US
Senate: Canaadkii yaa guulaystay yaase laga guulaystay?
Odoridda Odoros ku saabsan
US Senate iyo falanqaynta siyaasadda iyo arrimaha bulshada maraykanka:
Afartan
saacadood oo ismari waa ah ayaa Jimcihii la soo gabo gabeeyay waa aqalka
senateka taas oo Demoqraadiga la loodin kari waayay. Waxaadna moodaa
in ay hadda demoqraadiga ku guulaysteen dhafarkii iyo cago juglayntii
waqtigan dhow. Dadka siyaasadda indho indheeyaase waxay aaminsan yihiin
in Republicanku ay gaareen guul marka loo eego waqtiga fog waayo ujeeddooda
maba ahayn in ay hadda qasbaan demoqraadiga ee waxay ka fekerayeen waqti
fog iyo inuu madaxweynaha soo dhexgalo oo cambaareeyo demoqraadiga iyo
sidii ay hawshiisa isu soo hortaagayaan iyo inuu tuso dadka la diiday
inay ahaayeen haween ay ku jirto mid African American ah.
Republicanku ma waayin niman caddaan ah oo ay soo magacaabaan ee magaacidda
haweenkan waxaa ka danbaysay ujeedo dheer oo ah in la arko in republicansku
wax la rabaan haweenka iyo African Americanka weliba dadka markaan loo
danlahaa waa haweenka caddaanka ah oo ay labada xisbiba dadaal ugu jiraan
sidii ay u heli lahaayeen codkooda.
Waxaan maalmo hore ka hadlay dagaalka sokeeye ee ka dhexsocda mareykanka
consevativeska iyo liberalska. Marka aan leeyahay dagaalka sokeeye kama
wado sida kii Soomaaliya oo lagu daadinayay dhiigga Soomaalida ee waxaan
ka wadaa dagaalka afka, qoraalka, siyaasadda ee labadan qolo ka dhex
socdaa. Dagaal sokeeye oo kan Soomaaliya oo kale wuxuu maraykanka ka
dhamaaday 1865 dagaalkaas oo uu ku soo baxay halyay Abraham Lincoln
oo joojiyay addonsigii dadka madow mideeyayna waddanka.
Dagaalkaas sokeeye waxaa laga adkaaday gobolladii koofureed ee maraykanka
. Dadka badabkood waa iska iloobeen aan ka ahayn dad ku nool koofurta
maraykanka oo weli caro ku danbayso kuwaas oo aan laga yaabin inay u
codeeyaan madaxweyne ka yimid bariga ama waqooyiga maraykanka welina
wata calankii goboladii laga adkaaday ee koofurta maraykanka (Waa kuwii
uu murashaxa madaxweynaha e Howard Dean uu soo jiidanayay maalin dhoweyd
ee ay baabuurtooda u suran tahay calankii hore ee goboladaas). Doodda
kale ee laga soo bilaabo dagaalkaas sokeeye ilaa iyo hadda weli socotaa
waa calanka la isku haysto ee Viginia iyo Minnesota.
1865 ayuu askari ka socda Minnesota gacanya ku dhigay calankii ciidankii
la jebiyay ee ka socday Virginia ilaa maanta calankaas Minnesota waa
laga fur furi la’ yahay. Calankaasi waxa uu yaalaa xaunta taariikhda
ee Minnesota dadka dersa dagaalada ayaa waxay leeyihiin haddii ay labadaasi
gobol deris ahaan lahaayeen calankaas waa la isku dagaali lahaa. Tobankii
sanoba dacwad maxkameed ayay furtaa Virginia oo ka samri la’ calankii
laga dhacay. Waa maro duqowday ee adigaba iska qiyaas sida calanka loo
qiimeeyo oo looga dhigo wax uusan ahayn. Virginia ayaa sheegan jirtay
Minnesota inay leedahay intii aanay noqonnin state madax bannaan 1859.
Minnesota oo madax bannaan oo state jira ahayd hal sano keliya ayuu
dagaalkii sokeeye dhacay hase ahaa tee waxay askarta reer Minnesota
muujiyeen dagaal yahanninmo laga yaabay.
Maxay ku salaysan tahay colaaddan ka dhex
socota conservativka iyo liberalka?
