|

Hordhac
Bulshadda
Soomaaliyeed marka laga faalloonayo waxaa lugu sheegaa siyaallo
kala duwan haddii ay ahaan laheyd dhanka fiican ee ku saleysan dhaqanka,
diinta suuban iyo caadooyinka u gaarka ah ee aan cidi la wadaagin,
taasoo dadka lafo gura dhaqamada ay ka bixiyaan sawir qurxoon oo
aad kuu soo jiidanaya. Hase ahaatee kolka laga eeggo dhinaca xuna
waxaa aad loogu fogaadaa aqoon darrada heysata dadka soomaalida
ah, taasina aasaas looga dhigo dhibaatada kasta oo timaada bulshadana
la xirriira.
Ummadda soomaaliyeedna kolkii ay dagaalada sokeeye dalkooda ka dilaaceen
waxaa u soo barakaceen dalal shiyeeye , waxaana ay magansadeen dhaqamo
siloon, afaf qalaad oo ay kala kulmeen dadyowga ay u yimaadeen.
Durba
waxaa abuurmay wax la yiraahdo isfaham waa iyo is qab qabsi ka dhex
oogmay bulshada soomaaliyeed dhexdeeda gaar ahaan carruurtii iyo
waalidkii. Tanina waxey keentay kolkii dhalinyarro badan oo reer
galbeedka u soo qaxay ay aamineen amaba laga dhaa dhaacsiiyey iney
waxey doonaan sameyn karaan iyagoon cidna kala tashan waalidkii
is hortaagana ay markaasi dacwad ku soo oogi karaan, tanoo noqotay
mid laf dhuun gashay ku noqotay waalidiin badan oo soomaaliyeed
oo weli xasuustoodu ku danbeyso dhaqankii iyo in xitaa derisku canaan
karro carruurtaada kolka ay sameeyaan wax qalad ah.
Si
kastaaba arintu ha ahaatee sheekadan loogu magac daray “Miyaan
dooqa keligeey laheyn?” waxaa ay ka hadleysaa cadaadiska ay
weli waalidiinta soomaaliyeed ku hayaan ubbadkooda taasoo aan marnaba
siin wax mudnaan ah in carruurtu ay dooran karaan ruuxa ay nolosha
la wadaagayaan kolka ay gaaraan xilliga guurka, oo ay fiiriyaan
dantooda keliya. Waxaad arkeysaa Aabbe soomaaliyeed oo gabadhiisa
ama wiilka ku qasbaya ruux uusan rebin, waxaa misna suuragal ah
in Aabahaasi ugu daray gabadhiisa nin aysan rebin dhaqaalo darteed
ama uu balan ka qaaday nin kale oo ganacsade oo u arko inuu uga
bixi karro saboolnimada heysa.
Hadaba
qisadan waxey ka dhacday qurbaha aan ku nool nahay gaar ahaan reer
galbeedka, waxeyna ku tusineysaa sheekadani inuusan marna dhaqankii
soomaaliyeed ee shalay ka hor dagaaladii dalka aanu weli ku iman
wax isbadal ah marka ay timaado xulashada carruurta ay xulanayaan
lamaanahooda. Amran oo ah gabdha ay qisadan ka hadleyso waxaa ay
nolosha kala kulantay murgo iyo cadaadis badan oo ugu yimid waalidkii
dhalay iyo walaalaheedii, kadib markii ay diideen iney aqbalaan
amaba ogolaadaan wiilka ay Amran u dooratay nolosheeda inuu la wadaago.
Waxaana hooyaddii dhashay Amran u sheegtay iney u guurineyso wiilka
walaalkeed dhalay haddii ay diidana ay deyro ka tahay reerka.
Qisadani
waa mid ku dheehan xanuun, murugo iyo hilow kalgaceyl uu qabo ruux
bartanka kaga taagan jaceyl curdan ah oo u baahan xanaano iyo daryeel.
Waana sheeko inta aad ku jirto aqrinteeda aad dareemeyso naxariis
la’aanta soo jawahday qof dumar ah oo ku hamiyeysay iney nolosha
lawadaagto wiilka ay ka dooratay gayaankeed, hadana la kowsatay
tacdiyo waalid iyo texgelin la’aan dooqeeda iyo ruuxa ay dooratay.
“Sheekadan
oo mustaqabalka dhow ku soo baxeysa buug ahaan waxaan u hibeeyey
fanaaniintii caan baxay ee Aamina C/llaahi iyo Seynab Xaaji Cali
(Baxsan) oo aan fankooda jecelahay!”
Qeybtii 1aad:
Waxa ay goor aroor ah cirkuna ku gadaaman yahay mugdigii habeenimo
waxaad moodaa inaanu waagii baryin kolka aad eegto sida ay carrada
u tahay mugdi madow, hadana marka aad sii mlicsato goor sheegtada
(saacadda) waxaad ogeynaa in waagii baryey mar hore. Balse cimiladu
sidaasi u tahay caado kolka la gaaro xilligeeda. Qabow aad u xun
baa dhacaya dadkuna waxaad moodaa awr rarkii laga badiyey oo culeys
aawgiis dhaqaaqi waayey, ileyn dhar culus bey xiran yihiin oo ay
kaga dugaashanayaan qabowga daran ee jiira.
