Miyaan
dooqa keligeey laheyn?
Tallo
iskuma kaa sheego oohin bey qolkeedii iskula soo xirtay iyadoon
heysan cid u garaabta ama dareemeysa, waxey ku jirtaa marxalad adag
oo ah "Labo kala daran mid dooro" Haddii ay ku gacan seyrto
waalidkeed iyo walaalaheed oo ay sameyso sida nafteeda dooneyso
waxey cabsi ka qabtaa iney mudato ciqaab darran oo xagga walaalaheed
uga yimaada, haddiise ay balantii iyo axdigii ay wada mareen wiilka
ay is caashaqeen ay jebiso si dhibkan iyo cadaadiskan heysta uga
baxdo, waxey maanka ku heysaa in Nabsigu soo deg dego oo waxyeeladiisa
iyo baa-ba'iisa aan laga kabsan karin. Sidaas aawadeed xaalada Amran
waa "Baddu meeshaad kagtaa ka dhanaan"
"Allayahow
caashaq aan cudurkiisa
cidna kuu ogeyn caloolyow iyo ciil badnaa.
Casiiskow hadmaan ceyshka la cuni inankaan
Calmaday oo cindigeyga ahaaday?"
Amran
baa ku catowday markale iyadoo ku jirta jahawareer kii ugu weynaa
ee abid gasho tan iyo intii ay garaadsatay. Waxey weligeed aaminsaneyd
iney tahay ruux talada leh oo u arimin karta aayaheeda iyo cidda
ay lawadaagi doonto, hadase waxey u muuqataa qof aan heysan awood
badan oo la muumulo siddii carruur labo jir ah.
Duq
Faadumo waa Amran hooyadeed siddii caadadu aheyd iyadoon kuleyl
iyo qabow midna ku heyn wareerka lasoo gudboonaaday gabadheedii
ayey ka timid qaraabo salaankii ay ku maqneyd oo tartiib qolkeedii
iska gashay, iyadoon eeg eegin sida xaaladu tahay. Maxamuud markuu
maqlay shanqarta islaanta hubsadayna iney qolkeedii u gudubtay ayuu
deg deg uga daba tagay oo inta ku garaacay albaaka weydiistay inuu
soo geli karro.
"Soo
gal hooyo" bey tiri. Maxaa darnaa bey hadana hadalka sii daba
dhigtay iyadoo kursi meesha yaala ku sii fariisaneysa sina uga muuqdo
daal aad u daran iyo islahadal baryahan ku soo kordhay.
- Hooyo
wax daran ma jiraane, iiwaran adiga, xageed sidan ugu soo daahday?
- Hooyo waa adigii ogaa habaryartaa baan u tagayoo waxaan kala hadlayey
arrinta Amran iyo guurka Cabbaas, si ay iyadana tallo uga dhiibato
waatanoo ileyn waad ogtahay iney diiday inkaar heshadan wiilkii
aan u doortay.
Dadkey rabtaa iney igu ceebeyso.
Meeday
iyadii hadda habaar waalid bey qabtaa, Wallee uma duceyn ee bal
taas aayaheeda dambe hala ogaado sida ay ii xakaarisayaa, tanaa
tanaa!. Iga daa warkeeda maandhoow aan ka nasto cambaar weyba i
waashaye.
- Nasiino
ma jirtee mid aan kuu sheego, maanta waan dilay oo dhirbaaxo aan
weligeeyba kala xishoon jiray baan ku dhiftay markeey muranka iga
badisay. Wax kalena kuma aynaan murminee, waxaan islahaa daganaan
wax u fahansii.
Gabadhana
waxey dooneysa hooyo sida aan hadalkeeda kafahmay iney gidaarada
la istaagto wiilasha ciyaal suuqiinta ah. Waxaan u maleynayaa iney
nin xirriir la leedahay.
- Ma
dhirbaaxo keliya ayaad ku dhifatay oo maa laftey taagtaba jebisid
wasaqada xunta ah ee aan istaahilin in la ixtiraamo. Ayey ciil dartiis
hayey tiri Duq Faadumo markii lugu soo hadal qaaday warka Amran
xay iyo fir fircooni ka muuqatay
- Iigu
yeer anaa balan qaaday maanta in dhirbaaxo iyo wax ka badanba korkeeda
ay ku dhacaane, xageen geynayaa gabar aan warka waalidkeed maqleyn
ma aneey rabtaa in la igu sheekeysto oo weliba ay ogtahay in reeraheeda
ay war badan yihiin oo xumaanta raadshaan.
