|
THE
SIX PUNISHMENTS OF LIFE
SAYINGS
(HADITH) OF PROPHET MUHAMMAD (Sallallaahu alaihi wa sallam) The
one who disdains prayers (Salat) will receive Fifteen punishments
from Allah. Six punishments in this lifetime Three while dying Three
in the grave & Three on the Day of Judgment.
THE SIX PUNISHMENTS OF LIFE:
1.
Allah takes away blessings from his age (makes his life misfortunate)
2. Allah does not accept his plea (Dua's)
3. Allah erases the features of good people from his face.
4. He will be detested by all creatures on earth.
5. Allah does not award him for his good deeds. (No thawab)
6. He will not be included in the Dua's of good people.
THE THREE PUNISHMENTS WHILE DYING:
1.
He dies humiliated.
2. He dies hungry.
3. He dies thirsty. Even if he drinks the water of all seas he will
still be thirsty.
THE
THREE PUNISHMENTS IN THE GRAVE:
1. Allah tightens
his grave until his chest ribs come over each other.
2. Allah pours on him fire with embers.
3. Allah sets on him a snake called "the brave", "the
bold"
which hits Him from morning until afternoon for leaving Fajr prayer,
from the afternoon until Asr for leaving Dhuhr prayer and so on.
With each strike he sinks 70 yards under the ground.
THE
THREE PUNISHMENTS ON THE DAY OF JUDGMENT:
1. Allah sends
who would accompany him to hell pulling him on the face.
2. Allah gives him an angry look that makes the flesh of his face
fall down.
3. Allah judges him strictly and orders him to be thrown in hell.
Note: If you get this copy, please make copies of it and distribute
them among all Muslims. You will be earning a Reward as well as
helping to show your brother the Right Path. May Allah give guidance
to all of us. AAMEEN!!!!!!!
THOSE
WHO DO NOT SAY THEIR PRAYERS OF:
FAJAR:
the glow of their face is taken away.
ZOHAR:
the blessing of their income is taken away.
ASAR: the strength of their body is taken away.
MAGHRIB:
they are not benefited by their children.
ISHA: the peace
of their sleep is taken away.
THE
HOLY QUR'AN:
Say Your Prayers Before Prayers For You Are Said".
By.
Omar Sharif Hashim
Toronto, Canada
October
/7/2005
Maximum
Strength Ramadan Fasting
9th month
– Ramadan
Take a look at the items
on this list. Select from among them some specific goals for this
blessed month. During the month check your progress and at the end
of the month do an assessment of yourself and your Ramadan goals.
Psychologists say it takes roughly 28 days to form a social habit.
Therefore, once acquiring these habits in Ramadan make a post Ramadan
plan to keep the ground you have so diligently taken.
Sincerity – Begin
with sincerity and dedication
Dua before breaking fast
Break fast on time at the first possible time
Start fasting as the last possible time
Take sahoor in the morning
Prayer on time
Prayer in the masjid
Prayer in jamaat
Pray the Sunnah
Pray nafilah or superogatory prays just to get closer to Allah
Read the Quran
Review the Qur’an you know
Memorize more of the Qur’an
Study Islam
Keep your tongue wet with Dua
Keep your lip wet with the dhikr of Allah
Make dawah
Visit the sick
Visit the grave
Visit relatives
Visit the homes of friends
Take care of your body – health/hygiene/fitness
Reconcile relationship ask for forgiveness
Istighfar – say istaghfir Allah
Resolutions – Reflection and planning for self improvement
Increase your sadaqa or charity
Do community service
Feed the needy
Feed fasting people
Zakat al-fitr/increase
Itakaf in last ten days
Seek laylatul Qadr in all of the last ten days
Make umrah in Ramadan
Perform the Eid Prayer
Eat a meal before going to the prayer
Make dhikr/talbiya on the way to the prayer area on the day of Eid.
Develop other ways to maximize this blessed month and share it with
others.
By. Omar Sharif Hashim
Toronto, Canada
March
/24/2005
Jaamacadda
Carabta oo diiday in Soomaaliya ciidamo loo soo dirro.
"Waqti ay
wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacada Carabtu ku shirayey magaalada
Aljeris ee caasimada dalka Aljeeriya ay u soo gudbiyeen madaxdooda
xubnaha ka ah golahaasi in ciidaamo loo dirodalka Soomaaliya ayaa
si kedis ah waxaa halkaasi uga soo baxay qaraar gebi ahaanba lugu
diidayo in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro Soomaaliya." Taasoo
aanan aheyn mid ajandaha ku jirin laakinse la filayey in laga hadlo.
Ereyadasi waxey
ahaayeen kuwo uu ku bilaabay wargeyska afka carabiga ku hadla ee
Shaqr Alwsat ee cadadkiisi maanta. Wargeyska oo amuurtan ka hadlaya
ayaa wuxuu yiri "Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo mar
sii horeysay u lahadlay wargeyskan ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta
ay dowlad dowlad ahaan u eegi doonaan arrinta la xirriirta dalabka
ciidamo nabada ilaalsha oo Soomaaliya loo sii dirro"Hase ahaatee
qorshaha ciidan dirista uu ay gaashaanka u darruuray iyagoo sheegay
in lama huraan tahay in dalkaasi dib loogu soo celiyo hanaankii
dowlo, nabada galyada iyo midnimadiisa. Waxaana u qaraarku sheegay
in dowlad walba ay iyadu leedahay go'aan ka gaarista ciidamo loo
diro dalka Soomaaliya oo bar bar socda kale ee Afrikaanta ahShan
dal oo ka tirsan golaha oo la hor dhigay qorshahaasi ayaa labo kamid
ah ay diideen in ciidamadooda u diraan Soomaaliya halka Jabuuti,
Suudaan iyo Yamen la sheegay iney dirayaan ciidamo nabad ilaalin
ah.
