|
Kooxda
Al Hijrra oo hantiday koobkii Marxuum Jimcaalle Xaayow

Bashiir
Goobe oo Bilad La gudoonsiinaya
(Sawirka
waxaa qaaday Ikraam Ali Kaar)
Xalay waxaa si
rasmi ah uga soo gabagaboobay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden
tartankii ciyaaraha kubada cagta ee loogu maamuusay marxuum Jimcaalle
Maxamed Xaayow oo isagaa ahaa ciyaaryahan Illaahey ha u naxariistee
kulahaa magac bulshadda Soomaaliyeed guud ahaan .
Dhinaca kale
waxaa xafladaasi goob joogeyaal ka ahaa marti sharaf badan oo magac
iyo maamuus ku leh ciyaaraha soomaaliyeed waxaa kamid ahaa Nuur
Xuseen Jeenyo oo fursad u helay inuu kawarbixiyo marxaladahii kala
dueanaa ee uu soo maray sport-tiga Soomaaliyeed . Sidoo kale gudoomiayaha
cusub ee xirriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac
(Bashiir Goobe) iyo Macalin Duraan gudoomiye kuxigeenka Olombikada
Soomaaliyeed iyo mas'uulinta ka tirsan gudiga EuroSom ee Sweden
iyo Filand, waxaana halkaasi dhalintii tartankan ka qeyb gashay
loogu soo jediyey guubaabo iyo dhiiragelin kuwajahan sidey dalkooda,
diintooda iyo dhaqankooda uga tegi laheyn una hormarin lahaayeen
ciyaaraha Soomaaliyeed uu Bashiir Goobe sheegay iney tahay tan keliya
ee waqtigan adag Soomaaliya ka shaqeysay iyadoo aan laheyn qabiil
iwm.Taasina uu ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay ciyaaraha
Soomaalida.
Tartankan oo
ay ku loolameeyen dhalinyaro ka kala timid dalalka Sweden, Ingiriiska,
Filand iyo Holland, ayaa ciyaartii kama dambeysta aheyd waxaa iskugu
soo baxay kooxaha Al Hijra ee dalka Ingiriiska iyo xiddigaha kooxda
Gothenburg- Sweden. Inkastoo ciyaartii labadasi kooxood dhexmartay
ay aheyd mid aad u xiiso badan oo dadweynihii u soo daawasho tagay
maqsuudisay labada kooxoodna ay ciyaar aad u farsamo sareyso soo
bandhigeen hadana waxey guusha raacday kooxda Al Hijra kaga badisay
2-1 kooxda Gothenburg. Gudoomiye Bashiir ayaa intii qudbada xamaasadda
leh jeedinayey wuxuu sheegay inuu u istaagayo siddii sport-tiga
soomaaliyeed guud ahaan hormar loo gaarsiin lahaa meelkasta iyo
albaabkasta garaaci doono. Balse wuxuu xusay inuu keligiis yahay
haddaaney ummadda ku garab gelin aanu sameyn karrin hormar badan
oo xagga sport-tiga ah.
Markey xaflada
dhamaatay ayaan wareysi gaar ah oo aan la yeeshay Bashiir Goobe
ii sheegay inuu talaabooyinka looga fadhiyo ee uu qaadayo ay kamid
yihiin siddii dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha ka cayaara iyo
kuwa wadanka gudihiisa ku sugan ay u wada ciyaari lahaayeen mustaqbalkana
u rajeynayo in dhalinta dibada ay kaalin weyn ku yeelan doonaan
siddii ay uga qeyb gelihaayeen ciyaaraha caalamiga ah ee magaca
Soomaaliyeed loogu ciyaari doono.
Gunaanadkii
xafladaasi ayaa ku dhamaaday iyadoo dhalinyaraddii halkaasi ugu
timid ka muuqdeen wejiyadooda farxad aan lasoo koobi karrin, waxaana
barnaamijka lugu soo qatimay heestii astaanka calanka Soomaaliyeed
ee "Soomaaliyeey Toosooy Isku Tiirsada" oo ay si wada
jir ah u qaadeen intii xafladaasi kasoo qeyb gashay.
Gudoomiye Bashiir
iyo wefdigiisi cuslaa waxey socdaallo kala duwan ku kala bixin doonaan
qaaradan Yurub oo ay wadahalo la yeelan doonaan urruradda sport-tiga
soomaalida iyo madaxda dalalka martiqaadka u fidisay, kadibna waxey
ku laaban doonan dalka Hooyo haddii Alla idmo sidda uu Bashiir wareysigiisa
iigu sheegay.