Si aan u sharaxno bal aan soo qaadanno labo gabdhood
oo la kala yiraahdo Jenifer iyo Denis oo ka wada shaqeeya hal xafiis
oo saaxiibo ah haddana kala ah labadan koox ee is haya. Denis waa liberal
markaan weydiiyay waxa ka dhigay waxay ii sheegtay in waalidkeed ahaayeen
liberal oo ay la dhacsan tahay xornimada haweenka ee ilmo iska soo tuuridda
iyo ilaalinta degaanka, qofka sida uu u dhaqmo waxba igama gelin haddii
uusan dad kale dhibaato u gaysanaynin mana rabo dawlad soo dhexgasha
haweenka iyo dhaqaatiirtooda; ragga ayaa doonaya inay marwalba haweenka
u taliyaan haweenka, waa inay xor u ahaadaan inay hadday rabaan ilmaha
iska soo xaaqaan.- laakiin fikraddas waa ay dhaxashay.
Jeniifer waa conservative markaan weydiiyay waxay iigu jawaabtay awoowayaashay
ayaa ahaa conservative oo xataa awowgaygii dhalay aabahay waxa uu madax
u ahaa urur conservative ah oo waxaan ka soo jeedaa qoys ahlu diin ah
oo ma ogolin waxa la yiraahdo Gay waxaana u aragnaa inuu yahay denbi
sidoo kale ilmaha la isk soo tuurayo waxaan u arganaa denbi ama dil
qof aan waxba iska dhicin karin ama aan isdifaaci karin.
Jennifer waxaa kal e oo ay ii sheegatay in ay shuuciyadda neceb tahay
iyo wax ay ugu yeertay dawlad weyn waayo dadka ilaahay ma simin dhinaca
dhaqaalaha oo waxaa weligeed jiray maskiin iyo taajir faqiirnimada looma
eedeyn karo maalqabeenka, mana doonayno dawlad qasab wax uga qaadda
maal qabeenada oo wax u dhacda masaakiinta. Masaakiinta in wax la siiyo
ma diidani ee laakiin waa inay ahaataa sadaqo iyo wax ka soo go’ay
qofka maal ka leh ee aanay noqon wax ay dawladda go’aamiso. Jenifer
oo hadalkii sii wadata waxay tiri xorriyadda waan jeclahay laakiin ilmo
iska xaaqidda haweenka xoriyad uma arko. – Laakiin fikraddaas
waa ay dhaxashay waxay gabdhan isoo xasuusiyeen Soomaaliya sida xun
qabiilka looga dhaqmo iyo sida loo dhaxlo xumaantiisa indho la’aan.
Sidaas ayay dad badan u noqdeen kuwo ka tirsan kooxahaas laakiin waxaa
mudan in la xuso in ay jiraan dad badan oo maraykan ah oo aan ahayn
labadaas koox midna oo ayaga markay codeynayaan ku xisaabtama kii xiiso
geliya ama fiiriya arrimaha ay rabaan murashaxa meesha uu ka taagan
yahay. Iyo kuwa aan siyaasadba ku jirin oo aanba ogayn waxa addunka
ka socda oo ilayn ninba dhan u badiye ku dheereeya cayaaraha, muusikada
iyo filimada dadkan waxay qabiir ku yihiin oo la socdaan yaa cayaarta
badiyay, yaa hadda heesa, yaa caanbaxay (celebrity) ama dad ku mashquulsan
waxbarsho iyo dano gaar ah oo kale oo ay leeyihiin bal aan fiirinno
wiilkan aan waraystay oo kooxdan danbe ka tirsan.
Cameron waa wiil 23 jir ah oo ku nool Minnesota waxaan weydiiyay inuu
ku hadli karo luqad aan ahay ingiriiri iyo inuu aqriyo joornaal aan
ahayn kuwa Minnesota jawaabtiisa waa maya. Waxa aan weydiiyay markii
uu joornaalada Minnesota helo qaybaha uu aqriyo waxa uu ii sheegay inuu
aqriyo qaybaha madadaalada iyo sportiga.
Markii uu shaqo waayana uu aqriyo dhaqaalaha iyo meelaha jagooyinka
bannan lagu soo qoro. Markaan wax ka weydiiyay fikradda uu ka qabo dagaalada
dibadda iyo inuu qatar u arko hubka ciraaq lagu sheegay waxaa uu ii
sheegay inuusan war u hayn fikradna uusan ka qabin ee laakiin uu rumaynayo
wax alle iyo wixii ay dawladda maraykanku sheegto waayo wuxuu yiri ayadaa
xogta iyo ammankaba noo qaabilsan oo waxay sheegto uun baa jira.
