Miyaan
dooqa keligeey laheyn?

Qeybtii 15aad
Bisinka!! Amran iyadoo careysan bey warkaasi naxdin leh beerka u
galisay islaantii hooyadeed aheyd waaba kadarroo dibi dhal!! maanta
wey cadeysatay warkeedii waxey sheegtay ineysan dooneyn guurka Cabbaas.
Su'aashu waxey tahay islaantu mayeeleysa walaalkeed Maxamuudse meesha
waa fadhiyaa oo haddii loo baahdo feerka iyo haraantidada waa gamayaa
ee fal noocee ah buu bixin doona hadey ku adkeysato warkey sheegeyso.
Allow adaa maanta godkaaga biyo kuugu soo galeen Amraneey!! Ma islaantey
ogeyd bey war ku soo celisay? Wixii soo soo gaara iyadaa masuul
ka ah. Nin farruuran baa la yiri "Farrurow maxaa Barbera ku
geeyey markaasu yiri fadduul!"
Islaanta iyo wiilkeeda waa la iswada eegey, Amranse siddii ruux
dhangax ku dhacay bey labada dhinac iska fiirineysa, gacanta meeshey
uga imaneyso oo ay hubto iney tahay dhanka Maxamuud ayey indhaheedu
jiraan. Meeleysan ka filaneynse bey uga timid.
"Yaa, maxaa tiri iigu soo celi?? xaajiyadii kiiska iska waaleysay
baa tiri. Guri joogis ma jirtee warkaaga cadeyso gabaryahay bey
misna sii daba dhigtay hadalka iyadoo marna is daarta marna is demisa
siddii burkijo dhuxulo ka buuxaan oo hadba dhinac dabeyshu ka babineyso.
- Hooyo waxaan ku iri Cabbaas iyo guur midna ma rabo, ee gurigeenaa
joogayaa hadal xun miyaa?. Haddii kale sow guur guur maahan mid
baan is rabnaa oo aan heshiinaye igu dara, haddii kale wareerka
iga daaya!
Istaasi
markey intaas afkeedii kasoo baxday iyadoo awalba yaa marlee afkeeda
fura taagneydee taleefankii meesha yiilay bey inta haabatay indhaha
kaga tuurtay kuna soo booday iyadoo dhirbaaxo iyo gacan waxey awooday
ula tagtay.
Halkii
baa bulan iyo qeylo ka dhacday "wuuuw habarta gabadha ka celiyaaay!",
gabadhii waxey gashay is difaacid iyo iska qabato gacantii habarta.
Xaalku markan waa xumaaday islaantii fursad ay weligeed raadin jirtay
baa maanta soo baxday. Siddii ruux boorane qabey bey beb dheh beb
dheh ku jirta ceytan iyo habaar aan kala go' laheyna waa wadaa hadeysan
nafta ka siibin bey nasiib laheyd. Saciid yare iyo C/salaan oo wiilasheeda
kamid ah gurigana joogay baa soo oroday oo nin walbaa iyaga kamid
ah habarta iyo gabadhii kala celis ugu dhaqaaqay. Maxamuudkii waalnaa
ee fidnadan geetiisa ka hurayey meeshuu fadhiyaa kama celine fiirsasho
ayuu ugu dhaqaaqay.
C/salaan
waa da'da ku xigta Maxamuudka curudka ah inkastoo fikir ahaan uu
islaanta dhankeeda u janjeero hadana saacadan waxuu ka xun yahay
dilka habartu dileyso gabadheeda madiga ah kuna qasbeysa waxeysan
rabin. dhirbaaxooyinkii loowaday Amran ayuu isku dhigay kana celiyey
habartii oo Saciid yare dhinac ka jiidayo.
"I
daaya maxaad iiga celineysaa kufaarta aan dilee, anshax xumaa ma
anagey na mooday dhoocil faceed ah markey nugu soo afcelineyso,
anigaa kibirka kaa badshay oo iri waa gabar weynee suuqaga mar bal
car war igu soo celi" Gabadhii oo naxdin awgeed qalali gaartay
korkeediina xagtin iyo barar meelaha qaar kamuuqo ayaa wiilashii
ula carareen qolkeedi.
