Miyaan
dooqa keligeey laheyn?

Qeybtii 14aad
Maxamuud oo aan laheyn meel dhiiga la saro ayaa hadalkaasi yiri.
Wuxuu ekaaday durba nin waalan oo aan caadi aheyn. Islaantii murugeysneyd
oo awalba sheekada Amran wadno xanuun iyo dhiig kar ku riday ayuu
isna raba inuu xoog iyo gacan ka hadal ku xaliyo.
- Maandhoow ha noo dambeyso talo e bal salka dhulka dhig, walaasha
waa ogtahay iney madax adag tahay waxey u baahan tahay in si daganaan
ku jirto ula hadalno waxba ku qaadimeyno qeylo iyo buuq ceebaheena
ayaa banaanka imanaya mooye bal saacadan hanaga joogto meelaheeda.
Duqda
waxaad mooda iney saacadaas aysan diyaar u aheyn madax xanuun iyo
qeylo kale gasho maantoo dhan bey iska daba meereysi sidii rati
macsaro shiidaya ku jirtay.
Maxamuudku
waa ninka xilligan dagaal diyaar u ahee wuxuu bilaabay inuu dusha
dembiga ka saaro islaantan ciirsiga la'a oo meel ay uga baxdo mushkilada
qoorta loo suray.
- Hooyo
hada ma waxaad leedahay talaabo ha qaadin oo halkan ha keenin gabadhaas,
warkaasi ma ahan mid iga daa dagayee hooyo wax kale sheeg!...ayuu
yiri isagoo ay carro xoog lihi ka muuqato hadduu awoodana duuli
lahaa siddii baalaleeydii.
- Maandhow
waa xilli dambe qeylo diyaar uma ihi baan ku iriyee bal waaga wuxuu
la baryo hala arko ee naga daa shidadeeda. Ineysan adduunyo sidan
ugala joogeyn horaan go'ankeeda u gaaraye.
Amran iyo hooyadeed labadoodi qofba meel ayaa murugo la fadhiyaa,
Amran dhibka heysta wuxuu yahay sida ay hooyadeed u fahansiin laheyd
in qasab aaney xaajo ku hagaageyn ee ay haboon tahay daganaanta
iyo isfahanka la kaashado. Wax walba waxaa uga darran naxariis darrada
ay guud ahaan walaalaheed kala kulantay ee aaney ku jirin ruux dareemaya
dareenkeeda qaaska ah iyo waxa nafteeda dooneyso.
Keligeed
bey qol ku fekereysaa hadey ogtahay meeley uga baxdo xujadan aysan
furi karrin waa sameyn laheyd nasiib darrase talo iskuma kaa sheegto
oo waxey noqotay ruux aan talo farheeda ku jirin oo dhowreysa wixii
Alle u qoro.
Muddo toddobaad ah ayaa kasoo wareegtay markey Amran reeraheedii
kasoo caroortay oo hooyadeed iyo walaalaheed isku dhaceen sababo
la xirriir ina habreedkeed Cabbaas oo lagu darayo iyadana u aragto
in walaalkeed oo kale yahay, walaaltanimo kasokow ay xirriir muddo
sanad ku dhawaad ah la leyd wiil kale oo ay isku barteen xaflad
ay habeen u raacday saaxiibayaalkeed, wixii waqtigaas ka dambeeyeyna
waxey ahaayeen lamaaneyaal doonayey iney lamid noqdaan qeyrkood
balse Rajadii ay ka qabtay iney guursato ninkey gaclootay baa la
xabaalay sidey godkii la geliyeyna uga soo saarto ma taqaan. Hadey
gacaliyaheedii Axmed yare oran laheyd kaalay reeraha iga soo doon
weji u ku yimaado malaha. Ma gabar aan lala rabin buu doonan karaa?
Islaantii in muddo ah ayey daboolka saartay muranka iyo gabadheeda,
awal Amran iney timaado maalin kadib ayey aheyd hadase toddobaad
ayey maqan tahay. Islaantu intan ka badan waxaa ka lumay dulqaadkii,
taleefankii bey hadana qabsatay waxey wacday halkii gabadheedii
joogtay. Amran markan taleefankii waa loo dhiibay waxey ka dhuumato
taleefankii u soo dhaca reeraha ay joogto.
- Maandhey ma sidan baad il ka garatay inaad reero islaameed aad
la joogto adigoo guri leh? Maxaad noo ceebeyneysa oo ku dul dhigay
dadka dadow guryahooda sow malihid hoy aad seexato aad wax ka cunto?
Cakuye ruux dood jecel! Waxeyba gashay su'aalo aysan amran saacadahan
diyaar u aheyn ,ma iyadaa moog iney guri islaamed joogto oo aysan
keeda joogin, waxa keenay sow maahan daruuf kaliftay.
- Hooyo,
adigu waad ogtahay inaan aqalkeeni joogin sababtuna waa khilaaf
dhexdeena ah marka waxaad ogtahay ha i weydiin Bilaah Caleek!! Cajiib!!
iyadaaba lugaheeda qeylo ku raadsaneysa oo waalidkeed dhaheysa su'aalo
ha i weydiin.
"Waa yaab" intey tiri Islaantii ayey hadana halkeedii
kasii waday su'aalihii dhibsadka badnaa ee amran hadeer ka afeefaneysay.
- Waxaan
doonaya inaad timaado guriga oo aan wadahalno wixii aad tabaneyso
aad ka hadashid, laakin inaad dad islaameed dulsaar ku ahaatid yeeli
mayo hadaadan adigu damiir laheyn anaa lehee kasoo dhaqaaji saacadan
la joogo hadaad diidana waxaad ogaataa iney meel xun tageyso.
