|
Miyaan
dooqa keligeey laheyn?
Amran
iyadoo ooyeysa ayey qolka kasoo baxday, damiirkeeda ayaa siin waayey
iney u adkeysato murankii iyo doodii dheereyd ee dhexmartay iyada
iyo walaalkeed.
Waxaaba taas uga daran dhirbaaxadii sidda naxariis la’aanta
ah ee dhabankeedii ugu dhacday ee aysan marna filaneyn.
Intaa ugama harine oradkii ay qolka kaga soo baxday ee waxaa u misna
uga daba yimid qolkii fadhiga ee ay dooneysay iney kaga nabadgasho
qeyladiisa iyo dhirbaaxadiisa oo ay ogeyd hadey misna doodu socoto
iney mid kale filaneyso gacan iyo wax ka badanba, sidaas daraadeed
lafaheedii bey kala soo carartay ninkaas naxariis laawaha ah, doodiina
hadana halkeedii bey ka bilaabatay iyadoo Amran markan diyaar u
noqotay in korkeeda waxkasta ku dhacaan fiiloba Allaah ka dhigee.
- Maxaad u soo baxday oo aad ii dhageysan la’dahay?. Marbey
gacanteyda kugu dhacday ha igu kalifin inaan markale kuu celiyo
ee naa i dhageyso waxaan ku leeyahay!
- Walaal maxaan kaa dhageystaa, ma waxaan dooneyn inaad ii sheegto
mise wax kale? Haddaad heyso sheeko kale oo soconeysa ii sheeg,
aan ka aheyn arinta wiilka walaalkeey ah ee aad rabtaan inaad igu
ja juubtaan, hooyadeey baan ka diiday iney ii guuriso nin aan raali
ka aheyn. Markaa ha isku daalin waxaan lagaa yeeleyn ee danahaaga
kale raaco!
- Naa waa edeb darantahay ee maxey tahay sababta aad ku diideyso
Cabbaas? Sow maahan wiil walaalkaa ah oo aad meel ku soo wada korteen
oo aad aqoonta u leedahay?? Xagguu kuu joogaa ninka ka fiican Cabbaas
ee ku dhiqi karra, mise weli waxaad ku hamiyeysaa inaad ciyaal suuqiinta
gidaarada la istaagto? Koley sheekadaasi meel kale ka socotaayaba
halkan lagama yaqaano anshax xumadaas mana maqli karno in la yiraahdo
gabadhiinii ayaa nin ciyaal suuq ah jidka la taagneyd. Qoys sharaf
leh baa nahay oo waa nala yaqaanaa.
-
Oo kaalay aboowe haddaan iri waxaas marabo ma qasabaa? Sanka miyaa
la iska gelinayaa. Waxaad sheegataa inaad tahay nin reer magaal
ahee, maxey tahay maskaxda dambeysa ee ja juubka ku dheehan aad
igula hadleyso?.
Hooyo waaba la gareysan karaa waa dadkii hore oo dhaqankoodii adkaa
ee, adiga magaalada ku koray miyaa sidan iila hadlaya? Meeshii aan
kaa filayey garab inaad isiiso miyaad la mid noqotay hooyo? Awalba
waan ogaa maangaabnimadii aabe kugu sheegi jiray iney hadda soo
baxday, misna aad rabto inaad sidan reer dhan ku hogaamiso ”Misbiyaajo!
saaxiib tan ku guursato aa kugu dhib qabta Alxamdulilaah inaadan
aniga i guursaneyn”.Ee
ha is daalin, horaan hadal kuugu dhameeyey mid aan hooyadeey ka
diiday inaan kaa yeeleyn waad ogtahay ee orod iga kortag mana xamili
karro naac naacdaada aan nuxurka laheyn!
Feer buu iskula baaciyey Maxamuud markey dhagihiisa maqleen ”Tan
ku guursata aa dhibkugu qabta”, nasiib xumase taleefankiisa
gacanta ayaa soo dhacay oo deg deg uga jawabaay. Amrana sidaaseey
kaga nabad gashay galabkaasi dhirbaaxo iyo wax ka daran oo ku soo
food lahaa. Markan carabkeedii baaba dheeraday oo Maxamuud bey u
dhigatay iney tiraahdo uma qalantid in naagi ku guursato. Iyadaa
lugaheedii ku doonatay dil iyo aflgaado waxkastoo ku yimaadaba.
