Miyaan
dooqa keligeey laheyn?
Qeybtii
7aad
Tallooyin
wax ku ool ah iyo balamo adag ayey markale isla meel dhigeen Axmed
iyo gacalisadisii Amran. Niyad aan wanaagsaneyn bey labadooda iskula
dar daarmeen. Inkastoo ay wacad ku mareen iney waxkasta oo ku soo
hajuuma ay si wada jir ah iskaga celin doonan hadana mid walba feker
gooni ah baa si ugu taagan gaar ahaan Axmed oo arintani ku noqotay
filan waa. Rajadii uu ka qabay inuu Amran nolol la wadaagana ay
mugdi hareeysay.
Taleefankii
markuu ka dhigay baa fikir adduun meel uu jiro la duldhigay daalkii
hayey baa mid ka tan wey ugu darsamay. Waxa uu galay isla hadal
iyo su’aalo ay maskaxdiisu ay jawaabahooda weysay.
Durbadiiba
hadaladii beer xanuunka lahaa ee Amran ayuu xasuustay. Waxa uu is
weydiiyey haddii reeraha Amran ka dhalatay ay ku daraan wiilka ay
la doonayaan maxey qaban kartaa? Ma waxey u ekaan kartaa ruux karti
leh oo balantii oofisa mise waxey ahaan doonta mid laga awood roonaado
oo sidaasi lugu af duubo gacalisadiisiina ku seego.
Su’aalo
aan jawaabahooda laheyn baa maskaxdiisa ku meereystay, isagoo isla
hadlaya ayuu kursigii uu ku fadhiayey ku gam’ay iley nin daalan
buu ahaa oo maalintii oo dhan shaqo ku maqnaaye.
Ruux
hadimo jaceyl qabo rajadiisa iyo faraxadiisa inta badani waxey ku
xiran tahay aragtida lamaaha uu caashaqay iyo sida naftiisu u dooneyso.
Waxaa la gaaray amintii ay Amran iskuulka ka soo rawixi jirtay iyo
Balantii Cabbaas Markey ka soo baxday fasalkeedii ayey bartii ay
ku balimaysay iska fariisatay. Meeshey fadhiso waa meel aan sidaas
ugu dheereyn wadada ay gawaarida maraan, isheedu waxey qabanayaa
gaadiidkasta oo soo agmara.. Wey ogsoon tahay ineysan dan iyo muraad
midna ka laheyn Cabbaaskan adduunkoo dhan mooday xoog iyo ja juub.
Balse waxey isleedahay ka sal gaar waxa uu doonayo iyo showrka uu
rabo inuu kuu sheego. Koley mid ku cusub maahan oo waa sheeko ay
ogsoon tahay xiisana aan laheyn.
Isagoo
aad ka yaabto siduu u labisan yahay ayuu gaarigiisii soo dhigtay
meeshii ay Amran ku sugeysay. “Raali noqo waan soo dahaay”
ayuu yiri meeshii laga sugayey inuu salaamo, malahaba aan war u
heyn inuu soo hormaray iyo inkale balse waxa uu ogsoonaa inuu daraadeed
usoo ordayey danno badan oo uu lahaana soo dayacay.
“Dhibmalaha”
intey tiri bey hadana u sii raacisay “Iska waran adiga?”
Ileyn hadal kale o ay u aragto iney sheekada furi karto ayaan jirine.
Isnah waa intuu rabaye “waan fiicanahay abaayo macaan ee adiga
see tahay” intuu yiri buu ka codsaday iney soo korto gaarigiisii
kala jiidnaa ee uu watay. Iyadoon niyada ka jecleyn iney korto bey
sal mugiis fariisatay kurisga hore ee baabuurka.
Durbadadiiba
isagoo wejigiisa laga dareemayo farxada saaran buu dhaqaajiyey gaariga.
Wuxuuse weydiiyey iney raali ka tahay iney tagaan meel maqaayad
ah oo ay isaga galabta martidiisa tahay. “Waxba kama qabo
ee inamari” ayey cod meel hoose laga maqlayo ku tiri.
