Miyaan
dooqa keligeey laheyn?
Jaaniskaa
ba’a intey hoos ka tiri ayey hadalkii u raacisay ”waan
soo fekeri doonaa haddii Alla idmo ee nabadgalyo!”. Intey
u dhaqaaqday xaggii guriga ayey misna dib ugu soo laabatay isagii
oo wel meesha taagan markaasey ku tiri ”Ma salaameysa islaantii
habaryartaa aheyd mise meel baad ku socotaa?” Weydiintaasi
kama ahan in hooyadeed salaamo ee waxey ka tahay aad ogaatid waxa
uu islaanta u akhriyo iyadana ay u sheegto iyo fikirka ay ka qaadan
doonto markey maqasho in gabadheeda ay ninkale xirriir la leedahay.
Isna
waa intuu rabay malaha uu heli karro tallo wax ku ool ah una sheego
Islaantu meesha gabadheeda ka joogto. ”Haa abaayo waa runtaa,
waan ilaaway inaan habaryar soo salaamo haddii kale waxey leedahay
wiilku waa kugu caasiyoobay” intuu yiri buu gaariga xagiisa
u dhaqaaqay si uu hubsado in wax walba Ok yihiin sin aan looga xadin.
Isagoon
awalba rabin inuu gallo guriga, marba haddii Amran aysan sheekada
uu wato diyaar u aheyn wax u yaallo meesha ayaan jirin wuxuuse ku
jiifa in Islaanta ay garabkiisa tahay wax ka haalabayana aysan jirin.
Islaantii
markey maqashay sharqanta furaha ee in lasoo galayo guriga ayey
inta soo koobtay taleefankii ay ku hadleysay u soo dhaqaaqday xaggii
gabadhedi iyo Cabbaas oo aan weli soo gelin guriga .
”Waryaa
Cabbaas xageed ka dhacday ayaantan, maxaa dhacay haddii waalid iyo
ilmo la isku yahay ma inaan la isa salaamin baa waan kuu jeeday
inaad irida ka laaban rabtay Amran baase ku tiri kaalay salaan habaryartaa
e. Waaggii hore waxaad aheyd wiil iga fekeri jiray oo salaanta aan
ila geesmari jirine hadase malaha arrimo kale baa kula soo gudboonaday?”
Islaantu markey sidaasi leedahay waxey ugu darnaaneysay gabadheeda
oo aan dhowr talaabo sidaasi uga fogeyn daarada dhexe. Mase kala
jecla Amran dhago hadalkasta oo iyada loogu jeedo. Intey qososhay
bey madaxa luxday oo tiri ”Illaahow nimaan wax ogeyn ha cadaabin,
weligiinba sarbeeba hadalka dan iyo heellose kama lihi muxaaradada
beenta ah ee la iskugu raaxeynayo.
”Maya
habaryar, sidaas maahan waad ogtahay inaad hooyadey camal ii tahay
sideen salaanta kuula garabmarayaa. Hooyo walaahi waan iskamashquulay
shaqadii waad ogtahay wadankaan hadaan la shaqeysan qiimo layeelanayo.
Markasta Maxamuud aan arkaa isagaan kaa wareystaa ayaamahan ismoogeyn.”
ayuu inta yiri horey u sii raacay islaantii oo leh ”Soo gal
hooyo oo kaalay fariiso aad wax cabtidee”. Islaantu wey dareensan
tahay in gabadhu iyo wiilku aaney jidka iska soo helinee ay balansanaayeen.
Waxey
dooneysa iney ogaato wixii dhacay. Cidey warkaasi ka heli karto
waa Cabbaas oo u dhugo nugul warkeeda si uu hello Amran. Waan dhawahay
hooyo ee maxaad heysaa adiga caafimaadkaga iiwaran iyo hadalo kale
oo isnabadey ah ayuu weli daba wada intey u socdeen fadhiga xagiisa.
Amran
oo aan jecleysan sii joogista meesha ayaa markey hooyadeed salaantay
iyadoo qolkeeda u socota tiri soo dhawoow walaal guriga gurigaagi
waaye ha is martiyeen waan soo labanayaa e.