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya
ayaa ayaa iyadu ka codsatay Midowga
Afrika iyo Jaamacada Carabta ciidamo hub ka dhigis ku sameeya maleeshiyaadka
Soomaalida, hase ahaatee urrurka midowga Afrika ogolaaday in ciidamo
ka socoda urrur goboleedka IGAD loo dirro, balse arrinta ku saabsan
dalabka ciidama IGAD ay muran iyo gacan ka hadal weyni dhalisay
kadib markii Baarlamaanka soomaalida ay diideen ciidamo ka socda
dalalka deriska ah, iyagoo sheegay in xaaladda iminka
jirta ay uga sii dareyso dalalka gobolka qaarkoodna ay cadaawad
soo jireen ahi ka dhaxeysay.
Guud ahaan in kastoo
beesha caalamka ay dowlada KMG ah u muujisay
taagero hadana waxaa muuqata in muran weyn iyo qilaaf ba'ani uu
ku dhaxeeyo mas'uuliyiinta dowlada ku jira.
Waxaa tarjuntay; Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
March
/09/2005
8
Maarso maalintii Haweenka Xaquuqdoodana aan la dhowrin
Faalladii; Ikraam Cali-kaar
ikraam.calikaar@gmail.com
Haweenku siddeedu waa
laf dhabarka nolosha, hormarka aadanaha, toosiyaha tubta toosan
iyo nabada. Haweenku misna waa kuwa had goor astaan uh bulsho hormarkeed
iyo sida ay caalamka ula jaanqaado. Mujtamaca caalamka guud ahaan
siyaallo kala duwan bey dumarkooda u qadariyaan weliba waxey qaarkood
kala siyaan dabaqado kala sareysa. Taasina waxey tahay mid ku tusineysa
qiimaha ay u leeyihiin haweenku. Dhanka Diinteena muqadaska ah Ilaahey
wuxuu tilmaamay dumarka iyo joogitaanka noloshan iyo macnaha mugga
weyn ee ku jira, wuxuuna ku xusay Qu’aankiisa Karrimka ah
isagoo siiyey Suurata- Anisaa. Suuradaasoo ah mid soo koobtay dumarka
qiimiisa iyo kuwii saalixaadka ahaa ee rumeeyey Alle iyo Rasuulkiisa
Muxamed- ah NNKH.
Dunidan anynu ku nool
nahay dalalka hormaray markaad eegto qiimaha dumarka ka leeyihiin
iyo sida loola dhaqmo, waxaad dareemaa in weli caalamku ku dambeeyo
xooga ixitiraam ah. Hase ahaate marna lama dafirikaro dhibaatooyinka
loo geysto guud ahaan dumarka meelkasta oo ay joogaan.
Shalay waxaa guud ahaan
caalamka si weyn looga dabaal dagayey xuska maalinta haweenka adduunka.
(Inkastoo diiniyan aysan banaaneyn in la weeyneeyo waxaan diintu
raali ka aheyn) Hadana shacuubta caalamka ku dhaqana siyaallo kala
duwan bey u soo dhaweeyeen maalintaasi loo qoondeeyey haweenka.
Hase ahaatee su’aasha taallo waxy tahay, yaa dhowray xaquuqda
haweenka, yaase ku tuntay? Haddii la isku dayo in su’aashan
laga jawaabo waxey qaadaneysa waqti badan una baahan taxliil dhan
kasta kusaleysan. Balse muhiimaddu waxaa weye qormadana ay si gaar
ah uga hadleysa sidey dadkeenu u qadariyeen dumarka Soomaaliyeed.
dhankasta marka laga eeggo.
Soomaaliya oo kamid ah
dalalka dunida sadexaad lugna tiriyo kuwa ugu saboolsan, markey
dowladdii dhexe bur burtay waxaa meesha ka baxay nimdaamkii iyo
kala dambeyntii dalkiina wuxuu gacanta u galay wax magarato leh,
mooryaan, qab qable dagaal, gacan ku dhiigle iyo dulaaliin dalka
iyo dadka duunyo siistay. Taasina waxey abuurtay in waxkasta muwaadinka
Soomaaliyeed oo xumaato ah loo geysto. Gaar ahaan dumarka iyo carruurta
oo ah xubinta ugu jilicsan ee dhibtu saameyso. Inkastoo xukuumadihii
dalka soomaray laftooda aaney kaalintii haweenka Soomaaliyeed bulshada
xaqireen hadana marakan maanta mid kaga liidata dumarka Soomaaliyeed
ma jirto. Xilliyaddii hore nabad iyo waxaa jiray amniga shaqeynayey
oo haddii dhib la geysto sharciga la tiigsanayey maaantase waxey
xaajadu noqotay ”Nin walbow taagtaa”.
Waxaa sidoo kale tacadiyo
iskugu jira dil, kufsi iyo boob loo geystay dumarka Soomaaliyeed
ee aan boolahoodu hubeysneyn, waxaa misna meel looga dhacay xaquuqdii
carruurta laheyd oo aan loo kala aabo yeelin (kuwaasoo in badan
oo iyaga kamid ah ay ahaaayeen gabdho yar yar). Falalkaasi dhacey
waxey ku tusineysaa in dalku joogaan wax magarato cawaan ah oo aan
laheyn caqli i kala go’a min shacab ilaa qab qable xukun doon
ah. Tusaale ahaan waxaan u soo qaaadan karnaa xarrigii sida ula
kaca ahaa loogu geysta Sam sam Axmed Ducaale oo aheyd gabar agoon
ah ee ay maamulka la magac baxday Somaliland ku xireen magaalada
Hareygeysa iyagoo ku eedeyey waxa ay ku sheegen ”Shirqool
ay maleegeysay” Dhibaatada gabadhaasi loo geystay waxey noqotay
mid waxyeelo u geystay jiritaanka nolosheeda. Sidaas daraadeed ayaaneyn
in dadku badankiisa waxey ogyihiin aan u sheego maanta. Dhacdada
sheekadan waxaad moodaa in maamulkaasi iska indho tiray dhaqankii
wanaagsana Soomaalida ee weligii xushmada iyo texgelinta haweenka
fari jiray. Waxaase wax lugu qoslo ah markey sheegen waxaan qiil
noqoney ee ah in ruux dumar ah maleegayo shirqool. Malaha waxey
is bar bar dhigeen dumarka Falastiin ee xaq u dirirka ah, kadib
markii gabar looyarad aheyd ay nafteeda hubeysay si ay leyso Yahuuda
dhulkooda heysato. Wuxuuse xarriga gabadhan ogoonta ah arrinkeedu
ahaa ”Baroorta orgiga kaweyn” xurguf siyaasadeed oo
u dhaxeysay maamuladda loogu yeero ”Land- Land-yadda lugu
xirriiriyey.
