Sababtii keentay
in Illaahay amro Nebi Ibraahiim inuu bireeyo Wiilkiisa Ismaaciil
CS.
Sababta keentay in Nebi Ismaaciil CS la amro in la bireeyo xaqiiqada
Illaah baa garanaya, balse sida la sheegay Nebi Ibraahiim CS ayaa
sadaqeeyey 1.000 Neef oo Ari ah, 300 oo lo'ah iyo 100 Neef oo
Geel ah, wuxuuna ku baxshay jidka Illahay, dadkii ayaa la yaabay,
markaabaa Nebi Ibraahiim CS wuxuu yiri "waxaan baxday agtayda
waxba kama ahaa, balse Illah baan ku dhaartee haddii uu ii ahaan
lahaa wiil jidka Illahay ayaan u bireyn lahaa, Illahey ayaana
ugu dhawaan lahaa "markii uu saas yiri Nebi Ibraahiim CS
waqti badan ayaa la joogay, kaddib Illahay ayuu weydiistay awlaad,(ilmo)
Illahayna wuu ka aqbalay, waxaana loogu bishaareeyey walad, waxaana
loo dhalay Nebi Ismaaciil (CS). Nebi Ismaaciil CS markuu weynaaday
ee uu gaaray dhowr sanno, ayuu Nebi Ibraahiim (CS) ku riyooday
isagoo bireynaya wiilkiisa Ismaaciil CS, laguna yiri oofi nadarkaagii
(dhaartaadii hadda ka hor). Markii waagu beriyey ayuu ku fekeray
tolow ma amar xag Alle ka yimid baa riyadu, mise waa shaydaan.
Galabtii ayuu haddana ku riyooday wuxuuna xaqiiqsaday in xagga
Alle laga amray, inuu bireeyo wiilkiisa Ismaaciil CS. Maxaa yeelay
Riyada Nebiyadu waa xaq, waxayna la mid tahay iyadoo loo waxyooday.
Nebi Ibraahiim (CS) wuxuu ku yiri, Haajara oo ahayd Nebi Ismaaciil
hooyadiis "Wiilka dhar fiican u xir meel baan aadaynaayee
"hooyo Haajara Ismaaciil CS dhar fiican ayey ugu labistay
wayna u subagtay, wayna u shanlaysay. Nebi Ibraahiim CS wuxuu
qaatay xarig iyo mindi, waana is raaceen isaga iyo Nebi Ismaaciil
(CS).
Nebi
Ismaaciil CS aabihiis ayuu hor socday in la biraynayana ma ogeyn
isaga iyo hooyo Haajaraba.
Ibliis (shaydaan) ayaa damcay inuu ka faa'iidaysto, markaa buu Nebi
Ibraahiim CS ku yiri: "miyaadan arkayn wiilkaan baa la qali
karaa?".
Nebi
Ibraahiim CS wuxuu yiri: "Illahay ayaa i amray, waana biraynayaa"
Ibliis markuu ka quustay Nebi Ibraahiim CS ayuu u tagay Hooyo Haajara
wuxuu yiri "halkaan ayaad iska fadhisaa Ibraahiimna wuxuu doonayaa
inuu bireeyo wiilkaaga Ismaaciil ah".
Haajara
waxay tiri: "iga daa beenta, xaggeed ku aragtay aabbe Ilmihiisa
biraynayaa?".
Ibliis wuxuu yiri: "Saas daraadeed ayuu u qaatay xarig iyo
mindi".
Haajara waxay tiri: "Maxaa kalifay inuu bireeyo wiilkiisa Ismaaciil?".
Ibliis
wuxuu yiri: "Wuxuu sheeganayaa in Illahay amray".
Haajara waxay tiri: "Koley Baadil Illahay amri maayo".