Cameron keligii ma ahan dad badan ayaa sidaas la qaba oo aanan ka shakinin
waxa ay dawladdooda u sheegto Dawladda maraykanka waxay jirtaa in ka
badan labo qarni weligeedna gudaha lama soo weerarin marka laga reebo
1812 markaas oo uu soo weeraray super powerkii waagaa jiray waa ingriiska,
waxaana uu burburiyay makataddii congresska iyo aqalkii caddaa ee waagaas
ka dhisnaa Washington DC. Dadka qaarkii waxaa ku soo dhacda Pearl Houbor
iyo dagaalkii labaad .
Dhab ahaantii maba la is bar bar dhigi karoPearl Houbor iyo 911 - NY
waayo tan waxay ahayd qalbiga maraykanka una dhow Wall Street qalabka
warbaahintana xaadir ayay ahaayeen oo xataa waxaa la daawaday dadkii
oo isa soo tuuraya laakiin Pearl Houbor sidaas dadka uma taaban waayo
waxay ahayd xero military oo badweyn ku dhextaal.
Arrinta ay dadweynaha maraykanka isku raacsan yihiin waa inay haystaan
dawladda adduunka ugu fiican uguna dhaqaale iyo xoog badan ilaalisana
xuquuqda aadanaha, xornimada qofka, iyo demoqraadiyadda iyo inay haytaan
dastuurka adduunka ugu fiican. Sida talyaaniga u aaminsan yahay inuu
yahay aabihii iyo aasaasihii ilbaxnimada reer galbeedka iyo diinta reer
galbeedka iyo inuu helay America (Columbus). Dagaalkana wuxuu safka
hore uga jiraa inuu ilaaliyo geedkii uu beeray oo uu ku sheego America
iyo demoqraadiyadda.
Lauren oo aan la kulmay maalin roob iyo dabaylba ay jiraan isla markaasna
ku dheggan dalladda iyo tabeele weyn kuna bannan baxaysa meesha Minnesota
looga taliyo keligeed oo ka cabanayso dhibaato sharciga ku hayo gabadheeda
iyo will yar oo ay dhashay ayaa arrintaas taageertay waxay tiri ‘
Lixbilood ayaan ku bannan baxayay roob iyo roob la’aan bal sharcigan
qaldan oo qoyskaga wax u dhimay inay saxaan wax calaacalkayga iga hoos
qaaday ma arag mana aha wax loo dulqaadan karo shaqadaydii baan lumiyaya
meel fog baan ka imaadaa waxna iima suurtoobin”.
Markaan weydiiyay ka warran habka maamulka dawladda ma ku qanacsan tahay?
Waxay iigu jawaabtay “Yes dawladda waxba ma qabto ee aniga uunbaa
dadaalka la iga rabaa iyo sabir ee ugu danbayntii waan heli waxa aan
rabo – nidaamka dhulkan Ameerika meel ka fiican ma jirto oo waan
ku faraxsanahay ee waqtiga uunbaa igu dheeraanaya. (Soomaali samirkaa
ma laga heli karaa- saw waa hore intay qori qaadato jabhad ma noqoteen
madaxweyne cimrigiisa 4 sano ka hartay ayay sugiwaayeen) marka dadka
maraykanka waxaa ka wada dhaadhacsan inay hastaan dawladdii ugu fiicnayd
adduunka badankoodna ma jecla marka madaxweynahooda lagu bannan baxo
sida hadda london ka dhici rabta usbuuca soo socda oo qaarkood waxayba
leeyihhin annagaa doorannay oo uu madaxweyne noo yahay ee ayaga maxay
ka qaadi karaan?.
Liberalka: waa kuwa aan
kala jeclayn sida qofku u nool yahay ama jinsiga uu doono gay ama prochoice
oo ah xornimada haweenka inay ilmaha iska soo tuuraan iyo kuwo aaminsan
in dadka danyarta ay dawladda daryeesho, ama jecel in degaanka la dhawro
iyo sababo kale waxay jecel yihiin ururrada shaqaalaha (Unions) waxyaabo
kale oo ay ogol yihiin waa jiraan.