Dhanka koonfiurta ee
iskuma talisada lafteedu waxey reero Land Land, la wadagaan dhibaatada
loo geysto dumarka, haddii xarig loogu sinto ay ahaan laheyd mid
caqli gal ah, Balse waxey qolyahan ku kaceen waxaan weligeed lugu
kicin. Degmada Jowhar ee maamulka Maxamed Dheere, waxaa nin xaaskiisa
gacmaha kaga jiray faas, kadib markuu sheegtay iney gubtay guryo
coosh ka dhisnaa, wuxuu ninkan Alle ma kacabsadaha ah sameeyey waxaan
Alle iyo Diintiisuba raali ka aheyn, wuxuuna tiray xubnihii ugu
muhiimsanaa ee lixdeeda lixaad. Taasoo gabadhan aysan adduun iyo
Aakhiro ku cafineyn.
Gabdho kale
oo kamid ah kuwa aan reerahoodu hubeysneyn ayaa qaarkood korkooda
waxyeelo loogeystay waxaana ka xasuusana gabadhii ugu dambeysay
ee lagubay iyadoo lugu sheegtay lacag u dhiganto 25 dollar. Faay
Maxamuud gabar miskiin ah oo si naxariis darro ah korkeedii dab
iyo bansiin ugu gubtay haweeney aan Illahey ka baqan ee adduunyo
raac aheyd markey sheegatay iney ku laheyd lacag deyn ah. Hadaba
akhriste dhibka heysta haweenka Soomaaliyeed maahan kuwo halkan
lugu soo koobi karro, balse ay jiraan kuwo aan muuqan oo ah dhibanayaal
u baahan ga gaar deg ah kuna saleysan dowlad nabad iyo cadaalad.
Waxaan qoraalkeygan
ku soo koobaya in Soomaalidu ka waantoobaan xuska malintaasi sababaha
soo socda. Tan koowaad inta dhibaatada loo geysanayo dumarka Soomaaliyeed
aysan habooneyn iney maalintaasi weyneeyaan. Marba hadaaney wax
ka qaban karrin. Tan labaad inta dalku yahay dowlad li’, oo
aysan jirin cid aan Illaahey aheyn oo loo dacwoodo. Iyo in lala
dirriri karro kuwa ku tumanaya xaquuqda Haweenka. iy muwaadinka
Soomaaliyeed. Haddii inta aan soo sheegay ay bulshaddu y tahay diyaar
waxaan qabaa iney dumarka maalintooda xusi karaan, walow diiniyanba
wanaagsaneyn. Haddii kale bulshaddu iyadoo aheyd ismu taliso iyo
isma dhaanto iyo dhasheed, waxey ahaan doonaan kuwo lawaayo mustaqbalka
jiritaankooda.
February
/10/2005
Sacab
maxaa habeenkii loo tumaa hadaan wax ku jirin?
Waxaa qortay;
Ikraam Cali-kaar
Waa la filayey talaabadda ku dhisan kalitalisnimada ee u ku dhaqaaqay
Madaxweynaha dhaarta har cad ku maray inuu adeegayo dalka iyo dadka
Soomaaliyeed. Sidoo kale ma aheyn mid dadku ay sugayeen in Cabdulaahigii
maalintii loo caleemo saarayey ku kaftamay inuu isaga yahay ”
Kii Soomaaliya xabadda cuntay horseeday maantana uu noqon doona
kan ugu horeeya ee dhigaya” Hadaba haddii sida uu sheegay
odeygaasi xukun jeceykal u laayey masaakin aan wax galabsan, cadowgii
soo jireenka ahaana ummaddu u horseeday dalka, maxey tahay waxa
la oran karro nabagalyadiisa ayey halis ku tahay? Yey tahay cidda
isaga cadowga gaarka ku ah ee aanay la qabin dagaal oogeyaalka kale
ee wasaaraddaha beenta ah isaga aamusiyey?? Wel welka weyn ee Cabdulaahi
ka heysta Muqdisho ee aan Beydhabo uga imaneyn maxey tahay? Beydhabo
sow ma ahan meel u dhow dal cadow ah, islamarkaasina ayba joogaan
ciidamadda cadowgaasi?? Haddii Cabdulaahi ka baqayo cadow isaga
u gaar ah miyaaney duqu ogeyn iney meel kasta ku dili karraan? Jawaabtu
waa cadahaya umana baahna in siyaallo kala duwan qiil loogu hello.
Hadaba siddii diirneyd
ee wefdigii dowlada loogu soo dhaweeyey Muqdisho, waxey ahaayeen
kuwo cid walba ay ogeyd, dareenka dadkuna wuxuu ka tarumeyey rabitaanka
dowlad Soomaaaliyeed oo markale soo noolaata si qiimaha qofka soomaaligu
lahaa soo laabato lana helo dowrkii ay dowlada Soomaaliyeed ku laheyd
saxaadda siyaasaddeed ee caalamka. Maanta ciidamo shisheeye ay Itoobiya
hormuud ka tahay cidda dooneysa waa kuwo sida ay muuqato aan danaha
ummadda xanuun ku heyn oo ay tooda gaarka ah u muuqato.