- Waa
runtaa hooyo, waan ogahay in reeraha aan ka dhalanay ay war badan
yihiin oo xumaanta raadshaan. Tan iney naceebeyso keliya ayaa naloogu
dhalshay, ayuu yiri Maxamuud oo isagu dabacsanaan u muujinaya islamarkaasina
iska dhigaya nin garabka islaanta taagan oo waxey tiraahdaba "Taxta
Amrak" yiraahda.
Intuu
istaagay buu yiri waan u yeerayaa tii hooyo ee bal daganaanta kaasho
waxba yaanan ciilka iyo carradu ku qaadinee!
Amran halkeedii bey jiiftaa iyadoo filin xiiso leh u shidnaa "Labo
kala barisay kala war la'ee" maba oga sida loogu tashanayo,
ee waxey dhex ma quuraneysay riyada beenta ah ee ay isku maaweelineysay.
Kuna fekereysa sida ay u ahaan laheyd ruuxa ugu farxada badan dunida
haddii iyada iyo gacaliyaheeda Axmed ay galaan aroos iyo guri xalaal
ah oo looga raali yahay.
Riyada iyo hadba ruu wax jecel rajo kunool baa la yiraahdaaye intuu
filinkaasi u shidnaa, Maxamuudkii waalnaa ayaa si naxriis darro
ah albaaka u garaacay, "Naayaa hooyo, gabadhaadan ceeb u joogta
ah hooyo baa kuu yeereysa ee si deg deg ah ku soo bax, haddii kale
albaabka intaan jebiyo ayaan feer kaaga soo bixinayaa qolka"
ayuu ku qeyliyey isagooo ismaqashiinaya islaanta si ay u taageerto
maskaxdiisa u eg laheysta.
Amran
markey codkiisa maqashayey ayeyba docdii kale sariirta isku rogtay
iyadoon dhag jalaq u siin warkiisa. Markale ayuu misna albaabka
xoog u gaaracay isagoo ku celinaya intii uu horey u dhahay.
Islaantii
baa maqashay qeylada ka dhaceysa, intey soo baxday bey u timid Maxamuudkii
hortaagna qolkii Amran.
- Naa maa furtid albaabka sow adiga maahan waxa lala hadlayaa, maxaad
isku dhaga tireysaa? Markale inaan ku iraahdo qolka kasoo bax ma
rabo ee sida ugu dhaqsaha badan iigu imow fadhiga ayaan sii aadaya,
ayey inta tiri Duq Faadumo wiilkeediina gacanta sii qabsatay.
Islaantii
hadey meesha timid ma war baa meesha yaala, waa in waxkasta la yeelaa
xitaa haddii ay dhib yihiin.
Amran iyadoo wel wel iyo cabsi ka muuqato muragada korkeeda saarana
uu yahay mid laga akhrisan karro ayey tagtay qolkii fadhiga ahaa
ee ay ku sugayeen hooyadeed iyo walaalkeed oo aad moodid labada
qof ee u so taagan cadaadiskeeda.
Markii
ay timid qolkii ayey aragtay hooyadeed oo indhaha ku gubeysa sugi
la'na inta ay agteeda kasoo fariisato si ay bal ugu gacan qaato
ama xitaa wax ku dhifato. Labo cad bey u kala jari laheyd hadey
awoodi laheyd maalinkaasi iney wax ku dhifato ama aaney iska ilaaliney
iney gabadheeda oo inan ah u gacan qaado.
Balse
Amran miyirkeed waa qabtaaye ma fariisan meesha ay ka filan karto
iney uga imaneyso wax gacan ka hadal ah ee waxaa ay fariisatay meel
aan sidaasi uga dheereyn halka ay fadhiyaan islaanta iyo wiilkeeda.
