Miyaan
dooqa keligeey laheyn?
Codsigii
Cabbaas sidaas ayey Amaran ku fulisay. Waxaa halkii lugu cunay qado
cajiib ah inkastoo aan Amran cunto sidaas u buuran u cunin, hadana
markii la qadeeyey ayuu Cabbaas weydiiyey iney ku dari kareyso shaah
ama qaxwo si hadalka u sii furmo. Dhaqanka uu bartay iyo meesha
uu joogaa baa caado waxey u tahay in la qaxweeyo marka la qadeeyo
layaabna malaha inuu yiraahdo sidaas.
“Maya
waan dharagsanahay mahayo meelaan wax marsiiye ” ayey cod
xishood ku jiro u tiri. Allow yaa caloosheeda soo baara oo eegga
waxa ku jira. Iney been sheegeyso ayaa la ogaan lahaaye.
Intuu
koob Cuppacino (kobashiin) ah, codsaday ayuu yiri “Xallaal
caleek maanta waad igu xumeyneysaa waxkasta laakin dhib malaha Amran
baad igu noqotaye cid kale hadey ahaan laheyd waan ka cad goosan
lahaa maalin kale”........... Intey qososhay ayey tiri hadaadba
ku fekereyso cad goosasho nin nacas ah baa tahay.
Dhoola
cadeyskeeduu u boggay qalbigiisi bey wax yeeleysay, inuu iska fiirsado
intey hadleyso buu dan ka dhigtay. Iyadana markey aragtay inuu ku
muqan yahay bey kas hadalkii ukala goysay oo ku tiri “maxaad
ka fekereysaa?” Maya abaayo fekerimeynee waxaan la qashuucsnaa
qosolkaaga quruxda badan, ayey noqotay jawaabtii ugu horeysay ee
afkiisa kasoo baxda. Waxaanu markan isku dayayaa inuu noqoda geesi
haasaawaha kala roggi kara.
Hadalkii
markuu bilaabay ee ay afkiisa kasoo baxday ”Abaayo”
ayuu hadana amuusay. Ma yaqaano sababtuu u aamusay, balse waxaa
uu awoodi waayey inuu sii daba dhigo hadal kale oo la dhageysan
karro.
Wuxuu
sheego mayaqaano tallaa ku ciirtay, indhuhuu mirig mirig ka siiyey.
Intaasoo
jees jeesad ah iyo hadal ku margasho ahaba Amran wey arkeysaa dan
iyo heellose kama laha. Illaahow meeshan iga bixi weji xumadeeda
ma arki karee bey iskula guuxeysaa. Niyaduna kuma qanacsana iney
sii fadhiso, meeley ogtahay bey ka jeclaan laheyd iney waqtiga ku
dhameysato.Mase noqon, nin warjiro moog ahna sheeko iyo haasaawo
ayuu karabaa (Labo kala barisay kala war la’a!).
”Amraneey
waxaa jira markaan dhabta kaala hadlo arrin aan weligeey qarsnayey
islamarkaasina aan jeclaa inaan kuu sheegto. Maxaad ka qabtaa hadaan
kuu soo bandhigo waxa uurkeyga kujira!?” Ayuu yiri Cabbaas
oo markan u muuqday mid awood qasab ah xoog ku keenay isagoo si
welbahaar ugu tagaan yahay.
”Waxba
kama qabo waxaad doonto waa ii sheegan kartaa” Ayey Amran
ku jawaabtay iyadoon qabow iyo kuleyl midna ku qaban.
Wadnihii
baa ku sigtay inuu shaqada joojiyo, ileyn waa tanoo Amran baa tiri
wax wale iyo waxaad tabaneyso waad ii sheegan kartaa. Geesinimadii
lugu sheegi lahaa baa la iska rabaa!
- Amraneey
waa laga yaabaa iney tahay sheeko aan sidaasi agtaada xiiso uga
yeelan karrin. Balse aniga aad bey iigu weyn tahay. Abaayo kasokow
walaaltanimada dhexdeena iyo ehelnimada naga dhaxeysaa intaba waxaan
ahay nin si gaar ah adiga kaaga helay.
- Xaqiiqdii
aad baad ii soo jiidatay, waxaan jeclaan lahaa ineynu sheeko wadaag
noqono kadibna aan isla meel dhigno armo guur ee maxaad ka qabtaa?”
Inkastoo
Amran sheekadan ay xog-ogaal u aheyd hadana aad bey ula yaabtay
sida uu ninka u hadlayo. ”Waad isoo jiidatay kulahaa edeb
daradiisa ma anigaa iri isoo fiiri” ayey hoosta ka tiri iyadoo
dhoola cadeyn been ah muujiseyna.
- Horta
walaalkiis aad baad ugu mahadsan tahay martiqaadkaagii qiimaha lahaa.
Mana ilaawayo, hase ahaate hadaan kaaga jawaabo codsigaaga aniga
walaalkeey baa tahay weligeyna waan kuu aqoonsanaa inaad tahay walaal
aaney jirin wax la siisto mana u heysto inaad tahay gayaankey. Sidaas
daraadeed anigoon sharaxaad kale ku siin karrin ayaan kuu sheegayaa
in sheekada aad wado aan ka door bidayo in walaaltanimada halkeedii
ahaato. Waayo walaaltanimo wax ka qurux badan ma arko.
- Abaayo
walaaltanimada intaad meel iska dhigto ma sabab kale oo aad igu
diido baa jirto miyaanan aheyn nin gayaankaa ah oo ku damci kara?
- Haa!
Waad i damci kartaa oo guur baanu kala mudanahay, hase ahaatee aniga
Amran ahaan waqtigan xaadirka ah waxaan xiriir jaceyl naga dhaxeeyaa
wiil aan muddo wada soconay. Marka wey igu adagtahay inaan ka baxo
balantii aan qaaday. Dhabta hadaan kaaga hadlona waan jecelahay
wiilka ruux kale umaba hayo niyad………….!!
Bombkii
aysan weligeed jecleyn iney qarxiso bey dhulka ku dhifay .Markaasuu
bug yiri! Illaahow wadno xanuun badanaa ! Inuu meesha sii fadhiyo
ma uusan jecleysan markey Amran u sheegtay iney jeceshay wiil ay
xirriir la leedahay. Rajadii uu ka qabay iney Amran ahaato ooridiisa
ay sidaasi ku soo afjarantay.
Lasoco cadadka dambe insha Allaah…….!
Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
|