Shalay waxaa magaalada
Muqdisho lugu dilay ruux aan dambi gelin dilkeedana aaney diintu
baneyn. Gabadhan weriyaha aheyd u dhalatay dalka Ingiriiska waxey
lamid tahay dhiiga shacaka Soomaaliyeed ee maalin walba sabab la’an
ku daadanaya. Sidoo kale dilalaka qorsheysan ee lugu filiyey qaar
kamid ah ciidamadii qalabka, iyadana waxey tahay kuwo ujeedo fog
laga lahaa qolo kastoo adeegsatana ay gaartay hadafkey laheyd.
Shacabku inkastoo ay
yihiin kuwa maanta halaaga jira qeyb ka ah oo durbaanada u tumay
kuwo aan qiimo laheyn oo xitaa qalinkaan wax ku qorayo aan u dhiibteen
ayaa hadana waxaan la dafirikarrin in badan oo iyaga kamid ah iney
doonayan nabad iyo dowlad, sidaas aawadeed maanta waxkasta waxey
dhaafsiinsan lahaayeen hadey helayan Nabadgalayo. Arrinkooduse ma
dhaafo ”Hadal aan ficil laheyn” malaha waxey ilowsan
yihiin ooraahdi carabiga aheyd ”Xarrako Xarrako Lahaa Baraka”.
Oo Haddey uun sameyn lahaayeen xooga dhaq dhaqaaq ah ay iska qaadi
lahaayeen heeryada dagaal oogeyaalka. Nasiib darrase waxaa la yiri
”Hal ninkii kicin lahaa seynta kaga taagan yahay makacdo baa
la yiraahdaa”
Go’aanka
adag ee Cabdulaahi Yuusuf ku doonay ciidamo Afrikan ah, meelkastana
ka sheegay inuu u baahan yahay ciidamo ka dhiga waxa uu ku sheegay
meleeshiyaadka hubeysan, taasi waxey caddeyneysaa in ujeedadu aaney
aheyn nabad lugu doonayo in Soomaaliya lugu soo dabaallo dadkan
is dilayna la iskugu keenayo. Madaxweynuhu wuxuu og yahay in sabankan
uusan dagaal shaqsi ahaaneed kala dhaxeyn kooxaha Muqdisho ee codkoodi
siiyey. Sababta uu ciidamo shisheeye ugu ordayana waa mid dadka
siyaasadda kala rog roga aaney ishaarikarin dabanida dhigsan.
Si kastaba arrintu
ahaatee haddii Cabdullaahi Yuusuf doonayo hormarka Soomaaliya waa
inuu geed dheer iyo mid gaabanba u korro, haddii kale waxaa muuqanaeysa
sida uu sheegtay inuu yahay nin ”Itoobiyaahan ah” ”
ayana qortay jariiradad laga leeyahay Itoobiya oo mar sii horeysay
wareysi uu siiyey” luguna soo daabacay shabakada Mudug Online.
Baadi doonkii madaxweynahu ugu jiray gaarista mansabka ugu sareeya
ee Soomaaliya, haddii higsaday weligiina uu sheegi jiray inuu kasoo
horjeedoo xukunkii Maxamed Siyaad Barre badalkeedi ma waxaa noqotay
inuu yiraahdo ”Soomaaliya argagaxiso baa joogta, iyo qadiyadiiSoomaliweyn
ee doonista dhulka maqan ku sheego OLD FASHION, ama sheeko baraleey.
Taasi waa ayaan darro tii ugu weyneyd u soo hoyata soomaalida guud
ahaanteed.
Su’aasha
furan waxey tahay haddii ay ummadda Soomaliyeed tiri “dooni
mayno ciidamo shiisheeye”, barlamaanku ma ummadda ayuu matalaa
mise danta madaxweyne laaluush ku hurgufahaya ayaay fulin doonan??
Waxey ila tahay baarlamaanku in maanta la kala barran doono hadduu
u adeego danaha ummadda amase u adeegada duqada GODEY looga arrimiyo.
Haddii kalase xaalka xillidhibaan ku sheegyada ay nooqonayaan “Damiir
qabayaalkii shalay ee codkooda kalsoonida siiyey prof: Geedi. Daneystinimo
aawgeedna markale cod aqlibiyad leh ku siiyey iyagoo arkayey qaladkey
shalay ku dhaliileen.
Gunaanadka qoraalkeyga
wuxuu yahay haddii Cabdullaahi Yuusuf iyo dowladiisa ay rajo ka
qabaan iney sii fadhiyaan 5-ta sanno ee soo socdaa waa iney ka dhii
dhiyaan waxkasta oo soomaalida maanta markale dagaal u horseedi
karra.
Waxaa Qortay: Ikraam
Cali-kaar
Ikraam_calikaar@hotmail.com
February
/02/2005
Xafladii
U hiilli Hobolkaaga Ee Gothenburg Sweden Oo Ay Carqaladeeyeen Koox
Wadaaddo Ah.