Illaahow
wejigiisa kaa qari bey taagan tahay soo laabasho ay u soo laabato
iska daaye. Ifka kan maxaa loo uumayna waa isweydiisay. Abuurtay
Illaahey mey badali akrtaa hee. Sidaase kaga fakanmeyso ninka wuxuu
fadhiyaa gurigii, Islaantina waxey ka sugeysa inuu u waramo siddii
weriye SONNA oo kalle. Haddey intey door ah iska wareysteen xaaladda
guud ahaaneed ayey islaanti tiri “Iiwaran maandhow maanta
xaalku waxaad moodaa in intii hore aad iskaga soo dhawaanteen walaasha
ee maxaa isbadal ah oo yimid, xageese ka timaadeen? Mise jidkaad
iska soo hesheen?”
- Maya
habaryar jidka iskameynaan soo helin ee waanu balansaney, waxaanu
jirnay meel maqaayad ah oo aan ku sheekeysaneynay. Waad ogtahay
in Amran aan jecalahay oo aan rabo iney oorideyda noqoto. Hase ahaatee
wax isbadal iyo isku soo dhawaansho ah ma jirto.
Maanta
waxey ii cadeysay ineysan diyaar u aheyn xirriir nadhexmara sababtoo
ah waa iyadoo xirriir uu kala dhaxeeyo wiil ay iigu sheegtay inuu
dagan yahay dalka Ingiriiska. Islaantii markey maqashay in gabadheeda
nin kale ay hamiga kuheyso ayey ku sigatay iney muraal dilaacdo.
Waxey ogaatay sababta gabadheeda ay u diideyso wiilka ay la rabto.
Tuhinkii ay islaanta ka qabay in xirriir kale uu jiro ayey maanta
ogaatay.
- Xaqiiqdii
ma aqaano si aan waxyeello qof aan ku rabin inaad hesho waa wax
aad u adag. Hadey dhacdo in ruuxaasi aad nolol lawadaagtana waxaa
adkaaneysa in wax badan qabsoomaan loona dhaqmo si dabiici ah. Marka
habaryar Illaahey baa tallo ku filan, walaashey ima rabto ee waxba
haqsbin ninkey rabtana yaan loo diidin haddii kale waxaa dhaceysa
arrimo badan oo laga qoomameeyo.
Islaantii
inkastoo hadalkaasi dambe ee Cabbaas uu ku reebay dareen xoogan
hadana waxey dooneysa iney dhaqankii iyo caadooyinkii ay lahaayeen
ay muujiso, taasoo ah mid ku saleysan ja juub iyo xoog la adeegsado.
Amran
markey qolkeedi gashay hoostana kasoo xiratay ayey sariirta isku
tuurtay siddii wax waalan oo kale. Waxey aad ugu qoomameysay raacistii
ay maanta raacday ninkii Cabbaas ahaa. ”Adduunyada hadduu
nacas jiro Wallee kan baa ah” Intey tiri bey sariirti dhinac
kale uga jeesatay.
”Laakin
maxaan ugu shaleynayaa waan ku faraxsanahay inaan u sheegay wixii
caloosheyda ku jiray maxaa adduunkan qasab iyo is jiid jiid Illaahey
ma abuurine kuma rabo kuma rabo aa ku filan, hadduu diido waxaan
u sheegay isagaa cirka biyo ka cabaya” ayey markale tiri .
Isla hadal ayba ka bixi weysay waxaa waxweyn la noqday in ruux dhan
oo Illaahey abuuray lugu qasbo wuxuusan rabin.
”Kaalay
maan u tago Cabbaaskii waalnaa iyo islaanti aan soo dhageysto waxey
isku gurayaan” bey iskula hadashay sariirtiina kasoo booday
iyadoo haabaneysa maro weyn oo ay hagaagato, markey qolkeedi kasoo
baxday ayey xasuustay in waqtigan ay habooneyn ee bal ay kaadiso
inta uu ka baxo, markaasina eeggto falka ay Islaantu sameyso qolkeed
bey dib ugu laabatay.