Markii Ibliis Haajara ka quustay ayuu aaday wiilkii yaraa ee Nebi
Ismaaciil ahaa,si uu u fidneeyo, wuxuuna yiri: Waad faraxsan tahay
oo waad iska cayaaraysaa; Aabbahaana wuxuu kuu wataa xarig iyo mindi,wuxuuna
doonayaa inuu ku bireeyo.
Ismaaciil
wuxuu yiri: "war beenta iga daa, maxaa aabahey ii biraynayaa?".
Ibliis wuxuu yiri:"wuxuu sheeganayaa in Illahay amray inuu
ku bireeyo.
Ismaaciil
CS wuxuu yiri: "waan maqlayaa waana adeecayaa (yeelayaa) amarka
Illahay".
Ibliis markuu doonay inuu hadal kale u celiyo ayaa Ismaaciil CS
qaatay dhagax, wuuna ku tuuray, wuxuuna uga dhuftay isha bidix,
Ibliis waa iska tagay isagoo hoogay oo khasaaray.
Nebi
Ibraahiim (CS) iyo Ismaaciil markay gaareen meel la yiraah mina
oo u dhaw kacbada ayaa Nebi Ibraahiim CS ku yiri Ismaaciil "wiilkaygiiyoow
waxaan riyo ku arkay aniga oo ku biraynayaa ee maxa ra'yigaagu yahay?".
Ismaaciil
wuxuu yiri: Aabbaheeyow samee waxa Illahay ku amrayo, waad i heli
doontaa haddii Alle idmo inaan ka mid ahay dadka wanwanaagsan. Nebi
Ibraahiim CS markii uu maqlay hadalkii wiilkiisa Ismaaciil, wuxuu
qiray(Ogaaday)in Illahay u ka ajiibay ducadiisii hadda ka hor uu
Illahay ku baryay oo ahayd:(Rabbi hablii minal salixiin) Nebi Ibraahiim
CS Illahay ayuu ku xamdiyay intaa kaddib nebi Ismaaciil CS ayaa
yiri: Aabaheeyoow waxaan kuu dardaarmayaa dhowr shay:-
Markii
aad i biraynaysid iga xir gacmaha si aanan kuu dhibin.
Wajigayga
iska sii jeedi waxaa laga yaabaa inaad wajigayga ujeedo inaad iga
naxdo, oo aad ii naxriisato.
Dharkaaga
xaydo (kor u qaado) si aan dhiiggu kuugu faniinin, hooyadayna inta
kugu aragto dhiigga aysan ku murugoon, anna ajarku iiga nusqaamin.
Afayso
midida kuna dhaqso biraynta si ay iigu fududaato sakaraatul mowdku,
maxaa yeelay mowtku waa daran yahay.
Qamiiskayga
u gee hooyadey ha igu xasuusatee.
Aabbe hooyaday igu salaam, waxaadna ku tiraa ku samir amarka Illahay.
Aabbe
hooyo ha u sheegin sida aad ii biraysay,xariggii aad igu xirtay
IWM.
Aabbe
hooyaday: yaysan u soo galin Ilmaha anigoo kale ah way i xasuusanaysaaye,
markaas bay murugoonaysaaye.
Aabbe
haddii aad aragto wiil anigoo kale ah ha-fiirin yaadan murugoonee!
Nebi Ibraahiim CS wuxuu yiri: "wiilkaygiiyow waxaad iigu kaalmaysay
amarkii Illahay i faray".
Nebi
Ibraahiim CS wuxuu guda galay inuu legdo (dhinaciisa dhulka dhigo)
wiilkiisa Ismaaciil CS si uu u bireeyo, wuuna legday, middidii ayuuna
surka uga kir-kiray intii xooggiisa, balse waa awoodii waayey inuu
ku jaro middida qoorta wiilkiisa Ismaaciil CS.
Malaa'igta
Illahay markii ay arkeen Ibraahiim CS oo biraynaya wiilkiisii Ismaaciil
CS waxay u hoobteen Sujuud,
Illahay ayaana ku yiri: fiiriya addoonkayga sida uu ugu kir-kirayo
(marmarinayo) middida qoorta wiilkiisa, isagoo rilaheyga dalbaya(doonaya).
