Ma
dhab baa in Qaraxyaddii Kal Hore ka dhacay Magaalladda Mombasa laga
soo abaabulay Gudaha Dalka Somalia?
Guddiga
QM ugu qaabilsan Ilaalinta Cunaqabataynta Hubka ee lagu soo rogay Kooxaha
Siyaasadda ee Dalka Somalia, waxay Daraasaad ballaaran ku sameeyeen
Hubkii loo adeegsaday Qaraxii Bishii November 28-dii ee sannadkii hore
lagu burburiyey Hotel ku yaalay Magaalladda Mombasa ee Dalka Kenya,
oo ay ku geeriyoodeen 12-qof oo Kenyaati ah, 3-Isra'iili ah iyo ugu
yaraa 2-qof oo ah Naftood-Hurayaal isqarxiyey.
Inkastoo
aan si rasmi ahaan loo soo daabicin Daraasadaasi, haddana, Wargeyska
The New York Times, ee ka soo baxa dalka Maraykanka, ayaa waxaa maanta
lagu soo qoray qyeb ka mid ah Daraasaadda Xogta ee ay soo ururiyeen
Guddiga QM ee u qaabilsan Ilaalinta Cuaqabataynta Hubka ee Somalia.
Daraasaadda,
waxaa lagu muujiyey inay Kooxdii Argagixisadda ee weerarka ku soo qaaday
Hotelka loo dalxiis-tegi jirey ee ku yaallay Magaalladda Mombasa inay
doon alwaax ka samaysan ku soo geliyeen Hubka magaalladda Mombasa, iyagoo
Hubka ka soo qaaday Gudaha dalka Somalia.
Daraasaadda
QM, waxaa lagu muujiyey in Falka Argagixisadda laga soo shaqeynayey
in ka badan Hal Sanno, iyadoo dadka Falkaasi geystay muddo dhowr bilood
ah qaab Kalluumeysato ah ugu shaqaysanayeen Xeebta Magaalladda Mombasa.
Warbixinta
aan ka soo xiganay Waregeyska The New York Times, Cadadkiisa Maanta,
ayaa lagu sheegay in Gantaalladda loo adeegsaday Weerarkii Magaalladda
Mombasa, oo noocisu ahaa SA-7B, ayaa la hadal hayaa in asal ahaan laga
soo qaaday Dalka Yeman.
Xogta ugu muhiimsan ee Asal ahaan meesha uu ka yimid, ayaa loo badinayaa
inuu qeyb ka ahaa Shixnad Hub ah oo ay Sannadkii 1998-dii, Dowladda
Dalka Ereteria soo siisay Mid ka mid ah Hoggaamiye-Kooxeed Soomaaliyeed
oo aan la carabaabin.
Khubaradda
soo ururisay Daraasaadda QM, waxay Warbixintooda ku sheegeen Tan iyo
markii ay Dowladdii Dhexe ee Dalka Somalia burburtay Sannadkii 1991-kii
inay nooc kasta oo Hubka ah la soo gelinayo Dalka Somalia.
Kooxaha
loogu yeero Argagixisadda, ayaa la sheegay inay Gudaha Dalka Somalia
ka soo iibsadeen Gantaalladda Garabka laga tuuro ee lagula dagaalamo
Diyaaradaha iyo Waxyaabaha kale ee Qarxa.
Warbixintan
oo aan ka soo minguurinay Wargeyska The New York, waxaa kaloo lagu sheegay
inay Daraasaadda QM lagu soo bandhigay inay Kooxda Argagixisadda ee
falka qarxinta ka fulisay Magaalladda Mombasa Sannadkii hore, inay Gantaalladdaasi
ku soo rarteen Doonyo ka yimid Dalka Somalia bishii Agost ee isla Sannadkaasi,dhowr
bilood ka hor markii la fuliyey Hawlgalka lagu burburiyey Hotelka ay
lahaayeen Ganacsatadda u dhalatay Dalka Israel.
