| Somaliroots | Telefishinka ALJAZIIRA oo Xayiisiin Siyaasadeed u Sameeynayo Siyaasiga A/NurAhmed Darman
Kadib Markii dhawaan Magaalada Muqdisho uu ku soo laabtay Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga C/nuur Darmaan oo in badan ku noolaa dalka Maraykanka,isagoo sheegay in shirweyne Soomaaliyed lagu qaban doono Magaalada Muqdisho kaas oo ay ka soo qeybgalayan sida uu sheegay Mr C/nuur Darmaan ku dhawaad 5 oo ergo soomaaliyed. Cabdi Nuur Darmaan oo 199 kii Xisbigaan uga dhawaaqay Xamar ayaa waxa la Socoday Labo Wariye oo ka Tirsan Taleefinshinka Carbeed ee Caanka ku ah Caalamka ALJAZIIRA oo Xaruuntiisa tahay dalka Qadar ee Magaalada Dooxa ayaa Habeenadii la soo dhaafay laga dareemay inuu Xayiisiin Siyaasadeed u Sameeynayo Siyaasiga C/nuur Darmaan, Wuxuu soo bandhiga C/nuur Darmaan oo booqanayo Dugsiyada Waxbarashada, Odiyaasha uu la kulmayo iyo qorshihiisa Siyaasadeed. Dad badan ayaa u arkay talaabada uu qaaday Taleefishinka mid wax u dhimayso Sumcadii TV gaas uu ku lahaa meel badan oo Caalamka ka mid,iyadoo mararka qaarkood TV sheego inuu yahay Darmaan madaxweynaha Soomaaliya Xiliga soo socoda, siyaasigaas waxa uu ka mid yahay siyaasiyinta beesha Cayr ee Habargader. Midnimo Information Center |
Alfaproduction |