Ismaaciil
CS wuxuu yiri: "Aabaheeyow ii sii daa gacmaha iyo lugaha oo
iga fur xariga, yaan la ii malaynin in la i qasbayo, oo aan diidanahay
amarka Illahay, ina gowrac anoon gacmo xirneyn.
Nebi
Ibraahiim CS waa ka furay xargihii lugaha iyo gacmaha, mar labaad
ayuuna middidii ku kir-kiray, wiilka surkiisa intii xoggiisa ah,
markaas baa middidii afka ka soo laabmatay, waxna u goyn weysay.
Ismaaciil
CS wuxuu ku yiri Aabihiis Ibraahiim "Aabbe xoogaagii ayaa daciifay
jeclaanta aad i jeceshahay awgeed, mana awoodid inaad i birayso".
Nebi Ibraahiim CS middidii ayuu ku garaacay dhagax, markaas bay
dhagaxii labo u kala goysay, afka middidu leedahay awgeed.
Nebi
Ibraahiim CS wuxuu yiri: "middidani way kala goynaysaa dhagaxa,
hilibkana goyn meyso!!
Nebi Ibraahiim CS middidii ayaa la hadashay oo tiri "Ibraahiimow
waxaad i leedahay wax goy, Illahayna wuxuu i leeyahay ha goyn, ee
sideen amarkaaga u yeelaa, Illahayna u caasiyaa?".
Intaas
markii xaaladdu marayso ayaa Illahay u naadiyey kuna yiri Aayadahaan
qur'aanka ah.
Illahay
wuxuu u keenay Wan wayn oo laga keenay sida la sheegay jannada,
waxaana lagu beddelay Nebi Ismaaciil CS.
Jibriil
oo la socday wanka, ayaa yiri:Allahu akbar, Allahu akbar,allahu
akbar.
Nebi
Ibraahiimna CS wuxuu yiri:"laa ilaaha ilalaah wallahu akbar".
Nebi
Ismaaciilna CS wuxuu yiri: "Allahu akbaru wallilaahil xamdu"
Sidaas
daraadeed ayaa takbiirta la qaadaa maalmaha ciidda Carafo, inagoo
ku dayanayna Nebi Ibraahiim CS.
Nebi Ismaaciil CS waa awoowga kore ee uu ku abtirsado Rasuulkeenna
Muxammad NNKH.
Nebi
Ismaaciil CS wuxuu ku soo barbaarey Makka Al-Mukarama.
Nebi
Ibraahiim CS wuxuu Nebi Ismaaciil CS Illahay siiyey isagoo 87 jir
ah.
Hooyaddii Haajarana waxay ahayd addoon (booyaas) ay leedahay oo
u shaqeysa xaaskii kale ee Nebi Ibraahiim markay waxba u dhali weyday
ayey ku dartey booyaasadeedii Haajara aheyd, halkaas oo Illahay
Nebi Ismaaciil ka beeray.
Nebi ismaaciil walaalo waxaa la dhashay hal wiil, wiilkaas oo ahaa
Nebi Isxaaq CS.
Nebi Ismaaciil CS wuxuu Nebi Isxaaq ka weynaa 14 sanno.
Nebi ismaaciil (CS) wuxuu dhalay 12 wiil, dhammaantoodna waxay noqdeen
Awoowe-yaal lagu abtirsado, Nasabka Nebi Ismaaciil (CS) waxa ka
soo jeeda Carabta-Mustacribadda la yiraahdo.
Nebi
Ismaaciil wuxuu noolaa 137 sanno, wuxuuna ku dhintay Mako, oo uu
ku aasan yahay.
Intaas
waxaa inoogu dhamaaday Qisadii Nebi Ismaaciil CS oo kooban
|