Miyaan
dooqa keligeey laheyn?

Ciil
iyo carro xoogan baa ka muuqda wejigeedi, kasokow hadddey albaabka
ka baxdo oo ay ka dhabeyso ineysan reerka ku soo laabaneyn ma taqaano
meel ay jihadda saarto. Caddaadiska guriga iyo guurka qasabka ah
waa labo arrimoood ee quus ku riday rajadii ay qabtay. Banaankey
u soo baxday iyadoo ooyeysa, ma taqaano waxey sameyso meello fiir
fiiris baa kasoo haray. “Dib ma u laabataa” ayey iskula
hadashay hadana waxey ogtahay wejigii ay hadeer ku soo kala tageen
iyada iyo hooyadeed inaanu wanaagsaneyn oo islaantii meesha kasiimiisaneyso
dagaalkeed aan afka ku ekeyn ee gacan ka hadalka u dheera.
Wey
soo baxday oo waxey soo raacday baskii geyn lahaa xaafadda saaxiibted
Caasho. Shan iyo toban daqiiqo kadib waxey u timid saxiibteed Caasho
oo markaasi nasiib wanaag iyadana ka timid banaanka. Waa leysa salaamay
oo inta la iska dhunkaday labada daan la iskulana dhaqaaqay wareysi
sida qof walba xaaladiisa gaar ahaaned yahay maalmahey kala maqnaayeen.
Caasho durba waa dareentay in maanta saxiibteed wax si ka yihiin
indhaheeda oohin daraadiis la gaduutay baa u sheegay ineysan xaaladdu
caadi aheyn.
“Amraneey abaayo maanta kugu dhacay miyaad jiran tahay, mise
wax kale ayaa jirro?” ayey weydiisay Caasho. Oohin bey afka
labadiis furatay meeshii laga sugayey jawaab. “Abaayo ma aqaano
si aan ahay iyo waxaan sheego intaba” intey tiri bey halkeedii
fiq fiqdii kasii waday. Caasho markey aragtay iney saxiibteed ooyeyso
bey iyadana is celin weysay oo geesteedii baroor kala qabsatay sidii
in labadooda loo sheegay war ay kanaxaan oo kale.
- Abaayo
wax kale lama ooyayo hooyadeey baan isa soo dagaalnay, reerkana
baryahan iskuma fiicnin.
- Amaran
saaxiibey maxaa dhacay sidee wax u jiraan maxaa keenay dagaalka?
Ayey weydiisay Caasho oo indho taageysa.
- Walaahi
wax jirro ma jiraan aan ka aheyn sheekadii aan berigii kuu sheegi
jiray ee la igu qasbayey Cabbaaskii walaalkeey ahaa, ayaa hada soo
labo kacleysay. Galabta ayaan is aragnay isagii. “Isagii aa”?
ayey lasoo booday Caasho oo sheekadii Amran u waday ka kala goysay.
- Haa
abaayo, isagii baan is aragnay galabta si kale iskumeynaan arki
laheyne abaayooy sheekadiisa awal waan la socday dhowr jeer baan
ka meer meeray waxaana doonayey inaan mar ay ku haboon tahay runta
u sheego. Marka maanta ayaan u helay fursadaas waana u sheegay sida
ay wax yihiin.
- Haye,
adigaaba saxiibeey war ii haye, islaanta dagaalkeeda ha ii dambeeye
“Xayawaankan Cabbaas Cabbaas leeyeen” SORRY abaayo,
hadaan walaalkaa iri xayawaan. Xumaan ugama igama ahan ee waxaan
arkay sidduu nacas u yahay iyo wax ma fahme.
- Dhib
malaha abaayo waan ogahay inaadan xumaan uga danlaheyn, ma anaase
kala jecel haddii laugu sheego xayawaan iyo wax lamid ah..
- Inteed
isku aragteen hee? Muxuu dhahayse markaad u sheegta xarfaanki Ingiriiska?
- Muxuu
dhihi lahaa, runta oo qayaxan aan indhaha ka saaray kanax ama ku
farax aan iri saaxiibow sheekadas ma soconeyso sababtoo ah waa anigoo
qof kale xirriir la leh.
