Miyaan
dooqa keligeey laheyn?
Tallaa
ku ciirtay wuxuu is mooday in wiish sammada dhex kula go’aywarkii
naxdina laha ee Amran kaasoo ku noqday warran labo afle ah uusan
filananeyn oo wadnaha looga dhigtaftay. Cambaar buu aamusnaa, iyada
uun bee eegayey indhaheeda. In door ah markuu meesha aamusnaa, buu
cod meel fog laga maqlayo ku yiri. “Kaama fileyn warkaasi
naxdinta leh” Amranse iyadoo is moogeysineysa iney hadalkaasi
dhagaheeda maqleen ayey tiri “Kumaan maqale maxaad i tiri?”.
“Abaayo
waxaan ku iri kaaman fileyn inaad sidaas i dhihi doontid oo aad
igu gacan sareyso. Waxaan lahaa walaashaa wey kuu garaabi doontaa.
Kuna fahmi doonta. Hase ahaatee waxaad ii muujisay inaad dooneysso
inaan kaa fogaado, anah waxaan lahaa dadka intiisa kale iskaga soo
dhawaada oo cadowga iska dugaashada!.
- I
dhageyso Cabbaas, walaaltanimada iyo damaca kala saar!. Aniga waan
kuu hayaa walaaltanimada aad ii heyso mid lamid ah, lagamana yaabo
iney taasi meesha ka baxdo. Balse waxaad ogaataa in sheekada aad
wadato aanan diyaar u aheyn. Taasina ceeb maahan hadaan ku iri qof
baan xirriir la leeyahay, waajibkaaga waa inaad aqbashaa. Ma garatay
hadalkeyga?
Kalmadii
afkeeda kasoo baxdaa waxey ku noqtaa dhimbil dab ah, gabadhii uu
kuhamiyey baa ninkale dooneysa iney nolol wadaagto haddii calafku
isku simmo. Wuxuu moodaa in Amran ay u hogaansami karto caadooyinka
ay leeyihiin ka reer ahaan ee gabdha la isa siiyo. Maanta Amran
yeelimeyso in Axmed yare ay nin kale ku doorsato. Jaceylka ay u
heyso ayaa waxkasta kala qarro weyn.
- Abaayo
aniga waxaan ahay nin ku caashaqsan kaana helay ilaa xad. Walaaleey
ninkan aad leedahay xirriir baa naga dhaxeeya, koley sidaan dareemayo
ma ahan mid kula joogo waqtigan xaadirka ah, waxaan ula jeeda hadalka
aan dalka daganeyn. Hadaad anigana isiiso fursad kawaran oo aan
ku kasbado kalsoonidada.?
- Kaalay
walaal waxaan kuu moodayey inaad tahay nin wax garad ah, caqligaaga
kaasho. Waxkasta hadey dhacaan labadeena xirriir nama dhexmari karro.
Cid kalana yeelkeed. “Yacnii qof baa sheekoooooo naga dhaxeysa!”
Hadalkaasna ha ku deeqo.
- Fiiiri
aboowe, fadlan waa goor dambe xaafadii inaan aado ayaan rabay waad
ogtahay islaanta hooyadey ahee. Ma sii baxi karnaa?
- Haa
abaayo! Laakin kasoo feker hadalkeyga Amraneey, iskuna day inaad
i barato weli aqoon iima lihid, waxaa dhici karta in ninkaas aan
kaaga fiicnaado.......! Wuu yaaban yahay, wuxuu isleeyahay talow
ma adigey kaa ordeysaa. Hadalka kediska ah ee marqura soo tuftay
ayuu dhibsaday.
- Horta
fekerka ha ii dambeeye xaafada i gee, waa taqaan islaantii hooyadey
aheydee.
Waqti dhacay iyo cabsi waalid mid heysa malaha waxey dhibsatay ilaa
xad hadalkiisa oo aan ka daa dageyn. Haddey xitaa isku dayi laheyd
iney si kale wax u fahansiiso, waa garmaaqte mowjado aan loo dirsana
midba mar galaya. Sababtaasi ayey Amran go’aanka deg dega
ah u qaatay.
Islamarkiiba
iyadoo talaabada bowsiineysa iskana dhigeysa naag deg degsan ayey
timid halkii gaariga yiilay isagana waa kasoo daba carraray markiiba
e wuxuu isku dayey inuu celiyo oo hadalkii qabyada ahaa halkaasa
kasii waddo.
“Abaayo
raali noqo hadaad hadalkeyga dhibsatay aniga wanaag leen raadinayey,
intaasna jaceyl aan adiga kuu qabo ayaa iga keenay”. “Waxba
kama qabo ee bal na keen waxey doonto ha ahaate” ayey hadalka
u sii raacay.
Markiiba
gaariga ayaa la koray waxaana jihada afka loo saaray hoygii Amran
daganeyn. Qiyaastii qadar 10 daqiiqo ah kadib gurigeedii baa la
keenay, gabadhii kiiska iska waaleysay.
Illaahey
ammarkiis islaantii Amran dhashay baa iyadoo taleefan ku hadleysa
qolkii fadhiga ahaa maqashay guuxa gaariga, waxey is tiri malaha
waa kii wiilasheeda u weynaa oo goor sii horeysay alaab ay u diratay
bal eeg ileyn war jecli bey u dhalataye, hadeyba daaqada ka daaha
ka ka fiirisay mise waaba gabadheedii Amran oo inan la taagan banaanka.
Islaantu waxey is tiri maanta labo u kala jar hadey soo gasho guriga,
waxey si aad ah u diidaneyd ninkasta oo la hadla gabdha.
Hadeyba
si wanaagsan u eegtay waa Cabbaaskii ay habaryarta u aheyd ee gabadheedii
u rabtay. Niyadey ka faraxday iyadoo hoosta kaleh “Maasha
Allah, yaa maanta tii ka dhaafay waa tan ina habreedkeed la hadleyse!”
ayey hoosta iskula hadashay. Islaantu waa warjirro ma hoog. Amran
bey rabtaa nineysan rabin iney ku darto. Yaase kayeelaha hee, iyada
lee is daalineysa maahe Amran warkeeda waa cadyahee.
-Walaal
Cabbaas waad mahadsan tahay cuntadaadii macaaneyd iyo martiqaadkaagi
quruxda badnaa., waanse kaa raali gareyn hadaan ku soo de dejiyey,
waayo waxaan isleeyahay armey hooyo ku daahsataa, islaantu xoogaa
waa iska kulushahay.
- Maya
abaayo waan ku dareemayaa, adigaana mudan sidaad martiqaadka iiga
aqbashay. Laakin ogow inaan weli kaa rajo dhigin ee fadlan arrintan
kasoo feker ina sii jaanis!.......
Lasoco cadadka dambe insha Allaah…….!
Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
|