Kamaaney
harrin intey fandhaal dheer oo ay xalwada ku karsan jirtay kushiinka
ka doonatay bey hadana ugu tagtay qolkii lana kortay ushii gabadhii
oo fiq fiq ku jirta.
Amran
xanuun awgeed bey la ceshen weysay oohintee waxey bilowday iney
hogoto oo uun usha korkeeda ku dhacdo jeer fandhaalkiiba dhowr cad
u qeybsamay hadana gacan iyo qaniinyo loou daray. Celiskii wiilasha
ee isku dayeen iney ka celiyaan wax matarinee duqdaa ka xoog badnaatay
ciilkii iyo caradii hayey awgeed bey la dareemi weysay in gabadhu
tahay ruux Illaahey naf geliyey oo damqasho leh markey daashay bey
iskeed uga tagay.
- "Ma
i maqleysaa gabaryahay ku farax ama ka nax, laga bilaabo saacadan
albaabka kama bixi kartid iskoolna warkiisna daa adigaa diiday wanaaga
hadaan wacayaa iskoolka una sheegaya inaad safar aaday" Sheeko
badnaa islaantu iskoolka dowladey mooda iney sidey rabta ka sameysan
karto, ma gaaladan shakiga badan bey ka dhaa dhacsiineysaa gabadhii
baa safar ku maqan?
Gabadhii
yareyd waaga ku baryey ciil iyo xanuun awgiiis baa indhihii la gaduuteen
qolkii korka looga xiray bey sariirtii bustaha saarna ee daabkii
kaga xigsaneysay hoostiisa kaga jirtaa. Ma taqaan sidey yeesho cirkii
baa ku soo dumay. Ineysan iman baa u rooneyd guriga hadey ogtahayse
ma timaadaane wanaag iyo dabacsanaan samee ay laheyd bey hada eersaneysaa.
Islaantii
oo weli habaarkii iyo qeyladii wada baa ku soo laabatay fadhigii
ay ka dhigtay meel fardo ku dur duriyeen sidey hadba sheygii gacanteeda
haaban karro u qabsaneysay. Aw Maxamamuudkii bilaa damiirka ahaa
isagu talaabo ma dhaqaajin intey islaantu ku maqneyd dagaalka Tv
fiirsasho buu iska jiray shidada iyo lurka guriga gees ka jirta
maba heyso isaga.
C/salaankii
oo gacanta ku dhagan baa islaantii la yimid fadhiga canaan iyo qeylo
buu iskugu daray una sheegay in waxey ku kacday aysan aheyn mid
xal keeneysa siina kala fogeyneysa iyada iyo gabadheeda.
-"Maandhow
warkaaga marabee iga daa hadalka, yaanan adnah kugu darine.?
-Hooyo
war deysmo maahe daganaanta kaasho! Teeda kale waa ceeb hooyo gabar
qaan gaar ah looma gacan qaado ma taqaan meeshaan joogno waa qurbe
hada deriska waa namaqlayeen waxey sameyn doonaan maad ogtahay?
- Waxey
doonan ha sameeyaan midaan inaan kow kasiiyo maahee si kale ciilkeed
iima deynayo aniga iyo iyadana sidaan maba kuwada joogeyno adduunka
teeda ama teyda soconeysa BAASTA ee BUUNDO intey tiri ayey inta
wax gocotay ku carartay katabaankii dharka surnaa soona dhifatay
jaakadkii dhaxanta ee Amran laheyd ee meesha surnaa kana soo bixisay
taleefan gacan oo gabadhu laheyd inta kaarkii ku jiray ka bixisay
daaqada ka tuurtay!!
Miskiin Amran!! waa halkaas ku ciirsi iyo is garsiin la'ow!! oo
misna waa yuusan Axmed yare soo wicin guriga markuu ku daalo taleefanka
gacanta hadduu soo wactamana la yiraahdo ma naqaanAmranee nadaa!!
La soco
cadadka, dambe haddii Alla idmo....!!
FG: Xaquuqda sheekadan wey dhowran tahay, lama badali karro lamna
qaadan karro ilaa ogolaansho buuxda laga helo qoraha sheekadan!
Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com |