|

Gothenburg, Sweden
Waa maxay Furqaanka Xaqa ah?
[Waa buug cusub oo ka faalloonayo qorshe lugu badalyo Quraanka Kariimka ah]
- Isbadal lugu sameeyo manaahijta dalalka Islaamka
- Demoqraadiyada oo lugu baahiyo
- Bush oo sheegay in dagaal Diimeed lugu soo qaaday isna
uu qaadayo
- Telefeyshinada Carabeed ee macno la'aanta ah oo la kordhiyo
waxey dhamaantood qeyb ka yihiin dagaalka tooska ah ee Islaamka
lugu jirro.
Qeybtii 3aad
Waxaanu labaddii qorme ee hore kaga soo hadlanay
buug ay si qibradeysan u qoreen koox ay ku dheer tahay naceybka
Islaamka iyo dadkiisa, waxaanu sidoo kale qeybtii labaad ku soo
qaadanay sida ay kooxahani ugu go’an tahay iyagoo kaashanaya
waayeelkooda, carruurtooda iyo dhalinyaradooda iney dagaal dhankasta
ah ku qaadaan dadka Muslimiinta ah, taasoo ay u arkaan xalka keliya
ee ay ugu taqalusi karaan waxa ay u arkaan iney lid ku tahay fikirka
ay aaminsan yihiin. Hadaba qeybta saddexaad ee qoraalkan taxanaha
ayaan halkiisa ka sii amba qaadeynaa bal waxa uu xambaarsan yahay
buugga ay dadkan xagjirayaalka ah ugu magac dareen ”Furqaanka
Xaq ah”
Qoraal kale
oo kamid ah buugaasi ayaa misna waxa uu leeyahay ”Waxaa waajib
ku ah ciidamada Mareykanka, Yahuuda iyo Yurubta iney dhaq dhaqaaq
sameeyaan muddada afarta sano ah ee soo socota iyagoo taageero ka
heleya shacuubtooda barakeysan si ay weerarkooda kor ugu qaadaan
fikirka weyn ee caddaalada Masiixiyadda iyo Yahuudda ee ku wajahan
Bariga dhaxe. Si ay Israa’iil ay ugu bad baado dil ugu yimaadaa
kooxaha Sharta wada. Arrintani waa mid si taxadar weyne ku jirto
aan ugu dhaqaaqi doono. Ugu horeyna waxaanu ku dhaqaaqi doonaa isku
heereynta dalalka Carabta iyo Muslimiinta muddooyin sanno ah tan
iyo inta ay iska dhiibayaan. Ama ay si cad u ogolaan doonaan dalabkeena
ah ku dhaqanka ”Buugga Furqaanka Xaqa ah”
Nuqul kale oo
kamid ah buugaasi waxa isaga oo tusaaleynta arrintaasi ku saabsan
kala dhig dhigaya leeyahay hareereynta aan ku sameyn doono dalalka
Carabta iyo Islaamka waa mid ka bilaabaneynsa wadamada ku dhow badda
dhaxe. Markaa kadib waxaanu u sii gudbeynaa meelaha inoo haray oo
ay kamid yihiiin Masar, Boqortooyada Sacuudiga,Iiraan iyo Pakistaan.
Duulaanka aan dalalkaasi ku qabsan doono waa mid baaxad weyn oo
siqibradeysan looga fiirsanayo. Sababta aan sidaasi u yeeleyno waa
mid aan xal u aragno, waxaan in muddo ah geed dheer iyo mid gaabanba
u kornay siddii u qancin laheyn annagoo u sheegeyna in ”Kitaabka
Quraanka ah uu yahay mid aan xaq aheyn oo ku wanaagsaneyn nolosha
Basharka”
Qoraalkale oo
Buugaasi kamid ah misna waxa uu leeyahay ”Dagaalkani aan qaadeyno
waa mid ahmiyad weyn ku fadhiya kana miisaan iyo culus dagaaladii
koowaad iyo labaad ee dunida soo maray.Siida muuqatana waa mid noqon
karra dagaalkii saddexaad ee dunida Balse cinwaanka uu sito ayaa
ah ”Towxiidka Caalamka ee u adeega Bani’aadanimada”.
