| Somaliroots |
Wareysigii Tababare
Abdi Dheere

Qaybtii 1aad
Cabdi Maxamed Ciye-oo bahda isboortiga ay ugu yeeraan Cabdi dheere- ayay
taariikhdu xusaysaa inuu ka mid ahaa ciyaaryahannadii iyo tababarayaashii
ugu qiimaha badnaa ee soo mara ciyaaraha kubbadda koleyga ee dalkeena
Soomaaliya. Kooxdiisa kubbadda koleyga ee caanka ka ahayd Afrika Iyo dalalka
Carabta Jeenyo Ama 5 tii jeenyo ayuu hormuud u ahaa, isaga oo ka ciyaari
jiray dhexda (Center). sidoo kale waxaa uu ahaa tababare ay aad uga muuqatay
aqoontiisa ciyaaryahannadii uu soo barbariyay ama uu gacanta ku soo dhigay.
Sida taariikhdu xusayso marka laga hadlayo ciyaarta kubbadda koleyga ee
Soomaaliya, Cabdi dheere waxaa uu ka mid ahaa ciyaaryahannadii ama halyeeyadii
ugu horreeyay ee magaca Soomaaliyeed gaarsiiya caalamka Carabta iyo Afrikaba.
Cabdi dheere waxaa uu ka mid ahaa tiirarka ay ku dhaaran jireen Kooxdiisa
Jeenyo oo uu kaalin wayn uga jiray, sidoo kalena waxaa uu ahaa xubin muhiim
ah oo ka tirsanaa xulka qaranka. Ka dib markuu ka fadhiistay ciyaaaraha
Cabdi Dheere waxaa uu u wareegay dhanka tababaranimada, waxaana uu ahaa
tababare aqoontiisu aad u sarreysay , guulo badanna u horseeday kooxdiisa
Jeenyo iyo xulka qarankaba.
Cabdi Dheere waxaa uu ku dhashay magaalada jamaame ee gobolka jubbadda
hoose sannadku markuu ahaa 1952kii, waxbarashadiisa dugsiga hoose/dhexe
waxaa uu ku qaatay isla magaaladaasi jamaame isaga oo dhigan jiray dugsigii
la oran jiray “Jubba School” , dabadeedna dugsigii caafimaadka
ayuu u wareegay oo ay gacanta ku hayeen ajaanib isugu jiray Amerikan iyo
Canadian oo ay ahayd meeshii ugu horraysay oo uu ku bilaabo ciyaarta kubbadda
koleyga, dabadeedna waxaa uu u soo wareegay magaalada Xamar oo uu ku dhammaystay
waxbarashadiisa dugsiga sare isaga oo ka baxay dugsigii sare ee Badda.
1984kii ayuu Cabdi dheere ka qalin jabiyay kulliyadda waxbarashada lafoole
isaga oo ku takhasusay maadooyinka Biology iyo Chemistry. Tababare Cabdi
dheere waxyaabaha ay bulshada Isboortiga sida aadka ugu xusuustaan waxaa
ka mid ahaa: Isagoo ahaa shakhsi aad u deggan, dabeecad wanaagsan, qosol
badan, Samir badan, Wadaninimadu ku dheer tahay oo aad uga dhiidhiya guul-darada,
jecel ciyaartooydiisa aadna u dhiirri-galiya, soo saarista ciyaartooy
cusub oo wax-tar leh.
Waxaana intaasi u sii dheeraa isagoo ahaa tababare aad u xammaasad badnaa
marka la isugu yimaado goobaha ay ka socdaan tartammada ciyaaraha.
Cabdi Dheere waa xaas leh 6 caruur ah, waxaana uu ku nool yahay magaalada
Toronto-Ontario ee dalkaasi Canada.
Haddaba waxaa ii suuro-gashay inaan wax ka qoro Taariikhdii Isboorti ee
Tababare Cabdi dheere, waraysigaasi isaga ah oo dhinacyo badan taabanayay
ayaan ku soo koobay sidan:
Shiikha: Goorma ayaad billowday Ciyaaraha? Yaase kugu dhiirrigaliyay?
Cabdi Dheere:Ciyaaraha sidoodaba waxaan bilaabay aniga oo aad u da,yar
oo markaasi dhiganayay fasalada 5aad & 6aad ee dugsiga Hoose/dhexe
Jubba oo ku yaallay magaalada jamaame, waxaana markii ugu horreysay igu
dhiirri-galiyay laba macallin oo Maraykan ahaa oo iyagu macallimiin ka
ahaa dugsiga oo la kala oran jiray Chaser Kurtis iyo goodman……Waxaa
xusid mudan in labadan nin ay ahaayeen labo nin oo aad isugu hawlay horumarinta
isboortiga dugsiga, iyaga oo ka dhisay halkaasi garoomo lagu ciyaaro kubbadda
koleyga oo aan dhismihiisa kala qayb-qaadanay, waxayna noqotay goobtii
iigu horraysay oo aan kaga hanaqaado kubbadda koleyga.