Nasiibey beyba leedahay hadey sidiisa kale uga nabad gasho waaba
isagooy aflagaado u geysatay.
Maalintaasi waxaa uu ku dhaamaday guul darro iyo niyad jab aad u
weyn oo uu Maxamuud kala kulmay walaashiis ee uu islahaa bal si
kale wax ugu sheeg in kastoo u qaaday gacan uusan jecleyn inuu ku
dhifto gabadha walaashiis ah ee uu sida aadka ah u ixtiraami jiray.
Hadana waxaa uu dulqaad u yeelan waayey jawaabihii is difaaca ahaa
ee dhexmaray isaga iyo Amran.
”Waad igu jees jeestaye weyse noo taal labadeena ee Illaahow
mey hooyo tiraahdo hadalkeygey diiday waxaad iigaga fakatay taleefanka
xunka ah ee soo dhacay oo aan ka maarmi waayey inaan ka jawaabo”,
ayuu yiri isagoo qolka kasoo baxaya.
”Weligaaba is waal qurun yahow ee i dhaaf!” ayey misna
iyadoo qeylineysa tiri, iyadoo hadda xanuunkii dhirbaaxadii galab
dheer lugu dhiftay soo kartay wejigana la gaduutay.
Intey istaagtay ayey isku fiirisay muraayad meesha tiilay, mise
wejigeedii meeshii looga dhiftay dhirbaaxada ayaa dhibac dhiig ah
noqotay. Oohin bey iskula tuurtay kursigii dheeraa ee meesha yiilay,
waxaana ayadoo murugeysan ku catowday in haddii aabaheed Xaaji Yuusuf
noolahaan lahaa aan sidan loola dhaqmeen, balse nasiib darro Qadarta
Alle aan nina dhaafi karin. Ee aabaheed ay waxa dunida guudkeeda
saaran ugu jeceleyd waxaa oofsaday Allahii abuuray ee xaggiisa loo
noqonayo. Mowjado aan la ogeyn baa ku furmay hadey awoodi laheyd
galabkasi iney wax uun sameyso waa ay sameyn laheyd. Nasiib darro
waa iyadoo dumar ah oo aan laheyn awood iyo iyadoo walaalaheed balan
qaadeen iney dilayaan haddii ayan u dhaqmin sidii gabar u joogto
reerhooda laga rabay.
Cambaar markey ku jiiftay kursigii sidii wax daalan ama jiran murugano
wejigeedii ka muuqdo ayey iskaga luuday qolkeedii, tabar darro iyo
xanaaq haya awgeed ayey la dhaqaajin weysay adimada. Si dirqi ah
ayey ku haleeshay sariirteedii meeshey kaga tiilay qolka hoostana
kasoo xiratay albaabkii si haddii ay islaanti iyo wiilkii waalnaa
ee Maxamuud yimaadaan u soo gelin oo hadana aan markale buuq iyo
qeylo u dhicin.
”Aboowow hadaad noolaan laheyd sidee ayey nolosheyda ahaan
laheyd maanta. Waxaa la ii diidan yahay wiil ay nafteydu raacday
oo soomaali ah, mid aanan rabina waa la igu qasbayaa. Xaq Illaahey
miyaa waxaas, miyaaney meesha joogin wax Islaanimo sheegto oo qadariniya
qiimaha jaceylka” ayey iyadoo ooyeysa Amran tiri. Rajo xuna
ka qabta wiilka ay sheekeystaan ee ay is calmadeen. Waxeyse isweydiisay
waxa dhici doona kolka la kala qariyo iyada iyo wiilka jaceylka
daran dhexmaray oo ay durba ka muuqato sida aaney uga maarmin maalin
qura noloshiisana u dooneyso.
Lasoco
cadadka danbe insha Allaah……………….!
Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
|