| Somaliroots |
ILA-QOSOL ILA-QOSOL
ILA-QOSOL
Nin ayaa wuxuu arkay koox dhallinyaro ah oo raashin meel ku wadaagaya (isla cunaya). Intuu ku soo leexday ayuu dhankiisa ka galay. Nimankii kale way is fiir-fiiriyeen iyagoo la yaaban ninkaan aysan aqoon oo cuntada iska soo galay bilaa fasax. Waxay ku yiraahdeen "Saaxiib ma qof baad naga garanaysaa?". "Maya" ayuu yiri "laakiin tan ayaan is naqaan" intuu cuntadii la cunayey farta ku fiiqay!!! Ardey iskuuleey ah ayaa waxa ay lahaayeen imtixaan ah maaddada "Arts" ama sawirka, markaa ayaa macallikii inta uu sawirey geed ay saaran yihiin shinbiro ayuu ardadii ku yiri hala sawiro dhaqsada ...Macalinku aradada wuxuu siiyey " 5 daqiiqo" markii ay shantii dhamaatey ayuu yiri haye haye inta gacmaha isku garaacey oo sacabiyey .. Wuxuu macallikii bilaabey in uu aruuriyo warqadaha markaa ayuu arkay waraaqdii ardaygii ugu danbeeyay oo aan geedkeeda shinbiro ku sawirnayn. markaas ayuuu yiri warayaa aaweye shinbirihii geedka saarnaa .. ardaygii ayaa macalinka ugu jawaabey “Dee macalin adigaa sacabiyay”. "Siciid Seexiye" Wiil ayaa
timuhu aad ugu baxeen markaas ayuu aabihii ku qasbay in uu ka xiiro wiilkii
oo aan ogolayn ayaa lagu qasbay in loogu xiiro sakiin aan aflahayn markaas
ayuu wiilkii aad u qayliyay xanuun dartiis waxyar ka dib wiilkii ayaa
maqlay eey aad u qaylinaaya markaas ayuu aabihiis waydiiyay in eeygana
loogu xiiraayo sakiin duug ah........haaaa Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa dadka cad ee dagan magaalada xamar uyimid qabilada soomaali mid kamid ah kuna dhaheen waxaan idinsiiheeynaa hub si aad tuugada iskaaga celisaa waa aqbaleen cidii markii lagaaray habeenkii ayaa cidii xabado kor urideen subaxii ayaa waxaa loo keenay meed lawado waxaana lagu dhahay xalay ayaa idinka disheeen marka diyadiisa dhiiba cidii oo yaabay ayaa dhahday "anaga cidaan waaba kayaabnee cirka xataa ma joogaan" "Abdikadir sheikh"
"Abdikadir sheikh" Macallin
ayaa arkay ardayda oo dhan in ay ku hawlan yihiin shaqadii looga diray
computerka hal qof mooye oo isagu horfadhiya computerka oo aan waxba samaynin,
macallinkii ayaa markaasi u soo dhowaaday oo ku yiri:miyaadan shaqaynaynin,ardaygii
baa ku jawaabay:Passwordigii baan dhigay waxaan sugaya in uu ii oggolaado
si aan u galo. Haweenay ayaa damacday in ay soo iibsato geedka plasticada ah oo la saaro mouseka computerka lagu socodsiiyo waxayna ninkii dukaanka gadayay ka codsatay oo ay weydiisatay mid Compatible ah ee la shaqayn kara nooca Macontosh.