Conservativeska: waa labo nooc oo kala ah:
Fiscal conservative: oo
ah kuwa dawladda weyn neceb iyo canshuur ururrinteeda badan iyo barnaamijyadeeda
daryeelka ee badan waxayna aaminsan yihiin in faqiirka asaguba uu shaqaysto
oo wax tabcado oo aanay dawladdu ayaga lacag u weydiinin. Sidoo kale
ma rabaan in dawladdu soo faragashato qiimaha mushaarka ee la siiyo
shaqaalaha waxayna neceb yihiin ururada shaqaalaha (Unions) waxay jecel
yihiin inay helaan lacago dawladda oo lagu bixiyay si xun si ay dawladda
u dhaleeceeyaan . Mararka qaar waxay sameeyaan xisaabi xil ma leh qaran
oo aan loo dirsan. Qoladan oo lagu xanto inay lacagta aad u jecel yihiin
ama caabudaan waxyaabo kale oo ay ku ad adag yihiin waa jiraan
Social conservative: Waa
koox badanaa aan lacagta sida kuwa kale u jeclayn oo u badan dad diin
ku xiran ama wax diin ah ku hartay oo waxay aaminsan yihiin in rag iyo
haween keliya isla noolaadaan isna guursan karaan qoysaska noocaan ah
la daryeelo kuwa aan sidaas ahayn u arka debmbiilayaal. Schoolkana caruurtana
aan loogu dhigin dadka daanyeer ayuu ka soo jeedaa . waana pro-life
oo ma oggola ilma iska soo xaaqidda umana arkaan xornimo la siiyay haweenka
ee waxay u arkaan dil la dilay caruur uurka ku jirta oo nool oo aan
is difaaci karin waxaa kale oo ay jecel yihiin inay caruurahooda gaystaan
dugsiyo u gaar ah mararka qaar si ay ugu tarbiyaystaan caruutooda sidii
ay jecel yihiin. Waxyaabo kale oo ay muxaafid ku yihiin waa jiraan.
Unionska iyo waxa ay ku soo kordhiyeen
maraykanka:
Shuuciyadda oo ku soo caanbaxday u danaynta shaqaalaha
iyo nacaybka maalqabeenada ayaa qarnigii labaatanaad billowgiisii gilgishay
dunida reer galbeedka ilaa la sameeyay NATO iyo qalalaasihii Cuba iy
xiriddii uu xir xirijiray dadkii madaxda ahaa ee uu tuhmay inkii senatek
u qaabilsanaa daba galka dawladda ee la oran jiray Senator MCarthygii
Wisconson laga soo dooran jiray kaasoo xir xiray dad badan. (Waa meehsa
uu hadda haysto senator Colemanka Minnesota). Shuuciyaddii qatarta weynayd
waxaa la oran karaa waxaa hab fiican la yimid oo maraykanka ka badbaadshay
Unionska.
Ururrrada shaqaalaha (Unions) waxay ku guulaysteen in maalqabeenadii
loo shaqaynayay ee capitalistada ahaa joojiyaan caruurtii u shaqaynaysay,
inay yareen saacadihii badnaa ee la shaqayn jiray inay hagaajiyaan goobaha
shaqada ama nabalgeyada shaqaalahana sugaan, inay oggolaadaan fasax
nasasho, inay oggolaadaan in shaqaalaha la siiyo fasax jirro oo aan
la ruqsayn haddii ay jiradaan, in xataa marka shaqaalaha lacag la siiyo
markii ay xataa fasax sanadeed ku maqan yihiin, in umulaha la fasaxo
ee aan la ruqsayn iyo xataa mararka qaarkood in shaqaalaha iyo caruurtoodaba
waxbarasho iyo daryel caafimaad loo helo iyo in mushaar fiican ay helaan
shaqaalaha. Guulaha ay unionska soo hoyiyeen ma la koobi karo.
Maxaa ilmo iska soo xaaqidda (abortion)ka
dhigay qodob sidaas u muhiimsan oo ay ku loolamaan siyaasiyiinta Maraykanka?
Siyaasiyiinta maraykanka waxaa hogaamiya ra’yiga
dadweynaha oo qofkii fahmi waayaa ama la socon waayaa uu haadaan ka
dhacayo inkastoo ay jiraan kuwo yar oo waxa ay qabaan soo bandhiga si
daacadnimo mararka qaar ayagoo og cawaaqibkeda. Marka laga hadlayo ilmo
iska soo xaaqidda waxaa laga wadaa codka haweenka oo badankood aaminsan
abortion waayo waxay u arkaan xornimo iyo inay waxay doonaan samayn
karaan iyo dawladda oo aan amuurahooda soo faragashanayn.
