Gabdhii ugu horeysay
ee xijaaban oo isa sootaagta Telefeyshinka Sweden.

Naadiya
Jabriil
Taariikhda warbaahinta reer galbeedka waxaa markii ugu horey ku soo
biirtay gabdh xijaaban oo muuqaalkeeda laga arkay iyadoo ah xirriiriye
barnaamij ku baxa afka Swedhish-ka ee telefeyshinka dalka Sweden. Gabdhan
oo magaceeda la yiraahdo Naadiya Jabriil ayaa waxey soo gudbisaa barnaamij
loogu magac daray ”Mosaik” oo ah barnaamij inta badan ka
hadla arrimaha dadka shisheeyaha ah ee ku nool dalkan Sweden. Howshan
warfaafineed ee ay Naadiya heyso ayaa timid kadib ay oggolaansho ka
heshay maamulka telefeyshinka oo sheegay in dowlada Sweden ay texgeliso
dhaqamada iyo diimaha kala duwan dadka shisheeyaha ah ee kunool dalkeeda,
islamarkaasina shaqaalaha shisheeyaha ee warbaahinta Sweden ka howlgala
aysan kala jecleyn diimaha iyo dhaqamada ay heystaan, sidaa daraadeedna
ay Naadiya xaq u leedahay iney ka shaqeyso telefeyshinka. Hase ahaatee
go’aankii uu gaaray maamulka telefeyshinka ayaa sheegaya ineysan
Naadiya marnaba kamid ahaan karin weriyeyaasha warka aqriya sababo la
xirriira xijaabka ay xiran tahay oo aaney dadweynaha raali ka aheyn
buuq badana ay hareeyeen.
Si kastaaba arintu ahaatee Naadiya oo asalkeedu yahay Falastiiniyad
ayaa aad ugu faraxsan iney noqoto gabadhii ugu horeysay ee xijaaban
oo ka dhexmuuqata mid kamid ah teleyshinka reer Galbeedka, islamarkaasina
aan cidna ku takoorin dhaqanka iyo diinta ay heysato. Waxaana ay intaasi
ku dartay hadalkeeda in dhawaan ay ku rajo weyn tahay iney barnaamij
kale oo ka hadlaya cunto karinta ay ka ahaato xirriiriye, tannoo ah
bey tiri mid si weyn ugu heli doonaan bulshada Sweden.
Inkastoo dalka Sweden uu kamid yahay dalal dhowr ah oo reer Galbeed
ah muslimiin badana ay ku nool yihiin ayaan hadana jirin cadaadis weyn
oo lugu hayo gabdhaha muslimiinta ah ee howla guud ee addeegyada bulshada
haya sida cisbitaalada, iskoolada, isgaarsiinta, warfaafinta iyo xarumaha
ganacsiga. Hadana waxaa jirto meelo aan marna laga jeceleyn dadku iyagu
xirran xijaabka islamarkaasina aan si sahal ah ku heli karrin shaqooyinka
darruuriga ah.
Muddo aan sidaasi u sii dheereyn waxaa shaqadeedii ku weysay haweeney
swedhish ah oo muslintay oo subax arroor ahi inta la soo gashay dharkii
xijaabka dunkaankii ay gadeysay oo la oran jiray Lindex halkaana loogu
sheegay iney shaqada ka tagto ama ay dhigto dharka ay xirantahay goobtaasina
ay kaga soo tagtay haqadeedii ay muddada badan ka shaqeyneysay. Haweeneydan
oo saxaafada u warameysay ayaa sheegtay iney socoto dacwadii ay ku oogtay
mulkiilihii lahaa dukaanka oo shaqadeedii ugu eryey dharka ay xirneyd
awgeed.
Guud ahaan nololsha ay ku nool yihiin dadka muslimiinta Sweden ayaa
ah caadi marka la eego sida ay knool yihiin dadka ku nool dalalka jaarka
ah, Biljim iyo Faransiiska oo aan iyagu marnaba lugu texgelin diimaha
iyo dhaqamda kala duwan ee ay heystaan. Qawaaniinta u degsan dalkan
Swedena waxaa uu ogolaanayaa in haweenka xijaabka xiran ay aqoonsigooda
dalka ku jooga iyo dhalashaduba uu ku dheganaan karro sawirro uu ka
muuqdo xijaabkooda, laakin sharuud looga dhigay ineysan marnaba qarin
karin dhagahooda oo ah bey yiraahdeen sharci cusub oo dhawaan ay soo
roogeen dalalka ku jira bahwadaagta Yurub.
Ugu danbeyntii Naadiya Jabriil waxey guud ahaan muslimiinta dalka Sweden
u soo jiiday magac iyo maamus, iyadoona notay gabdhii ugu horeysay ee
taariikhda telefeyshinada reer Galbeedka ka howlgasho gabar xijaaban.
Ikraam Cali-kaar (Somaliroots jornalist)
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
somaliroots
Alfaproduction@yahoo.com