Somaliroots

Shan soomaali ah oo dacwad loogu soo oogay qaad ay soo geliyeen magaalada Gothenburg - Sweden.

 

Shan kamid ah soomaalida degan magaalada Gothenburg ee caasimada labaad ee dalkan Sweden ayaa maanta maxkaxmad ku taala magaalada dacwad ka dhan ku soo oogtay, kadib markii lugu qabtay qaad ay ku soo qariyeen jawaano tirro badan muddo haatan laga joogo labo toddobaad ka hor, iagoo sida la filayo ay ka keeneen qaadkaasi dalka Denmark oo ah meesha ugu badan ee qaadka Sweden yimaado kasoo gallo. Xeer ilaaliyaha maxkadama Gothenburg ayaa sheegay in labo kamid ah shantaasi lugu qabtay qaad lugu qiyaasay 46 kiilo markii booliska soo dabagalay buurbuurtii qaadkaas gelbineysay.

Qaadka jawaanadaasi ka buuxay ayaa wararku sheegayaan in la geeyey xaafad kamid ah xaafada magaalada Gothenburg ee soomaalida sida weyn u degto, halkaasoo ay ku sugayeen raggii howshaasi kala wareegi lahaa oo magaalada inteeda kale u iib geyn lahaa.

Si kastaaba arrintu ahaatee mid kamid ah raggaasi ayaa horey booliska ku raad joogeen tan iyo bishii juun ee sanadkan markaasoo magaalo la yiraahdo Falkenberg oo ku taala agagaarka magaalada Gothenburg lugu qabay isagoo ku raran 140 kiilo oo qaad ah.

Dalkan Sweden iyo dalal kale oo ku yaala waqooyiga Yurub ayaa waxaa mamnuuc ka ah isticmaalka qaadka iyo iibintiisa, halka dalalka Denmark, Ingiriiska iyo Holand ay qaadku ka yihiin caadi oo aan iibsigiisa iyo isticmaalkiisaba aaney kaa soo gaareyn wax dhibaato ah.

 

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com

 

 

 

 

Alfaproduction