- Hooyo
waxba ha wel welin, sidaan horey kuugu sheegay weeyaanAmran nimaan
adiga aheyn u dhiximeyso. Ninkan aad sheegeyso anigu war umahayo
waanse dareensanaa inuu jiro shaqsi kale oo casharo been ah u akhriyey
gabdheyda. Laakin dhabtu waxey tahay caadadii aan laheyn inaan lugu
xadgudbin gabdhaheena wey ku dhaqmi jireen, balse midan aan dhalay
baa meel kale rabta iney haweysato waase arrin aan u soconeyn.
- Habaryar
fiiri waxba ha qasbin walaashey waxaan u sheegay iney jaanis i siiso
kana soo fekerto, waxaa dhici karta ninkan baas inaan ka fiicnaado.
Iyadana inkastoo diidmo qayaxan ay ii muujisay hadana waxey tiri
waan soo fekeraya, walow aanan hubin iney isiineyso jawaab lugu
qanci karro.
Isla fiicana wiilku oo maangaabsanaa, ma naag meeli u cadahay baa
soo fekereysa, mise Amran baa ninkey jecleyd sahal ku ilaaweysa
kana baxeyso axdigii adkaa ee dhexmaray?? Waa nin quud aan jirin
qoryo u guranaya ee Allow yaa yiraah ka joog!
- Marka
hadda waan sii tagayaa kow dheh ee aan iska warheyno, Maxamuudna
caawan is arkeynaa markale ayaan kaaga mahadcelinayaa habaryar wanaagaad
ii heyso walaasheyna Illaahey niyadeeda ha isoo jeediyo!
- Xageed
u ordeysaa maandhow joog oo nala cashee see waaye guriga waa gurigaagii
adiga dhan carar baad ku jirtaaye. Ayey tiri Islaantii oo weli rabta
inuu sii joogo si ay cambaar u sheekeystaan.
Ma nin meel aan laga rabin fadhiga u yaala ayaa jira, waa inuu meeesha
ka tagaa intey goori goor tahay. Wuu jeclaan lahaa in habarta inta
u yeerto Amran ay hortiisa ku canaanato markaasina ay si wadajir
ah u ogaadan waxa Amran ay u diidan tahay guurkiisa. Laakinse wuxuu
is yiri intey inta hortaaga hadal aan munaasib aheyn lugu dhaho
ay aragaaga kasii carari laheyd waxaa kuu roon inaad hadeer kabahaaga
banaanka ku gashato.
Intuu
fadhigii ka kacay ayuu yiri ”Haye hee habaryar khery ayaan
kaaga tagay ee waa inoo markale anigaa beriro insha Allaah idiin
wacayo, walaasheyna igu salaan!
albaabkiina kasii baxay.
Duq
Faadumo hadey fursad ay furka ku tuurato heysataa waa iney daabkeedi
soo diyaarsataa. Ma gabadheedii oo guur doon ah bey dili kartaa
waa laga soo tagay xilligii carruurnimada. Inan qaan gar gacan u
qaad waa dhibaato.
Laakin
habartu markan gacan ka hadal iyo wax ka xunba waa u diyaar, waayo
qoyskii dhamaa ee ku haminayey in gabadheedii iyo Cabbaas Cumar
la isku darro ayaa rajadeeda xuntahay. Islaantu waxaa kaweyn in
lugu sheekeysto oo lugu tilmaamo mid aan carruurteedi ka adkaan
karrin. Markey xasuusato Islaamaha ay heybtada wadaagan ee gabdhahooda
u taliya sidey rabaana yeela madaxaa derbi oo kale la ’ekaada.
”Odeygii
dhalay baa faraha ka baxshee maxaan ka qaban karaa? Markey wax ka
qabashada u baahneydna isagaa qarar iyo buuro ka tuuraye, waase
aniga iyo hadeer tarbiyo cusub” bey intey tiri u yeertay Amrantii
qolka ku jirta.
Amran
oo iska dhigeysa warjira moog ayaa qolkeedi kasoo baxday una timid
Islaantii oo aad u kareysa sidii dheri dabka lugu ilaaway. Kursigii
ugu sokeeyey bey ku fariisatay iyadoo habarta fiirineysa iskana
ilaalineysa in gacanta hadal looga dhigo yeeristaankeedi.
