Somaliroots

GEEDKA XIGMADA

Wuxuu Yiri Nabigii suubanaa (CSW): “Hadii bani Aadanka la siin lahaa labo wabi oo maal ah, wuxuu dooni lahaa mid sadexaad, bani Aadan calooshii waxaan ciid ahayn ma buuxin karaan, Rabbina wuxuu u denbi dhaafaa ciddii denbiga ka soo noqota denbi dhaafna weydiisata!” Intaas waa laysku raacsanyahay!

Waxaa la weydiiyey Luqmaan oo ahaa nin xigmad lagu yiqiin: xagee Luqmaanow xigmadda ka baratay? Wuxuuna ku jawaabay: “waxaan ka bartay jaahiliinta. Markastoo aan ceeb arko anigu waa ka fogaadaa!”

Cali Bin Abii dhaalib, Rabbi Haka raali Noqdee wuxuu yiri: “Qofkii is dhiga meel laysku tuhunsan yahay, yuu cidna eedin hadii laga shakiyo!”



Geedka Xigmadda

WQ. Siciid M. Xirsi


Fadlan wixii warar aad heyso ku soo dir

Emailkan hoos ku xusan:

Alfaproduction@yahoo.com

 

 

Alfaproduction