|
THE
HISTORY OF THE
LEGEND
Ahmed
Awad (Rabsha)
Music
Teacher, Music Writer and composer, Guitarist, Singer and Melody
Maker.
Hobol Ka mid ah Hoboladii ugu caansanaa ee soomaray Taariikhda Fanka
Soomaliyeed.
Song
"Rabsha"
Wareysi
Gaaban oo ay La yeelatay KASMO Hobolka Ahmed Awad
(Rabsha)
Ahmed
Cawad Saalim "Rabsha" wuxuu ahaa fanaan caan ah oo si
weyn ugu dhex muuqdday fanka soomaaliyeed, gaar ahaan xagga dhismaha
iyo qoraalka muusiga, wuuna ku jiray shaqsiyaad kooban oo loogu
dambeeyey qoraalka iyo codeynta muusiga oo uu ku soo bartay jaamacad
ku taalay dalka suudaan.
Ahmed
oo Ahaa Hesaa aad u cod macaan waxaa ka mid ahaa heesihii uu ku
caan baxay Laanyahay magooshay iyo Axadii.
Bishii
Augost sanadka 2001, magaalada London wargeyska Kasmo ayaa fursad
u helay iney La yeeshay wareysi Fanaanka wuxuu u dhacay sidan hoos
ku xusan:
KASMO:
Ka waran Noloshaadii Fanka?
Ahmed
Rabsha: Fanka waxaan ku soo biiray anigoo jira 13 sanno, waxaana
ka dhaxlay Aabahey oo ahaa fanaan ku caan baxay kabanka, isagaan
iigu dhiiro Geliyey.
Fanka
waxaan ka bilaabay in aan ka heeso xafladaha iyo aroosyada, ka dibna
sanadka markuu ahaa 1963 dii waxaan fursad u helay in aan la shaqeeyo
fanaanka caanka ahaa ee Cabdikariim Faarax Jiir.
KASMO:
Xilligaas Heeso aad adigu sameysay miyaad ku heesi jirtay?
Ahmed
Rabsha: Maya, waxaan ku heesi jiray Heesaha Fanaaniinta kale.
KASMO:
Kooxdee baad ka tirsaneyd, goormeese la aasaasay?
Ahmed
Rabsha: Waxaan ka tirsanaa Kooxda "Soul Full Five" oo
la asaasay 1969 kii, koodeenu waxay ka koobneyd afar Qofood. Goobihii
aan ka tumi jirnay na waxaa ka mid ahaa Lido, Lamamba iyo Steak
House.
KASMO:
Fanaaniintii aad isla soo shaqeyseen yaa ka mid ahaa?
Ahmed
Rabsha: Intii aanan kooxda sameyn waxaan isla shqeyn jirnay hesaagii
caanka ahaa mohamed mooge, ka dibna waxaan is baranay Mohamed ibrahim
Hadraawi oo aan ka wada shaqeyn jirnay Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta
oo aynu aheyn shaqaalheeda joogtada ah, 1970 waxaan Heesaha wadaniga
bari jirnay Gabdhaha Dugsiga dhexe ee Bartamaha. waxaan kaloo Tababare
ka noqday Dugsiga Sare ee Boliiska kaasoo aan ka bixin Jiray saminaar
6 bilood soconaayey oo ku saabsanaa barashada Muyuusiga.
KASMO:
Heesahii aad hadraawi isla sameyseen maxaa ka mid ahaa?
Ahmed
Rabsha: Aniga iyo hadraawi wada sameynay waxaa ka mid ahaa heestii
caanka aheyd ee AXAD, ILA-TALi oo loo yaqaan AFGOOYE, LAAN-YAHAY
MAGOOSHEE, BILANEY WALAAL, oo aan isla qaadnay aniga iyo fanaandii
Hibo. Anigana xiligaa Hibo u sameeyey Heestii AAN-ISGARABSANO.
KASMO:
Ma jirtaa Koox Faneed oo aad ka tirsneyd xilligaas?
Ahmed
Rabsha: 1970 waxaan ka tirsanaa Kooxda la oran jiray Barqad Cas
oo ka madax banaaneyd Raadiyaha iyo Masraxa. Waxaaana Kooxdaas ka
mid ahaa Shimbir, Mohamed ahmed, Feisal Omar Mushteek, Dararamle,
Hadraawi, Mohamed mooge, Ahmed Mooge.
KASMO:
Ka waran Xagga Waxbarashada?