Ugu dambeytii
Maamuladda Idaacadda Radio Somaliweyn, Somaliroots.com, Amiin Arts,
HobyoNet.com iyo CeelbuurNet.com iyo weriyeyaashooda meelkastey
joogaan waxey hambalyo iyo bogaadin u dirayaan mudane Bashiir Maxamed
Jaamac (Bashiir Goobe) oo isaga Urrurka Xirriirka Kubadda Cagta
qaaradda Afrika CAF u aqoonsaday gudoomiyaha rasmiga ah ee xirriirka
kubadda Cagta Soomaaliyeed kadib markii uu ku guuleystay doorashadii
jagadaasi ee dhawaan lugu qabtay magaaladda Muqdisho.

Bashiir
Goobe oo Gudoomay Bilad
(Sawirka
waxaa qaaday Ikraam Ali Kaar)
Mudane Bashiir
waxaan leenahay "Nin Xil Qaad Eed Qaad" Mus'uuliyad culus
iyo howl adag baa ku sugeysa waxaana lagaa doonayaa inaad dhexda
marada u xirato siddii markale fagaareyaasha caalamka magacii iyo
calankii Soomaaliyeed looga arki lahaa weliba dhalinyaro mustaqbalka
ciyaaraha magac weyn ku yeesha insha Allaah.
Halkan ka eeg
qoraalkii CAF ee ay ku aqoonsadeen Gudoomiye Bashiir gudoomiyaha
xirriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.
http://www.cafonline.com/other_news.php?id=13
Waxaa isku duwaday;
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg,
Sweden
ikraam@journalist.com
March
/24/2005
Ciyaaraha
Gothenburg iyo Maanta
Waxaa diyaarisay: Ikraam Cali-kaar
Koobkii marxuum Jimcaalle Xaayow wejigiisi gebo gebada ah kuji
ra ayaa garoonka Angereds Sport Hall ee magaaladda Gothenburg ee
ciyarahani kaso socdaan waxaa isku arkay afar kooxood oo halkasi
wacdaro ka muujiyey. Waxaa ciyaarta hore is arkay kooxaha Gothenburg
1 iyo Holand, waxeyna ciyaarta ku dhamaatay 3- 2 oo ay guusha ku
raacday kooxdii Gothenburg 1. Sidoo kale waxaa shalay wada ciyaaray
kooxaha Ingiriiska ee Al Hijra iyo Filand. Halkaasoo runtuu ciyaar
aad u qurux badan ay soo bandhigeen dhalintii Kooxda Kanava Filand
oo is fahan iyo xirfad aad u sareysa la soo galay garoonka. Kooxda
Kanava waxey dambiisha goolal badan ugu shubtay kooxdii Ingiriska
oo ay ku suul daareen 5-2. Dhanka kale waxaa shalay iyadana wada
ciyaaray lobo kooxood oo reer Gothenburg ah kuwaasoo loo kala baxshay
Gothenburg1 iyo Gothenburg 2. Gothenburg oo ka dhex muuqtay xiddigii
kooxda Elman ee C/Laahi yariisow ayaa gool qurux badan ku hubsaday
shabaha kooxda kale ee dhigooda ah oo gool haye ka ahaa isna xiddigii
kooxda Madbacada Qaranka C/raxiin Faagte, waxaa sidoo kale isna
kamid ahaa ciyaartoydii Gothenburg 2 laackibkii kooxda Madbacada
Qaranka ee Macow.
Guud ahaan markey dhamaadeen ciyaarihii shalay, ayey dhamaan kooxihii
tartankan ka qeybgalayey waxey kormeer ku tageen xarrunta dhalinyarada
Yurubiyaanka ah (Europian Young Center) oo ku kormeerkaas ku martiqaaday.
Iyagoo halkaasi ka dhageystay qudbad isku jirta soo bandhigda ururka
iyo howlaha uu qabto. Maanta ayaa lasoo ga gabaneynaa ciyaarahan
oo muddo 3 cisho ah ka socday magaalada Gothenbyrg. Maalinta berito
ahna haddii Alla idmo waxaa la qaban doonaa xaflad lugu soo gunaanadayo
ciyaarahan oo ay goob jooge ka ahaan doonan Bashiir Maxamed Jaamac
(Bashiir Goobe) Gudoomiyaha Xirriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed
ee dhawaantan la doortay iyo Macalin Duraan oo isaguna ah G /Ku
xigeenka Olombikada Soomaaliyeed.
