Maxay
kula tahay ujeedada maamulka Puntland uga saari layahay ciidanka
shisheeye Puntland?
Qore. Ainanshe Abdirahman
Sidaan la wada
socono waxa dhowaan ka dhacday xarunta maamul goboleedka Puntland
doorasho caadil loo wada arkay oo runtii soo jiidatay dhamaan indhaha
shacabwaynaha aduunka, amaan badana looga soo jeediyay horumarka
uu maamul goboleedkani ku talaabsaday. Puntland waxay umadda soomliyeed
u muujisay, una horseeday dhaamaan umadda soomliyeed & kuwa
africaanka ahba talaabo ku dayasho mudan sida doorashadani u dhacday,
Waxa kaloo amaan aan la soo koobi karin mudan maamulkii hore ee
madaxwayne maxamed Abdi Xaashi, ee sida sharafta leh xilkii ugu
wareejiyay maamulka cusub taasoo uu ku mutaystay in lagu magacaabo
(Aadan cadihii qarniga 21aad).
Hadaba hadaan hoos ugu soo dhaadhaco ujeedada qoraalkayga waa maxay
sababta maamulka Puntland haduu ahaan lahaa kii dowladii hore ee
Maxamed Abdi Xaashi & ka cusub ee General Cadde Musse ay uga
gaabsanayaan inay ka saaraan ciidanka maamulka Soomlidiidka ee fadhigiisu
yahay Hargaysa.
Dadwaynaha reer
Sool@Sanaag@Cayn,Waxay ku doodayaan inagoon weligeen maamul lahayn
maysan dhicin in ciidankan somalidiidka ihi soo gaadhaan ama uba
soo dhowaadaan Magaalada Adhicadeeye oo caasimada Laascaanood u
jirta in ka yar 30Km. akhristaha sharfta lehow sababaha la is tusi
karo ee shicibkuna is waydiinayaan waxa ka mid ah
1- Ma amar ka
sareeya maamulka Puntland oo ka imanaya dowlada federaraalka ee
kenya fadhigeedu yahay ayaa jira?.
2- Ma amar culus
ayaa ka imanaya xagaa iyo dowlada Ethopia oo diidan in ciidanka
puntland ka saaraan dhulka ciidanka maleeshiyada somalidiidka ah.
3- Ma diyaar
garowga ciidanka puntland ayaa wax ka dhimanyihiin oo weli aan 100%
ahayn.
4- Ma maamulka
sare ee Puntland ayaa wax ka si yihiin oon doonayan sababtay doonto
ha noqotee inay dagaal la galaan maamulka Soomlidiidka ee Daahir
Riyaale..
Hadaba aqristaha sharafta lehow si kastaba ujeedadu ha ahaatee waxa
la soo xaqiijiyay in ciidamada maamul goboleedka soomaaliyeed ee
puntland ay dhinac walba ka itaal & Saanad wacanyihiin kuwa
maamulka somalidiidka ah ee Hargaysa kagna saari karaan dhulka waqti
aad u yar, lase garan layahay sababta ciidanku u dhaqaaqi layahay.
Waxa kale oo iyaduna xusid mudan dadkuna carabka ku dhufanayaan
in madaxwaynaha cusub ee puntland uu xiriir dhow la leeyahay qaar
ka mid ah cuqaasha reer waqooyiga ah ee cadawga ku ah, isla markaana
hunguriga wayni ku hayo waxay iyagu ugu yeedhaan (Xadka somaliland).
Waxaan qoraalkayga ku soo koobayaa madaxwaynaha & maamulka cusub
ee Puntland waxa looga fadhiyaa inay si degdega uga saaraan ciidankan
shisheeye ee " Adhicadeeye" fadhiya dhulka ama warka cadeeyaan,
sida dadka deegaankani uu isugu tashado.
"United we stand,divided we fall"
Ainanshe Abdirahman
Canada
Fiiro Gaar ah: Aragtida
qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida
Somaliroots.com
|