- Maxaa
meesha dheer ku geynaya maad soo fariisatid agteyda, mise waad iga
faaneysa sow maahan? ayey hadal ku bilowday Duq Faadumo oo intaas
hordhac uga dhigeysa dood iyo buuq kale oo meesha ka furmo, hadduu
hadalka xumaadana aysan gacan ula kala harin.
- Maya
hooyo kaama faanayo mana diidani inaan agtaada fariisto ee waxaan
iiga muuqan meesha boos sadex qof qaadi kara, sidaas baan meeshan
iskaga fariistay ee maxaad iigu yeertay?
- Hadaadan
is indho tireyn waad ogtahay waxaan kuugu yeeraye, maxaad damacsan
tahay, maxaad go'aan ku gaartay sideed dooneysa inaad gurigan ugu
noolato. Koley gabadhadeydii warka iga maqli jirtay ma tihid, Sheydaanka
ku duufsadayna waa kugu diray reerahaagii ee. Bal ii sheeg waxaad
damacsan tahay?
- Hooyo
waxaan damacsanahay iyo waxaan go'aan ku gaaray midna ma jirto.
Aniga sidaan shalay gabadhaadii kuugu ahaa baan maanta kuu ahay,
ma jiraan cid igu kaa diri karta ama wax ii sheegtay marka yaan
la ii fahmin qalad oo waxaanan aheyna yaan la igu tilmaamin.
- Haye,
hadey jirto sida aad sheegeyso maxaad u maqli la'dahay warka lugu
leeyahay? Sow ma ogid inaad qaan gaar tahay oo markaan geeri mooyee
aan gabow kuu laabneyn.
Waxa
gabdhaha facaa ah mid kulmid ah iyo mid kaa yarba ay ku fekerayaan
mustaqbalkooda iyo nolol raaxo leh maxaa adiga kuu diiday.? Su'aalo
aan loo baahneyn bey islaantii meesha ka furtay iyadoo rabta iney
isku daydo iney si dagaan ah wax ugu sheegto gabadheeda.
-Guurku
ceeb maahan hooyo waana sunnadii Rasuulkeena (csw) cidkastana ay
jeceshahay iney yeelato reer, laakinse aniga waqtigan xaadirka ah
guur diyaar uma ihi, mana jirto cid aan u arko inaan ku aamini karro
nafteyda. Sidaas daraadeed weli calafkii baa dhiman.
-Calafku
waa dhiman yahay waa runtaa balse adigu da daalkeedii ma la timid
oo ma isku dayday? Mise adigoo iska fadhiya ayaa nin ku leeyahay
kaalay anigaa ku guursanayee?.
- Maya
hooyo, laakin nin aan u arko inaan nolol la wadaagi karin baan ii
muuqan, balse wax walba waxey u baahan tahay marka ay rabitaanka
xagaaga ka timaado inaad qabatid. Waqtigan xaadirka ahna hooyo iskool
baan dhigtaa GUUR GUUR iyo nin buuqiis uma soo jeedo tacliinteyda
inaan dhameysto ayaan jeclaan lahaa, horeyna waan kuugu sheegtay
taas.
-Tacliinta
ha ii dambeysee ma ogtahay inaad tahay ruux dumar ah oo cimraaga
kooban yahay?`Teeda kale marka aad leedahay nin ii qalma oo aan
nafteyda ku aamini karro ma jirro, xageed ku ilowday wiilka walaalkaa
ah ee Cabbaas? Sow ma ogid inuu ku jecel yahay oo waxkasta oo gabar
diyaar loola yahay uu kuula yahay.?.
-Ninkaas
adiinkaan idiin ka kama maqlaa warkiisa, maba igu hayo xiiso waana
wiil walaalkeey ah oo aan meel ku soo wada kornay, mana u arko nin
aan nolol la geli karro. Cid kalse waa suuragal inaan hadal u furro
oo aan guur kala hadlo.
- Cabbaas
muxuu qabaa, xagee la'yahay, miyaanu aheyn nin qurxoon oo intii
la doona leh gabarna ay ku hamiyi karto?
-Hooyo i dhageyso hadduu quruxsan yahay ninkaas isagaa qurxoon,
gabadhii rabtana wey guursan kartaa, laakin aniga dooqeyga maahan,
mana rabo inaan waqtigeyga qaaliga ah ku lunsho hadalkiisa mustaqbal
aan kala hadlaa iska daaye riyo xitaa iguma arkayo.
