|
IDAACADA LAASCAANOOD
Radio LA
FM 93Mhz
Aasaaskii
Idaacada Laascaanood

Mudane
Ismaciil Aftaag
Raadyow laascaanood oo isagu ka hadla mawjada FMka waxaa la aasaasay taariikhdu
markay ahayd 10-10-2000, Xilligaas oo haatan sadex sannadood laga joogo
, waxaana aasaasay rag dhallinyaro ah oo u dhashay deegaan Sool, Sanaag
iyo Hawd, dhalin yaradan oo ka bilawday hawshan meel aad u hoosaysa ,haatana
gaadhsiiyey idaacada meel aad u saraysa waxay aad ugu dadaaleen sidii
ay deegaankan horumarkiisa qayb wax ku ool ah uga qaadan lahaayeen. Islamarkaana
aqoonta dadkooda kor ugu qaadilahaayeen.
Waxaana dhalin yaradan hogaaminayey Faysal Jaamac Aadan oo isagu haatan
ah Agaasimaha idaacada iyo rag kale oo badan, waxaana aasaasayaashii ka
mid ahaa. Jaamac Maxmed Nuur Jeele,Cabdirashiid Caydiid Dirir, Faysa Cabdi
Dhalac ,Hodan Cali Shube, Faarax Max’muud Sugule, Maxmed Ducaale
Gaadh, Jamaal Farjar, Cabdisamad Maxamuud Siciid, Kayse Jaamac Aadan,
Cali Yuusuf Hadhiye,iyo rag kale oo aan halkan lagu soo koobi karin.
Waxaa qayb weyn isaguna ka
qaatay sidii idaacada loo kobcin lahaa dhinacyada kala duwan ee idaacada
haday noqon lahayd farsamada iyo dhaqaalahaba halyeyga dhalinta yar Ismaaciil
Ibraahim Ducaale Aftaag , oo isagu ku degan cariga Ingiriiska gaar ahaana
magaalada kaardif, waxakale oo iyaguna qayb weyn ka qaatay sidoo kale
jaaliyada deegaankan Sool,Sanaag iyo Hawd eek u nool daafaha aduunka.
Raadyow laascaanood waxa
uu hawada ku jiraa sadex saacadood iyo badh, oo u qaybsama laba xilli
oo kala ah maalintii 1:00-2:00 duhurnnimo, iyo fiidkii oo ay idaacadu
hawada soo gasho 6:30 – 8:45.
Idaacada laascaanood waxaa
ka baxa barnaamijyo kala gedisan, waxaana ka mid ah:
1. Cashar Diini ah.
2. Tafsiirka Quraanka
3. Bandhiga raadyaha oo joogta ah, habeen iyo maalinba
4. Taariikhda Daraawiishta
5. Waxbarashada.
6. Cawayska Sabtida
7. Sahan
8. Deegaanka
9. Caafimaadka
10. Korodhso Aqoontaada
11. Dhanbaalka Dhegaystaha.
12. Maandhiska Dhalaanka.
13. Martida Todobaadka.
14. Ciyaaraha
15. Sheeko Gaaban
16. Fanka iyo Suugaanta
17. Todobaadka iyo Caalamka
intaas ayaa waxa dheer warka oo joogta oo laba jeer la siidaayo.
Shaqaalaha idaacada ayaa
waxa ay haatan ka kooban yihiin sadex iyo toban xubnood
oo kala ah.
• Faysal Jamac Adam
………. Agaasimaha idaacada
• Faarax Maxmud Sugule …….. K/x/ Agaasimaha. Iyo g:
waaxda barnaamijyada
• Faysa Cabdi Dhalac ………… Waaxda DHaqaalaha
.
• Hodan Cali Shube ………… Qorshaynta
• Asad Cadaani Ibraahim ……….. Waaxda wararka
• Saynab Cabdi Warsame ……… Waaxda Farsamada
• C/rashiid Caydiid Dirir………. Wararka & Filimqaade.
• Maxamed Cali Cilmi Wararka
• C/casiis Saleebaan Axmed. Wararka
• Jaamac Maxmed Nuur (jeele) …… farsamada.
• Cali Yuusuf Axmed .................. Farsamada
• Shiine Jamac Salax .................. farasamada
• Kayse Jamac Aadam..................... filimqaade
Idaacada Lascaanood waxa
ay qayb weyn ka qaadataa sidii loo kobcin lahaa wacyiga dadweynaha ku
nool deegaanka Sool, Sanaag iyo Hawd, waxa kale oo ay ka qayb qaadataa
sidii dadweynaha loola socodsiinlahaa dhacdooyinka dalka gudihiisa iyo
aduunkaba markaa ku soo kordha, idaacadan ayaa iyadu ah mid madaxbanaan
oo aan cidna hoostegin ,hasayeeshee aaminsan midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Idaacada laascaanood ayaa waxa ay wariyaal ku leedahay ,gobolada Soomaaliya
intooda badan, iyo waliba dalka dibadiisa.
waxaa soo diyaariyey
Asad Cadaani Ibraahim
e-mail: asadlaska@hotmail.com
|