Somaliroots

Shirkii Barayaasha af Soomaaliga ee Waddamada Nordiga
oo ka Furmay Magaalada Stockholm

Shalay waxaa magaalada Stockholm ee magaalo madaxda dalka Sweden ka furmay shir ay sanadkiiba mar iskugu yimaadaan barayaasha soomaaliyeed ee wax ku dhiga afka- soomaaliga, dalalka ku yaala waqooyiga Yurub ee loo yaqaano Iskaandaneefiyanka.

Xafladii furitaanka shirkaasi waxaa qubad ka jeediyey mas'uul sare oo ka socday wasaarada waxbarashada dalkan Sweden islamarkaasina ah u qaabilsan bogga loogu magac daray "www.waxbarasho.com" Mats Wennerholm oo halkaasi ka hadlay ayaa sheega in heerarar kala duwan uu soo maray boggan "Waxbarasho" tan iyo markii la sameeyey muddo haatan laga joogo labbo sano. Waxaana uu xusay in boggu uu ku tilaabsaday hormar baaxad leh iyo himilo aad u sareysa.

Sidoo kale waxaa iyana dhinaceeda ka hadashay haweeneyda la yiraahdo Solveig Bylund oo ah haweeney u qaabilsan fulinta mashqruucan bogga "Waxbarasho.com", oo halkaasi faallo kaga bixisay muddadii labada sanno aheyd ee gacanta weyn ka geysatay sameyntiisa iyo waxyaabihii uu qabtay.

Dhinaca kale waxaa shirkan kasoo qeybgalay marati sharaf kale oo farro badan kuwaasoo isugu jiray xeeldheereyaal afka soomaaliga ah iyo marti sharaf kale. Waxaana ugu horeeyey bare Martin Orwin o ah bare afka soomaaliga ka dhiga jaamaada School of Oriental and African Studies "SOAS" , Cabdalla Canshuur oo isna ah bare wax ka dhiga jaamacad ku taal dalkaTalyaaniga. Dhinaca suugaanleydana waxaa goobjoog ka ahaa abwaan Xasan Sh Muumin, Abwaan Saciid Saalax Axmed oo wax ka dhiga dalka Mareykanka iyo Khaalid Cali Guul oo isagana ah bare ka mid ah barayaashii hore ee dalka, islamarkaana ahaa qoraa iyo gabyaa dowr weyn ka ciyaaray hormarinta suugaanta iyo afka hooyo, soona saaray buugag faro badan oo kala duwan. Furitaanka shirkan ayaa guud ahaan waxaa looga hadlay xaalada afka Soomaaliga ku sugan yahay xilligan iyo heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray.

Barayaasha ku dhaqan dalalka ku yaala waqooyiga Yurub ee Iskaandaneefiyanka ayaa sameeyey bog loogu magacdaray Waxbarasho.com, oo ah bog lagu soo bandhigo waxyaabo badan oo la xiriira hormarinta af-ka Soomaaliga iyo sidii loogu faa'iideyn lahaa caarruruta Soomaaliyeed ee qurbaha, kuwaasoo u baahan in afka Soomaaliga loo dhigo lana baro.

Maalinta berito ah waxaa uu geli doonaa shirka barayaasha Soomaaliyeed maalintiisi labaad halkaasoo ay socoto doodii iyo warbixinadii ku saabsanaa afka Soomaaliga iyo sidii loo hormarin lahaa. Shirkan waxaa lugu waday inuu kasoo qeybgalo Abwaankii weynaa ee Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo siweyn imaantinkiisa qiimo ugu lahaa, hase ahaatee ay gudiga ii sheegeen inu baaqday cillad xagga gaadiidka ah taasoo ah mid aan lugu tashan iney dhici karto.

 

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com

 

 

 

 

 

 

Alfaproduction