Miyaan
dooqa keligeey laheyn?
Amran
ayaa hadalkaasi aan marna laga fileyn siddii gantaal wejiga ka saartay
islaantii hooyadeed aheyd ee maantoo dhan muxaadarada u akhrineysay.
Intey
ka istaagtay geestii ay kaga fadhisay kursiga damacdayna iney ka
tagto meesha ayaa waxaa gacanta ku dhigtay walaalkeed Maxamuud oo
Xaajiyadu u soo kaxeysatay iney u adeegsato xoog haddii Amran la
timaado go’aan aan aheyn kan ay jideysay.
”Fariiso”
intuu yiri ayuu si xoog leh kursigiii ugu cadaadiyey una sii raaciyey
iney xaaladu dagaal isku badali doonto hadey meesha ka dhaqaaqdo
iyadoon amar la siin. Amran isma waalin si tartiib ah ayey markale
kurisigii salka ula heshay, iyadoo indhaha ku gubeysa walaalkeed
ayey si kulul hadalka u tiri ”Iga fuq axmaqyahow aan caqligiisa
ku socon ee raacadata ah”.
Duq
Faadumo oo la dheygagsan isbadalka iyo dabeecadaha cusub ee gabadheeda
la soo baxday labadan beri ayaa markale hadalkii dib u bilowday.Iyadoon
juuq iyo jaaq aan u oran intii Amran hadalada qalifsan ku hadleysay.
- Amraneey
ma maanta ayaad gaartay heer aadan dhageysan warkeyga oo xitaa aad
ku dhaqanto caasinimo iyo hadal aad igu soo celiso. Horaan kuugu
sheegay iney jiraan dad kuu sheekeyey oo kugu yiri ”Naa hayeelin
islaanta warkeeda”, laakinse dadkaasi meesheey ku geeyaan
baan arki doonaa. Anniga uunbaa hooyadaa ah, Illaaheyna kasokow
ifka anigaa ku keenay teyda uun baad ku socon doontaa insha Allaahu.
- Intii
hore waxaan moodayey inaad ka soo roonaan doontid oo caqligaaga
kaashan doontid, haatanse waxaad noqotay mid farro baxsatay oo aan
reerka katirsaneyn. Haatan iyo dana Cabbaas waxaan dooq iyo ima
cajibin aheyn miyaad ku diiday mise wax kale?
- MAYA,
hooyo waan kuu sheegey inuusan dooqeyga aheyn ee isku daya inaad
texgilisaan go’aankeyga. Aniga ma ihi carruur labo jir ah
oo aad dabka celineysaan, waxaan ahay gabar qaan gaar ah oo maskaxdeeda
isku maamusha. Cidaan guursanayana anigeey ii taal, waajibkiina
waa texgelin iyo qiimeyn hadaan taas idiin ka waayana dee siddii
roon Rabbaa og.
- Wallee
waa yaab, waxaan maqli jiray ”Hashu maankeey gadaye ma masaar
bey liqday” Tana wey ii laabneyd, naa i dhageyso intan ka
badan dulqaad uma yeelan karro waxaad ku hadleyso dadkana igu ceebeyn
meysidee labo middii kuu roon ku dhaqaaq, inaad siddii gabar la
dhalay oo waaliidkeed baari u ah maqasho qaadatidna nasteexda iyo
narruurada luguula rabo oo aad guursatid walaalkaa Cabbaas iyo inaad
caasi iyo deyro naga ahaatid weliba aad saacadan la joogo aad ii
faaruqisaa gurigeyga dib dambane aadan noo soo sheegen, ileyn gabar
aan hadalka hooyadeed maqleyn ku heysan mayo guriga e, reerihiina
xumaa ee xanka iyo dadka oo dhabarka gadaashooda laga hadlana u
qeybsanaa i caayimayaan ma garatay warkeyga?? Adigeey kuu taal sidaad
yeeli laheyd, kasoo feker!
