|

Gothenburg, Sweden
”Aqoonsi
Israa’iil Ma bixisee Aayaha Ummadda U Orod!”
Dabcan in laga
fekero wixii dan ama dhib u ah Dowlad leh nimdaankeed iyo kala dambeyn
waa arrin haboon in lugu dhaqaaqo. Hase ahaatee haddii dowladaasi
tiraahdo waxaan dan iigu jirin baan daba ordayaa waqtigana ku dhimanayaa
waa garaad yari heerkii ugu hooseeyey ee la tirsan karro. Hadaba
Dowladdii Kenya lugu soo dhisay shirkii dheerka kadib waxaa ay doontey
ineey meelkasta gasho siddii ay heli laheyd aqoonsi buuxa iyo kaalmo
maaliyeed. Taasi maxuma waana mid la oran karro waxey dan ugu jirtaa
cida dooneysa hormarka Soomaaliya haddiiba ay ka tahay daacad.
Afhayeenka Madaxweynaha
dowladda dibad joogta ah ayaa wareysi uu siiyey Idaacadda HornAfrik
ee magaalada Muqdishu ku sheegay in haddii dan ugu jirto dowladda
u afhayeenka u yahay iney xirriir Israa’iil la yeelato ay
sameynayaan. Taasi macnaheedu waxey tahay in ”Berito ay imaneyso
xirriir noocaas ah” Haddiise uu hadalka sidaas u oran waa
loo fasiran karaa.
Su’aasha
mudan in la isweydiiyo hadaba waxey tahay dadka iyo dalka Soomaaliya
danta ugu jirta maxey tahay xirriir ay layeelato maamulka Tele Aviv?
Soomaalidu weligeed diin ahaan Islaam baa lugu tiriyaa xukuumadihii
dalka soomaray maalin qura kuma fekerin in dan nooca kasta ee ay
tahay Israa’iil kasoo geli karto ,maxeyse tahay mida Embagthi
ay u aragto hadaaney danno dahsoon jirin?
Xukuumaddii
Maxamed Siyaad Barre oo la ogsoon yahay cilaaqaadka dalalka u arkayey
iney maslaxadiisa ku jirto la lahaa ayaan marna Israa’iilka
ka dhigin iney wanaag u heyso ummadda Soomaaliyeed guud ahaanteed.
Sida oo kale Soomaaliya weligeed Islaanimada kasokow waxaa jirtay
in wax badan oo dhaqan iyo ganacsi ahaan ay wadaageen dalalka Carabta.
Marrna majirin in dalalkaasi ka telin jireen aayaha ummadda Soomaaliyeed,
hadaaney laftoodu qeyb ku laheyn burbirkii baaxadda lahaa ee ku
dhacay Qarankeena.
Ku
talinmayo In Carab Gacmaha Loohoorsado!
Soomaalida waxey
horey u tiri “Tiisa daryeela tukale ku dara”, macnaha
waxaa weeye in Carabi halka ay is dhigtay ay iyada iska qaadi karto,
heeryada saaran ee cid saartay aaney jirin. Soomaalida dhankasta
liita oo ay Carabi leedahay wey lawadaagtaa sidaasi daraadeed inta
Carabi heerkaas damiir iyo caqli liita uu jiro Soomaalida wax badan
uma qabsoomi doonaan.
Tusaalena waxaa
kuugu filan halka Falastiin ku sugan tahay aakhirkiina hogaamiyihooddii
xorrnimada u astaan ahaa isagoo aan helin gobanimadii uu doonayey
geeriyooday. Iyo Ciraaq oo iyadana gacanta ugu jirta gumeystaha
qarniga 21aad. Midnimo dambana aan cabsi looga qabin.
