Miyaan
dooqa keligeey laheyn?
Maxaa
yeelay caawa waa habeen ay soo galeyso sabti ah oo aaney jirin berito
wax iskuul iyo shaqo toona sidaas daraadeed ay jecel yihiin iney
aadaan sadexdooda shineemo si filin xiiso leh oo ay ku balansanaayeen
u fiirsadaan. Hase ahaatee Amran waxey kaga cudur daartay saaxibayaalkeed
ineysan suuragal aheyn iney u raado caawa shineemada cadaadis xagga
waalidka ah oo kaga furan guriga, sidaas awadeed ay markale ka dhigan
karaan haddiise ay ku adkeysanayaan saaxiibayaalkeed ay raaceyso.
Caasho
iyo Sucaad oo ka yaaban hadalka wel welka ka muuqdo ee Amran ku
hadleyso, ayaa jecleystay iney bal wax uga sheegto waxa soo cusboonaday
ee keenay in Amran dareento cabsi xagga waalidka ah.
Amran iyadoon jecleysan in arimahaas wax laga weydiiyo ayaa uga
sheekeysay saaxiibayaalkeed in muranka iyada iyo hooyadeed salka
ku heyso arrin la xirriirta guur aysan dooneyn oo lagala hadlay
marar badan, islamarkaasina uu jirro wiil abtigeed dhalay oo lala
damacsan in lugu darro, islaantuna ay balan qaaday in Amran markey
dhameyso wax barashada u guurineyso.
Amran
waa gabar ku soo kortay nolol dabacsan oo aan laheyn dhibaato iyo
buuq, inkastoo Amran aabaheed uu geeriyooday mar aan sidaas u dheereyn
hadana waagoodii hore ma aysan aheyn qoys sabool ah oo odey Yuusef
kahor intii aaney tii Alle u iman waxuu ahaa nin qoyskiisa u huray
noloshiisa barkeed siddii carruurtiisa ugu bar baarin lahaa wadada
wanaagsan. Balse qof walbaa daruufta dalka ka jirtay iyo dagaaladii
sokeeye, waxey ku yeelatay saameyn xoogan oo kaliftay in qoysas
badan ay ka soo bara kacaan dalkii hooyo. Qoyska Xaaji Yuusuf-na
uu kamid noqday qoysaskaas faraha badan ee ku sugan reer galbeedka.
Markii qurbaha la yimid qoyska reer Xaaji Yuusuf waxey iska dhiciyeen
nolosha iyo dhaqanka adag ee taala qurbaha, taasina waxey keentay
in carruurtiisii ay durba la jaanqaadaan dhaqamada ay martida u
yihiin ugu danbeyntiina carruurtiisa waxey noqdeen kuwo isdabara
oo aan ku tiirsaneyn taageerada dhaqaale ee qaxootiga la siiyo iyagoo
aan dhaqankoodii iyo diintooddii ka tegin. Taasoo si weyn uga farxisay
xaajiga in carruurtiisa ay maanta maamulayaan reerka oo ay buuxiyeen
kaalintiisi marba hadduu noqday nin howl gab.
Intii Amran aabaheed noolaa waxey aheyd gabar leh awood sidey doonto
ku maamusha nolosheeda iyo cida ay la wadaageyso, nasiib darrose
markii Xaajigu dhintay waxaa meesha ka baxay qiimeyntii ay laheyd
ee ay ka filaneysay hooyadeed iyo walaalaheeda kale. Sidaas daraadeed
geeridii ku timid aabaheed waxey ku noqotay jug xoog leh iyadoo
dareentay in garabkeedii banaanaaday oo aysan jirin cid u garaabeysa
ama taagereysa kolka ay la soo gudboonaato dhibaato gaar ahaaneed.
Waxaaba xaajigu ahaa saaxiibkeeda koowaad oo ay ku kalsooneyd una
sheegan jirtay wixii ku saabsan mustaqbalkeeda, halkii arrintaasi
laga filanayey in Amran hooyadeed ay dhabarka u ridato.
Muddo
haatan laga joogto sanad mar ay Amran ay dalka Ingriiska dalxiis
ku tagtay waxey isku soo barteen wiil dhalinyaro ah oo ay habeen
ku kulmeen meel xaflad aroos ah. Wixii habeenkaas ka danbeeyey Amran
iyo wiilka ay isbarateen waxaa dhexmaray xirriir lugu jaan gooyey
jaceyl dhab ah oo runta iyo kalsoonida looga dhigay astaan. Barashadooduna
waxey muddadaasi sanadka ah ku socotay xowli iyo xiiso kalgaceyl
oo midba kan kale dhankiisa u dhiibayey. Nasiib darrose Amran wiilka
ay calmatay waxaa gidaar ahaan hortaagan wiilka abtigeed la dhalay
ee islaanta hooyadeed ahi la dooneyso. Rajadii ay ka qabtay inuu
taabo gallo xirriirkan curdanka ah waxaa ku gadaaman mugdi iyo cabsi
sii yareyey iftiin u soo bidhaamayey.