- OK,
waxba kama qabo, laakin waxaan doonayaa in si caqli leh loo hadlo
ee aan gacan la adeegsan Hooyo waxaad ogaataa hadey sheekadu gaarto
sida adiinku dooneysaan ee ah inaad ninkanaad Cabbaas leyneysaan
inaad ku bishaareysato inaad gabadhaadii iyadoo nool duugtay.
- Naa
maandheey hadeerba dhimo hadaad doontee kalama jeceliye soo soco
baan ku iri, ceebta aad i badayey ayaanba weligeed iga dhaqmeyne.
Isla
saacadiiba waxey bilowday in amarkaasi fuliso waxey soo abaartay
gurigoodi iyadoo sidaas u yeeleysa maslaxd ay u aragto intii guri
islaameed inta loogu yimaado ay ka dhici laheyd muskilad hor leh.
"Haye
hooyo hadeer ayaan imanaya" intey tiri bey iska dhigtay taleefankii.
Islaantii Caasho hooyadeed aheyd ayey u sheegtay iney guridoodi
qabaneyso maadama hooyadeed tiri kaalay soo laabo ayna ku mahadsan
yihiin muddadey la joogtay ee soo dhaweeyeen.
In door ah kadib ayey cabsi aawgeed aqalkoodi soo gelisay madaxa,
islaantii iyo Maxamuud ayaa fadhiga fadhiya. Maxamuud markuu arageeda
arkay ayuu inta booday damcay inuu garaaco, waxaase ka qabatay islaantii
hooyadiis aheyd oo canaanatay.
Awal amran waa fileysay sheekada noocaas ahee in iyadooba gurigii
weli rasmi u soo gelin la isku bilaabayo feer iyo farro laab.
Islaantii hadeer laheyd dhimo ayaa hada masxlad raadineysa waa waxaan
caqliga galeyn Amran xageeda. "Yaab badanaa, adduunka nabad
xumo hadey meel ka jirto gurigeena ayey ka jirtaa" ayey hoosta
iskula hadashay iyadoo jaakad ay wadatay inta iska bixisay u soo
dhaqaaqday xagii fadhiga.
"
Haye, Alle ma kasoo nabad keenay reerihii aad ku dhuumaaleysaneysay?"
ayey hadal ka bilowday xaajiyadu.
- Dhuuman meyn hooyo ee waxaan la joogay saaxiibteey Caasho adiguna
waad ogtahay, ayey Amran ugu rogaal celisay hooyadeed.
-Maxaad ka keentay oo xan ah ee luguugu soo guray? Ninka ha guursan
mey ku dhaheen?? Weli su'aalihii beer xanuunka lahaa ayey sii wadaa
madaasho miyaa islaantu.
- Subxaanalaah!! hooyo aniga cid ila hadashay oo aan war ka qaato
ma jiro dadka islaameedna waxeysan oran ha dhihin!. Amran baa tiri
hadalkaas iyadoo xanaaqsan.
Iyagii baaba muran iyo in hadalka la isku cel celiyo keenay halkey
dantooda ka raacan lahaayeen waxaan dan ugu jirin.
Markey labadoodii in door ah is jiid aan ku jiidee ay ku jireen
ayey siddii caadadu aheyd islaantii hadalka qaadatay iyadoo markan
bilowday calaacal iyo abaal ku sheegato gabadheeda siddii iney moog
tahay in la dhalay. Gabadhuse naxariistii ay u heysay hooyadeed
baa ka guurtay waalidnimo wey u aqoosan tahay mooye jaceylkii iyo
damqashii hooyanimo ayey weysay. Waxey uun dareemeysaa in dad islaameed
farxood la raadinayo teediina la is hortaagay. In badan bey tabtay
aabaheedii Xaaji Yuusuf waxey ogtahay in dhibkan uusan dhaceen hadaan
Allihii abuurtay uusan wadan.
-Hooyo
waan imid gurigiiye waana ku hor fadhiyaa ee maxaa noo talo ah,
sideed dooneysa inaad dhibaatadan ku xaliso? ayey tiri Amran oo
hadalkii is jiid jiidka ahaa soo afjratay.
- Maandheey waa sidaan ku sheegay xalka wuxuu ku jira inaad iskoolkaaga
dhameysato kadibna Cabbaas u diyaar garowdid arooskiisa. Nin kalaan
is rabnaa iyo saaxiib ayaan leeyahay warkaasi waxaa ku hadla midaan
wax isku falin oo diyaar u ah iney ciyaal suuqiinta warkooda wad
wado.
Warkaas naxdinta leh awalba waa fileysaye, iyadiina go'aankeedii
bey wejiga islaanta ka saartay iyadoo xanaaq iyo carro xoogan laga
dareemayo.
- Hooyo
Cabbaas iska ilow, anah guur nooca uu yahay waan iska ilaaway, guriga
hadaan kuu joogo ma dhibaato ayey leedahay? waa Maya, hadaan nin
guursanayana midkaan u arkay inuu wanaagsan yahay baan guursanaa
oo axdi iyo balan adag naga dhaxeeysa haddii kalena siddii roon
Rabbaa og!
La soco cadadka, dambe haddii Alla idmo....!!
FG: Xaquuqda sheekadan wey dhowran tahay, lama badali karro lamna
qaadan karro ilaa ogolaansho buuxda laga helo qoraha sheekadan!
Lasoco cadadka dambe insha Allaah…….!
Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com |