Intey
jidka sii socdeen buu su’aalay heesaha ay ka hesho si u dhageystaan
inta ay ka gaarayaan meesha muraadkoodu yahay.
“Heesaha
kuwaad dhageysataa? Horta raali noqo kuma weydiine, heesaha ma dhageysataa
Somali, Music nooceed ka heshaa?? Ayuu Cabbaas ku bilaabay sheekada
si bal ay dareenkeeda u amaahiso, isnah ay fursad ugu noqoto in
meeshaasi ka fumo hadalo hordhac ah oo wadada u sii xaarta danta
maanta uu ka leeyahay ee ah inuu soo bindhigto jaceylka uu qabo.
-Soomaaliga
ayaan isleeyahay waa lafahmi karaa, hadaadba heyso hees la dhageysto!
Ayey Amran oo aanba jecleyn in hees hees iyo afaaaro aysanba niyada
ku heyn lagala hadlo jawaab ka dhigtay.
- Ok,
heesaha reer Xamarka, mise reer Waqooyiga keed isku fiican tihiin?
“Wax uun noo saar, koley waa iskugu key mid” ayey misna
sii raacisay hadalka.
Isagoo
aan jawaabta gaaban ee Amran bixisay ayey gacantiisa soo laacday
cajal kamid ah kuwa uu sida aadka ah udhageysto. Waa heeso isku
jir ah oo isaga gacantiisa ku soo xushay, lagamana waayo baabuurkiisa.
“Gartaan gudi oon u geysto ii garaabo maa lawaayey?”
Cajiib!
Halmar ayey dhagaheedii maqleen hees Xamari ah oo ay ku luuqeyso
fanaanadii caan baxday ee Luul Jeylaani, intey ku jeeday fiiriskii
hareeraha wadda iyo gaadiidka iyo dadka tirada badan ee is garab
maraya.
Markey
maqashay ereydaasi hore, ayey is dareensiisay in heestu iyadu tilmaameyso
una baahan tahay muslin iyo gaal bal uun wax soo kala dhex gala
mashaqada iyo reeraheeda kala heysta. Ileyn laftooda haddii loo
baahdo guddi garta qaada wey noqon.
Intey
fiirisay Cabbaas ayey weydiisay inuu dib ugu soo celiyo heestii
ay maqashay wax yar ka hor intuusan dhaafsiin, “Waayahay abaayo”
ayuu hadana saaray hees kale oo banaadiri ah isagoo oranaya ”
hees kale aan ku maqashiinaa ee isug tan xoogaa calaacal waaye,
anaga hada heeso calaalcal ah ma rabnee”. Mabeysan helin fursad
ay ku weydiiso iney heestaasi ay calmatay dhageysato jeer ay dhagaheeda
maqleen tix kale oo hees ah kana mid ah heesaha uu sida goonida
ah u xushay.
“Baladiyo
baadiyo bulshada dhamaanteed kii kasoo
Baxsadee iigu beer nugul waaye!
Barashadiisa boggey ku taallee wey i baanisaa.
Bartilmaameedkee jaceylkee iyo boggoo isoo burqaaye
Baxsanaa baxsanaa Alla wiilka baxsanaa!
Beer
mineey baxdo waa barwaaqo loo baraanbur tuntaaye
Barbaxna kuu noqotaaye.
Anah berigaan u baahanaye Billahey ha isiiyee
Bartilmaameedkee jaceylkee iyo boggoo isoo burqaaye
Baxsanaa baxsanaa Alla wiilka baxsanaa!
Bushuhii
baas iyo balaayo ma arkee
Bqol ka roonihii waaye boqorkii barbaartow.
Waan u bogaye aney bilicdiisu ii bishaaro tahee
Bartilmaameedkii jaceylkee iyo boggoo isoo burqaaye
Baxsanaa baxsanaa Alla wiilka baxsanaa!!