March
/23/2005
Ciyaaraha
Iyo Magaalada Gothenburg
Koobkii marxuum
Jimcaalle Xaayow oo maalintii shalay aheyd si rasmi ah iga bilowday
magaalada Gothenburg ayaa waxaa ciyaar xiiso leh dhexmatay kooxaha
Gothenburg 1 iyo Filand, halkaasoo guusha ay ku raacday kooxdii
Kanava ee Filand.
Waxaa sidoo
kale ciyaaray kooxaha Holland iyo Al Hijra ee dalka Ingriiska halkaasoo
afar gool kooxdii Holand dhabarka loo saaray sidaasna ay guusha
ku raacday kooxda Al Higra oo iyadu ciyaar wanaag lasoo gashay garoonka
dadan ee Angered ee ciyaartani si habsami leh uga socdeen.
Dhinaca kale
waa iyana ciyaaray kooxaha Gothenburg 2 iyo koox ku ciyaareysay
magaca Filand waxaana ciyaartasi ku dhamaatay 3-2 ay ku badiyeen
kooxdii Gothenburg 2 oo iyadu gurigeedii lugu ciyaarayey. Maanta
ayaa sidoo kale waxaa lugu wadaa in markale kooxihii shay iswada
arkay ay ciyaar kale iskaga horyimaadan.
Dib ayaan idiin kaga soo sheegi doona natiijada ciyaartan haddii
Alla idmo
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
March
/22/2005
Magaaladda
Gothenburg ee caasimadda labaad ee dalkan Sweden waxaa maanta furmaya
tartanka kubada cagta qaboobaha ee loogu maamuusay Marxuum Jimcaalle
Xaayow.
Waxaa diyaarisay: Ikraam Cali-kaar
Magaaladda Gothenburg ee caasimadda labaad ee dalkan Sweden waxaa
maanta furmaya tartanka kubada cagta qaboobaha ee loogu maamuusay
Marxuum Jimcaalle Xaayow. Kaasoo socon toona muddo saddex maalmood
ah. Tartankan oo ay soo qabab qaabiyeen Gudiga ciyaaraha soomaalida
Yurub ee Euro Som, ayaa sida uu ii sheegay gudoomiyaheeda Maxamed
Diini ujeeda ay tahay iney ku maamuusaan ciyaaryahankii Qaranka
ee geeriyooday si dhalinta yarada soomaaliyeed ay ixtiraam xitaa
ugu hayaan macalimintii iyo dhalintii.
Ciyaarahan ayey
isku arki doonaan dhalinyarada ka kala socota dalalka Ingiriiska,
Filand, Holand iyo kooxda Gothenburg oo martigelineysa tartankan
muddo gaaban soconaya ayaa filayaa in isaraga ugu horeeyea ciyaartan
maanta dhacdo. Dhalinyaradan soomaaliyeed ayaa inta joogaan magaalada
waxey ka qeyb geli doonan doodo iyo wark shop-yo loo sameeyey, waxaana
ay maalintii shalay aheyd booqasho ku kasoo kala bixiyeen qeybaha
kuwan ee gobolka Gothenburg.Iyagoo ugu horeyn boooqasho ku tagay
xarrunta shaqada ee gobolka iyo lamaaha warbashada ee Gobolka.Maalinta
arbacadana waxey sidoo kale kooxahu ay soo kormeerayaan Xarrunta
Boooliska Gobolka iyo Urrurka ay hoos tagaan dhamaan shaqaalaha
dalkan ee SIKO..
Maalinta khamiista
haddii Eebo idmo waxaa lugu wadaa in tartankan uu kasoo qeybgalo
gudoomiyaha kubada cagta ee dhawaantan loo doortay Bashiir Maxamed
Jaamac ”Bashiir Goobe” iyo Macalin Duraan oo isagana
ah gudoomiye ku xigeenta Olombikada Soomaaliyeed. Ciyaarahan oo
gebi ahaanba kooxaha ku loomaya ay is wada arkayaan, ayaa maanta
kooxaha iskaga horiman doonta garoonka Angered ay yihiin Gothenburg,
iyo Kanava Filand, waxaana ciyaarta labaad ee tartankan ciyaari
doona isla maanra gelinka dambe kooxaha Al Hijra ee Ingiriiska iyo
Holand.
Natiijada ciyaarahan
iyo guud ahaan cidda ku guuleysata koobkanba waan idiin soo gudbin
doonaa haddii Alla idmo.
Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
|