Amran markii ay kasoo tagtay saaxiibayaalkeedii ay iskuulka ugu
tagtay waxey ku soo laabatay gurigeedii oo ay ogtahay ineysan kala
kulmeyn naxariis haba yaraatee inta uu jirro isfahanwaaga u dhaxeeya
iyada iyo hooyadeed.
Sidey u sii uu socotay ayey qolkeedii abaartay iyadoon cidna juuq
u dhihin, dharkii inteysan iska bixin Maxamuud oo curudka reerka
maanta oo dhan ku sugayey guriga ayaa qolka ugu soo galay isagoo
iska dhigaya nin raba in deganaan wax ugu sheego walaashiis si bal
ay hadalka isku fahmaan iyada iyo hooyadeed oo labadan beri kala
aragti foggaa.
Waxaana dhexmartay doodan aadka u dheer oo ugu danbeyntii keentay
in walaalkeed markii ugu horeysay u gacan qaado.
Ma
sidan ayad jeclaatay inaadan wax maqal oo xitaa hooyadii ku dhashay
oo wanaagaaga jecel diido warkeed?
-Maxey tahay waxa aan hooyadeey ka diiday hadaan diido warkeeda
yaan war kayeelaya ma adiga mise cid kale, seed ii fahay adiga?
Mase is weydiisay waxa meesha yaala, kahor inta uusan aabe dhiman
ma jirtay buuqan oo kale waa maya.
Hadaba aniga walaalkeey baa tahay inaan warkaaga maqlo waajib ayey
igu tahay, laakinse aboowe yaanan la igu qasbin waxaan dooneyn.
-Oo maxey tahay waxaadan dooneyn ee luguugu qasbayo ? ayuu yiri
isagoo is moodsiinaya waxa meesha yaal.
-Is moogeysiiska intaad iga dhaafto waxaan ku leeyahay haddey kun
kufriso kuna muslinto marna ninkaas ma guursanayo hadaad adiinka
jeceshihiin inaan anigoo weli tacliinteyda dhameysan guursado waxaan
idiin leeyahay idiin kama yeelayo.
-Naa I dhageyso horta guurku ceeb maahan oo ma taallo waxaad waqtigan
xaadrika ah u tiraahdo guur marabo gabar qaan gaar ah baad tahay
labaatankii afar sanno baa kuu dheer, seed wax ku wadaa ?. Mana
jirto nin ka fiican Cabbaas oo aad guursan laheyd, mise waxaad dooneysa
dhuq dhuqeys iyo inaad wiilasha ciyaal suuqiinta ah gidaarada la
istaagto? Tacliintan aad sheegeyso adigoo guri leh ayaad dhameysan
kartaa marka ma jiraan waxaad culeys saarto ee gabar yahay jooji
waxaad waddo haddii kale --------!.
-Haddii kale hee….!??, waxaad doonto dheh aniga shaqo kuma
lihi, laakinse waxaan kuu sheegayaa inaan guursaneyn nin aanan dabeecadiisa
baran oo aanan isku fahmin wax badan sidaas darteed raali baad iga
ahaaneysaan.
Markey
intaas tiri ayuu dhirbaaxo iskula jiiday Maxamuud iyadoo oo aan
marna ka filaneyn gacan walaalkeed, weyse u toog heysay in haddii
muranku bato uu gacanta ka hadlayo waayo waa nin ay aqoon leedahay
oo waxkasta ka suuroobaan. Sidiisa kalena waa nin ku fikrad ah hooyadiis
oo ma jecla in gabar.
Waqtiga ku dhumiso waxaan qiimo laheyn jaceyl jaceyl iyo afaarahaasna
adigeyba xiiso kugu hayaan.
-I dhageyso ooyi laheydaa ama farxi laheydaa Cabbaas nimaan aheyn
reerkan lagama ogola texgelina kuma laha. Sidaas daraadeed waxaan
kaaga digayaa inaadan been u sheegin ragga oo aadan ku dhihin waxaan
ahay madax banaan.
Amran
tallo ku ciirtay waxey ogaaday in reerka dhan ay habarta majaraha
u heyso oo wiilasha xitaa dharka reer magaalka ah xirran ay ku socdaan
amarka islaanta.,ra’yigoodana ku socon karrin midey islaanta
u keento maahe. Xitaa qof dhahaya kuma jirro “hooyo waxan
baad ku qaladan tahay hadeysan gabdha rabin ninkan aad kadaba wadaa
ka daa!”.
Lasoco
cadadka danbe insha Allaah……………….!
Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
|