Yaab
iyo amkaag ayaa Amran kasoo haray, iyadii iyo hooyadeed baa qofba
qofka kale la yaaban yahay dabeecadaha cusub iyo hadalada noocan
ah oo aan weli la isweydaarsan intii Xaaji Yuusuf noola.
Waxey
sameyso ma taqaan tallo ayaa ku cagaaratay, waxey isweydiisay haddeey
islaanta mar hore u sheegi laheyd in London wiil ay isku soo barteen
u xirriir ka dhaxeeyo ay xaajadu malaha intan ka roonan laheyd.
”Wallee kama roonaateene iga tag hooyadeey sow mida hadeer
sidan naxariis darrada ah iigula hadleysa maahan” ayey nafteeda
iskula hadashay, murago adduuna la soo deristay. Ileyn waa tanoo
caaweyba ugu darneyd oo la yiri iiga bax gurigeyga hadaadan yeeleyn
wiilka aan kuu dooray.
Maalinteey
dhalatay ilaa iyo waqtigan xaadirka ah gurigooda meeel uma dhaafin,
inkastoo ay muuqaal ahaan u muuqatay mid maqbiyo ah oo aan banaanka
u bixin gurigii lugu dhalay hadana waagii aabaheed noolaa waxey
aheyd mid dareemeysay xorriyada macaankeeda waqtigey doontana bixi
jirtay soona laaban jiray. Haddase bixid ay baxdo daaye, waxey qarka
u saaran tahay in laga reebo iskoolkii xumaa ay islaantu u aragto
inuu yahay mid fidno ku ah gabadheeda tacliin ay kasoo barato daaye.
- Hayeh
tallo adigeey ku agtaal gabaryahay waxaan kaa doonayaa inaad jawaab
deg deg ah isiiso cudur daarna ha isku dayin inaad bixiso lagaa
yeeli mayee.
- Laakin
hooyo miyaadan aheyn qof Illaahey ka baqaya oo muslin ah, maxey
tahay cadaadiska heerkan ah, miyaan kaa mudanahay hooyo inaad sidan
iigu qasabto waxaanan nafteyda u rabin? Hooyo miyaanan aheyn gabadhaada?
Sow naxariista ay wiilashaada kaaga baahan yihiin kaagama baahni
anah mise imaadan dhalin oo hooyadeey ma tihid? Ayey Amran oo ooyeysa
tiri, xaaladana ay ka xun tahay oo aysan garaneyn meeley uga baxdo
xujan adag ee qoorta loo suray.
- Nacam,
hooyo gabadheydii waad tahay oo Illaahey baa i maqlayee intaan dhalay
adigaan kuu jecelahay, intaas oo dhana waxaan u yeelayaa waa wanaagaaga
iyo gabadhaada ha noqoto marwo sharaf leh sidaan aniga gurigeygii
ku soo dhistay. Waxaanan jecleyn o keliya gabar meelo is istaagto
oo waqtigeeda maalayacni ku dhumisa iyo ciyaal suuq xun oo ay warkiisa
wad wado.
- Laakin
hooyo adiga iyo aniga isku mid manihin waan kala duwanahay xilligaad
hooyo reer laheyd aniga waxaan ahaa carruur , caqli iyo aragti kuu
gaar ah baad ku dhaqmeysay waqtiga aad ka hadleyso. Balse aniga
hooyo duni isbadashay ayaan ku noolahay iyo jiil ka duwan midkaad
adiga ku nooleyd. Hooyo aniga dooq ayaan leeyahay, nolosha si baan
u arkaaa, hadaan guursanayana waxaan rabaa inaan farxad ku guursado
iyo nin aan qasab la iigu darin. Mida aan isku fahmi weysanahay
adiga iyo aniga waa intaa. Waad ogtahay hooyo inaan weligeey kaa
diidin hadal aad tiraahdo maanta kahor. Marka i fahma oo yeysan
qeyrkeey i caayin oo aan ahaado ruux talada ka go’da waalid
iyo walaal baa tihiin wixii aan ku qaldanahay waad ii sheegi kartaan,
laakin midan oo kale anigaa idiinkaga saxsan sidaas ula socda.