Amranse
iyadoo aad moodid iney qabar daar ka tahay cimilada halka ay joogto
ayey iska soctaa, dhar sidaas u buuran maheysato oo ay kaga gaashaamato
qabowga, balse dhar wey xiran tahay oo lama orana karro wey dhar
la'dahay. Laakin si bey isku la'dahay. Guriga ay degan yihiin dhowr
talaabo ayuu u jiraa rugta basaska xaafada laga raaco gaadiidka.
Amran iyadoo laga aqrisan karro dhiilada wejigeeda saaran ayey timid
halkii lugu sugayey baska, waxeyna dareemaysay daal aad u daran
iyo hurdo la’aan lasoo deristay labadaan berri.
Waxaa hareeraha meesha lugu sugayo baska taagnaa dad badan oo ay
soomaali ka mid yihiin. Mase sii fiirin waxa ay yihiin oo maqaar
madoobidooda ayey aragtay iney soomaali yihiin umase juuqin oo waxaa
weli maskaxdeedii ka guuxaya qeyladii islaanta hooyadeed ahaa iyo
wiilkii walaalkeed ee isna ugu hanjabay inuu dilli doono hadeysan
ka maqal warka hooyadeed.
Qurbaha
kolka la yimaado dhul jaceylka iyo xiisaha dadkaaga waa kugu bataan
oo ma deysid deymada ruuxa aad u moodo inuu soomaali yahay, sidaas
daraadeed Amran iyadoon subaxaasi ku heyn maskaxda iney qofna la
hadasho ayey maqashay ruux ku salaamaya salaanta Islaamka "Salaama
caleykum", iyadoon sii eegin bey ka qaaday qofkii salaamay
"wacaleykuma salaam". Wax yar kadib ruuxii salaamay baa
hadana ku celieyey "walaal waa meeqo saac" Cajiib! salaan
lee isku ogaaye maxaa hadana saacad weydiintaan” bey iskula
hadashay!
Inkastoo aysan jeceleyn iney lasii hadasho ruuxii sacada weydiiyey
mowjad kale oo ku furnaa awgeed, misna waxey muujisay dabacsanaan
waxeyna u sheegtay saacaddu intey aheyd. "Mahadsanid"
baa ugu xiggay erey ay maqasho, laakinse weli ma arag ruuxa salaamay
muuqaalkiisa ee waxaa galay shaki ah iney labo qof la hadashay iyo
inkale.
Intey
maskax ahaan isku mashquulsaneyd baa baskii soo istaagay meesha,
markii ay kortay baska oo weliba hubsatay iney fadhido booskeeda
ayey ogaataay ruuxii goor dhaweyto salaamay misna saacada intey
tahay weydiiyey inuu ahaa hal ruux, ileyn waa tii ay ka shakisaneyd
e.
Waxey ogaatay inuu ahaa wiil soomaaliyeed oo taagnaa bartii lugu
sugayey basaska. waxeyse isweydiisay sababta uu weydiiyey saacada.
Malaha maanka kuma heyso in qofka uusan heysan karin saacad ama
uu guriga uga soo tegi karro ee waxey u qaadatay weydiintu "hadal
bilowgiis e" . Amran ma diidaneyn wiilka inuu wax weydiiye
e waxaa subaxaasi ku furnaa buuq badan oo ka qeylinayey maskaxdeeda,
walow uu dareenkeedii soo jiitay markii ay aragiisa aragtay kolkii
ay ku fiiray il qooraan, hase ahaatee dan kama gelin e waxey sii
raacatay danaheedii gaarka.
Sodon daqiiqo kadib Amran waxey timid iskoolkeedii walow aysan subaxaasi
haba yaraatee xiisad laheyn, hadana waxaa qorshaha ugu jiray iney
maalintaasi iska joogto guriga oo ku nasato, laakinse haddii ay
joogi laheyd guriga waxeysan ka nabad gasheen buuq iyo qeylada hooyadeed
oo ay baryahan isku aheen sidii hore waa labo daran mid doorrro.
Iskoolkii
bey timid ma taqaan meel ay jaaha saarto, saaxiibayaalkeed qaar
baa xiisada ku jira oo uma geli karto fasalka, wayse ku qasban tahay
iney sugto inta ay ugu soo dhamaaneyso xiisadda. Iyadoo si hoosta
uga guuxeysa ayey u luuday dhankii maqaaxida ee laga cabo qaxwaha
oo ay iskaga sugtay saaxibayaalkeeda walow ay daahsatay imaanshahooda.
In door ah markii ay fadhisay meeshay ayey soo baxeen Sucaad iyo
Caasha oo ah labada ay ugu kalsooni badan tahay saaxibayaalkeeda
kale.
Meeshii waxaa ka bilowday isbariidin iyo isnabadeyn, waxaana la
galay sheeko iyo inuu ka sheekeyo qof walba sida ay xaaladiisa tahay
iyo waxa u qorsheysan iney qabto maanta gelinka danbe kolka laga
soo rawaxo iskoolka ama laga yimaado.
Lasoco
cadadka danbe insha Allaah……………….!
Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
|