Waxaa qortay;
Ikraam Cali-kaar
Sawirka: Abdul Mukhtaar

Habib
sharabi
Habeenimadii
sabtida soo galay taariikhduna ku beegneyd 28.1.2005-ta waxa magaalada
Gothenburg ee dalka Sweden ka dhacday xaflad loogu magac darray
u hiili hobolkaaga oo hindisaheeda lahaa Abwaanka weyn ee Yuusuf
Maxamed Muumin (Yuusuf yare). Xafladan oo lugu taageerayey fanaankii
Cabdi Tahliil Warsamey oo ku xanuunsanaya dalka Isutaga Imaaradka
Carabta, ayaa fanaaniinta Soomaalida Sweden iyagoon u hakala harrin
kasoo qeybgaleen xafladaasi kuna soo ban dhigeen bandhig faneedyadoodii
looga bartay. Hase ahaatee siddii la doonayey xafladaasi uma dhicin
sababtuna waa iyadoo ay qaban qaabiyeyaashu ku sheegen wadaado carqaladeeyey,
ka hor intii aaney xafladu dhicin.

Tuni
Iyo Habiba Wanaag
Abaarihii 10-kii
fiidnimo ayaa meesha ay xafladu ka dhici laheyd oo ah xaafad ay
sida aadka ah Soomaalida u tago yimaadeen koox wadaado ah, waxaana
halkaasi hadalo kulul is weydaarsadeen qaar kamid ah qaban qaabiyeyaasha
xaflada oo arrintoodu qarka u saarneyd iney u yeeraan boolis aminiga
ilaalisha, kadib markii labada kooxoodba ay qoloba qolada kale eedeyneyso.

Tuni
Iyo Aamino Sindiko
Qaban qaabiyeyaasha
xaflada ayaa iyagu la sheegay iney wadaada ku yiraahdeen hadaad
meesha ka tegiweysaan waxaan u yeereynaa boolis oo aan leenahay
waa ”Argagaxiso” Halka wadaadaduna sheegen in iyaguna
haddii boolis yimaado oran doonan ”Meesha waxaa lugu iibinayaa
maandooriyeyaal”. Muddo gaaban kadib ayaa fanaaniintii reer
Stockholm oo hogaaminayey Yuusuf yare oo yimid goobta la hadlay
wadaadadii iyo dhalinyaradii oo qoorta iskula jira, waxaana ay aakhirkii
ku dhamaatay is afagarasho sida uu ii sheegay Yuusuf yare oo aan
goor dambe qadka taleefanka kula hadlay. Mar aan weydiiyey sida
ay isku afgarteen ayuu yiri ”Markaan arkay kooxdii wadaada
aheyd oo raxan raxan ah, ayaan ku iri marka hore hogaan aan la hadlo
oo addiinka idiin kamid ah ayaan rabaa sida ay Diintu Islaamkuba
qabto ileyn dhowr iyo qof lamawada hadli karee, kadibna waxaan la
hadlay hogaankoodi anah uma arkeyn imaatinkooda wax qalad ah bacdamaa
ay gudanayen waajibaad diini, marba haddii meel la iskugu yimaado
ay waajib tahay iney Alle ka cabsiga la is xasuusiyo is jiid jiid
dheer kadibna waa ay gareysteen wadaadi meshiina wey iskaga tageen”.

Somali
Hip Hop group
Dhinaca kale
ogaal la’aan jiray bulshada oo dhami aaney ogeyn iyo dhinaca
wargelinta oo aad u liidatay marka laga reebo in qoraal ogeysiis
ahaan loogu dhejiyey website-yada soomaalida ay iyadana aheyd sababta
labaad ee xafladaasi nuxurkii iyo ujeedadii loo sameeyeyba ka qaaday,
dad tiro ahaan kayar 50 ruux oo kasoo qeybgalay xafladdii habeenkaasiay
goob joog ahaayeen. Waxeyna tanin noqotay mid niyad jab ku riday
fanaaniintii safarka u soo gashay si ay u kaalmeeeyan walaalkooda
Cabdi Tahliil Warsame.

Dhalintii Ka soo qeybgashay Xaflada Qaar ka mid
ah.
Xafaladan (u
Hiili Hobolkaaga) ayaa qeybteeda labaad waxaa bishan dabayaaqadeeda
lugu qaban doonaa magaalada Stockholm oo ah caasimadda Sweden, waxaana
ay fanaaniintu rajeynayaan in dad badani ay kasoo qeyb geli doonaan,
maadama magaalada Stockhom ay ka shacbiyad badan tahay magaalada
Gothenburg oo iyaddu ay aaminsan yihiin bahda fanaaniinta Soomaaliyeed
magaaalo ”hoy u ah ragga wadaada ah”.
Fanaaniin badan
oo ay kamid yihiin Xassan Aadan Samatar, Maryan Mursal, Saacado
Cali Warsame,Hibo Maxamed (Hibo Nuura) iyo qaar kaloo badan ayaa
magaalada horey bandhig faneedyadooda luugu carqaladeeyey,waxaana
ay magaaladu noqotay mid aaney kooxaha fanaaninta ahi aysan ku soo
dhiiran ay ku ekaadan magaalada Stockholm iyo magaalooyinka kale
ee Kobahagen iyo Oslo.
Fanaaniin ay
kamid yihiin Hobol Yuusuf Muumin, Xabiib Sharaabi, C/kariin Tunni,
C/naasir Illeeye,Xabiibo Maxamuud Cabdi (Xabiibo Wanaag), Maxamed
Cumar, Deeq Ismaaciil Dheeg, kooxda Soomali Hip Hop, Aamina Faarax
Weheliye Sendiko oo iyadu sidey sheegtay ugu timid magaalada London
ee dalka Ingiriiska iyo qaar kale oo aan halkan magacyadooda lugu
soo wada xusi karrin ayaa habeenkaasi safka hore kaga jiray bandhig
faneedkii ay ugu talagaleen hobolkii Cabdi Tahliil iyagoo maamulkooduna
uu aad u habeynaa, waana markii ugu horeysay ee sabanadan dambe
la arko koox fanaaniin Soomaaliyeed oo tirro intaas la eg iyagoo
nidaamsan ay wada jir u sameeyen bandhigfaneed.