Duq
Faadumo dhabano heys ayaa ka soo haray dhalaankan ay iyada dhashay
oo intaas ay la soo ekeysiisay baa maanta waaninaya ”Cimrigaaga
dheerada geel dhalayana waa ku tusaa,ileyn waa tannoo kale”
ayey intey ku guuxday tiri ”Maandheey hadalka kale oo la yeelayaa
ma heysaa kan mid igu soconaya maahee”.?
Maya
hooyo mahayo, hadaad gurigaaga i bixin laheyd waqtigan xaadirka
ah iyo hadaad midkan ku ag fadhiya ee feeraha weyn aad oran laheyd
dil ama daa adigeey kuu taal, go’aankeygii wuxuu yahay in
jaahilkan aad Cabbaaska ku sheegteen uu iga yahay aabaheey oo kale.
Adiinkana tiina meel bey idiin taalaa.
Intey Amran sidaas tiri bey ka baxday qolkii fadhiga ahaa maantoo
dhan showrka ka socday, natiijana aan kasoo bixin.
Maxamuud
baa siddii galab dheertii hore oo kale isku dayey inuu gacanta ka
hadlo ileyn shaqo aan gacan aheyn uu qabto ayaan jirinee, balse
Duq Faadumo ayaa tiri iska daa, waxaan la damacsanahay baa ka badan
midaad hada u rabtee.
Amran
iyadoo leh Alxamdu Lilaah, adigaa kii gacantiisa igu dhifan markale
ayaa la soo garaacay albaabka goortay damacday iney qolkeeda gasho
kuna soo leexatay garaaciisa, iyadoo jecleysan ruuxa saacadan socda
iney wejigiisa aragto ayey furtay albaabkii mise waaba Cabbaas-kii
adduunka oo dhan dartiis loogu yareeyey cadaabtana loo marinayey
”Necbiyaa Jaahaaga!” ayey hoosta ka tiri markey aragiisa
aragtay.
”Waan
ku salaamay abaayo” ayuu hadal ka bilaabay markuu arkay gabadhuu
aadka u jeclaa wejigeedii, filan waana ay ku noqotay inuu Amran
oo uu ku haminayey weligiis ay maanta joogto guriga. Waayo marar
badan uu reerka soo booqday meysan joogin, sidaas daraadeed maanta
aragtideeda maalin ciideed bey kaga dhigan tahay iyo gaado ka ciyaar.
- Nabad
walaalkiis ee soo dhaaf, ha is martiyeen, bey tiri iyadoo uurka
ka gubyooneysa jaceylkii walaaltinimo ee yaraantoodii ka dhaxeeyeyna
uu hadal isku badalay naceyb kan ugu xun ee ruux bani’aadam
ah loo qaado.
- ”Abaayo
aad baan ugu faraxsanahay aragtidaada” Ayaantan luguma arage
xageed gashay guriga waan imaadaa markasta mana ku arkee, maxaa
dhacay?
- Walaalkiis
waad ogtahay inaan iskool jirro inta badan maxaad isku yeel yeeleysa?
- Maya
abaayo waxaan is iri armeeysan weli kasoo laaban safarkii ay London
ku aaday, sababtoo ah waan ka xishooday hooyo inaan weydiiyo markasta.
Saas ayaan kuu iri xageed ka dhacday. Hada sow nabad maahan? Waa
Illaahey mahadiis hadaan maanta ku arakayo adigoo caafimaad qaba
ee reerka yaa jooga?
- Hooyo
iyo Maxamuud baa jooga ee soo dhaaf!
- ”Fiiri
abaayo Amraneey, dan baan kaa leeyahay firaaqo aan kugula hadlo
meysaa 10 daqiiiqaba Allaah ka dhigee,?
