugu dambeeyey waxaan ku dhigay Hotel Sheraton oo ay ka soo qaybgaleen
Safaarado iyo Hey’ado caalami ah. Xilligaas oo ku soo beegmay
Shirkii Carta lagu qabtay ee heshiisiinta Soomaaliya oo aan ku muujinayo
dhibaatada dalka Soomaaliya. Halkaas waxaa lagu iibiyey wixii sawir
ahaa oo aan sameeyey. Dadka gadanayey waxay u badnaayeen shisheeye.
Wixii dakhlii ka soo baxay waxaan ugu deeqay shirka laftiisa.
S: Fikradaha aad sawirto sidee kuugu dhashaan?
J: Iskama timaado! Waxay ka tarjuntaa dhacdo aad markaas kuu muuqata,
ka dibna dareenka ayaa kugu hoggaamiya in aad sidaas u sawirto. Mudnaanta
ugu weyni waa in qofka fiirsanaaya ama aqrisanaaya uu si fudud u helo
nuxurka iyo ujeedada. Waxa doorka weyn ciyaara waa xogta iyo waayo-aragnimada
aad ka haysato waxaad gudbineyso.
S: Inaad sidaan caan ugu noqonayso Kartuunka, ma filaysey?
J: Maya, ma filayn. Wixii aan jeclaa wax kale ayeey ahaayeen, laakiin
koleyba kama fogeyn fanka laamihiisa kale, waxaana u malaynayaa in aan
u dhammaan doono filim sameyn xagga Kartuunnada ah. Waxaan maanka ku
hayaa in aan mar uun gaaro soo bandhigga filim Kartuun (Animated Cartoon)
ah oo ku saabsan wejiga dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.