Haweenay computerkeeda ka xumaaday ayaa waxay telefoon u dirtay nin farsamo yaqaan ah,waxaana dhex martay hadalladan: =Farsamo
yaqaan:nidaamka uu ku shaqeeyo computerkaaga waa kee? =Farsamo yaqaan:ma waxaad adeegsataa Macontosh mise Windows? -Haweenay:garan maayo =Farsamo yaqaan:midabka Monitorkaaga ii sheeg? -Haweenay:muxuu yahay Monitor? =Farsamo yaqaan:waxaa la yiraahdaa shaashadda u eg midka Televisionka oo kale. -Haweenay:haa waan gartay midabkiisu waa huruud. =Farsamo yaqan:waxaad ii sheegtaa waxa ku qoran CPU? -Haweenay:muxuu yahay CPU? =Farsamo yaqaan:maxaase ku qoran looxa furayaasha? -Haweenay:muxuu yahay waxaasi? =Farsamo yaqaan:sawir tufaax ah ma kaaga muuqdaa computerka? -Haweenay:haa waan helay mahadsanid. sanadihii
wadan keena istic maarku xukumayay ayuu nin somali ah oo kategay gobolada
waqooyi u dhoofay wadanka ingiriiska ninkii markuu kunoolaa mudo wadankaas
ayuu guursaday naag ingiriis ah (cadaan ah) ninkii wuxuu uga sheekeeyay
naagtii sii dhaqanka soomaalida iyo caadooyinkooda sida gudniinka fircooniga
ah oo uu aad ugu amaanay. naagtii waxay aad uga heshay dhaqmadaas uu uga
sheekeyay iyo caadada soomaalida waxayna go aan ku gaadhay in ay is gudo
sida hablaha soomaalida. waxayna ka codsatay in uu gudo ninkeedu mudo
haduu ka dhega adaygay markii danbe wuu guday aad bay ugu faraxday kabacdina
waxay u tagtay hooyadeed una sheegtay in laguday uuna aad u fiicanyahay
gudniinku, arinti waxaa aad ugu riyaaqay hooyadii oo iyana damacday in
ay is gudo waxayna ka codsatay gabadheedii in ay uraacdo ninka si uu ugudo
iyana ninki haduu mudo ka dhega adaygay ugu danbayn waa guday. habartii
waxay u sheegtay qaraabadi iyo asxaabteedii dhamaan aad bay ugu riyaaqeen
waxay na dooneen in ay is gudaan oo ninkii fayl u soogalaan ugu danbayn
waxaa kawar helay ninkii maamulkii magaalada waana laqabtay oo la xidhay. Waxaa Diyaarad wada raacay nin falastiini ah iyo nin yahuudi ah, nasiib wanaagna waxaa lagu qoray laba kursi oo isku xiga, hase aheetee waxaa markiiba dhankii daaqada yar xigtey ku orday kii yahuudiga ahaa, falastiinigiina wuu u deystey markuu arkay inuu danaynayo inuu daaqadaasi ka daawado bilicda dhulka hoose, ama Buuraha ama daruuraha, Sidii ayaanu Yuhuudigii u xigsaday dhankii Daaqada. Markii ay diyaaradu mudo hawada kusii jirtey ayaa Yuhuudkii yidhi inuu Falastiinigu siiyo jidka yar ee u dhexeeya labada saf ee kuraasta diyaarada. Si uu usoo qaado cabitaan Juice ah. Falastiiniga Lugihiisa ayaa u fidsanaa. Markiiba Falastiinigii ayaa yidhi iska fadhi Anigaa kuusoo qaadayee. Intii uu ku maqnaa Cabitaanka ayaa Yuhuudigii wuxuu arkay in Falastiinigu kabihiisa iska bixiyey. Ka dibna waxaa la haboonaatay inuu Xaako iyo wixii afkiisa ka imaan karayeyba, inuu kabaha uga sii buuxsho, Falastiinigii cabitaankii wuu u keenay, kiina wuu cabay. Markii ay Diyaaradu caga dhigatay ee ay rakaabkuna bilaabeen inay ka degtaan, ayuu Carabkii wuxuu arkay Kabihiisii oo wax ka dhex buuxaan, Ka dibna wuxuu si xanaaq leh u yidhi( Tolow colaadani goormay naga joogsanaysaa, a xabaduna na deynanysaa, hadeer adigu kabahaygii sidan baad u gashay, aniguna cabitaankaagii kaadi baan kuugu soo daray!!!!!!!!!!). Nin ayaa gabadhii uu qabay ka dudey, ka dibna kii qabay iyo mid kalaa ka daba tegay, inantii oo gurigooda joogta ayey ugu tageen, marka odaygii baa is yidhi inantii waatii soo dudey ninkii qabayba waa kan daba socdee bal wareyso, marka wuxuu yidhi "waar hebel heblaayana halkan bay joogtaaye, maxaa dhacay?!!"kolka ninkiinna wuxuu ku jawaabay "Waar inantaadii bac kaleey la timi!!". Mid odayga la joogey baa yidhi "Waar inanku muxuu yidhi?!!", marka isna kii kalaa u jawaabo ku yidhi "Iska dhaaf waa Dhaka kalee!!". Odaygii markuu af garan waayey labadii inan buu iskaga tag isna yidhi naagtii wareysid, oo kuna yidhi "Naayaahe halkan ninkaagii iyo nin kaloo la socdaan ugu tegay oo af garan waayeye, maxaa jira?!!", markaasey tidhi "Oo ma iyagii baa khuuradaa la yimid?!!" kolka mid ay inanta is reer ahaayeen oo odayga la socday, ayaa wuxuu arkay inuu odaygii dhabaandhowsan yahay, oo wixiina waxba ka garan waayey, baa odaygii ku yidhi "Eeyaahee I af garan mayside OHO KA DHEH!!!!"
