| Somaliroots | Danjire Kiplagat oo weli ku adkeysanaya in 18-ka bishan ay dowlad ka soo bixi doonto shirka dib u heshiisiinta soomaalida uga socda dalka Kenya
Ergaygu waxaa uu sheegay in shirka wejigiisa labaad uu gebo gebo yahay, isla markaana hoggaamiyayaasha kooxaha intooda badan ay xaadir ku yihiin madasha shirka dib u heshiisiinta, sidaas darteedna si dhaqsi ah loo soo dhisayo dowlad soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay. Laakin waxaa in mudadaas lagu soo dhiso dowlad loo dhan yahay is-hortaagi kara doodo haatan ka dhex jira guddiga dastuurka oo labo u kala jaban kuwaasoo kala wata fikrado is-bar bar ordaya oo ku saabsan inta ay noqoneyso tirada xubnaha baarlamaanka la soo dhisi doono, waxaana jira tirooyin la soo jeediyay ilaa iyo haatan oo uu yeelanayo baarlamaanka la soo dhisi doono, kuwaasoo kala ah 450, 350, 225 iyo 171, tirooyinkaas oo ay adag tahay in si sahal ah looga gudbo xal ka gaaristooda, waxaana fikradahaan tirada baarlamaanka kala qaba hoggaamiye kooxeedyada, ururada bulshada rayidka iyo xubno aqoonyahanno ah oo dhamaan shirka ka wada qeyb qaadanaya. Go'aanka Kiplagat ee ah in 18-ka bishan dowlad lagu dhisayo Mbagathi waxaa shaki ka muujiyay hoggaamiyayaasha kooxaha ee ku sugan shirka dib u heshiisiinta, kuwaasoo qaarkood go'aankaas uu ugu muuqdo mid lagu afduubayo shirka, isla markaana ay ka soo bixi doonto dowlad xubnaha hoggaaminaya ay haatanba diyaar ku yihiin madasha shirka. Kiplagat ayaa horay u sheegay in 1-da Luulyo ee fooda nagu soo heysa oo ku beegan sanadguuradii 43aad ee ka soo wareegatay markii soomaaliya ay ka xorowday gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga, isla markaana ay midooben gobollada Koofur iyo Waqooyi laga xusi doono maalintaas weyn soomaaliya xili ay dowlad loo dhan yahay ka jirto, inkastoo aan taasi xaqiiqo rasmi ah loo heynin. Dhanka kale waxaa jiro warar ka imaanaya madasha shirka dib u heshiisiinta soomaalida oo sheegaya in qodobadii ay guddiga dastuurka isku mari waayeen ee ku saabsanaa qaabka dowladda la soo dhisi doono iyo tirada baarlamaanka maanta dib loogu soo celiyay guddiga hoggaamiyayaasha kooxaha, kuwaasoo la filayo in ay iyana doodo ka yeeshaan waxyaabaha la isku mari la' yahay Hoggaamiye kooxeedyadii ka
soo baxay shirka dib u heshiisiinta oo mar kale dib ugu laabanayaka
Kenya Sidoo kalena maanta ayaa lagu wadaa in ay shirka dib ugu laabtaan hoggaamiyayaal ay ka mid yihiin Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo guddoomiya Isbaheysiga Dooxada Jubba, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo isna guddoomiya garab ka mid ah Jabhadda RRA-da iyo weliba guddoomiyaha Ururka USC/SNA Cusmaan Xasan Cali (Caato) oo beryahaan ku sugnaa magaalada Kismaayo. Sidoo kalena wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowladda KMG ah Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa isna la filayaa in uu dhawaan gaaro madasha shirka dib u heshiisiinta ee Mbagathi, waxaana maalmahanba ka socday madaxtooyada dowaldda KMG qabanqaabo loogu jiray safarkaas, inkastoo uu dhowr jeer oo hore dib u dhac ku yimid. Salaad Iidow Xasan (Xiis) |
Alfaproduction |