|
SHIMAALI AXMED SHIMAALI
HOBOL KU SOO BARBAARAY KOOXIHII BAKAAKA IYO DURDUR
Fananka lagu magacaabo Shimaali Axmed Shimaali oo ku dhashay dagmada Qoryooleey ee gobolka Sh/hoose waxa uu fanka ku soo biiray sanadihii 80-yadii xilligii uu socday barnaamajkii heesaha hir galay oo dhalinyarada fanka jeceli ay ugu tartami jireen dhinaca codka. Shimaali Axmed Shimaali oo ku caan baxay cod macaan isla markaasna muddadii uu fanka ku jiray kasbaday taageerayaal aad u fara badan ayaa ahaa hobol ka dhex muuqday heesayaashii fanka ku soo biiray wixii ka dambeeyey 80-yadii. Shimaali oo markii ugu horreysay ka qeyb galay caweyskii heesaha hir galay ayaa mar aan wax ka weydiiyay taariikh faneedkiisa isagoo ka soo laabtay shirkii Carta isla markaana ka mid ahaa fanaaniin la socotay Abwaankii caanka ahaa Max’ud C/llaahi Ciise (Sangub) waxa uu ii sheegay in heestiisa Faadomo uu habeenkii ugu horreysay ee uu ka qaaday barnaamijkii heesaha hir galay uu ku hantay kaalinta labaad wuxuuna isagoo ka hadlaya habeenkaasi sida uu masraxu ahaa yari “habeenkaas tartamayaashii ka qeyb galayey barnaamijka heesha hir galay waxa ugu cadcadaa aniga iyo Allaha u naxariistee Axmed Inshaar Cabdi (olol) oo isagu galay kaalinta koowaad habeenkaasna qaaday heestii hammi miraheedana uu iska lahaa Askari uuna laxanka saaray Cabdi Xasan Dige. Shimaali wuxuu sheegay in uusan barnaamijka heesaha hir galay uusan sidaasi uga sii hakan balse wuxuu tilmaamay habeenkii kale oo uu soo istaagay masraxa in uu ku galay kaalinta koowaad heestiisi Qalinkii Jaceylka oo ay miraheeda ka mid yihiin: Qalinkii Jaceylkee, Qaayihiisi weynaa, Qaddii way ka maratoo, Wax ma qori karaayee, Qeys iiyo Leyla dabaadood qiima ma laha caashaqu Qadarkey hambeeyeen ma isla qeybsaneynaa Haddaan qeymahaagi iyo, Qardhaastaadi xiranahay, Adiguna I qoontee, Qushii layla iyo dabadeed, Qiimo ma laha caashaqu, Qadarkey hambeeyeen, Ma isla qeybsanaynaa. Shimaali wuxuu ka mid noqday kooxdii fanka ee Bakaaka oo markii dambe loo bixiyay Durdur, kooxdaasi oo uu ku soo barbaaray isagoo tilmaamay in Allaha u naxiiriistee Abwaan Nuux Warsame Geedi uu ahaa Abwaankii ugu horreeyey oo ku gacan qabta dhinaca heesaha sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Abwaan (Sangub) oo uu ku tilmaamay madaale soo saaray fanaaniin fara badan gacanna ka geystay horumarka fanka Somalia. Shimaali dhinaca Banaadiriga madaama uu lahaa cod macaan waxa uu ka qeyb galay riwaayado fara badan oo ay soo bandhigeen kooxdii Libaaxyada Maaweeliska Banaadir ee hobollada Waabari waxaana riwaayadahaasi ka mid ahaa uu ka qeyb galay sed ma leh sarig laay, damac aduun, xubbigii la xumeeyey yaa xaal marinaaya iyo kuwo kale oo aan halkaan lagu soo koobi Karin. Hobolka Shimaali waxa lagu xasuustaa heesaha uu dib u habeynta ku sameeyay heesta caanka ah ee uu qaado hobolka Xasan Diriye laguna magacaabo (Ha howlin naftee halaaga ka daa). Shimaali sanadahan dambe ee dagaalada sokeeye fanka kama seexan oo waxa uu ka waday dibadaha wuxuuna soo saaray heeso cusub isagoo ka mid ahaa fanaaniintii shirkii Carta ee dib u heshiisiinta ka qeyb galay wacdaraha la yaabka lehna ka dhigay isaga oo hobolku hees ka hadlaysa nabadda ay ka wada qaadeen shirkii Carta ee sanadkii 2000 hobolka Bashiir Ibraahin Cabdi oo isaguna ka tirsanaa kooxdii Horseed ee xooga dalka Somaaliyeed. Fanaaniintii ay isla soo mareen Shimaali kooxdii Durdur dhinaca heesaha waxaan ka xusi karnaa Sahro Dawo, Mukhtaar Ramadaan Geedi, C/llaahi Shariif Baastoow, dhinaca muustikadana waxaan ka xusi karnaa Ciise Daahir Qaasin, Abuukar Daahir Qaasin, iyo C/llaahi Cujeer Cajami.
Waxaa diyaariyay: Axmed Max’ed Cabdulle (Uur Doox). Qaranimo.com Mogadisho, Somalia
|