Nin ayey Sodohdii aad u dhibtay, oo wuxuuna waayey meel uu ka galo, waxaanay ku noolaayeen magaalada Chicago (USA). Maalin maalmaha ka mid ah ayaa isagoo cadhaysan, ayey sodohdii afka la soo gashay. Ka dibna nin cadhaysan buu ahaaye, waxaabu ka tuuray dabaqii todobaad oo ay deganaayeen. Markii la soo taagay maxkamadii, oo laguna yidhi “Maxaad Sodohdaa fooqa todobaad uga tuurtey?” wuxuu ku jawaabay “waxaan jirin dabaq kale oo sideedaad!!!”..
Hadana mar sadexaad ayey la soo xidhiidhay, oo waxayna weydiisey isla su’aashii hore, markaasuu ku yidhi “Caawa waan kaa seexan kari waayey oo waad i wareeriseye maxaad uga baahnayd dukaanka?!”, waxayna ugu jawaabtey “Wax kale maahee, xalay markii la xidhayey dukaanka ayaan ugu dambeeyey, marka iyadoon la i ogeyn ayaa la igu xidhay, hadana dukaanka dhexdiisa ayaan kaala soo hadlayaa !!!!!!” Waxaa ka dhacday magaalada Toronto ee dalka Kanada sanadkii hore hooyo somaliyeed oo dagan xaafad ay somaalidu u badan tahay oo layiraahdo DIXSON, maalin maalmaha ka mid ah, ayey damacday in ay iska nadiifiso guriga. Dabadeedna waxay ku carartay xafiiskii shaqaalaha ee qaabilsanaa nadiifinta guryaha, halkaa soo ay ka heshay nin shaqaale ah, oo una soo raacay guriga. Markuu uu soo galay gurigii, ayuu qacdiiba indhaha ku dhuftay baranbaro yaacaysa, kadibna wuxuu yiri jesus jesus!!!, markaas bay islaantii mooday inuu xabad kaliya u jeedo, oo ku tiri No many Jesus!!!
Mar alla markii ay kulmeen Ra'isul Wasaarahii iyo Bill Clinton oo ay markaa la socotay xaaskiisa Hillary ayaa waxaa uu Ra'isul Wasaaruhu si khalad ah u yiri "Who are you?" oo macnaheedu uu yahay "Kumaa tahay" balse uu ula jeeday "How are you?", Clinton oo yaaban , dhinacyadana fiir fiirinaya xaaskiisuna ay garab taagan tahay ayaa isagoo kaftamaya ku jawaabay "I am Hillary's husband" oo ah "waxaan ahay odaygii Hillary (Xaaskiisa)" wuxuuse u raaciyey "And you?", Ra'isul Wasaaraha oo sugayey ereygaas dambe ayaa ku jawaabay "Me too" oo la micno ahayd "anigana sidoo kale", Clinton oo u fahmay in uu ra'isul wasaraha leeyahay "anigana waxaan ahay odagyii Hillary". Waayadii ay Sucuudiga shaqooyinku ka furnaayeen, ayaa maalin maalmaha kamid ah waxaa gaadhi xaajiyad ah wada raacay labo nin oo shaqo tag ah, mid wuxuu ahaa reer waqooyi, kan kalena reer koonfur. Hadaba waxay gaadhigii saarnaadaanba mise markay meel dhaxe marayaan ayuu gaadhigii kula dhacay meel god(xurfad) ah, ka dibna waxaa naxay kii reer waqooyigii ahaa, wuxuunayidhi Yaarasuululaahi!!, markaa sheekh carab ah oo agtiisa fadhiyey baa intuu bahal dhirbaaxo ah ku jiiday, kuna yidhi ilaahaaga ma taqaanid miyaa?!!. Kadibna kii reer waqooyiga ahaa baa iska aamusay isagoo cadhaysan, wuxuu gaadhigii sii socdaba mar labaad hadana meel kale oo god ah buu kula dhacay, dabadeedna kii reer koonfur ahaa baa yidhi Shiikh Cabdulqaadiroow!! markaasaa kii reer waqooyiga ahaa oo cadhaysanaa baa intuu dhirbaaxsho ugu jawaabay, kuna yidhi war kii weynaa baa meel loo la' yahay markaasaad shiikh lasoo ordaysaa.!!!
Fadlan Haddii aad heyso Sheekooyin Ila-Qosol ah Kusoo dir Emailkan hoos ku xusan:
|
Alfaproduction |