Arrintani waxaa ay taaba geli kartaa oo keliya marka Quraanka Kariimka
ah meesha laga suuliyo, waayo inta Kitaabkaasi ku jiro gacanta Muslimiinta
marna noo suuroobibimeyso inaan gaarno hadafka aanu leenahay.
Akhriste hadaba hadaan dib milicsano nuqul kamid ah Cutubka koowaad
ee buuggani ayaa waxa uu leeyahay isagoo weli kala rog rogaya dhiiragelintii
iyo guubaabadii uu ku doonayey inuu si waadix ah u sharxo halka
Muslimiinta lagaga soo geli karro iyo sida ay aakhirkoda ku dambeyn
doonto.
”Gacanta
adag ee walaalaha waa mid barakadiisa gaarsiin doonta dadka, Masiixiyaduna
waxey doontay iney gaarsiiso adanaha Kalgacaltooyo si ay u quutaan
dadka ku nool dhulka. Maxaa yeelay Kalgacaltooyadani asalkeeda waa
mid ka timid Sammada waana Muqadas lama taabtaan ah” Tani
waxaa daba socda badinta daabacada Cahdigii hore iyo kan cusub iyo
kutubta Yahuuda.
Balse marnaba
dafirimeyno in caqabado badan la kulmeyno, laakinse waxaanu ku jiifnaa
inaan guusha ku dambeyn doono. Maanka waxaanu ku heynaa in ”Nin
muslim ahi diintiisa uusan uga tageyn diin kale illaama lala gallo
dagaal qaraar oo lugu bur burinayo dalkiisa, dhaqaalihiisa iyo in
gumeysi xagga maskaxada ah la geliyo. Taariikhduna ay xusi doonto.
Waayo tani waa mid looga aar gudayo diinta ay ku sheegeen in dadka
ay ku gaarsiin karaan dagaal seefta ay dadka qudha kaga jaraan.
Diinteena Masiixiyada iyo Yahuuda ogolaan meyso dulmi noocaas ah,
waxeyna geli doontaa Jihaad adag ay kula jirto Munaafiqiintaasi”.
Nin la yiraahdo Shamxuun Miinaan, oo kamid kooxaha mayalka adag
ee sida weyn iskugu howlay daabicadda buugan ayaa yiri ” Qudus
waa gurigii ugu sareeyey ee cibaadada ummaddii Muuse iyo Ciise,
balse in loo ogolaado kooxahaasi sharta wada ee Muslimiinta iyo
argagaxisada iney soo galaan gurigaasi barakeysan waa mid aan caqliga
aqbaleyn. Sidoo kale kooxaha a iney maqaamkasi lug kuyeeshaan waa
mid dembi weyn Illaaheyna uusan noo dhaafeyn. Maxaa yeelay maqaamkani
maahan mid loo nisbeeyey kooxaha ”Faasiqiinta ah ee Muslimiinta”.
Ninkani maan
gaabnimada ku dheertahay oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri. ”Aniga
sidaad u fekereysaan uma fekerayo. Hadaad u aragtaan Kacbada iney
tahay meesha keliya ay Muslimiinta wax ku caabudaan gacantana ugu
jirta , waxaan leeyahay Kacbadu waa Xajar (dhaggax) weyn aan qiimo
sidaasi u laheyn oo aanba aheyn goob cibaadeysi. Waxaanse xoogga
saareynaa siddii aan ugu soo jiheyn laheyn xagga Qudus oo ah goob
lugu cibaadeysto nabadgalyana ay ka jirto.
Isagoo sii wata
hadalkiisa ayuu yiri ”Arrintani waxey ahmiyad leedahay kolka
fikirka caqliga raqiiska ah ee kooxahaasi rumeysan yihiin meesha
laga saaro. Waxeyna iman kartaa sanado badan kadib marka dagaal
melateri iyo mid maskaxadeed intaba lugu qaado. waxaan kaloo arkaa
iney lama huraan ay tahay in deg deg loogu dhaqaaqo oo ay isbar
bar socdaan dagaalka meletari iyo midka maskaxadeed, marka aan gaarno
dalalkooda kooxahaasi waxaanu u tageynaa iyagoo diyaar u ah aqbalida
buuggan Furqaanka Xaqa ah”
La soco qormada dambe ee warbixintan insha Allaah!
Isha warka: Wargeyska toddobaadlaha ah
EL Esbuuc: Kana soo baxa dalka Masar.
Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
|