Somaliroots

Qiyaanada ku qarsoon kororka Musharixiinta madaxtinimo ee Dowladda la soo dhisayo


Markii uu shirka dib u heshiisiinta soomaalida ka bilowday magaalada Eldoret oo aan weli laga lug bixin wejigii koowaad ee shirkaas ayaa waxaa si aan gambasho lahayn oo la yaab ku noqotay ergooyin damacooda madaxtinimo banaanka u soo dhigay Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, Dr. C/llaahi Axmed Caddow iyo Cali Xasan Maxamed Camalow oo ergooyinka ka dhex bilaabay ololahooda ku wajahan musharaxnimada madaxweynenimo ee dowladda markaas uun sheekadeeda ka bilaabatay magaalada Eldoret, dhowr bilood kadib ayay akhyaar kale oo ka xishooneysay in ay damacooda la bilaabaan hadana isa soo qadimeen, waxaa la maqlayay C/raxmaan Jaamac Barre, hadana wax yar kadib Xuseen Caydiid ayaa miiska isa soo saaray, Faarax Sendiko oo Kubaddii meel soo dhigtay ayaa anna waa i kan yiri, kagadaalna waxayba gaartay in todobaad kasta mid ama labo musharax oo cusub sheekadooda la maqlo, sida Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Jaamac Cali Jaamac, C/llaahi Boqor Muuse (King Kong), Jen. Muumin Ibraahin Isaaq, C/llaahi Shiikh Xasan, Najiib C/kariin, Cali Maxamed Caraale, Shariif Xuseen Roobow, Suldaan Muuse Shiikh, Cusmaan Maxamed Faarax, iyo kuwo kale oo faro badan oo jidka ku soo jira oo ay ka mid yihiin Dr. Cabdi Maxamed Culusow (Black), Avv. Cali Aboolo, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), C/qaasim Salaad Xasan, Cabdalla Deerow Isaaq, Xasan Abshir Faarax, Muuse Suudi Yalaxow, C/nuur Axmed Darmaan, Maxamed Shiikh Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) C/llaahi Shiikh Ismaaciil iyo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Dhamaan musharixiintaan waxaa ay isugu jiraan kuwo ay dhab ka tahay oo weliba ku han weyn in ay ku guuleysanayaan tartanka madaxtinimo ee dowladda dhismaheeda faraha lagula jiro, hase ahaatee waxaan ka maqneyn kuwo badan oo qiyaano ugu qarsoon tahay soo bandhigista musharaxnimadooda, kuwaasoo isugu jira qaar xitaa ergo-nimo ka dhex waayay madasha shirka, kuwo loo sameeyay in ay laf dhuun gashay ku noqdaan musharaxa ku heybta ah oo ay ugu yaraan tiro yar ka soo dhigaan nambarka uu codka ku heli lahaa iyo weliba kuwo kale oo isu soo qadimay wax u eg magacaaga ka hirgalo oo saxaafadda iyo taariikhda uun hakuu gasho.

Sidoo kalena waxaa la rumeysan yahay in ay ka mid yihiin musharixiinta kuwo qudhooda ogsoon in aaney jagadaas hanan doonin balse ku gorgortamaya oo ay xisaabtooda tahay in markii ay ugu yaraato ay Wasiir ka heli doonaan dowladda la soo dhisayo, iyaga oo hal ku dhigooduna yahay marka aad ri' rabtid rati ayaa la weydiistaa, sidoo kalena waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhex jiraan qaar doonaya in ay lacag uun ka sameeyaan isu soo qadimintooda musharaxnimo, iyaga oo maanka ku haya in tirada ay helaan ay u noqoto mid ay isla goobta uu tartanku ka socdo kaga iibsan karaan musharixiinta ugu beec sareysa oo ay halkaasi kula kulmaan.

Musharixiinta ilaa haatan waxaa jira sifooyin ay kula kala duwan yihiin, waxay qaarkood degan yihiin Hotel-lada ugu sareeya ee magaalada Nairobi ama waxaa u kireysan guryo aad u qurux badan, waana kuwa ay ergooyinku u yaqaanaan musharixiinta badar noolayaasha ah, oo aad maalin kasta Mbagathi ku dhex arkeysid ergooyin is-weydiinaya in ay weli boorsooyinkoodii fureen iyo in kale, halka ay akhyaar kale oo musharixiintan ka mid ahna aad Mbagathi ku dhex arkeysid iyaga oo dagaal ugu jira shaah iyo bur sambuusi ama kafee loogu talagalo in ay ergooyinka daalka isaga bi'iyaan, wuxuuna darawal Kenyati ah oo marar badan la yaabay ciriiriga iyo sida la isugu jiirayo hanashada koob shaahi ah iyo jab doolsho ah ayaa maalin yiri "armuu dadka ku jira dagaalkaas uu ka mid noqdaa madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya?", laakin weli lama sii kala ogaan karo in uu ku jiro kuwaas iyo in uu ka mid yahay akhyaarta jeebka weyn leh ee dhex jiifa Hotel-lada qaaliga ah.

Danjire Kiplagat oo ka war haya kororsiimada tirada musharixiinta ayaa dhawaan u sheegay koox ganacsato ah in uu raggaasi ceelka u fadhiyo, "waxaan eegi doonaa in musharax kasta uu soo buuxiyay shuruudaha looga baahan yahay, kii aan ka soo bixin anigaa ugu horeyntiiba dib u noqo ku oran doono" ayuu yiri Kiplagat oo sidoo kale sheegay in ay ilaa haatan ay gacantiisa soo galeen warqadaha ilaa 7 musharax, "waan ka ciideynayaa iyo ma ogoli hebel markaan ma jiri doonto" ayuuna sii raaciyay hadalkiisa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis)
saladxiis@yahoo.com
Mogadishu, Somalia


Alfaproduction