Warbxiinta,
waxaa lagu muujiyey in Gantaalladaasi asal ahaan lagu soo farsameeyey
Dalweynihii Midowga Sovieti sannadkii 1978-dii, lagana iibiyey Dalka
Yeman Sannadkii 1994-kii.
Daraaasaaddaasi
ay soo ururiyeen Guddi ka tirsan QM, waxaa kaloo lagu sheegay Raggii
fuliyey Hawlgalka Qaraxaasi inay dhowr bilood ku nagaayeen Magaalladda
muqdisho, iyadoo Kharajka ay isticmaali jireen uu u soo dhiibay Maalgeliye
u dhashay Dalka Sudan, oo aan la carabaabin.
Dadka
loo aaneynayo Falkaasi, waxaa ka mid ahaa nin lagu magacaabo Fazul C/llaahi
Maxamed oo u dhashay Jesiiradda Komoros, iyadoo Baarayaasha Maraykanak
rumeysan yihiin inuu Ninkan ka dambeeyey Qaraxyaddii Safaaraddaha Maraykanka
ku kala lahaa Caasimadaha Dalalka Kenya iyo Tanzania sannadkii 1998-dii,
oo ay ku geeriyoodeen dad tiradoodu dhan tahay 231-qof.
Mar
ay Daraasaadaasi ka hadlaysay Nidaamka ay isku qeybiyeen Kooxihii geystay
Hawlgalka lagu qarxiyey Hotelka Pradise ee Magaalladda Nairobi sannadkii
hore.
Sida
maanta lagu soo daabacay Wargeyska The New York Times, waxaa lagu sheegay
inay 4-kooxood ka qeybgaleen Qaraxii Mombasa.
Khubaradda
QM, waxay sheegeen in Kooxda 1-aad si toos ah u abaaareen Hotelka Pradise,
halka Kooxda 2-aadna ay u jiheysteen Duleedka Garoonka Diyaaradaha ee
Mombasa, iyadoo Kooxda 3-aadna aadeen Jesiiradda Laaamu, oo ku taalla
meel ka baxsan Xeebaha Dalka Kenya, si ay u diyaariyeen Doonyihii lagu
baxsan lahaa.
Warbixinta,
waxaa kaloo lagu muujiyey inay Kooxihii geystay Weeraradda lagu qaaday
Hotelka Isra'iiliyiintu ku lahaayeen Magaalladda Mombasa iyo Weerarkii
Fashilmay ee Gantaalka lala waayey Diyaaraddii Rakaabka ee Israa'il,
ee Xilligaasi ka hinqanaysay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalladda Mombasa
inay dhammaantooda bishii Nov. 29da dib ugu laabteen Gudaha dalka Somalia.
Warbixinta
, waxaa lagu sheegay inay Dowladda dalka Kenya gacanta ku dhigtay tiro
ka mid ah Dadkii ka dambeeyey Qaraxyaddii Mombasa ka dhacay Bishii nov.
28dii ee Sannadkii hore.
Xeeldheerayaasha
Soomaalida, ayaa ka biyo-diidsan Waxyaabaha lagu soo qoray Warbixinta
la xiriirta Daraasaadda QM ee Hawlgalkii lagu qarxiyey
Hoteelkii Ganacsatadda Israel ku lahaayeen Magaalladda Mombasa ee dalka
Kenya.
Si
kastaba ha ahaatee, ma dhab baa Warbixinta ay isku duween Khubaradda
ka socotay QM, ee lagu sheegayo in Gudaha Dalka Somalia laga soo abaabulay
Qaraxyaddii cardaaduqaha looga dhigay Hotelkii Pradise, ee ku yaallay
Magaalladda Mombasa ee Dalka Kenya?
=Dhammaad=
WQ. Nuradin Abokor
Axmed {Diini-Yare}.
SHABELE MEDIA NETWORK
Muqdisho Somalia Shabele Online
Nuradin
Abokor Axmed Nuradin
Abokor Axmed Nuradin Abokor Axmed
Somaliroots
Alfaproduction@yahoo.com