Waa
hees si aad ah dareenkeedii usoo jiidatay midey dooneysay iney daqiiqado
ka hor dhageysato tan baaba ugu qiimo badan marka loo fiiriyo miraha
heesta hore.
Tanise waa mid tilmaameysa gabar wax jecel kuna qanacsan ilaa xad
wiilka ay calmatay, kaasoo ay ku misaashay boqorkii barbaarta. Halkii
tii hore aheyd gabar calaaleysa oo dooneyso cid u garsheegato walow
aysan heestoo dhameystiran dhageysan, hadana waxey fahmi laheyd
haddii loo deyn lahaa iney si fiican u dhuuxdo macanaha haasta.
Heestan
dambe waxey dib ugu celisay xasuus keyd hore ahaa iyo barashadii
gacaliyaheedii Axmed oo maanta wax kasta kala qiimo badan.
Waxey keydaasi xasuusta ah dul dhigeen ayaamo qurux badan oo ay
ku soo wada qaateen London. Iney ooyso wax yar bey ku sigatay. Balse
wey waxey isku dayeysaa iney qariso ilaa xad si aan loo dareemin.
Qadar yar kadib waxaa la yimid goobtii Cabbaas ugu talagalay Amran
inuu muraadkiisa u soo bandhigto ee maqaayada aheyd.
Waa
la fariistay kuraastii quruxda badneyd iyo maqaayadii cajiibka laheyd
ee qurux adduunoo dhan lugu laray. Daqiiqado gudahood wiil loo carbiyey
soo dhaweynta martida ayaa u yimid labadoodii oo meesha fadhiya
indhahana midba midka kale ku xadayo hadalse aan jirin oo indhaha
keliya la iska fiirinayo. Waxaa uu dabadeed u dhiibay buug ay ku
qoran yihiin dalaabka noocyada kala duwan cuntada iyo cabtinaadana
ee isug jira qabow iyo kuleyl.
Durbadiiba Amran waxey fiiris igu dhaqaaday buugii loo dhiibay si
ay u dalbato waxey cabto inkastoo gaajo heyso hadana uma muuqato
mid rabta iney baahi heyso awgeed wax u cunto. Waxey isleedahay
yaan lagaa dareemin ee wax qabow ama kuleyl ah dalbo.
“Maxaad
cabeysaa Amraneey, ma eegtay cabitaanada!? Haye noo dalab hee, aniga
midkaad qaadato ayaan ku jiraaye!” ayuu yiri Cabbaas oo indho
caashaq ku eegaya.
- Maya walaalkiis weli wax ma dalban waxaan dalbado iigama muuqdo
meeshan.
- Maxaa
dhacay abaayo?? Alloore hadalkaas anigaad igu xumeyneysaa maahoo??
Inaan kaa xanaaqo maad rabtaa, maxey tahay waxaan ka dalbado iima
muuqdaan??
- Maya, laakin gaajo ayaan i heyn, marka qaxwo ayaan rabi lahaa
haddii la heli karro. “Ka darro dibi dhal!” Waxey muujisay
xirrxirnaansho ilaa xad, aan geed ku gabasho laheyn iyadoo muujineysa
sida aysan marna ku qanasanayeyn joogitaanka waqtigan xaadirka ah
ay ag joogto Cabbaas iska daa iney habeen quranolol wadaagaane.
Durba Cabaas waxa uu dareemay wel welkii uu ka qabay iney ku gacan
seyrto codsigiisa, inkastoo uusan weli mowduucaas kala hadlin hadana
niyadiisa ayaan daganeyn.
- Abaayo
waxaan jeclaan lahaa inaad wax kale cosato qaxwo wax la cabo maahan
waadna ogtahay in maantoo dhan aad iskoolka joogtay. Baahida lafteyda
waan dareemayaa ee xishoodka iska daa!
- Hadaad xishooneysid anigaa noo wada dalbayo kawaran arrintaas?
“Waayahay” wax kama qabo
Lasoco
cadadka dambe insha Allaah…….!
Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
|