Miyaan
dooqa keligeey laheyn?

Islaantii
inkastoo hadal mug weyn lugula hadlay hadana ma ahan qof dooneysa
in xaalku ku dhamaado sida gabadheeda jeceshahay. Waxkasta waxaa
kala weyn balantii ay ka qaaday walaalkeed oo maddi ah ugana jeceshahay
dadka.
Tallo ka wareertay fikirka ugu weyn hadda heysta ee ay iska dhaa
dhacsiisay waxa weeye in lugu sheekeysanayo buuqa dhexmaray iyada
iyo gabadheeda. Mida ay mudnaanta koowaad siineyso waa in gabadha
guriga ku soo celiso kadibna ay xoog ku maquuniso. Koley iyadaa
diiday wanaagiye.
Markey
aragtay in islaanta meel dhow wax ka tustay una sheegtay inaan maanta
dagaal iyo buuq wax lagu qaadeyn ayey bilowday iney calaacasho una
qalbi dabacdo Xaajiyo Amina oo dad ugu dhow. Hadey xitaa muujin
laheyd ad adkaan dantaa ka xoog badan wey ku qasban tahay iney la
kaashato cidkasta oo ay u aragto iney gabadheeda warka ka maqleyso
ka hor intaaney xaajadu faraha ka bixin.
Duq Maryan waxey u sheegtay Xaajyada sababta ay u dooneyso in gabadheeda
u guuriso Cabbaas.
“Yaab
badanaa!” Faadumooy, maad ka joogtid hadalkaasi gabadhu sow
maahan qaan gaar, maad siisid fursad Cabaasna waa nin wax garad
ah hadey diiday maxaa qoorta la iskugu gelinayaa,mase ogtahay dhibka
ka iman karra berito dadaan is rabin.
- Waa runtaa, laakin gabdhadeyda maahan mid ceebi ka iman karto
waan ku kalsoonahay, nin ka wanaagsan oo ay guursan laheyd ma jirto.
- Isagana
wuu jecel yahay diyaar buu waxkasta ula yahay. Walaalkey baan ka
balan qaaday inaan Cabbaas ku darro gabdheyda, yaraantoodiii baa
la isku doonay.
- Marka
walaaleey reerihii oo dhan baa dhowr jeer i weydiiyey waqtiga laga
dhigayo meherka marba hadey soo dhawaaday xirritaanka iskuulka.
Mana doonayo inaan isku ceebyo dumaashiyaalkeey waa dad xan badan
oo I arkaya inaan u talin karin gabdheyda. Markasta waxey I yiraahdaan
Cabbaas oo nin ah baan u talinaa oo warkeena maqlee maxey gabadhaadu
kuu maqli la’dahay? Marka ceebtaas xageen ka galaya, hadeysan
warkeyga maqleyn sow ma ihi qeyral mas’uul?
- Qeyral
mas’uulinimada iyo ciseynta waalidka waa kala labo taasi ha
ilaawin Maryaneey, laakin gabadhaadu waxaan ogahay iney kaa baqdo
oo ay inta badan kuu dhago nugu shahay. Balse marka carruurtu weynaadan
waa dhici kartaa in wax badan lugu kala aragti duwanaado. Sheekadaas
ka fiirso yeysan kula fududaan.
- Fudeyd
ha ii dambeeyo Aminaay, gabdhii soo dir! Una sheeg inaan wax ku
sameyneyn oo aan wadahal ku dhameyn doono qilaafka dhexdeena jira.
- Waan
wargelinayaa gabdhaadee laakin kaasho deganaanta lafteeda ixtiraam
bey kugu leedaha iyo qiimeyne ha qasbin.
Saacado badan bey qaataday wadahalkii labada islaamood inkastoo
Xaajiyo Amina ay kor iyo hoos ula hadashay Amran hooyadeed hadana
waxaa la yiri “ruux meeli u cadahay meeli u madow” Markey
Islaantii Amina aheyd aragtay iney meel keliya ku dhagan tahay ayey
iska dhigtay teleefankii iyadoo niyada ka leh “Iga tag madax
adagaa dumaashidey, siddee Xaaji Yuusuf ku hayey Allow muxuu dulqaaad
badan lahaa Illaahow kuu naxariiso”
Warjiraaba cakaaru iman! Amran iyo hooyadeed waxey arrintoodi gaartay
in eheladii soo kala dhex galaan, qofkastaa oo iyaga kamid ah meel
ku dheg noqdo.
Amran
maanta waxey xaaji ka mareysa iney deero ka ahaato reerkii ay ka
dhalatay, halka hooyadeedna ay gabadheeda ku heshiin karaan tahay
Cabbaas oo ay guurkiisa aqbasho haddii kale ay ku waalid iyo walaal
la’aaneyso habaar iyo dhibaato adduuna diyaar u noqto.
Amran
oo maqleysay hadaladii dhexmaray labada islaamood baa markey islaanta
dhameysay teleefanka ugu soo gashay qolka fadhiga weydiisana waxa
jira ee eey hooyadood ku andacooneyso.
Xaajiyo Amina waxey u sheegtay Amran halka arrini taagan tahay,
taasoo ah in Amran ay hooyadeed is afgaran karan oo keliya markey
Cabbaas guurkiisa aqbasho. Balse ay marka hore wadahalku furan yahay
sidaas daraadeedna laga doonayo in guriga deg deg u timaado.
”Wallee
hadduu aduunyada Cabbaas kasoo harro inaan guursaneyne ee Allow
yaa yiraahda is dejiya!” ayey inta iskula guuxday madaxana
ruxday. Amran oo sheekadan la sheegayo iyo ja juubkan ay madaxeeda
ka weynaadeen baa islaantii eedadeed aheyd u sheegtay iney guurka
ninkaasi ka doorbideyso iney dibad wareeg ahaato intii ay farxad
la’aan ku noolaan laheyd.
Siddii caadadaada aheyd Maxamuud-kii jinniyaha qabay ayaa goor dambe
ku soo laabtay gurigooda isagoo warjira moog ah. Islaantii oo wiilasheeda
qaar kamid ahi hareer fadhiyaan sidii iney geeri gashay ayaa isagoo
ka yaaban sharqan la’aanta guriga u soo gudbay fadhiga si
bal u eego in guriga lajoogo iyo in kale. Markuu arkay hooyadiis
oo ciil indhihii la gatuuteen ayaa isagoo naxsan weydiiyey waxa
dhacay. Islaanta oo aan jecleyn iney saacadaas u sheegto waxa jira
ayaa C/salaan oo dhinaca midig fadhiya la soo booday “Amran
baa reerka deyro ka ah waxey joogtaa guri islaameed hooyana waxey
ka wel welsn tahay xaaladeeda”
“Yaah” ayuu lasoo booday, DEYRO aa! buu misna sii daba
dhigay hadalka isagoo jaakad uu watay iska sii bixinaya kursigana
salka la sii helaya.
“Haa
deyro” buu ugu jawaabay wiilkii yaraa.
- Oo maxaa deyrada keenay? I fahansiiya maxaa qaldan? “”
Haaaa! Hadaan gartay weli sheeko baraleydii miyey wadaa, waxaan
moodayey iney ka soo reysay intii hore??
- Dhoocishan horaan usheegay hooyadey ma rabto iney meel iska marriso.
Intan ka badana looma dulqaadan karee, mana na ceebeyneyse tallo
keena!.
FG: Xaquuqda sheekadan wey dhowran tahay, lama badali karro lamna
qaadan karro ilaa ogolaansho buuxda laga helo qoraha sheekadan!
Lasoco cadadka dambe insha Allaah…….!
Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com |