Ahmed
Rabsha: Runtii anigu waxaan ka shaqeyn jiray Famashiyo Lagu Iibiyo
Daawooyinka taas oo aheyd howsha aniga sida tooska u hayey balse
hiwaayadeydu waxay aheyd Fanka oo aan aad u jeclaa, kolkaa 1974
kii ayaa waxaan fursad u helay deeq waxbarsho oo bixisay Dolwlada
Suudaan, Waxaana Jaamcada Fanka ee ku taal Khartum ku jiray 5 sanadood
halkaa oo ka soo qaatay BA oo ah dhanka dhismaha Muusiga.
KASMO:
Fanaaniinta aad isku barateen Suudaan waxa manoogi sheegi kartaa?
Ahmed
Rabsha: Muddadii aan Suudaan joogay waxaan is baranay al-mulaxin
cumar Shaacir, fanaanka weyn yusuf Al-Musri iyo Mohamed wardi
Mohamed
wardi

Al
Nas Al Giyafa
Al Hub Wa Al Raida
Ya Baladi Ya Haboub

oo
aan isaga isku soo gaarnay Sanadkii Koowaad iyo Labaad ee Jaamacada.
KASMO:
Kolkii aad Dalka ku soo noqotay maxaad qabatay?
Ahmed
Rabsha: Dalka markaan Ku soo noqday tacliinta aan soo bartay wax
wey n kuma qaban waayo Fanaaniinta Qalabka kala duwan ee muusiga
tuma waxay ahaayeen kuwo iyaga muusiga is baray oo aan Nootooyinka
qorin, kolkaa waxay taasi igu kaliftay in aan shaqo dibada u doonto,
waxaana Maclin Muusga ka noqday Machad Ku yaal Dalka Dubai.
KASMO:
Xiriirka Fanaaniinta Dalaka idinka dhexeeyey sidee buu ahaa?
Ahmed
Rabsha: Xiriirka aniga iyo fanaanta kale weligii ma istaagin, waxaana
kuugu filan Heesaha uu SULFA qaaday badankood oo aniga lahaa iyo
weliba heesaha uu qaadi jiray killer iyo fanaaniin kale ayaa heesaheyga
ku heesi jiray.
KASMO:
ka waran Riwaaydaha ?
Ahmed
Rabsha: Masraxa soomaliyeed soo badhigidiisa aad buu waayahii dambe
u hurumaray. Aniga door baan ku lahaa sida Heesha Hergalay oo aan
u sameeyey muusik iyo Heesaba.Dhanka Riwaayadaha waxan ka qeyb qaatay
Riwaayadii Sharafmaleh Sheeko Naag, Sir Naag Lama salgaaro iyo kuwa
kale. Fanaaniintii aan isla soo shaqeynay waxaa ka mid ahaa xiligaas
Aweys Geedow DiinlE oo lahaa Heesihii ugu Horeeyey ee aan ka qaado
Riwaayadaha, Dr. Daahir Nuur Raafi, Abukar Tooto, Suufi xaaji, Cabdulqaadir
Nuuraani, Macow Aw-Diinle, Cali Cusmaan Daroog Iyo Fanaan kaloo
badan oo hormood u ahaa fanaka Banaadiriga.
KASMO:
Hadda Maxaad Ku talo JIrtaa?
Ahmed
Rabsha: Hadda waxaan Aan ku tala jiraa sidii aan uruurin lahaa Howlihii
faneed ee Taariikhiga ahaa , anigoo ka faa ideysanaaya Hurmarka
tignoolijiyada ee maqalka iyo muuqaalka waayo, si fudud laguma dhaafi
karo Howshii ay soo qabteen Muusikiistiyaashii iyo fanaaniintii
hore sida Macalow Nuur, Mabruuki, Qaasim Hilowle, Cabdala Radaaci,
Aweys geedow, Mooge, Abdulaahi Qarshe, Ahmed Nur yusuf iyo Kuwa
kale oo badan.
Allaha
u Naxariistee Ahmed Cawad Rabsha wuxuu ku dhashay 1945 kuna soo
barbaaray Magaalada Muqdisho.
Ahmed
oo ku noolaa sanooyinkii ugu dambeeyey magaalada London isaga oo
ku howlan Cilmi Baarista Fanka ayuu ku geeriyooday magaalada London,wuxuuna
ifka kaga tegey Marxuumka 10 caruur ah.
|