-Cajiib!
dooqaagu waa kee? Ma waxaad rabtaa inaad waqtiga kulumiso niman
jidad la istaagoow iyo caweysyo aad kala soo tumato. Ileyn gabar
sharaf leh waa tan warka waalidkeed leeyahay yeeshee?
-Tumasho
aaa?? Inaali Lilaah waa Inaa Ileyhu raajicuun, hooyo adiga seed
u hadleysaa oo hadaan ku iri ninkan marabo mana ahan dooqeyga macnaheedu
ma waxey tahay inaan rabo inaan tumasho iyo jid is istaagis kulumiyo
waqtigeyga? Waan ka xumahay inaad sidaas u fekerto. Teeda kale aqoon
baad ii leedahay hooyo, waadna ogtahay inaan caweysyo iyo meel aysan
nafteyda kuba qanacsaneyn inaan jecleyn inaan aado, hadana aad sidaas
maanta tiraahdo.
- Haatan
iyo dan hooyo, maxaad iigu yeerteen oo aad iga rabtaan inaan qabto,
aan ka aheyn warka ninkaas aad Cabbaas Cabbaas leyneysaan ?
- Sheekada
adigoon koobin gabaryahan waxaan ku weydiinaya ma cidbaa jirto aad
sheekeysataan oo xirriir idiin kaga dhaxeeya?
Shib
bey tiri Amran markii su'aashaas la weydiiyey, waqtigan xaadirka
ah Axmed oo ay xasuusteedii qadar daqiiqado ah ka maqnaa bey go'catay,
inkastoo aysan jecleyn in goob aan munaasib ku aheyn lugu soo xasuusiyo.
Hadana "MAYA" ayey ku jawaabtay iyadoo si uga baqeysa
in dareenkeeda laga akhristo waxa uurkeeda ku jira.
- Runta
sheeg haduu jiro mid aad kala sheekeysato waxa meelahan taleefano
soo dir dirao maalin walba?
- Hooyo MAYA MAYA, ma jirro ee fadlan i runso!
- Gabar waqtigan jirta baanan ka akhrisaneyn nin xirriir lama lihi,
ee waxaan kuu sheegayaa oo keliya walaalkaana horey buu kuu yiri.
Ha isku dayin inaad ragga islaameed been u sheegtid. Ogow aniga
iyo dhamaan walaalahaa iyo reeraha aad ka dhalatayba waan isku raacsanahay
in adiga Cabbaas la isku kiin darro intaad iskuulka ka dhameysatidna
la dhowrayo, waana go'aan aan ka laabasho laheyn.
Amran
cirkaa ku soo dumay markii la yiri warkaas naxdinta leh, iney suuxdo
wax yar bey ku sigatay. Wadnihii baaba istaagi rabay naxdin iyo
anfariir awgiis. Aaamusnaan dheer kadib bey u muuqatay wax miyirkeedii
maqnaa soo laabtay.
- Hooyo
ma waxaad ku taliseen farxadeydii mise muragadeydii baad ku heshiiseen,
waa adiga leh dhamaanteen go'aan baan gaaray, mase ogtahay inaan
aniga ahay cida awooda iyo xaqa leh ee nolosheeda xukunkeeda Illaahey
kasokow? Qofkaan aniga rabana uu yahay kan keliya ee agteyda qiimo
ka leh oo dabeecadiisa iyo dad la dhaqankiisa isoo jiidan.
-Waxaan
diyaar u ahay inaan ciqaab tan ugu xun muto oo aan ku guur la'aado
inta aan guursan lahaa ruux aanan guurkiisa raali ku aheyn nafteyda
iyo dooqeygana isiin.
Hadal
iyo dhamaantii waxaad doontaan igu sameeya. Kun hadey muslinto kuna
ay kufriso oo diinta Islaamka ka baxdo, ninkaas aad Cabbaaska ku
sheegteen marna sariir la seexan mayo, aakhiro leen aadaya ama waan
u mustaqbal seegayaa maahee...!
Lasoco cadadka dambe insha Allaah!
Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
|