Laakin
indho adeygiisa aan layaabay ku lahaa jaanis isii waxaa dhici karta
inaan ka fiicnaado ninkaas kale. Anah waxaan iri ha is daalin arrintaas
ma soconeyso ee reer magaalnimada ka raac danahaagana yeysan kaa
dayacmin.
Waa
kiiyo aad ogtahaye intuu isoo raacay buu been qubxinimo ku guri
karro ku guray hooyo. Islaanta oo awalba ninkaas maahee aan sheeko
kale heyn markii loo sheegay in xirrir kale uu jiro tii dheereyd
ay dhigtay. Waxeyna lasoo istaagtay Cabbaas nimaan aheyn been uma
sheegi kartid mana guursan kartid DEYRO AMA DUCO mid leed qaadaneysa
maahe.
- Haddee
saxiibeey islaantii furkey tuuratay anah inkastoo la murmay waxaan
u sheegay inaan deyro qadanayo oo aan reerka dib dambe ugu soo laabaneyn,
haddey ku adkeystaan ninka ay iga dabawadaan. Marka waa iga wareersan
tahay ma aqaano wax aan yeello. Waxaan ogahay in hooyo aysan sidan
iiga hareyn oo wiilashii walaalahey ahaa igu direyso markaasina
ay i dilayaan.
- ”DIL
aa” saxiibey waxaas ma jiraan meeshan Yurub aa la dhahaa,
kow dheh wiilasha walaalahaana ma waalna meeshan Soomaaliya maaha,
waxey ahaataba ma qabo in sidaas ay sameyn karaane. Laakin abaayo
si aydan iskaga hor iman waalidkaa iyo walaalaha waa in xal la keena.
- Xalka
la keenayo saxiibey muxuu yahay, waa u jeeda hooyadeey waxaan ninkaas
aheyn arrintiisa mawado, anah ma rabo inaan guursado nin aan jecleyn
oo qasab la iigu darro, teeda kale waxaan ahay ruux balan iyo axdi
lahe.Mana iga suurtowdo inaan balaantii Axmed ka qaaday aan ka baxo
waxkasta hadey dhacaan. Marka Illaaha tallo ku filan, hadaanse kaa
codsado inaan caawo gurigiina seexdo ma iga yeeleysa igama heyso
inaan reerka ku laabto caawa waxaan rabaa inaan mashaakilka igu
furan kanasiyo maskaxdeyda oo sidaan yeeli lahaa ka fekero?
- ”Haa
abaayo, Bismaalihiyow maxey tahay ma iga yeeleysa, saaxiibeey gurigan
waa gurigaagii ma ilowday inta jeer aan xaafadiina seexan jirnay
aniga iyo Sucaad?. See waaye warkaas dambe yaanan kaa maqal ee hoo
dharkan xirro iska siib” intey u soo taagatay marro baati
aheyd oo ay kasoo bixisay armaajada.
Inkastoo
Amran iyo saxiibteed aysan gaarin go’aan iyo xal wax looga
qaban karro mashqada taagan, haddana habeenkii waxey la joogtay
saaxibteed Caasho.
Duq
Faadumo habeenkii markey aragtay in saacaddu horey u dhaaftay 11-kii
fiidnimo wel wel baa qabatay, waxey isweydiisay in gabadhu ka dhabeysay
warkey sheegeytay ee aaney guriga dib ugu soo laabaneyn. Mid kamid
ah wiilasheedii dibada ku maqnaa bey wacday oo u sheegtay in Amran
ay maanta murmeen reerkana aysan weli iman wal walna ay ka qabto
xaalada ay ku sugan tahay.
”Maandhow
tii inkaarta qabtay ma aqaano meeley jirto taleefankeedii gacantana
wey xirratay ee bal orod kasoo eeg gurigii gabadhii Caasho ee saxiibteed
aheyd meel kale oo ay aado ma taqaane” Saciid waa wiilasheeda
kan ugu degan ee wiilasha ay dhashay ku jiro ma ahana reero buuq
wuxuu jecelyahay waxkasta wada hadal iyo is afgarad in lugu dhameeyo.