Ikraam Cali-kaar
ikraam@journalist.com
January
/29/2005
Xasuuqii
Auschwitz Oo Shalay Dunida Laga Xusay

Waxaa isku soo
duwday; Ikraam Cali-kaar
Shalay oo khamiis
ah waxaa dalka ku sugan madax ka tirsan Caalamka kuwaasoo xusaya
gumaadkii ba’naa ee lo geystay dadkii yahuuda ahaa ee Auschwitz
Hitler-kii Naaziga ahaa ku dilay. Madaxweynaha dalkaasi Polan oo
isagu ka hadlay xuska sanad guuradaasi ayaa sheegay in wixii ka
dhacay xerradii Auschitz ay ahaayeen gumaad ba’an iyo meel
ka dhac loo geystay bani’aadnimada, wuxuuna xusay in weli
caalamka ay kajirto waxyeelooyin badan oo lageysto Sidaas aawadeed
casharo lugu qaataa ay haboon tahay.
”Waxaan
u sheegayaa dunidda in tan oo kale aysan markale dhicin oo laga
hortago” ayuu yiri Jeneraal Antolij Sjaripo oo isagu ahaa
Jeneraal watay ciidamadii Ruushanka ahaa ee la oran jiray ”ciidanka
cas” ee iyagu xoreeyey goobtaasi. Wuxuuna hadalkaasi yiri
mar uu ka hadlayey teleefanka la is arko isagoo ku suganaa dalka
Mareykana. ”U Ogolow in Dadkeyga noolaadan” ayuu sii
daba dhigay hadalkiisi isagoo xamaasadeysan welina xasuustiisi ku
dambeyso wixii uu indhihiisa ku arkay maalintey ciidankii uu watay
galeen Auschwitz ee dalka Polan.
Askartii ka
qeyb qaadatay dagaalkii lugu xoreynayey Auschwitz iyo dadkii ka
badbaaday gumaadkaasi ayaa badi maanta da’doodu waxey kor
u dhaaftay 80 sanno waxaana urrur la soo abaabulay oo madax looga
dhigay ninka la yiraahdo Moshin Kontor ay soo buux dhaasheen goobtii
xuska socday iyagii si u qushuucsanaa qaarkoodna ay dhagahooda ka
yeereayeen dhawaaqii naxdinta lahaa ee sida naxariis darrada ah
Hitler u gumaaday.
Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Dick Cheney oo isagu
ka qeyb galay xuskaasi ayaa sheegay in gumaadkii Auschwitz uu ahaa
mid dhaawac u geystay wadnihii kacaanka dunida. ”Si aysan
arrintan oo kale u dhicin waa inaan waxkasta sameynaa” ayuu
yiri nin ku socoday kooxo Mareykanka matalayey oo halkaasi shalay
joogay.
”Waxaan
aynaan weli fahmin sababta iyo waxa dhaliyey in laga aamuso gumaadkii
Hitler qarnigii 20aad, Xullafaduna ay joojin gaaskii iyo dabkii
lugu laayey dadkii la gumaaday” ayuu yiri Madaxweynaha Israa’iil
Moshe katsav oo halkaasi ku sugnaa kana mid ahaa madaxda caalamka
ee lugu martiqaaday.
Vladamir Putin-ka
Ruusha oo isagana xuskaasi joogay ayaa walaac ka muujiyey sida maanta
caalamka ay ugu soo badanayaan naceybka loo hayo qowmiyadaha kala
duwan, waxaana u sheegay iney weji gabax ku tahay naceybka noocaas
ah in dalkaasi maanta ka jiro. ”Argagaxisada” ayuu yiri
waxaa ay maanta dunidan casriga ah isku badashay ama u xuubsiibatay
naceyb qatar ku ah ilbaxnimadda dunida, waxaana ku rajo weynahay
inaan badbaadin karrno xaddaaradeena hadaan ku mideysnaano ka hortaga
kooxaha halista ku ah hormarka iyo ilbaxnimada dunida ee cadowga
ah” Madax kala duwan oo caalamka ka tirsan ayaa iyagu sanad
guuradii 60 ee xasuuqii Auschwitz, ka qeyb qaatay, waxaana in badan
oo iyaga kamid ah ay muujiyeen sida dareenkoodu ahaa markii gumaadkii
ba’naa uu Hitler-kii Naasiga ahaa u geystay.
Maalintii wixii
ka dambeeyey dadka Yahuuda ah waxey heleen fursad ay kaga kaban
karaan dhaawicii loo geystay, waxaana hantiyeen dhamaan ilihii dhaqaale,
warfaafintii iyo siyaasadda caalamka waana mida maanta sahashay
in uu dhaco isku dhac xagga xadaarada ah oo ay guud ahaan Yahuudu
kaga aargudan karrto cidkasta oo jiritaankooda wax u yeeshay, hadey
ahaan laheyd mid diimeed iyo mid kaleba.
January
/27/2005
Cabdulaahi
Sheekh Ismaaciil: ”Waxaanu dooneynaa kaalmada Jaamacada Carabta
si hubka looga dhigo 20 kun oo hubeysan”
Waxaa tarjuntay;
Ikraam Cali-kaar
Wasiirka arrimaha
Dibadda ee Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa wareysi
dheer uu siiyey wargeyska Sharq-Alwsat ee kasoo baxa magaalada London
ku sheegay in xukuumaddiisu dooneyso sidii ay Jaamacada Carabtu
dowr muuqda ugu yeelan laheyd dib u dhiska dalka. Waxaana uu sheegay
iney jirto xirriiro lugu doonayo in dib loogu soo celiyo malafka
la xirriira arrimaha Soomaaliya, shirka Jaamacadda Carabtu ku yeelaneyso
magaalada Aljeris ee xarrunta dalkaasi Aljeeriya bisha maarso ee
fooda inugu soo heyso ka furmayo. Si loo hor dhigo suntuuqa dhaqaale
ee Soomaaliya carabtu ugu talagashay taasoo qiimuhiisu ugu horeysa
gaarayo qiyaastii lacag dhan 3 malyan oo doolarka Mareykanka ah.
