Tyson oo 49 il-biriqsi uga badiyey Etienne

Clifford Etienne waxa la warey barbaalkii u yeel madashii ay ku feertamayeen
Mike Tyson ayaa ku raaxeystey
guul weyn oo uu habeenkii Sabtida ka helay dagaal feer oo ka dhacey magaalda
Mephis, ka dib markii uu 49 il-biriqsi gudahood uu dhulka ku warey feerayahanka
Clifford Etienne. Tyson waxa uu Etienne la helay gacan midug oo daran, taas
oo soo afjartey dagaalkii aan suunka lahayn eev ka dhacay xarunta lagu feertamo
ee Pyramid. Etienna markii fiirka lala helay oo uu dhabrka dhulka la helay ma
aanu soo toosin ee halkiisa ayuu ku dawakhay iyadoo uu xaakinkii dagaalkan feerka
garsoorayey uu uu u tiriyey tita badan oo Etienne uu ka soo kiciwaayey. Marka
Etienne dhulka la warayo waxa feerku socdey 49 il-biriqsi oo kaliya, waxa ay
feerkaas loogu talagaley in uu socdo 10 wareeg. Guushaas weyn ee Tyson uu Sabtidii
helay waxa ay waddada u sii xaartey, in dagaal isku-noqosha ah uu la galo ninka
maanta heysta suunka feerka miisaanka culus, Lennox Lewis. Ka dib markii uu
diiwaanka galshay feerkii lixaad ee ugu dhkahsaha badnaa ee uu ku bidiyo ayuu
Tyson yiri "waxa aan ku faraxsanahay in hawshii ku soo laabtey". Isagoo
ka sheekeenaya sidii uu u badiyey ayuu Tyson yiri"waxa aan ku dhiftey gacanta
bidix, si aan u banneysto fursad aan midigta ula helo oo gacmayaga ayaan kor
u hayey anigoo goobaya meel ka bannaan, waana aan helay." Waxa kale uu
yiri Tyson "diyaar uma aan ahayn dagaalkan, laakiin xil iyo waajibaad ayaa
i saarnaa. Aniga iyo isaguba lacagta ayaan u baahneyn." Labada feeryahanba
il-biriqsiyo kaliya ayeey ku jireen goobta lagu feertamayo markii uu Tyson uu
Etienne daanka kala helay feer weyn oo Etienne uu dhulka ku galgashey.