Miyaan
dooqa keligeey laheyn?

Dhago
adeegeedii ayaa waxey ku noqdeen filanwaa iyo waxaan maanka gelin.
Ugama baran iney hadal kusoo celiso. Dhago nugeyl iyo dabacsanaan
buu ku yaqiinay maantase shaqsi kale bey ula ekaatay oo wax kasta
ka filan karro .Gabadhu ha dhago adeygtee waxaa uga darran reeraha
islaameed ee ay ku kor hadlayaan ceebahoodana ogaanayaan. Tallo
ayaa ka wareertay wuxuu sameeyo ayuu garan waayey habartii gacmo
maran inuu kula laabto ayuu diidaya iney iska joogto Amran halka
ay waqtigan ku qanacsan tahayna wuu jecel yahay labo darran mid
dooro ayaa heysata.
Inkastoo
Caasho iyo hooyadeed aysan ahend dad shisheeye ah hadana reer Xaaji
Yuusuf waa qoys xir xiran oo aan jecleyn qilaafaadkooda hoose in
bulshado ogaato. Dhaqan ilaa xad ad adag bey kawada siman yihiin,
inkastoo marxuum Xaaji Yuusuf ahaa nin ka duwan reerka intiisa kale
hadana dad aan bulshada laban baa lugu tiriyaa.
Carro
celin iyo sa sabid ayuu hadana markale ugu dhaqaaqay si ay u yeesho
ujeedada loogu soo diray, balse cid wax ka maqleysa oo dhago qabta
ma joogto meesha, sababtuna waad xaalad Deganaan la’aan iyo
cabsi jirta heysa. Saacado badan bey ku qaadatay inuu walaashiis
qanciyo si ay gurigoodi ay u aadan. Nasiib darrose go’aankeedi
bey ku adkeysatay.
Caasho
hooyadeed baa markey aragtay sidey gabadha iyo walaalkeed qoorta
iskula jiraan soo kala dhex gashay oo u sheegtay wiilkii gabadha
soo doonay inuu ku laabto gurgooda una sheego hooyadiis in gabadhu
joogin guri qariib ah ee ee ay la joogto eedadeed waaga markuu baryana
ay soo kaxeyn doonto si iyada iyo hooyadeed arrintooda loo dhexgalo
ee aaney gacan ka hadal arrintu noqon.
“Waayahay
eedo” intuu yiri buu meesha kasoo tagay. Su’aashu waxey
tahay xaajiyadda marka loo sheego in Amran diiday iney timaado guriga
maxey yeeli doonto?. Wiilkii yaraa baa markuu ku soo laabtay guriga
u sheegay hooyadiis in Amran aysan beri kahor imaneyn oo ay soo
raaceyso Eedo Aamina.
Islaantii
yaab baa kasoo haray waxey runsan weysay in gabeedhii ay ciddo islaameed
seexaneyso iyadoo weliba jirto xaalad aan caadi aheyn. Iskadaba
meereysi baa ku dhacay siddii “Rati macsaro shiidaya”.
Durba waxey qabsatay taleefankii ag yiilay waxey wacday reerkii
gabahdeedi joogtay, nasiib wanaag Aamino oo Caasho hooyadeed ah
baa ka qabatay taleefanka halkiina bey labada islaamood iska wareysteen.
Aminaay
salaama Caleykum!, see tihiin waa Faadumo Xuseen e?
Illaahey mahadiis Faadumo waanu roonahaye kawaran wiilashii iyo
xaaladiina guud?
Maxaan kuu sheega Aaminaay, waxaan orod aheyn lamahayo iyo murugo
adduun.
Bimillaahi Raxmaani Raxmiim, maxey tahay murugada? Maxaa daran oo
jira?
Dhibaato aan midda dhuumashada ku joogta gurigaada aheyn maahe mid
kale malaha maxaad gabadha haddii walaalkeed soo doonay ugu soo
dariweysay oo tiraahdid bax raac walaalkaa?