”Haa
hooyo waa ikanaa ee maxaa dhacay”. Islaantii intey indhaha
ku kuurtay bey tiri. Maxaa dhacay miyaad leedahay sow isma ogid
waxaad sameyneysid. Ma waxaad moodey inaan lugu ogeyn?.
- Hooyo meeshaad ka hadleyso ma ogiye maxaa jira ma wax xun baa
sameeyey?
- Wax
xun iyo wax caqligu diido ayaad sameysay. Sababtoo ah arimo aan
halkan horey uga hadalnay baa meesheedii taagan. Marka ha iska dhigin
ruuxaan wax ogeyn.
- Maxaa
kuu qorsheysan? Cabbaas maanta waad is aragteen sow maahan?
- Haa,
hooyo waan is aragnay waan isla soo qadeynay, walaalkeey waaye maxaa
ku jaban? Su’aal rogaal celis ah bey jawaabteedi ka dhigtay.
- Maxaad
kawada hasheen adiga iyo ina habreedkaa?
- Hooyo
wax siyaado ah oo aan ka hadalnay ma jirto waxa uu ii sheegay inuu
rabo in xirriir ila yeesho, koley waa arrin aad halkan wad wadeen,
marka sheekadiisaasi iguma cusba xiisana igumaheyso.
- Haye,
maxey jawaabtada noqotay oo aad u sheegtay?
- Xaqiiqdii
hooyo waxaan u sheegay majirto walaaltanimo iney naga dhaxeyso damaciisana
uu dib ula laabto intaas baan u sheegay oo keliya. Ee maxey tahay
sababtaad ii weydiineyso, koley waan ogahay waxaad dooneysaan labadiina.
Hase ahaatee aniga mowqifkeyga waa kiisi aad ogaalka u aheyd marna
ma badalayo.
Dhabtase
hadaan kuu sheego waa anigoo xirriir naga dhaxeeyo wiilkale oo dhawanahanba
sheeko noo socotay. Mana ila qumana inaan balantii aan qaaday ka
baxo.
Islaantii
markey kasoo baxday afkii Amran in meesha uu jiro wiil ay ku hamiyeyso,
ayey inta is heynweysay soo haabatay taleefankii ay ku hadleysa
ku tuurtay Amran oo aan iska jirin kagana dhufatay gacantii ay iskaga
dhigtay. Meeshii dagaal iyo gacan ka hadal ayey isku badashay. Amran
iskuma dayin iney cararto, waxeyse gashay is difaac xoogan. Waxey
bilowday iney hadalo dabacsan ku hadasho una sheegto in sida ay
moodeyso aaney aheyn. Qasab iyo ja juubna aan xal noqoneyn ee waalid
iyo ilmihiis sii kala geyneyso. Markii laga maqli warka islaantiina
ay qeylineyso Amran ciil iyo carro ayey isla heynweysay waxaana
dhagaha ugu shubtay hooyadeed jawaab laga naxo.
- Hooyo
diid ama ha diidin, hadalkeygii waa kii weli warkeyga ha gallo.
- Eyga
xun ee Cabbaas intaan guursan lahaa waxaa ii dhaanta inaan dhinto
oo qabri la I geliyo.
- Haa
waa runtaa ayey tiri Islaantii in meeshii aabaha kabaxay aad baxdo
ayaad kuu fiiicneyd waxaan ceeb iyo calool xumo aheyn nalooma joogtid
e. Balanse baan ku qaaday meeshey gaarto sheekadan ha daadan ka
biyo cabin, duco iyo deyro bey noqoneysa xaaladaada.!! Ee iiga bax
qolkeyga aragaagana iga qari meel daran kabaxee!
“Waayahay
hooyo aan arko meeshey wanaajinta Cabbaas iyo xushmeynta aad u heyso
xayawankan ay geyso. Anigoo gabadhaadi ah waxaad ka shaqeyneysaa
murugeyda mustabal la’’aanteydii ogow hooyo inaan ku
cafineyn. Maantana in uu arageyga kuugu dambeyn doono ku bishaareyso!”
Intey tiri ayey ka baxday qolkii iyadoo aad moodid waran laganay
u fakatay dibada ileyn weli dharkii ay kaga timid banaanka iskama
siibine!
Lasoco cadadka dambe insha Allaah…….!
Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
|