Shiikha: Ma jireen noocyo kale oo isboorti oo aad ka qayb-gashay?
Cabdi Dheere: Haa waa jireen siiba ciyaaraha kubbadda cagta iyo ciyaaraha
fudud ”Athletics” oo aan ka qayb-qaatay xilligii aan dhiganayay
dugsiga Jamaame...... Runtii waxaan aad u sii jeclaa ciyaaraha fudud oo
aan oran karo waa hooyadii Isboortiga taasoo aan sabab uga dhigayo haddii
uu ciyaaryahanku awooddiisa iyo awoodda wada shaqaynta jirkiisa ay wanaagsan
yihiin waxaa ay sahli kartaa inuu ka qayb-qaato nooc kasta oo ciyaareed
oo uu doono, ilaa haatan aad baan u jeclahay daawashada ciyaaraha fudud,
hase yeeshee xilligaasi talooyinkii ay ii soo jeediyeen labadaasi macallin
ayaan qaatay oo aan u go'ay ciyaarta kubbadda koleyga.
Shiikha: Ma ka qayb-gashay tartamadii ciyaaraha gobollada?
Cabdi Dheere: 1971 kii ayaan ka qayb-galay, waxaana ay ahayd waqtigaasi
mid u furan ciyaaryahanka heerka 1aad Iyo kan gobolka ka yimaada...hase
yeeshee markii dambe waa la sharciyeeyay oo lama oggolayn in ciyaaryahan
heerka 1aad uu ka qayb-galo tartamadii ciyaaraha gobollada. Sidoo kale
iyaduna waxaan ka qayb-galay tartammadii ciyaaraha dugsiyada.
Shiikha: Ma xusuusan kartaa waxyaabihii xusuusta gaarka kugu reebay intaad
ku dhex jirtay ciyaaraha, markaad ciyaaraysay iyo markii dambe oo aad
macallinka noqotay labadaba?
Cabdi Dheere: waxyaabaha xusuusta gaarka igu reebay oo ilaa haatan maskaxdayda
ay soo goconayso ayaa ahayd iyadoo ay na soo mareen ciyaartooy faro badan
oo qiimo badnaa kuwaasi oo xirfaddoodii ciyaareed aan ku tilmaami karo
“ Hibo Eebe” Sida: Bashiir Foxs, Qardhaas, Afweyne, Bile Warsame,
Cabduqaadir Shiikha, Axmed Xaaji Nuur, Gees, Maxamuud, Saciid Qorsheel,
Cabdalla Dheere, iyo ciyaartooy fara badnaa oo aan halkan ku soo wada
koobi karin...waxaan qabaa ciyaartooydani haddii adduunyada kale loo furi
lahaa inay wax-tar wayn u yeelan lahaayeen dalka Soomaaliya, dunidana
ay magac wayn ka kasban lahaayeen.
Shiikha: Kooxdaadii kubbadda koleyga ee Jeenyo” LL.PP” wax
guulo ah ma gaareen intii aad u ciyaaraysay?
Cabdi Dheere: Marka laga soo bilaabo1970 kii ilaa 1978kii kooxda kubbadda
koleyga ee jeenyo dalka Soomaaliya caan bay ka ahayd, waxayna ku guulaysteen
dhammaanba wixii koobab ahaa ee la dhigay ha noqdeen jeneraal daa,uud
iyo horyaal intaba.
Shiikha: Goorma ayaad ku biirtay ciyaaryahannada heerka qaran ee kubbadda
koleyga Somaaliyeed?
Cabdi Dheere: 1973kii ayaan ku biiray oo aan ka tirsanaa ilaa 1978kii
Shiikha: Tartamadii ciyaaraha caalamiga oo aad ka qayb-gashay iyo kooxihii
aad la ciyaartay wax ma xusi kartaa?
Cabdi Dheere: Xaqiiqdii ciyaaro faro badan oo caalami ahaa ayaan ka qayb-galay
oo markastaaba waan bixi jirnay oo waxaan ka qayb-gali jirnay ciyaaraha
caalamiga ah ee dibadaha lagu qabanayay, kooxihii aan la ciyaaray oo fara
badnaa waxaa ka mid ahaa: Kooxdii ka socotay Xulka qaranka Russia oo la
oran jiray “dinamo Kev, Zair, Masar,Central Afrika, Sudan,iyo ciyaaro
faro badan oo aan runtii wada xusuusan karin, waayo marka laga soo bilaabo
1973kii ilaa 1978kii ciyaaro caalami Iyo kuwo heer Zone ayaan ka qayb-galayay
oo marba aan meel u safrayay.
Qeybta labaad kala soco Cadadka dambe
|
Alfaproduction |