Waqtiga iyo
waayaha iney wax ku qaateen bey aheyd Soomaali, dhibtuse waxey tahay
min shacab ilaa maamul iyo madaxweyne waxey u taagan yihiin dantood
moogeyaal, waxey u hanqaltaagan waxaan dani ugu jirin iyo damaca
hogaaamiyaalka oo hadafkoodu ugu weynaa u bur buriyey qaranimadii
Soomaaliya aad heshaan xukun aad ka dhexmuuqatan, laakin ku fashilmay
sidey dowladnimadii ay rideen u soo celin lahaayeen aakhirna ku
dhamaatay sheekadoodi in dalalka danaha kaleh Soomaaliya midba magaalo
lageeyo si loo heshiishiiyeo dadka damacoodu kala geeyey.
Mana qabo in
dadyowga ay Islaanimada isku kaaya keentay ka fogaano sababo la
xirriira jiritaanka Diinteena oo halis ah. Maxaa yeelay Carabi iyadoo
isku diin ah intooda badan ayaan hadana wanaag isku ogoleyn [Eegg
xurgufta u dhaxeeya, Sacuudiga iyo Baxreyn, Imaaradka iyo Iiraan!]
Danta Israa’iil Naga Soogeli karro Maxey Tahay?
Afhayeenka u hadla dowlada KMG ah wareysigii uu bixiyey waxa uu
ku sheegay in albaabkasta garaacayaan haddey u arkaan iney dani
ugu jirto. Hadaba Israa’iil xudduud ma wadaagno sida Axmaaro
danta naga ay soo geli karto ee maxey tahay waxa hadalkan ka dhawaajiyey?
Caasimadaha
carbeed uu carabka ku dhiftay in calan Israa’iil leedahay
ka dul ba’abanyo kuwaasi waa dad xudduudo wadaaga Sida Masar
Suuriya, Ciraaq Jordan iyo dalalkale. Taariikhda inta la ogsoon
yahay tan iyo qanrigii tagay Carab iyo Israa’iil waxaa u dhaxeeyey
muran xag dhuleed waqtigan aanu joognana murankaasi waa halkiisi
sidaas aawadeed arrimo badan oo Carabi u aragto in Amnigeeda ku
jiro ayaa keentay in xirriir la yeelato, Soomalise maxey tahay dhulka
xudduud ahaaneed iyo mid diimeed ay lawadaagi karrto? Jawaabta afhayeenkaas
iyo intii la fikir ah baan u dayeey.
Midse yaan la
iska indho tirrin arintani waxaa dabada ka riixaya Itoobiya oo iyadu
ah dalka keliya ee xirriir toos ah la leh Israa’iil, sidaas
awgeed kuhamiyeysa in wax badan oo Soomaaliya ay ka dooneyso u hagaagan.
Tusaale waxaad u soo qaadan kartaa shirkii sadex geesoodka ahaa
dhawaan lugu soo gabagabeeyey magaalada Sanca ee dalka Yamnen in
Soomaliya ay taariikhda markii ugu horeysay goob joog ka aheyd islamarkaasina
la aqbalay xubinimadeeda ku aadan ku biirista ururkaasi ku midowbey
sidey iskaga difaaci lahaayeen Ereteeraya oo iyada dalalkaasi muran
xagga dhulka ah ka dhaxeeyo.
Dowladan dagaal
oogeyaalka ah iyo “damiirqabayaalka” Baarlamaanka kujira
waxaa haboon iney ka fiirsadaan waxa keeni kara in Qaranimadeena
loolanka loogu jiro sidii loo ciribtiri lahaa lunto. Haddii dowladan
sida maanta la ogsoonayahay xubnaheeda ku jira heerka ay Soomaalinimada
ka joogaan ku dhaqaaqdo iney Israa’iil iyo Itoobiya miciin
bidaan waxey noqoneysaa dhamaadkii magac Soomaali, waxaana maalin
maalmaha kamid ah la isweydiin doona in Soomaaliya berri ku ooli
jirtay Geeska Afrika, sida maanta la isku weydiinayo dhulalka ka
maqan Carabta deriska la ah Israa’iil.
Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
Fiiro Gaar ah: Aragtida
qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida
Somaliroots.com
|