Arrimaha
taagen ee walaashiis waa uu la socdaa, marba haddii talada reerka
looga weyn yahay kuma deg dego inuu dhexgalo da’ ahaana Amran
buu sanad ka weyn yahay, sidaas aawadeed howlihiisi adduun baa ka
badan mida reerka looga madax weyn yahay. Dhinac marka la eego waa
nin wax garad ah oo aan jecleyn in ruux bani’aadam ah la qasbo
oo sanka laga geliyo wuxuusan jecleyn. Hadal haddii laga maqlayo
wuxuu oran lahaa gabadhan maskiinta ah daaya.
Islaantu
waxey Saciid u wacday inuu yahay nin degan haddey wici laheyd Maxamuud-keedii
gacanta uun ka hadla sheekada meesha hada joogto meel ka xun bey
gaari laheyd, caawa uun waxey doontay bal in gabadheedi guriga soo
seexato marba hadeysan uga baran iney dhexdo meeleysan ku ogeyn.
Waagu
wuxuu la baryana la arko.
Ileyn ”WAREER CAWO WAA LOO WAABERIISTAAYE” ”Haye
hooyo hadey gurigaas joogto qeer waaye wax ka halaabaya ma jiraane
waa soo wadaa” intuu yiri ayuu is weydiiyey waxa hooyadiis
cilaaqtanka u jeceshay oo ay cadaadineyso gabadheeda. ”Hooyadeey
shiddo jecelaa gabar sanadahan jirto ay rabtaa iney qasabto iyada
lee is daalineysa maahee waa hal bacaad lugu lisay” intey
sheekadaasi la yaab ku noqotay madaxana ruxay ayuu baabuurkiisi
kaxeystay jihadana afka saaray meeshii loo tilmaamay.
Sidduu
u socoday dhowr daqiiqo wuxuu baabuurkiisi hor dhigtay Gurigii Caasho
reerkeeda daganaayeen kadibna garaacay reerihii albaabkooda, waxaa
ka furtay Caasho hooyadeed oo u sii sheegtay in gabadha walaashiis
ay joogto wax ka halaabayana aysan jirine ay joogto gurigeeda labaad.
Amran
saxiibteed markey maqashay in guriga la yimid bey inta soo baxday
is tiri fiiri, mise waxey indhaha ku dhifatay Saciid oo ay u maleysay
Maxamuud-kii waalana. Wey isku naxday iyadoo ordeysa bey qolkii
saaxiibted joogtay ku soo laabatay una sheegtay in Maxamuud yimid.
Inkastoo
ay ka naxday hadana waxey diyaar u aheyd waxkasta oo u yimaado shar
iyo qeyr. ”Abaayo waxba igama qaadayo dagaal iyo nabad midkuu
la yimaado ayaan kula macaamiltamayaa ee waxba ha nixin” intey
ku tiri saxiibteed ayey soo wada aadeen qolkii fadhiga ahaa.
”Amran
abaayo maxaa dhacay oo aad guriga u iman weysay hooyo waa wel weleysay
ayuu Saciid ku salaamay, lafteeda markey aragtay inuu Saciid yahay
xooga kurbadii heysay waa ka yaraatay, waayo walaalkeed ma ahan
reero dagaal isageyna isugu dhow yihii waxa guriga ku nool, inkastoo
aysan arrimaheeda gaar ahaaneed u sheegin hadana waa isku aragti.
Maantase iney walaalkeed ka dhigato saaxiib taagan booskii aabaheed
dantaa qasbeysa haddii kale wax uma kala soconayaan.
”Soo
bax hadda xaafada ayaan aadeynaa hooya tiri halkaasey joogtaa ee
soo wad gabadha walaasha ah” Saciid oo raba inuu baxo fadhigiina
ka kacay baa hadalkaasi ku yiri walaashiis. Amranse waa intey rabatey
waxey ku tiri walaalkeed ”u sheeg hooyo inaan imaneyn caawa
guriga ha inoo ahaato berito haddii Alla idmo!!
Xaqiiqdii
Amran markey jawaabtaasi bixineysay waxey gocotay hadaladii ay hooyadeed
kula hadashay uma muuqan jawi wanaageed, waxey hubtaa in haddii
guriga tagto ay markale dib ugu laabaneyso murankii aan dhamaadka
laheyn. Misna dhankale waxey dooneysa iney ogaato haddii ay ku adkeysato
go’aankeeda diidmada ah ee iney reerkeeda ku soo laabato si
xaalku noqonayo!..
Lasoco cadadka dambe insha Allaah…….!
Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
|