Waxa kale oo
uu sheegay wasiirku in xukuumaddiisu ay meel eber ah wax kasoo bilaabeyso
si loo dhiso dhamaan adeegyadii bulshada iyo kaabayaashi dhaqaale
ee bur burka baaxadda lihi ku dhacay markii la riday xukuumaddii
Maxamed Siyaad Barre sanaddii 1991-kii. Taasina uu ku tilmaamay
mid aan sahlaneyn oo u baahan dhaqaale xoog leh. Dhanka kale isagoo
ka hadlaya ahmiyada ay leedahay ciidamo hub ka dhigis ku sameeya
20-ka kun ee meleeshiyaadka kooxaha u hubeysan ee uu sheegay ayuu
yiri ” Waxaanu dooneynaa in Jaamacadda Carabtu la shaqeyso
ciidamadda Afrikanta ah ama kuwa kale ee caalamiga ah, si xukuumadda
Geedi ay u suuragasho in dalka dib ugu laabato iyadoo amni jirro
markaasina ka howlgasho dalkeeda”.
”Annagu
markasta waanu soo dhaweynanaa joogitaanta ciidamo carbeed”
ayuu misna sii daba dhigay hadalkiisa isgoo muujinaya sida ay u
daneynayaan in jaamacadda Carabtu dowr muuqda ku yeelato dibu dhiska
guud ahaan Soomaaliyada dagaalada sokeeye jilaafteen.
Wasiirku waxaa kale oo u sheegay wargeyska in xukuumaddiisa dooneyso
taageerada Jaamacadda Carabta si dib loo soo celiyo ilihii dhaqaale
iyo nabadgalyadii luntay,tanina wuxuu xusay iney jirto xirriir labada
dhinac u dhaxeeya oo wadashaqeyn iyo wadahadal toos ah si Soomaaliya
u hesho kaalmo caalami ah xilliga adag ee kala guurka. Jaamacada
Carabtu dalalka ku jira waa kuwa si deg deg ah guulaha ugu dabaaldaga
wixii lasoo hordhigana aqbala balse aan waxba qaban” ayuu
yiri wasiirku oo si u muujinayey balanqaadyada beenta ah ee carabta
waxna aan kasoo naas cadaan. Waxaana hadalka uu sii daba dhigay
iney wadayaan cadaadiska ay saarayaan kooxaha carabta si ay meel
u mariyaan waajibaadka kasaaran arrimaha Soomaaliya.
Kulaabashada
dalka ee xukuumadiisa ayuu wasiirku xusay ineysan sahlananeyn oo
wasiiraddu aaney qaarkood ka iman Paris iyo Roma waa sida uu hadalka
u dhigay, balse waxa uu sheegay in go’aanka waqtiga lugu laabanayo
dalka ay u taalo xukuumada. Waxaase wuxuu wax kama jiraan ku tilmaamay
wararka sheegaya in dalalka Itoobiya iyo Kenya ay farogelin ku heyaan
arrimaha Soomaalida.
”Dadka
sheegaya wararka aan salka iyo raadka leyn waa kuwo aan muqlis aheyn
oo doonaya iney ”Caddaawad” ka dhex abuuran Carabta
iyo Itoobiya” ayuu yiri isagoo gebi ahaanba dafiray sida tooska
ah ay Itoobiya faraha kula jirto siyaasada soomaalida wuxuuna hoosta
ka xariiqay in dhismaha Baaralamaanka iyo dowladda dibad joogta
ah ku timid wax uu ku tilmaamay rabitaanka shacabka. Islamarkaasina
ay doonayaan in deris wanaag dhexmaro dhamaan dalalka deriska ah.
Isha warka: Wargeyska
Sharq- Alwsat
January
/16/2005

Wiilka
uu dhalay Amiirka Ingiriiska oo fadeexo
midabtakoor ah hareysay
[Wargeyska The Sun: "Hitler youth”]
Midabtakoor
iyo faquuqa loo geysto qowmiyado ku nool dunidan daafaheeda ma ahan
wax hada ku cusub ee waxey aheyd mid waligeed soo taagneyd tan iyo
seman aad u fog. Waxaase intaas u dheer dagaal diimeed iyo mid xadaaradeed
oo ilaa imankadan dhibteeda lala ciirayo. Sida aanu ogsoonahayna
mustamacradii Ingiriiska waxey maalin maalmaha kamid ah aheyd awoodihii
ugu waa weynaa gumeystayaalkii boobka iyo kala qeybinta darran u
geystay caalamka aakhirkiina keenay iney maanta weyso qeyb kamid
ah awoodii ay laheyd.
Hadaanba iyada
loo talin.Hadaba wiilka uu dhalay amiirka dhaxalka leh ee dalkaasi
Ingiriiska Amiir Harry iyo guud ahaan qoyskaasi reer Boqor ayaa
hareeysay fadeexo la xirriirta midab faquuq ah, kadib markii Amiirkaasi
Harry la yiraadho uu soo xirtay dhar Unifoom ah oo gacanta bidix
kaga sawiran tahay astaantii lugu yaqiinay Naasiyiinta Jarmalka
ee gumaadka weyn ugeystay dadkii Yahuuda ahaa ku noolaa Yurubta
bari waqtiyadii u dhaxeysay dagaaladii koowaad iyo labaad ee dunida.
Amiirkan oo
ka qeybgalay xaflad ay koox ugu maamuusayey mustacmirada dalkaasi
waa sida wargeyska qoraye ayaa Amiirkan yari oo gacanta koob qamri
ah ku heysto soo xirtay calaamadii astaanka u aheyd kooxihii faquuqa
caanka ku ahaa ee Hitler.