Haweenka codeeyaa ee waddanka maraykanka waa ay ku dhow yihhin 100 million
marka labada xisbiba waxay ku hawlan yihiin soo jiidashadooda. Demoqraadiga
waxay aaminsan yihiin inay u sahlan tahay inay haweenka soo jiidan karaan
ayagoo oogu baaqaan xornimada ilmo iska soo xaaqidda. Waxaa kale oo
la ogyahay in haweenku ku yar yihiin fiscal conservativenimada taas
oo ah arrinkale oo ay demoqraadiga ku jcel yihiin haweenka. Republicanka
waxa ay isticmaalaan inay haweenka ku gaadaan kaniisadaha oo yiraahdaan
ilmo iska xaaqidda xornimo ma aha waxayna had iyo jeer ku fikiraan siday
u soo jiidan lahaayeen haween badan. Arrinta senateka ee dhafarka iyo
dooda waxa ka danbeeyay waxay ahayd soo jiidasho haween .
Marka ay demoqraadiga lahaayeen saddexdan haween uma qalmaan garsoorka
waxay ka wadeen saddexdan haween ma aaminsana xornimada haweenka (abortion)
marka madaxweyne Bush uu soo magacaabay saddex haween ah republicansku
waxay tusayeen in ay haweenka jecel yihiin. Hadda waxay u muuqataa in
demoqoraadiga la loodin waayey laakiin dadka iyaasadda maraykanka odorasaa
waxay leeyihiin waxaa guulaytay republicanska waayo dadka ayay tuseen
in madaxweynaha la dhibay iyo waxay soo wadaan kuwo badan oo haween
u badan markaasna uma sahlanaan doonto inay demoqraadiga diidaan.
Demoqraadiga waxay ilaa hadda Bush u ansixiyeen ilaa 164 qof waxayna
diideen ilaa 4 keliya. Faragelinta Bush iyo canaantii uu u gaystay Senatorrada
demoqraadiga waxaa la filayaa inay saamayn ku yeelandoonto demoqraadiga
waayo dadka maraykanka ama ha necbaadaan ama ha jeclaadaan hadalka madaxweyne
Bush miisaan ayuu agtooda ka leeyahay waayo waa madax wenynihii dalka.
Ugu danbaytii republicansku waxay rabaan in ay wejiyada bedelaan oo
soo magacaabaan minority gaar ahaan haween taas oo ay filayaan in demoqraadiga
ku adkaan doonto inay marwalba diidaan.
Goormay African Americanka ka soo wareegeen
Republicanska una wareegeen Demoqraadiga?
Dadka maraykanka lixdamaadkii isbedelada ka dhacay
ma yarayn ma ahayn in African Americanka faquuqii laga daayay oo keliya
iyo in la dilay madaxweyne JK Kennedy iyo dilkii labadii hoogaamiye
ee African Americanka ee Dr. King Jr. iyo Malcom X. lixdamaadkii waxaa
kale oo dhacay isbedel wayn. African Americanka ayaa ka wareegay Republicanka
una wareegay demoqraadiga waxayna ahayd lama filaan. Waayo African Americanka
waxay ka tirsanaayeen xisbigii Abraham Lincoln (Republican) kaasoo xoreeyay
addoontii madoobayd. Waxayna ka soo qaban jireen jagooyin sare weliba
mar bay ka buuxeen congresska dhamaadkii qarnigii 19naad.
Xisbiga demoqraadiga waxaa uu ahaa xisbigii dhibi jiray African Americanka
wuxuu helay hoogaamiyeyaal fiican wuxuuna ka faa’iidaytay fursaddii
civil right movements asagoo la saftay African Americankii uu dhibi
jiray. Kacdoonkka keliya ma ahan ee waxaa lixdamaadkii is bedelay xaaladaha
dhaqaalaha iyo bulshada iyo siyaasaddaba sidaa darteed ilaa hadda dadka
African Americanka ah waxay daacad u yihiin xisbiga demoqraadiga . Suaasha
la isweydiinayaa waxay tahay maxay xaaladda African Americanka horumarka
dhaqaale iyo waxbarsho ula jaan qaadi la’dahay caddaanka? Iyo
ma suurtoobi kartaa inuu dhaco isbedelkii lixdanaadkii oo kale?
Mahamoud
Wardhere Mahamoud
Wardhere Mahamoud Wardhere
By.
Mahamoud Wardhere
mnwardere@yahoo.com
Somaliroots
Alfaproduction@yahoo.com