Faadumo waxaan filayaa inaad ku fekertay waxaan goor dhaweyd la
wel welayey, waxaan dareesanahay inaad isleedahay reerka iyagaa
ceshtay gabadha ama idiin ku diraya. Dad ehel ahna weynu nahaye
yaan fikir qaldan la iska qaadan. Amran galabta ka hor intii muddo
ah gurigeena sooma gelin cag. Inkastoo aysan ii sheegan sida xaalka
yahay hadana waan dareesanahay iney jirto arrin isku dhac ah. Waxey
ahaataba gabdhii haddii ay tirsaneyso dhib maanta ma joogto guri
dad shisheeye ah ee eedadeed iyo eheladeedii bey la joogtaa ee sidaas
horta u ogow.
Faadumo
waa Amran hooyadeed e markii si toos ah loogu sheegay ineysan dadka
islaameed ka fasiran qalad ayey sheekadii badashay waa cadadeediye.
Alla
maya Aamino xaashaa Lilaah! waan ogahay ineydan aheyn dad shisheeye
ah, waan wareersanahay sina waan iskugu buuqsanahaye hadalkeyga
ha u fahmin xumaan ulama jeedo inaan ku iraahdo hadal meel ka dhac
ah. Walaahi waan ogahay inaad tihiin dad kuwii ugu sokeeyey.Hadana
gabadhan dhuu- dhuumaneysa siddii tuugaddii waxaa weeye farahey
ka baxday siddii labbo jirraddii bey u dhaqmeysa marka dhibka jira
danteedii baan u sheegaya iyadana waxaan maslaxad ugu jirin bey
ka daba ordeysaa.
Haye maxey tahay danta aad u sheegeyso iney qabsato ileyn waa tanoo
waxba iima sheegin mana ogaan karro sidey wax u jiraane.
Aamino dhibka jira wuxuu yahay gabdhan wiilkii walaalkey dhalay
ee Cabbaas ayaa soo doonay weligiisna wuu jeclaa in lugu darro Amran.
Balse wey diiday wiilka dooqeyga maahan iyo nin baan saaxiib la
ahay bey iila timid. Anah kama yeelayo waxkasta hadey dhacaan walaalkey
baan ka balan qaaday muddo aad u dheer inaan isku darri doono markey
weynaadan iyada iyo Cabbaas. Marka ma aney dooneysa iney dadka igu
ceebeyso. Kama yeelaye intaad soo dirto u sheeg hadeysan si deg
deg ah ku iman guriga in xaaladda meeshey joogto ka sii xumaaneyso.
Hanjabaad iyo cago jugleyn bey gashay meeshii laga rabay iney texgeliso
islaanta weyn ee la hadleysa. Cakuye dad aan isku garrasho aheyn!!
Amina
waxey isku dayday iney dejiso islaanta kiisaska iska waaleysay,
markeyse aragtay iney rabto in teeda keliya socoto ayey warkii u
gaabisay oo tiri. “Waxaa wanagasan inaadan ilaawin in maanta
aan ku nool nahay dal shisheeye iyo dhaqan aan keena aheyn iyo dhalinyarro
isbadashay, sidaas aawadeed gabadhaadi Amran aheyd waan u sheegaya
farriintaade ogow in daganaanta iyo si tartiib wax isku sheegista
ay tahay isfahanka nolosha, haddiise taas lawaayo maantoo dhan is
qab qabsi lagama baxayo, gabdhuna waa gabadhaada dee waxey kugu
leedahay waano maantana waa gabar inan ah oo iyadey tallada ka go’daaye.
Waqtigan xaadirka ahan adduunku kaan naqiinay maahan. Awlaad dhago
qabto ma jirto ee walaaleey hadaan nahay dad ehel ah oo wax iska
maqla yaan lugu qasbin gabadhu waxey rabin. Haddii kale kala fogaansho
hor leh iyo dhib uun baa imanaya”.
Lasoco cadadka dambe insha Allaah…….!
Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com |