Dhacdadan ayaa
waxa ay durba luxay dareenka Yahuuda ah ee dalkaasi ku nool Waxaana
ay sheegen in falkani yahay mid dib u xasuusinaya dhaawacii loo
geystay yahuudii ka badbaaday gumaadkii Hitler."Ma ahan mid
dha dhan leh" ayuu yiri ninka la yiraahdo Lord Janner oo ah
siyaasi katirsan xisbiga Labour isagoo u waramayey isla wargeyska
dhacdadan soo bandhigay. Ninka kale oo isna kamid ah jaaliyada yahuuda
dalkaasi oo dareenkiisa ku aadan arritan ayaa sheegay ineysan aheyn
wax talaabo noocaas ah oo kaftan geli kara, waxaana uu yiri "
Auschwitz" oo keliya ayaa ku dhimatay halmalyan oo Yahuud ah.Dhowrka
toddobaad ee fooda nugu soo haya waxaa lugu wadaa iney dunidu xusto
60 sanno guuradii kasoo wareegtay markii Naasigii Hitler iyo askartiisi
laga xoreeyey Auschwitz.Khabiiryahan la yiraahdo Dick Arbiter oo
isagu ku xeel dheer arimaha qoyska reer Boqor ayaa sawiradii wargeyska
The Sun ku tilmaamay "Musiibo" .
Dhinaca kale
siyaasin badan oo dalkaasi ayaa waxey qabaan in si deg deg ah loo
joojiyo howlaha meleteri ee wiilkan wado.. "Askartii kasoo
qeyb qaadatay dagaalkii 2aad ee dunnida si qalbi jab ah ayey ugu
xumaadeen filkii Amiir Harry. Waayo askartaasi dalkooda ayey u dagaalameen
qaar badan oo iyaga kamid ah ayaa saaxiibayaalkood ku waayey sida
ay qaar kale oo tobanaan kun ah ay u waayeen ehelkooda iyagoo la
dagaalamayey Naasiyiintii Jarmalka" ayuu yiri Mr Arbiter oo
u warameyey telefeyshinka SKY News.
Goor dambe ayaa
Amiir Harry waxaa bixiyey raaligeyn isagoo sheegay iney aheyd dhar
qaladan uu qaatay waa sida uu hadalka u dhigaye. Dhanka kale ma
ahan markii ugu horeysay ee Amiirkani uu cinwaanada waaweyn ee wargeysyada
kamuuqto mar sii horeysay ayuu waxyeelo u geystay sawir qaade wargeys
kaasoo uu kula kulmay goob lugu caweeyo.
Wargeyska The
Sun oo arrintan soo shaac bixiyey ayaa maanta cadadkiisi soo baxay
waxa uu xusay in Amiir Harry keliya uu soo xiran astaantii Naasiga
balse walaalkiis kale ee William uu isna qarsaday madaxa isagoo
xirnaa dharkii Naasiga.
Isku sooo wada
duuboo ma ahan markii ugu horeysay ee fadeexooyin nooca ay tahay
hareyso qoyska reer Boqor ee dalkaasi, balse tani waa midii ugu
yaabka badneyd ee soo wajahda taariikhdana baal dahab ah ka gashay.
Waxaa isku soo
duwday; Ikraam Cali-kaar
I kraam2journalist.com

”Maradoona
iyo Muuqaalkiisa maanta!”
Waxaa qortay;
Ikraam Cali-kaar
Xiddigii kubada
cagta ee Diego Maradona, waxa uu kamid ahaa raggii ugu magacaga
dheer ee soo mara taariikhda ciyaaraha kubada cagta inta la xasuusan
yahay. Lama soo koobi karro muuqaalkiisi guud waqtiga uu ahaa nin
lugtiisa laga dambeeyo.
Waayaha iyo
waqtiga sida aad doonta marna kuuma soo maraane ee waxaad kala kulantaa
wareer iyo wanaag midba sida ay kuu soo wajahdo.Maantase muxuu ku
sugan yahay ciyaaryahankaasi beri qiimo lahaa?
Diego Maradona
oo waqtiyadii dambe u batay dhinaca balwada iyo isticmaalka maandooriyaha
ayaa la ildaran cuduro muddadii 17-ka sanno aheyd uu hoy u ahaa
maandooriyaha Kookaayiinta. Maradona oo mar ahaan jiray wadnihii
Argentin ayaa maanta si kedis waxaa soo qabatay indhaha kaamiradaha
caalamka.
Wakaalada wararka
ee AP oo arrintan qortay mid lugu tilmaami karro filanwaa ayaa sawirkii
ugu ee ay soo gudbiso wuxuu ahaa mid muujinaya sida uu miisaanka
jirka u kordhay kadib markii uu gaaray 120 kilo, taasoo ah mid dadkii
lasoo shaqeeyey iyo guud ahaan bulshada ciyaaraha ku abuurtay mutacajab.
Sidoo kale guud
ahaan xaaladiisa caafimaad oo aad u liidata ayaa waxaa la sheegay
in 38% oo kiliya uu jirkiisa xamili karro cudur kasta oo soo wajaha
noloshiisana qatar ku ah kusugan yahay.
Maradona ayaa
markii ugu dambeysay waxaa ka qeybgalay ciyaar lugu qabtay magaalada
Munche ee dalka Jarmalka, wixii ka dambeeyey waqtigaasina hadba
waxaa lugu daweynayey xarumo caafimaad oo kala duwan oo ay kamid
tahay cisbital ku yaala dalka Kuba. Muuqaalkiisi ugu dambeeyeyna
waxa uu tilmaamaya inaanu guud ahaan caafimaadsu caadi aheyn isagoo
gaaray gacmaha laga qabto.
Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
|