- Haddii
loo baahdo waa la helayaa toban iyo wax ka badanee maxey tahay danta
aad iga leedahay maanta?
Abaayo
ii ogolow inaan meel aan guriga aheyn ku wadahadalno waayo guriga
dadkaa ku badan munaasibna maahan, marka ”Min fadlag ii yeel
codsigaas abaayo!”
- Berito
haddii Alla idmo maxaad qabanee, iskoolka meeqo saac ayaad kasoo
baxeysaa?
- Ok,
Berito 4-ta galabnimo ayaa kasoo baxayaa markaa waan heli karaa
firaaqo yar, aad iigu sheegato dantaada.
- Mahadsanid
abaayo waan kugu ogaa dadnimadaas iyo dabeecadaada dahabka ah ee
aysan jirin wax la siisto, hadaba waa inoo berito insha Allaah,
iskoolka ayaan kuugu imanayaa markaas ayaan meel cafe-ga laga cabo
tageynaa. Hadana reerka ayaan u sii tagayaa ee waa ku kaas. Intii
yiri ayuu u sii dhaqaaqay dhankii fadhiga ee ay joogeen islaanta
iyo wiilkeeda isagoo farxada wejigiisa ka muuqata laga akhrisan
karro hadduusan duulin siddii shimbiraha oo uusan baalal yeelan
ayuu nasiib lahaa galabkaasi markey tiri waan wadahali karnaa Amran.
- Amranse intey kor iyo hoos ka fiirisay bood boodkiisa markuu sii
dhaqaaqay ayey tiri ”Nin aad ii noqotaaye iska daaye xitaa
riyo iaadan igu arkeynee armeey kuu roon tahay inaad raacato danahaaga!”
Qolkeedii
bey si tartiib hoosta kasoo xiratay markale, ciil iyo murago ayey
sariirteedii isku tuurtay sidii wax waalan, feker bey ku dul camaritay.
Xasuus dheerna dabo qabatay. Dib bey u gashay barashadii iyada iyo
Axmed ay habeen ku kulmeen meel arroos ah. Xirriirkoodii sidduu
mar qura isu badalay ayey aad ugu riyaaqday tan iyo habeekii ay
u muuqdeen dad indhahooda isa soo jiitay oo arrin Rabaaniyan ah
dhexdooda ka beermay. Ileyn jaceyl daacad ah buu ahaaye!
Intey
fekerka iyo xasuusta sawiro hore oo kala duwanaa maskaxda midba
mar kasoo saareysay ayaa teleefankeedii gacanta oo meelaha ka dhawaa
soo dhacay, mise waa Axmed gacaliyaheedii nafta oo aysan waaydan
maqal codkiisa haraadna ay u qabtay. Dhibaatada reerka ku hayaan
kasokow waxaa maqnaanshihiisi ay u aheyd jab xoogan oo loogu daray
midey tirsaneyso.
Codkiisi
markey maqashay ayey oohin qabsatay sidii ruux geeri gashay, ”Sidan
miyaa jaceylkaad ii akhrineysay iyo hadaladii macaanaa?
Hadaan noolahay iyo hadaan dhinto midna ima soo raadineysid sow
maahan Axmedow? Hadaadan cudurkan ila qeybsaneyn maxaad iigu akhrisay
maxaad ii tiri waan ku jecelahay?
Axmed-kii
oo yaaban oo isweydiinayo gabadha waxa ku soo kordhay labadan beri
ayaa yiri ”Abaayo macaan sorry waan mashquulsanaa shaqadii
waad ogtahay nolosha London taala ineysan sahlaneyn. Laakin Walaahi
abaayo qalibigeyga wuu kula joogaa kaama dheeri.
Habeen
hore reerka ayaan soo wacay waxaa la ii sheegay inaad maqneyd teleefankaagii
gacantana waad xiratay. Marka abaayo sidaas ayaan kaaga maqnaaye
iiga waran xaaladaada??”
Lasoco
cadadka dambe insha Allaah…….!
Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
|